Home / Afkeenna / Afkeennu ma hodan baa?
©Warsame Yassin Osman

Afkeennu ma hodan baa?

“Nin ila biyo leh soo arkoo ooman baan ahaye”

Raage Ugaas

Afku waa astaanta ugu mudan ee lagu aqoonsado ummad. Waxa uu isku xidhaa bulshada afkaa ku hadasha. Afku waxa uu suurtogeliyaa in la isku fahmo oo uu noqdo mid abuura dareen wadajir ah iyo is ahaansho bulsheed. Si kale haddii loo dhigo, afku waa aqoonsiga iyo haybsooca ummad lagaga sooci karo ummadaha kale.

Qormadan waxa aynu ku eegi doonnaa tiraabta ah afkeennu waa hodan iyo mid kale oo taa ka horjeeda oo ka dardaarwarinaysa afka kana walaacsan in afku suulo. Innaga oo tilmaami doonna in afku qabyo yahay isla markaana u baahan yahay in la dhammaystiro oo la horumariyo.

Mar kale aan isweydiinno afkeennu ma hodan baa? Ugu yaraan marka hal dhinac laga eego waxaa la odhan karaa, odhaahdaa wax baa ka jira; ‘afku waa hodan’ marka miyigii, xoolihii, iyo beertii la joogo. Gabay iyo hees walwaaleedna weligeed waa la tirin jirey ilaa Raage Ugaas iyo ka horba. Hase ahaatee marka magaalada la soo galo ee la rabo in adduunka jaqaafiyey lala jaanqaado waxaa soo baxaysa in uu afku sabool yahay sida dadkiisu saboolka u yihiin.

Hirgelintii qorista farta Soomaaligu waxay ahayd guulaha ugu waaweyn ee lagu tallaaabsaday. Waxaa dedaal weyn la geliyey in la qoro far Soomaliga isla markaana muddo gaaban ayaa laga dhigay afka rasmiga ah ee dalka.  Waxa la soo turjumay dhammaan manhajkii waxbarashada ee afafka kala duwan ku qornaa. Waxaa afka hooyo lagu dhigtay dugsiyada hoose, dhexe, ilaa waxbarashada sare.  Sidoo kale waxaa la hirgeliyey qoraallo farabadan oo isugu jira, kuwii manhajka waxbarashada, wargeysyo, eraybixin cilmiyeysan, qaamuus, taariikh, suugaan, iyo culuun kala gedisan.

Hase ahaatee burburkii dawladnimo ka dib waxaa afkii haleelaay dibudhac, kaas oo keenay in ay meesha ka baxaan cilmibaadhistii iyo dedaalkii uu afku u baahnaa. Sidoo kale waxaa hakad ku yimi himiladii ay ummaddu ku taamaysay ee ahayd in uu afkeedu gaadho heer uu isku barbar taago afafka nool ee gudbin kara ujeeddooyinka culuunta casriga ah ee sayniska iyo teknooloojiyaddu ka mid yihiin.  Waxaa kale oo dibudhacaasi sababay in dib loogu baraarugo qabyada iyo gaabiska afka soo waajahay.

Waxgarad badan  ayaa ku baraarugsan dayaca iyo gaabiska ku yimid afka. Isla markaana dareensan in uu af Soomaaligu ka hadhay hayaanka iyo isbeddelka nolosha xawliga ku socda. Ka dib waxaa bilawday dedaallo badan oo looga gol leeyahay in afka lagu badbaadiyo. Dedaalladaa waxaa ka mid ah buug dhowaan soo baxay oo mawduucaa si faahfaahsan uga warramaya. Buugga ‘Afka hooyo waa hodan waxa uu soo gudbinayaa xog badan oo la xidhiidha waayaha af Soomaaliga; waxa uu siyaabo kala duwan innoo tusayaa adeegsiga af Soomaaliga iyo xeeldheeridiisa.

Waxa uu qoraha buuggu, Maxamed Xaaji Xasan, tilmaamayaa in uu af Soomaaligu soo maray marxalado kala duwan iyo waqtiyo kala geddisan. Waxa uu tilmaamayaa intii aan afka la qorin in ay jireen arrimo door ah oo suurtogeliyey in aanu afku lumin, islamarkaana sabab u ahaa in uu tisqaado oo ka soo tallaabsado waayo kala duwan iyo duruufo qallafsan oo soo maray ummadda Soomaaliyeed. Waxyaalaha ka qayb qaatay in aanu afku tasoobin waxaa ka mid ah waxyaabo uu u bixiyey ‘isirrada afka’. Waxa uu innoo tilmaamayaa in ay jiraan arrimo afka kobciya kuwaas oo jiilba jiil ka soo gaadhay sidaana ilaa maanta meelo badan oo geyiga Soomaaliyeed ka mid ah la isugu tebiyo. Isirradaa waxaa ugu mudan suugaanta iyo murtida kala duwan ee afka ku jira.

Waxa uu qoruhu inna dareensiinayaa in suugaantu aanay ahayn xirfad aftahannimo keliya ee ay sidoo kale tahay weel lagu kaydiyo afka. Waxa uu keenayaa tusaalayaal kala duwan oo uu ka soo dheegtay suugaanta kala duwan iyo murtida Soomaaliyeed ee muddada badan la isu soo tebin jiray. Tusaalayaasha waxa ka mid ah kuwo ka unkan erayo kookooban oo macnohoodu isbuuxinayo ama isku liddi ah, sida: Af iyo addin, ab iyo abti, omos iyo abaar, tol iyo taag, jiif iyo joog, ikm.

Waxa kale oo uu soo xiganayaa suugaan kala duwan, sida gabay, buraanbur, geeraar, iyo heeso, kuwaas oo laga soo dhambalay maahmaahyo iyo sheekooyin xidhiidh la leh dhaqanka iyo hiddaha soojireenka ah. Waxa uu qoraagu xoojinayaa in hawraaraha kala duwan ee tix iyo tiraabba leh ee maqal ahaan la isugu tebin jirey ay muddo dheer ahaayeen sirta qarsoon ee soo samatabixisay af Soomaaliga iyada oo aan qoraal lagu kaydin. Iyada oo dadka iyo afkiisana ay soo wajaheen colaado, abaaro iyo gumeysi qaybsaday dhulkoodii oo quruun waliba ku dedaalaysay in ay afkeeda iyo dhaqankeeda ku faafiso.  Haddana Soomaalidu meel ay joogtaba waxa ay hodan ku ahayd ‘isirradaa’ dhaqan af-sidaha ah ee ay siyaabaha kala duwan u adeegsato, mar isku maaweeliso, isugu faanto, isuguna awaalo warranto.

Biyo sacabbadaadaa lagaga dhergaa

Iyada oo uu afku ka soo badbaaday duruufo adag, ayaa haddana waxaa marag madoonto ah in af Soomaligii uu ku yimid hakad iyo gaabis. Gaabiska adeegsiga afku waxa uu ka jiraa meelo badan. Haddii afmaalka Soomaaliyeed ay af Soomaaliga ku dhawreen maanso iyo murti maguuraan ah, waxaa hubaal ah in qalinlayda Soomaaliyeed ay ka gaabiyeen horumarintii iyo daryeelkii uu afku u baahnaa.

Qolyaha afka hagraday waxaa ugu horreeya labo qolo. Qolada koowaad waa siyaasiyiinta oo aan qorshaha ku darsan in ay daryeelaan oo hore u mariyaan afkooda. Baahidii iyo baryadii shisheeyaha ayaa illawsiisey in ay si feejigan uga war hayaan heerka uu afku marayo. Qolada labaadna waa aqoonyahanka Soomaaliyeed oo ka gaabiyey in ay ummaddooda af Soomaali ugu soo gudbiyaan aqoontii ay barteen. Intooda badani kuma baraarugsana muhimadda afka. Halkii ay ahayd in ay afka ku faanaan waa ay ka faaneen! Bilaash kuma bixin murtida Soomaaliyeed ee tidhaahda ‘Af qalaad aqoontu miyaa?!’  Taas oo ujeeddada looga gol lahaa ay tahay in ay kala duwan yihiin afka iyo aqoontu.

Tayeynta af Soomaaliga

Afafka ummaduhu waxay xanbaarsan yihiin xadaaradaha iyo ilbaxnimada ummadaha, waana udub-dhexaadka dhaqanka ummadi leedahay. Sidaas darteed, ummad waliba afkay ku hadasho ayaa laf dhabar u ah isku xidhnaatooda, wadajirkooda, iskaashigooda, wax wada qabsigooda, iyo aayahooda wax kasta oo ay higsanayaan. Dhinaca kale haddaan ka eegno, afku waa sidaha suugaanta saafiga ah iyo dhaqanka, asluubta iyo anshaxooda; waa silsiladda isdheehashada bulshada iyo dhidibkeeda. Waa tusaha horumarka iyo hadafka nolosha. Afku waa irridda laga galo aqoonta iyo gurashada midhaheeda.

Haddii la isku soo xooriyo, afku waa hagaha himilooyinka ummadi higsanayso, bulshadana ka saameeya dhinacyo badan. Mar haddii uu afku leeyahay aayahaa balaadhan ee aan la soo koobi karin. Waxaa lagama maarmaan ah in kobcintiisa iyo horumarkiisa la siiyo mudnaanta koowaad.

Si loo dhammaystiro hawsha qabyada ah ee afka, waxaa loo baahan yahay in ugu yaraan laga horumariyo labo dhinac.

1. Xagga dhigaalka

Af waliba waxa uu maraa marxalado kala duwan si uu uga jawaabo baahiyaha kala duwan ee nolosha. Isla markaana si joogto ah ula jaanqaado horumarka nolosha.

Guddigii dejiyey farta Soomaaligu waxay isla qaateen in la qaato dhigaal ahaan xarfaha Laatiinka dhawaaq ahaanna kuwa Carabiga, maadaama ay tilmaameen in ay si toos ah ama si dadban ay afkeenna u soo galeen erayo badan oo af Carabi ah, kuwaas oo buuxiyey eraybixinno badan oo baahi loo qabay iyo kuwo aan si kaleba loo baran kareen. Tiro ahaan xarfaha af Carabigu waa 28 xaraf kuwa af Soomaaliguna waa 21 shibbane iyo 5 shaqal.

Haddaba iyada oo la buuxiyey codadka xarfaha intooda badan, waxaa jira dhawr cod oo laga tegay kuwaas oo aragtidayda loo baahan yahay in qaar ka mid ah dib loo eego xarfaha far Soomaaligana lagu daro si ay afka u tarmiyaan, maadaama dhawaaqooda aan si kale looga maarmayn in xarfo kale la soo ammaanaysto mooyaane- kaas oo ka dhawaaq duwan.

Xarfahaa codkooda laga tegay waxa ka mid ah: th = ث, gh = غ, z = ز) waxaan isleeyahay ku daridda xarfahani in ay kaabi karaan qoridda far Soomaaliga iyo higgaadda, hodantinnimada afkana ay wax weyn ku kordhin doonaan. Tusaale ahaan, waxaa jira erayo magacyo u badan oo aan dhawaaqoodu ku jirin xarfaha af Soomaaliga sida:  Afghanistan, Baghdad, Ghaza, Xaarith,  Xuuthi, Xadiith,Thaabit, Zamzam, Zanzibaar, Zayd, Zaytuun, iyo kuwo la mid ah. Codadkaa iyo  xarfahani waxa ay inna siinayaan dhawaaq ka geddisan kuwa ku jira xarfaha af Soomaaliga ee aynu hadda adeegsanno. Sidoo kale suurtagal ma aha in hal xaraf uu yeesho labo cod iyo wax ka badan. Arrintan iyo kuwo kale oo la xidhiidha dhigaalka iyo higgaadda af Soomaaligu waa goldaloolooyin muuqda oo u baahan in la daraaseeyo isla markaana xal loo raadiyo.

2. Xagga adeegsiga iyo aqoon gudbinta:

Si uu af Soomaaligu ula jaanqaado isbeddelka joogtada ah ee nolosha, isla markaana loo horumariyo afka, waa in loo hawl galo fulinta qodobbadan soo socda:

  • Waa in la tayeeyo qoraallada guud, gaar ahaan kuwa warfaafinta, maxaa yeelay saxaafaddu waa muraayadda ummadda. Isla markaana waa hagaha bulshada
  • Waa in xoogga la saaro eraybixinta saxda ah iyo adeegsiga qoraalka toolmoon ee af Soomaaliga.
  • Waa in ay u hawl galaan aqoonyahanka Soomaaliyeed in ay afkooda wax ku qoraan si kor loogu qaado aqoonta af Soomaaliga lagu gudbinayo, loona casriyeeyo dhinacayada kala duwan ee u baahan in la tayeeyo, si afku ula jaanqaado culuunta kala duwan iyo teknooloojiyadda casriga ah.
  • Waa in af Soomaaliga loo adeegsado waxbarashada heerarkeeda kala geddisan oo dhan, iyo adeegyada guud ee dhinacyada dhaqaalaha, caafimaadka, siyaasadda, ganacsiga, maamulka, maaraynta, iyo qaybaha kale.
  • Waa in la sameeyo cilmibaadhisyo joogto ah oo diraaseeya afka, taariikhda, iyo sooyaalka ummadda si loo helo kayd qoran oo loo noqdo, jiilasha dambena ka shidaal qaataan.
  • Waxa kale oo loo baahan yahay in la kobciyo oo la dhiirigeliyo turjumidda iyo haltebinta xogta iyo aqoonta ku qoran afafka qalaad.

Check Also

Qalloocii bilaa qirashada ahaa

Laga soo bilaabo tan iyo maalintii dawladnimada Soomaalida ugu horraysay waxaa lagu jiraa jaah-wareer iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *