Ciidammada RRU-da

Ciidammada RRU waa ciidammo si gaar ah u carbisan oo ku soo biiray xooggaga ciidammada kala geddisan ee ka alkuman geyiga Soomaalilaan sannadkii labaad ee xukuumadda Axmed-Siilaanyo ay talada waddanka haysay, xilligaas oo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa Muxammad Nuur Carraale (Duur). Ciidankan sida aynnu magaciisaba ka arkaynno waa ciidan …

Sii akhri

Dawladnimadu Waa Dogob la Wada Sido

“Haddaan weynay waaligu inuu ina walaaleeyo, Oo waa ku leenee sidii weled inoo dhawro, Miyaan weyney weeyada cid kale ula wareegeeda?” Yuusuf Sharmaarke (Shan-ku-Kibir)   Qarni ka hor intii aan gumeystuhu maamullada ka samaysan dhulka Soomaalida, dadku waxa uu ahaa qabaa’il xeer ku wada nool. Labo qabiil oo walba waxaa …

Sii akhri

Baraarug

Cumaroow haldoor buuxa iyo baarri baad tahaye, Baydariga aan waaban iyo buunibaad tahaye, Nin Banaadir joogaan ihiyo xeebihii bariye, Bulshadiyo dadkaygii hadduu Mawle kugu beego, Inta aad bariidiyo salaan bilicsan gaadhsiiso, Baydkaan ku sii faro u gee waan balamaynaaye,   Taariikhda baal qudha haddaan baro ka soo qaato, Boqolaal sanoo …

Sii akhri

Baaq

Nageeyoow abwaan buuxa oo loo bogaad tahaye Barakaale boqoliyo haldoor beel hagaa tahaye Isir bile bugtada dhaawacaa arar ku baan-baante Han balaadhshe beeliyo qabiil bahiyo reer diide Isku biirshe isku boogo dhaye wadajir boollayste Budhcad mariye boga uumiyaha nabad ku baaqbaaqe Ku boqraye banaadiriyo Xamar barada maan doojis Bariidiyo salaamaha …

Sii akhri

Faan Rag iyo Fiiro Dumar

Waa saddex wiil. Waa guur-doon. Waa loollan. Gabadhu waa Shukri. Garasho leh iyo garsoor. Waa bilic muuqato iyo billad loo tartamo. Shukri waxa ay maalmo badan soo dhegaysatay oo ay mid mid ula fadhiisatay wiilashaan. Maalinkii danbe ayay go’aansatay inay saddexda wiilba hal meel isugu keento—oo ay tijaabiso. Waa galabnimo …

Sii akhri

Sirta guurka Nebi Muxammad SCW

“Haddii loo gabbalo dayo gunta loogu sahan tago guurka waa la mahadshaa gumaradu lib weeyaan godad baa la eegaa iyo meelo kala guran isgargaarku waa sees qabyo waxa gufayn kara laba guusha wada jecel” Gelbis | Hadraawi Markii la weydiiyey Caa’isha rc, “Nebi Muxammad scw siduu ahaa?”, waxa ay tiri, …

Sii akhri

Baanise, Beeji, Bogdoox

Baanise Baanise waa hadal kakan, cidda loo jeedinayo aan u roonayn, murti iyo tusaale ku dhisan, faan iyo gallad sheegasho miiran ah, gooddi shishana laga dhadhansan karo. Waagii ay Soomaalidu reer miyiga u badnayd ee dagaallada beeluhu joogtada ahaayeen ee geedaha lagu garrami jiray ayaa hadalka tilmaamahan lihina joogto ahaa. …

Sii akhri

Hijri (Xilli-tirsi)

Xilli-tirsiga Hijriga loo yaqaanno ee Muslimiintu ay adeegsadaan waxa uu ka bilowdaa sannadkii uu Nebigu scw u hijrooday Madiinah. Ereyga ‘hijri‘ waxa uu ka yimid hijrah. Xilli-tirsiga hijriga ah waxaa dejiyey khaliifkii labaad ee Muslimiinta, Cumar ibnul Khaddaab rc. Sababtana culumada taariikhdu waxa ay ku sheegaan in loo keenay dacwad …

Sii akhri

Muxarram

Muxarram waa bisha koowaad ee sannadka hijriga ah. Waxa ayna ka mid tahay afarta bilood ee xurmada leh (الأشهر الحرم). Xilligii Cumar ibnul Khaddaab- Alle ha ka raalli noqdo e- markii taariikh-tirsiga hijriga ah la dejinayey ayaa ay Muslimiintu ku heshiiyeen in ay Muxarram noqoto bisha sannadku ka bilowdo, maadaama …

Sii akhri