Home / Afkeenna

Afkeenna

Ammaanta dumarka iyo suugaanta: “Sahdi iyo dareen weeye”!

Waxaa beryahan danbe dood ka imaanaysay habka halabuurkii hore haweenka u ammaanay ama adeegsiga halabuurka ee ekeeyayaasha afka kolka la joogo ammaanta dumarka. Suugaantu waa meesha ay ku jiraan oo laga dheehdo laguna kaydiyo dhaqanka iyo xeeldheeraanta afeed ee ay ummadi leedahay. Haddaba, halabuurka Soomaaliyeed kolkuu ammaanayo haweenka wuxuu adeegsadaa …

Sii akhri

Indha deeraleeyeey, Dhexda geenyo ugubleey

Bare Sare Axmed Nuur Yuusuf oo ahaa laashin iyo macallin suugaaneed ayaa waxa uu dhaliili jirey laashimmada allifa heesaha jacaylka gaar ahaan kuwa ay ku jiraan ammaanta dumarku. Waxa uu sheegi jirey in mu’allifka Soomaaliyeed marka uu rabo in uu gabar ammaano quruxdeeda uu ku matalo wax kale sida geenyo, …

Sii akhri

Milicsi Buug: Af-dhaab

Inaad qorto faallo  ku saabsan buug waxay ku xidhan tahay inaad arkhriday buugga oo aad faahinsatay nuxurka buuggu xambaarsanyahay. Faahinsadkaagu wuxuu  noqon kara mid kooban, sidoo kale wuxuu noqon karaa mid  kaldhac tirran. Sidaa darteed, waxaan ku afeef dhiganayaa “shanfaroodle isku si wax uma wada arko.” Waxaan uga jeedaa, la …

Sii akhri

Afkeenna: wadaraynta

Iyada oo ay jiraan gefaf badan oo laga galo dhismaha ereyada, haddana waxa aan isku deyayaa in aan gef gaar ah halkaan kaga hadlo oo weliba xeer lagaga gudbo aan ku soo bandhigo. Marka tiro laga hormariyo erey, waxa aan arkay iyada oo in badan la khaldayo oo aan la …

Sii akhri

Afkeenna: Halgelin

Halgelin: Ereygaan muddo aad u fog baa iigu dambaysey araggiis iyo maqalkiisba. Xalay ayaan Youtube ku arkay qof qoray hees uu qaaday Maxamed Mooge xilli uu jabhad ahaa. Meerisyadaan oo uu Maxamed ugu xogwarramayo raggii ay asxaabta ahaayeen oo weli Hargeysa ku dambeeya, ayaa sidaan loo qoray: Hadal iga dardaarana …

Sii akhri

Afkeennu ma hodan baa?

“Nin ila biyo leh soo arkoo ooman baan ahaye” Raage Ugaas Afku waa astaanta ugu mudan ee lagu aqoonsado ummad. Waxa uu isku xidhaa bulshada afkaa ku hadasha. Afku waxa uu suurtogeliyaa in la isku fahmo oo uu noqdo mid abuura dareen wadajir ah iyo is ahaansho bulsheed. Si kale …

Sii akhri

Baanise, Beeji, Bogdoox

Baanise Baanise waa hadal kakan, cidda loo jeedinayo aan u roonayn, murti iyo tusaale ku dhisan, faan iyo gallad sheegasho miiran ah, gooddi shishana laga dhadhansan karo. Waagii ay Soomaalidu reer miyiga u badnayd ee dagaallada beeluhu joogtada ahaayeen ee geedaha lagu garrami jiray ayaa hadalka tilmaamahan lihina joogto ahaa. …

Sii akhri