Dhambaalka Jimcaha — 10 | 06 Shawaal 1441 | 29 May 2020
بسم الله الرحمن الرحيم
Gudgude Gobannimo
Siyaasadda Soomaalida haddaad nuxuusnimo ku ogayd, inay dhasheedii cuntay la timid. Haddaad dagaagnimo ku ogayd, daacuunnimo bay ku darsatay.
Maamul goboleedyadii waxay isu beddeleen xero qabiilooyin waxayna sii hurinayaan isnacii bulshada Soomaaliyeed. Ma aha maamullo dawladeed oo bulshadooda u adeega, ee waxay isugu biyashubteen kursi lagu loollamo oo sidii geelii la kala dhaco, kaas oo marna xeradaada ku jira oo aad ilaalisid, marna xerada reer kale oo aad ku hamminaysid sidaad u soo dhicin lahayd. Waxqabad iyo adeeg iskaba illow.
Jidkii hore caanaha innooga daadiyay ee dalkii iyo dadnimadii inaga burburiyay, ayaynu mar labaad cagta saarnay, innaga oo weliba ordayna. Cashar iyo cibro kuma aynaan qaadan 30 sano oo aynu ku dhex jirnay dhibaato wixii adduunka taallay.
Sidii nin kursi ilaashanayaa uu ummada isugu diray soddon sano ka hor, ayaa haddana ilaalintii kursiga la isku nacayaa laguna loollamayaa. Maxaa yeelay kii fadhiistaa kama koro caqligii: reer hebel iska dhici; reer hebel ka adkow; reer hebel u tali, kii aan ku fadhiyinna wuxuu taagan yahay: reer hebel iska dhici iyo ma anigaa reer hebel ii taliyaan.
Siyaasigii wuxuu noqday dulin ku naaxa dhiigmiirashada shacabka, shacabkiina wuxuu noqday daawade masraxa kuraasi difaaca lagu maaweeliyo. Muwaadinkii isaga oo beerku gaajo isugu dhegay, ayaa laga dhaadhiciyay in waajibkiisa muwaadinnimo uu yahay difaaca “kursiga reerka” ee uu ku fadhiyo nin ay u badan tahay in uu saaka ku quraacday beer, qadada hilibka ahna ku suga khudaar iyo macmacaan kala nooc ah. Muwaadinka marka xanuun qabto waxaa la xusuusiyaa qadarka Alle, halka ninkii daryeelkiisa masuulka ka ahaa uu dibadda iskaga soo daweeyo hantidii shacabka. Isdawaynba intaan la gaadhin, waxaa diyaarad loo kiraystaa: juucjuuc yar baan beryahan dareemayoo waan isa soo baadhayay!
Inta aynu siyaasaddeenna qabiil ku salaynayno, siyaasigana qabiil ku xulanayno ka dibna ku taageerayno, sidan ayaynu ahaanaynaa. “Kursiga reerka” ee ninku ku raaxaysto, dantiisana ka fushado, ayaynu weligeen waardiye ka ahaanaynaa ilaa aynu daryeel la’aan qalfoof u noqonno.
Gaadhka ka deg gartaadana naqso.
Qiimee xaaladdaada iyo xaaladda degaankaaga: heer tuulo, xaafad, degmo, gobol, ilaa heer qaran. Ma heshay adeeggii ay kuu awoodeen kuwii masuuliyadda kuugu magacawnaa? Ma shacab loo adeego ayaad tahay mise shacab laga adeegto? Muxuu ku taray “ministarkaad” dooratay?
Iyada oo ay ku sudhan tahay tuubbo dhiiggaagii lagu nuugayo, yaan farta laguugu fiiqin shacab kale oo sidaadaa u dhibban. Ishaadu ha qabato ninka farta fiiqaya saddexda farood ee dhankiisa u jeeda. Isaga xisaabi, qalin iyo waraaqna u qaado.
“Ninkii ballankaaga qaaday
Ka baaqday xilkaad u dhiibtey
Ka baydhay ujeeddaada
Ku boobay adoo sabool ah
Ku wiirsadey baaba’aaga
Adoo bogan waayey taada
Ninkii u buseelay raaxo
Huwadey bulbushii libaaxa
Buruudkiyo shaashka qaatay
U boodey cirkaas dusheenna
Bilkeedey laboontidiisa
Buurtuu koray waarin mayso
Heddiisana baajin mayso
Kub iyo bawduu ka jabay”
—Hadraawi: Bulsho.
Adiga oo kabihii kaa dhammaadeen, ninka cashuurtaadii ka soo gatay gaadhi raaxo ah, ee ka khashaafaya in uu cagtiisa dhulka saaro; ninkan aad adigu taajka madaxa u saartay ee kor kaaga soo kaajay, adiguna boqnaha goo oo cagaha dhulka u dhig.
“Nin ku yidhi sinnaan mayno
Adna buri sarrayntiisa
Sidka waa wadaagtaane
Ma sagaashan baa tiisu.”
—Hadraawi: Sirta Nolosha.
Qoraagii Maraykanka ahaa ee Mark Tuweyn (Twain) ayaa laga hayaa: siyaasiyiintu waxay aad u shabbahaan xafaayadda—labadaba waa in si joogto ah loogu beddelo isku sabab. Yacnii labaduba way ur badan yihiine joogto ha loo bedbeddelo. Raggani ma aha Abuu Bakar RC iyo Cumar RC, tarbiyaddoodii oo kalana ma qabaan, si aynu geeridooda u sugno. Maalmo markay joogaanba, intaysan isballaadhin, waa inaynu suurka ku afuufnaa.
Gobannimadii Gamaartay
Maalmo ka dib waxaa loo dabbaaldegi doonaa xorriyaddii 60-kii iyo gumeysigii baxay. Laakiin xaqiiqadu waa inaynu gumeysi ku beddelannay gumeysi kale. Gobannimadii Soomaali ku noolayd gumeysi hortii, ma soo noqon e, gumeysigii saancaddaalaha waxaa la wareegay oo shaabuuggii addoonsiga gacanta ku dhigay, nacas gaal fariideeyay oo inala muuq iyo magac ah.
Maadaama aynaan samayn wax isbeddel ah oo la taaban karo, waxaan jeclaystay inaan dhambaalka toddobaadkan u badiyo xusuusin, illeen si kasta wax la inoogu sheeg waa hore e.
“Ingiriis dalkiisii mudhxay oo, cunay magoolkiisa
Isagoo masaafira haddaan, subax ka miidaanshey
Oo lagu mintiday waw dhamayn, minawarkaan fuullay
Maskab kama dhaxline wiilal baa, helay macaankiiye
Kun nin baa martabadii u hadhay, ama muluugtiiye
Inta kale mus ood laga rogtey, meerayaan dibade”
—Aadan Carab: Ministar.
“Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karel e”
—Qaasim: Isma Doorin.
“Iyadoo gashaantiya sidii, loola gogol dhaafay
Guurkeedu tuuguu ahaa, gaabsi iyo beene
Iyadoo garoobiyo markay, guudka fidhanaysey
Inanuu gumaystuhu dhalaa, gaadhka ka ahaaye
Gabowgeeda way doonnan tahay, gedaha waayeele
Marka ay geyaan sheelataa, garacu yeeshaaye
Hadba wiil isgaalaynayaa, loo gu’ tiriyaaye,”
—Hadraawi: Gudgude.
Siyaasiyiinta dhawrka magaalo isku urursaday ee degaankoodii lagu arko maalinta ay doorasho rabaan, ee aan dhawr sano oo dambe soo muuqan, waxna qaban e, dhiigmarashadii shacabka ku naaxa ee daafaha dunida tashamleeya, hadhowna soo guryanoqda si mar kale loogu cusboonaysiiyo dhiigmiirashadii— kula xisaabtan:
“Sidii baan u macaluushanahay, oo mud dhuubanahay
Sidii baan minjaha ugu socdaa, moodhar liidiiye
Sidii baan mawaashiga hayaan, ugu maqiiqaaye
Sidii baan martida caana qudha, ugu macsuumaaye
Sidii baan tacliin uga madhnahay, machadkii diimeede
Sidii baan macruufka u sugaa, macallinkiisiiye
Sidii baan madow ugu jiraa, maato iyo ruuxe
Sidii baan xafiis meel fog ii jira, ugu muctaadaaye
…
Sidii buu kiniin uga mutaa, maralka jiifaaye
…
Sidii baa sharcigu mayd uu yahay, marwa lahayne
…
Isagaa maqsuuda ee wax kale, looma maamuline
Bal muxuu micneeyoo na taray, ministarkaan doortay?
Af uun malaba shicibkii haddii, lagu mashaysiiyey
Oo aan muraadba u qumayn, mooye say noqone
Waa nala madaarshaynayaa, tan iyo maantiiye
Mahdigii naloo sheegay iyo, malihi beenowye
Manqaa lagu sabaa had iyo jeer, muugga dhalanteede
Hadba waxaan maqallaa boqol malyuun, waa macaawina’e
Maalkii arladaa loo qabtiyo, meeday lacagtiina?
Mooskada ragga u duulayaa, maylka tirinaaya
Goormay waxay muujiyeen, lagu manaafici?
Ma mardaadi baa socodka aan, miiqna loo qabaneyn?
Sow riigna noogama mudaan, madasha Buuhoodle
Bal intee muddaa oo sugnaa, maaxda imanaysa?
Bal maxaase hay muuqatee, marada loo qaatey?
Mukhlis iyo haddaan lagu shaqeyn orod maleegnaana
Ma xiniin yahay moodayaan muunad nala saaray
Ma naftiina maara u qabtaa nimanka loo miiray
Maasha iyo haddii aan miilka saro malow miyey fuuli
Ma mucaarid baan ahay hadaan xaqa ka maansooday
Bal muxuu micneeyoo na taray ministarkaan doortay”
—Aadan Carab: Ministar.
Raggaa ku xarragoonaya baabuur aysan wadan madaxda Yurub, dadkii ay masuulka ka ahaayeen waxay u dhimanayaa oksijiin la’aan. Xisaab haddaan lala dabo socon; maxaa soo galay iyo maxaa baxay, maxaad qabatay, maxaad qabanaysaa, maxaa kuu qorshaysan…. haddaan madaxa lagu xanuujin, ee sacab loo tumo, adiga oo aan sed haysan haddaad la muraaqooto quruxda suudka uu sedkaagii ka toshay, in uu ku gumeysto oo sidii dameer ku rarto gar buu u leeyahay. In uu garmaqaate noqdo oo ku yidhahaado, “Maxaad ahayd?!”, gar buu u leeyahay.
“Gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa, beera ruux gudhane
Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo
Markuu dhaawac gaystaba haddii, loo gargarateeyo
Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya
Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogolxaadho
Keligii inuu guurti yahay, maalintaas gunudye,”
—Hadraawi: Gudgude.
Qoraa Ismaaciil Cali Ismaaciil waxa uu buuggiisa Governance: The Scourge and Hope of Somalia, ku leeyahay (b.195): “Haddii ay jirto aafo keli ah oo qarankii Soomaaliya la degtay, waa takrifalka awoodeed ee siyaasiyiin damiir xilkasnimo ka arradan. Nasiibdarro, xadgudubkoodaa xadhkaha goostay waxaa si cad u sii dhiirrigaliya bulsho aan innaba baraarugsanayn oo u sacabbatumaysa.”
Hadraawi oo isna tilmaamaya meesha wax ka qaldan yihiin waxa uu gabaygiisa Gudgude ku leeyahay:
“Gadh-qaadkeedu waa leexsan yahay, waanu gudayaaye
Garar loo maleeguu ku ridey, guura socodkiiye
Guudkeedu waa wada fin iyo, gaatir iyo booge
Hadday gooli-baadh tahay waxaa, gabay raggeediiye
Guyaal iyo guyaal bay rarteen, gocorro shaydaane
Iyadoon goblamin baa haddana, geelo loo hadhaye
Gol-dalooladeedaa ka badan, galalka ciideede.”
—Hadraawi: Gudgude.
Waxaynu u baahan nahay inaynu gunta ka soo tolno nidaamkeenna siyaadeed. Heshiis bulsheed (social contract) oo cusub in aynu qalinka ku duugno iyo in aynu tiihan ku sii jirno aynu kala dooranno.
Waynu soo tijaabinnay caqligan maanta socda ee ah yaan la iga dabo hadlin. Yaan qof kale wax noqon. Anigu sidaan idhaahdaa ah, si kalana ma jirto. Qofkii tayda diidaa waa cadow; waa siyaasi xanaaqsan; waa qarandumis.
“Garashadu hadday ruux la tahay, suu u garanaayo
Garaadkiisu suu qabo haddii, loola garan waayo
Gardarruu u qaataa ninkii, yidhi garaadkiise
Xaajadu markay gobo’da iyo, gawda culus joogto
Keligii nin gaashaantay wuu, gola ka fuulaaye
Gadaashiisa uun baa durbaan, laga garaacaaye
Labadiisa geesood ma jiro, ruux ku gelayaaye”
—Hadraawi: Gudgude.
Waxa ina dilay waa hal qof oo aynu sidii Mahdigii Shiicada ka sugno guul iyo barwaaqo oo idil. Mid baynu kala dul dhacnaa danteennii. Halyeey. Geesi. Waddani. Adduunkaa horumaray wuxuu heerkaa gaadhay maalintii “aniga” laga dhigay “inaga” ee wadarayn iyo nidaam ay ka gacan sarreeyeen hebel laga rejeeyo inuu barwaaqo-sooran dadka ku hago.
“Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide
Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede
Nin uun baa guddoonsha’e, xil waa laysu gororshaaye
Galladduna waxay saaran tahay, wax isu geygeyne
Inkastuu wax galo ama wax gudo, ama wax weyn gooyo
Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban
Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero
Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye
Noloshaba galgalaheeda, iyo gebi ahaanteeda
Waxaan geesi karin baa jiroo, gaar ninnaw faline,
Xaajaba gun baa loo unkaa, talaba waa goore
Ummad yahay tiraa kaa gedmane, wax isu geygeyso
Ninkii aad garaaddiyo shaxshaxo, saartay garabkiisa
Kol hadduu dharaar goonyo kulul, kaa gelgelin doontay
Waxaad galabsatuun baa jiree, gaado kale yeelo,
Ninkii aan gondaha kaala dhayin, gololo hawsheeda
Gardaadkaaga yuu baran inaan, taada lagu gaadhin
Hadday gibili kaa saaran tahay, gocommo hooseeya
Waxaan geedna kaa qarin indhuhu, yay ka gabargaalin
Hadba soo gadaal eeg ninkaad, gadato hiilkiisa
Goldalooladaaduu nin ogi, galagalaystaaye
Aduun bayse kaa go’an yihiin, maalmahays guraye
Godan baa la yeeshaa xadhkaha, haysku wada giijin
Geyigiisa wiilkaan ahayn, gibilka mooyaane
Gundhiggiisu meel kaa fog buu, geed ku leeyahaye
Si aad uga go’daba ruux ku neceb, gaarar kala yeesha
Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaannin
Godobtaada meelee intaan, gacantu kaa boobin
Gacalnimada noolee intaan, gocasho kaa oodin
Guddoonkaaga reeree markay, kula gudboonaato
Gamaaddaada muunee haddaad, geeri huri weydo
Guntashana xusuusnow waxaad, godolba soo joogtey,
Gurgurshaana haw raran nimaan, gudasho kuu doorin
Garashana ogsoonow inay, xaaja badan goyso.”
—Hadraawi: Gudgude
Hadraawi waxa uu gabaygan Gudgude tiriyay ka dib markii uu soo arkay kalitaliskii Maxamed Siyaad iyo sidii jabhadihii la dagaallamayay aysan waxba u dhaamin e, ay iyaguna dhan kale la aadeen gadoodkii shacabka. Sidii uu ugu hanweynaa iyo halka ay mareen ayaad mooddaa in uu inagu dareensiinayo meelo badan oo gabayga ka mid ah.
Gabaygani xaqiiqo aan laga leexan karin ayuu dusha innagaga shubayaa, laakiin waxaa laga yaabaa in sidii gudgude roob oo nin aan diyaar u ahayn cidla’ ka helay, uu dadka qaar u bixi waayo. Nidaamkeenna siyaasadeed iyo sida uu isu dabo marsan yahay ujeedkiina u garab marsan yahay, ayuu toosh weyn ku ifinayaa. Ceelna ninkii galaa laga waraystaa.
“Kumaan noqonayaa?”
Marar badan dhalinyarada waxaa laf dhuun gashay ku noqota halkii ay ku beegmi lahaayeen, qaarna waxay ka didaan in lagu shaabbadeeyo “qabiil” hadday ka hadlaan arrimaha qaar ama ay diidaan degaankooda dayaca lagu eeganayo. Marna waxaa dhib ka haysataa “tol” u arka “nacasyo” aan reerka arrimihiisa ka hadlin e “geedsare-waab” ah ama lid ku ah halyeyga reerka ee laga sugayay in ay nafta ag dhigaan.
Hadraawi oo arrintaa lagu dhibay waxa uu leeyahay:
“….kooxi [waxay] jeceshahay inaan qoyskii ku ekaado, koox kale [waxay] jeceshahay laantii ka yara sarraysay inaan heerkaa joogo; inaan qabiilkii guud noqdo, qaar kale [waxay] jecel yihiin inaan Soomaali noqdo, mujtamicii ayaa … arrimahaa is-herdiyayaa ay ka jiraan, afartana ma wada noqon karo, mid baan noqonayaa. Haddaan mid noqonayana ka ugu qiimo roon ee ugu waxtar roon baan noqonayaa. Haddii aan xaslado gurigayga ama qoyskayga oo aan wax ka tari karo ka i xiga, waan yeelayaa in la igula yaabana ma aha, haddii aan kaalinta iyo waajibka dalkayga iyo dadkaygu igu leeyihiin ka soo baxo, oo aan mid kale awoodi karayana… mid adduunkoo dhan wax ka tarta ayaan isku dayayaa.”
Waajibkaagu waa inaad qabatid intii awooddaadu gaadho. Odhaah baa waxay ahayd: u feker si caalami ah, laakiin wax ka qabo degaankaaga. Haddii cid waliba inta ku xeeran xil iska saarto oo ay hagaajiso, adduunkoo dhani wuu hagaagayaa.
Gabagabo
“Gelin looma wada sheegi karo, xaajo geda weyne
Gawdiidka iyo quusta waa, lagu gumoobaaye
Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane
Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye
Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye
Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan habaqlaaye
Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye
Gargaraaciddeediyo ha deyn, geed ka didinteeda!”
—Hadraawi: Gudgude.
إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ ۗ
Alle ma beddelo xaaladda (barwaaqo iyo beloba) dad ku sugan yahay ilaa ay iyagu beddelaan xaaladda nafahoodu ku sugan yihiin (dhaqankooda)
#Dhambaalka_Jimcaha