Home / Dhambaalka Jimcaha / Dhambaalka Jimcaha — 8 | 22 Ramadaan 1441 | 15 May 2020

Dhambaalka Jimcaha — 8 | 22 Ramadaan 1441 | 15 May 2020

Dhambaalka Jimcaha — 8 | 22 Ramadaan 1441 | 15 May 2020


بسم الله الرحمن الرحيم

Walcasri iyo Guusha Insaanka

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

وَالْعَصْرِ. إِنَّ الْإِنسَانَ لَفِي خُسْرٍ. إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَتَوَاصَوْا بِالْحَقِّ وَتَوَاصَوْا بِالصَّبْرِ.

Maanta aadanuhu waa wada guul doon iyo guuldarro ka carar. Waxaa loo wada xiimayaa sidii adduunyo looga faro qabsan lahaa, daaro loo dhisan lahaa, loogu dhex tamashlayn lahaa…. Guushu waxay inoo noqotay dhaldhalaalka adduunka oo inta ugu badan laga soo hoysto, haddii la waayana, la iska yeelyeelo. “Fake it until you make it.” 

Guuleey geeskeed xigtaa?

Imaam Shaafici, AHUN, ayaa isaga oo suuradda Walcasri ka faalloonaya waxa uu yidhi: Dadku haddii ay u dhugmo yeelan lahaayeen suuraddan, waay ku filnaan lahayd. 

  لو تدبر الناس هذه السورة ، لوسعتهم.

Walcasri waxay ka mid tahay suuradaha ugu gaagaaban Qur’aanka. Waaba saddex aayadood, ama labo sadar oo keli ah. Sidee ayay keligeed inoogu filan tahay? Maxay xambaarsan tahay oo uu Imaam Shaafici ku arkay?

Ibnul Qayim, AHUN, waxa uu tilmaamay in ay suuraddan ku jiraan lix arrimood— saddex uu qofku naftiisa u sameeyo, iyo saddex uu qayrkii farayo. 1) Awooddiisa garasho in uu ku dhammaystiro iimaan, (2) awooddiisa falgudashana in uu camal wanaagsan ku dhammaystiro, (3) labadaana uu ku joogteeyo dhabar adayg iyo sabir. Intaa waxaa soo raaca, in uu saddexdanba dadka kalana faro. Sidaas awgeed, wuxuu noqonayaa mid ku dhaqmay, dadka faray, ku tilmaaman, baraya, dadkana ugu baaqaya. “Kaas ayaa liibaan idilkeed liibaanay” ayuu yidhi Sheekhu.


Jiheeyso

Wacyiga iyo adduun-araggu waa waxa haga qofka fakarkiisa ee qaabeeya noloshiisa. 

Beryahan dambe waxaa la inagu lagu furay tashwiish shaydaani ah oo jihadii inaga wareeriyay. Waxaa inagu dhex faafay, oo si dhaadis la’aan ah aynu u nuugaynaa, adduun-aragga dad aan Alle aaminsanayn e, rumaysan inay mar uun mudh iska soo yidhaahdeen, noloshuna aysan wax yool iyo ujeeddo ah lahayn. Nooloow. Cun. Cab. Raaxayso. Dhimo. Bes. 

وَقَالُوا مَا هِيَ إِلَّا حَيَاتُنَا الدُّنْيَا نَمُوتُ وَنَحْيَا وَمَا يُهْلِكُنَا إِلَّا الدَّهْرُ

Islaamku wuxuu ku dhisan yahay adduun-arag kaas ka duwan. Insaanku waa koyto adduunkan ku cusub, looga soo horreeyay, kana dhaqaaqi doona muddo yar dabadeed. Mar baa jirtay uusan Insaanku ahayn wax la sheego, taas oo muujinaysa jiritaan la’aan. Alle ayaa abuuray oo ka dhigay mid wax maqli kara waxna arki kara. Sidaa laguma dayn e, sax iyo qalad, qummanaanta iyo qalloocnaanta ayaa la kala baray, kala doorashadoodana xorriyad ayaa loo siiyay. Intaana waxaa loo yeelay in lagu imtixaano, oo kii imtixaanka ku guulaysta lagu abaalmariyo wanaag, kii guuldarraystana ciqaabtuu mudan yahay la marsiiyo ama la cafiyo. 

هَلْ أَتَىٰ عَلَى الْإِنسَانِ حِينٌ مِّنَ الدَّهْرِ لَمْ يَكُن شَيْئًا مَّذْكُورًا.

إِنَّا خَلَقْنَا الْإِنسَانَ مِن نُّطْفَةٍ أَمْشَاجٍ نَّبْتَلِيهِ فَجَعَلْنَاهُ سَمِيعًا بَصِيرًا.

إِنَّا هَدَيْنَاهُ السَّبِيلَ إِمَّا شَاكِرًا وَإِمَّا كَفُورًا.

إِنَّا أَعْتَدْنَا لِلْكَافِرِينَ سَلَاسِلَ وَأَغْلَالًا وَسَعِيرًا.

إِنَّ الْأَبْرَارَ يَشْرَبُونَ مِن كَأْسٍ كَانَ مِزَاجُهَا كَافُورًا.

Insaankii noloshiisu qorshahaa ku dhisnayd, ee waqtiga kooban la siiyay, ayaa Alle ugu dhaartay isla waqtigii. Waa baraarujin in waqtigiisu gabaabsi yahay. Weliba wuxuu ugu dhaartay xilli ay maalintu gabagabo tahay si farriintu u sii adkaado. Wal casri. 

Ka dib, Alle waxa uu ka war bixinayaa xaaladda insaanku ku sugan yahay, taas oo uu ku tilmaamay guuldarro iyo khasaare. Insaanku wuu ku dhacay imtixaankii loo dhigay, labadii jidna kii qalloocnaa buu qaaday. 

Laakiin waa sida uu u badan yahay e, kuwo khasaarahaa ka badbaaday, oo guushii hantay, ayaa Alle inoo sheegay, tilmaantoodana ina siiyay. 


Iimaan iyo Fal Suubban

Iimaanku waa asaaska nolosha qofka Muslinka ah, wax kasta oo la’aantii la qabtaana waa hal bacaad lagu lisay. 

Iimaanku waa rumayn afka lagaga dhawaaqo, oo qalbigu ka dhabeeyo, xubnuhuna ay falgaliyaan. Heerarka iimaanka waxaa ugu sarraysa “laa ilaaha illallaah” waxaana ugu hoosaysa dhibta oo jidka laga leexiyo, xishoodka iyo sarriigashaduna waa qayb iimaanka ka tirsan. 

الإيمان بضع وسبعون أو بضع وستون شعبة، فأفضلها قول لا إله إلا الله وأدناها إماطة الأذى عن الطريق، والحياء شعبة من الإيمان

Sidaas awgeed, iimaanku kuma koobna afka baarkiisa, kamana maarmo fal iyo camal ku lammaan. 

Adduunkan gabaabsiga ah waxaa loo joogaa in aakhiro looga sahay qaato, waxaana iman doonta maalin kafad iyo miisaan la isku xisaabin doono, oo qof walbaa wixii uu hormarsaday loo beegi doono. 

Nebigu SCW waxa yidhi: qofka dhiifooni (fariidka ah) waa ka isxisaabiya ee u shaqaysta waxa geerida ka dambeeya. Habacsanuhuna waa midka naftiisa raaciya hawadeeda iyo rabitaankeeda, ee yididdiilada madhan quuta. 

الكيس من دان نفسه وعمل لما بعد الموت والعاجز من أتبع نفسه هواها وتمنى على الله الأماني


Isu Dardaarma Xaqa

Naf hawadeeda ku socota xumahana aad ugu heellan iyo shaydaan xumaanta inoo qurxiya, ayaa inagu lammaan. Sidaas awgeed, isu dardaaranka, iswaaninta, iyo wax isu sheegiddu waxay lamahuraan u yihiin ku dhaqmidda wanaagga iyo ka fogaanta xumaha. Waana sababta ay diinteennu aadka inoogu boorrisay faridda wanaagga iyo reebidda xumaha, taas oo aynu ku mutaysannay in aynu noqonno ummaddii ugu khayrka badnayd, halka Banuu Israa’iil loo lacnaday in aysan xumaha iska reebi jirin. Bulsho aan xumaha iska reebini way rogmataa.  

كُنتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ تَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَتَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَتُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ ۗ 

كَانُوا لَا يَتَنَاهَوْنَ عَن مُّنكَرٍ فَعَلُوهُ ۚ لَبِئْسَ مَا كَانُوا يَفْعَلُونَ

“Dhulkana bidixlaa ku nool

Waxaa jira beenawaas

Ibleyskuna waa bakhayl

Bahdiisuna waa yiciis,

Balway ku hor qaadayaan

Bustay kugu laabayaan

Wedkay balag saarayaan

Hadday buro kaa helaan

Waxay kugu badhi furaan

Dharaaraha baane jiro

Belaayana way guddaa

Bariisana way dhacdaa

Haddaan laga sii bedqabin

Waxaad ku baraarugtaa

Beentaadu runtay necbayd.”

—Hadraawi: Adduunyadu Waa Besteed

Diintu waa nasiixo. Xaqa oo la isu dardaarmo waa dulmiga oo la iska waaniyo. Dulmigu waa mugdi. Waa dibudhac iyo baaba’ iyo balaayo aan dheef laga gaadhin. Dulmigu waa xaqa oo la duudsiyo, la daboolo, ama la derdero. Haddii aad daalin reernimo ku difaacdid, haddii aad khaa’in garabsiisid, haddii aad gardarraale u guulwadaysid… inaad xaqii lid ku tahay ogoow. 

وَلَا تَكُن لِّلْخَائِنِينَ خَصِيمًا.

وَلَا تَرْكَنُوا إِلَى الَّذِينَ ظَلَمُوا فَتَمَسَّكُمُ النَّارُ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ اللَّهِ مِنْ أَوْلِيَاءَ ثُمَّ لَا تُنصَرُونَ.

Haddii aynu Soomaali nahayna, dulmi qabiil ku dhisan ayaa if iyo aakhiraba ina seejinaya. Aakhiradii lamahuraanka ahaydna reer hebel laandheere sheegtaa kama shaqeeyo, oo naf walbaa iyadaa u qoorxidhan waxay samaysay. 

كُلُّ نَفْسٍ بِمَا كَسَبَتْ رَهِينَةٌ.

Qofkii camalkiisu la hadhana, dhalashadiisu ma hormariso, sida uu Nebigu SCW sheegay.  

من أبطأ به عمله لم يسرع به نسبه.

Ogoowna, qabriga adiga iyo camalkaaga ayaa galaya. Reerkii aad u hiilinaysay intay ciid kugu rogaan bay danahoodii u kala dareerayaan. Adiga iyo camalkaaga ayaa la idiin kala dhaqaaqayaa. 

U taagnoow kuna taagnoow xaqa iyo caddaaladda, qabiilkana iska illow. 

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ بِالْقِسْطِ شُهَدَاءَ لِلَّهِ وَلَوْ عَلَىٰ أَنفُسِكُمْ أَوِ الْوَالِدَيْنِ وَالْأَقْرَبِينَ ۚ إِن يَكُنْ غَنِيًّا أَوْ فَقِيرًا فَاللَّهُ أَوْلَىٰ بِهِمَا ۖ فَلَا تَتَّبِعُوا الْهَوَىٰ أَن تَعْدِلُوا ۚ وَإِن تَلْوُوا أَوْ تُعْرِضُوا فَإِنَّ اللَّهَ كَانَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرًا.

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ لِلَّهِ شُهَدَاءَ بِالْقِسْطِ ۖ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَىٰ أَلَّا تَعْدِلُوا ۚ اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَىٰ ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ.

Intii kula mabda’ ah baa tolkaa ah. Tol waa tolane— oo waa wax dan loo samaystay.

“Abkuu doono ha sheegtee

Dad waxaa ehel ii ah

Qofkii aan af aqaanee

Si wax iila arkaayee

Na midayso ujeeddo!”

— Gaarriye


Isu Dardaarma Sabirka

Iimaanka, samaynta wanaagga, ka fogaanshaha xumaha, iyo isu dardaaranka xaquba waa hawlo u baahan dhabar adayg iyo dulqaad badan. Sabirku waa tilmaanta afraad ee dadka khasaaraha ka badbaaday. Dheeldheel iyo hawaraac guul laguma gaadho e, waa loo dhabar adaygaa. Birtaa la calaashadaa si aad barwaaqo u gaadhid. 

Markii Alle abuuray Jannada, ayuu u diray Jibriil oo yidhi orodoo soo eeg. Jibriil markuu soo noqday wuxuu yidhi: “Rabbiyoow sharaftaadaan ku dhaartaye, ma jiri doonto cid warkeeda maqasha oo aan gali doonin.” Alle ayaa amray in Jannada lagu meegaaro waxyaalaha naftu dhibsato (المكاره), ka dibna Jibriil buu Alle yidhi orodoo soo eeg. Jibriil markuu soo noqday wuxuu yidhi: “Rabbiyoow sharaftaadaan ku dhaartaye waxaan ka baqayaa inaan cidna gali doonin.” 

Sidaa si la mid ah ayaa Alle ugu diray Naarta. Markii hore ee uu arkay Naarta oo qayaxan, wuxuu yidhi cid meeshan warkeedu gaadhay oo galaysaa ma jirto! Laakiin markii labaad ee lagu celiyay, waxaa lagu meegaaray waxyaalihii naftu jeclayd ee ay u hanqaltaagaysay (الشهوات). Jibriil wuxuu yidhi: “Rabbiyoow sharaftaadaan ku dhaartaye, waxaan ka baqayaa in dadku wada galaan oo aan cidna ka badbaadin!” 

ما خلقَ اللهُ الجنةَ قال لجبريلَ: اذهبْ فانظرْ إليها ، فذهبَ فنظرَ إليها ثم جاء فقال: أيْ ربِّ وعزتِك لا يسمعُ بها أحدٌ إلا دخلَها ، ثم حفَّها بالمكارِهِ ، ثم قال: يا جبريلُ اذهبْ فانظرْ إليها ، فذهبَ فنظرَ إليها ، ثم جاء فقال: أيْ ربِّ وعزتِك لقد خشيتُ أن لا يدخلَها أحدٌ , قال: فلما خلقَ اللهُ النارَ قال: يا جبريلُ اذهبْ فانظرْ إليها ، فذهبَ فنظرَ إليها ، ثم جاء فقال: أيْ ربِّ وعزتِك لا يسمعُ بها أحدٌ فيدخلُها ، فحفَّها بالشهواتِ ثم قال: يا جبريلُ اذهبْ فانظرْ إليها ، فذهبَ فنظرَ إليها ، ثم جاء فقال: أيْ ربِّ وعزتِك لقد خشيتُ أن لا يبقَى أحدٌ إلا دخلَها.

Imtixaanka yaallaa waa kaas. Nafta in rabitaankeeda la raaciyo, oo aan amarka Alle loo dhugmo yeelan; xaqa oo laga boodo, xaaraanta oo la cuno, dadka la dulmiyo, xaqdarrada oo la xoojiyo, xishood iyo anshax laga arradnaado, dhaqan ba’an oo lagu hoos dhuunto… Ama in nafta la xakameeyo oo xadhko adag lagu xidho, xaqa lagu dabbaalo, xumaha laga dheereeyo, oo xukunka Alle lagu xasiliyo… si ay u gaadho guusha dhabta ah.

كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ۗ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۖ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ ۗ وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ.


Gabagabo

Suuraddan saddex aayadood ka koobani waxay kulmisay hab nololeedka qofka iyo bulshada Muslinka ah. Waa Alle oo la rumeeyo. Wanaagga oo la falo. Xaqa oo la isu dardaarmo. Sabirka oo la isku boorriyo. Waa masuuliyadda gaarka ah oo laga adkaado (rumaynta Alle iyo samaynta wanaagga) ka dibna midda wadareed loo istaago oo laga soo dhalaalo (isu dardaaranka xaqa iyo sabirka). 

Walcasri waa jiheyso inagu duwaysa waxyaalaha lagu gaadho guusha ee guuldarrada lagaga dheeraado. Murti Soomaaliyeedna waa tii lahayd: “Nin qaldan qabashadii. Nin qumman quwayntii, iyo nin qatan quudintii baa tol ku dhaqnaa.” Miyaysan suuraddiiba soo koobin. 

“Garashiyo sugnaan hoyso

Falka sami ha kuu raaco

Mana jiro sed kaa baaqday

Ilbaxnimadu saas weeye

Sirta noloshu taas weeye.”

—Hadraawi: Sirta Nolosha.

إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ ۗ

Alle ma beddelo xaaladda (barwaaqo iyo beloba) dad ku sugan yahay ilaa ay iyagu beddelaan xaaladda nafahoodu ku sugan yihiin (dhaqankooda)

Cawli ban bay u baratay, buuri u dhaantaase mooyee.

#Dhambaalka_Jimcaha 

Check Also

Dhambaalka Jimcaha — 6 | 08 Ramadaan 1441 | 01 May 2020

Dhambaalka Jimcaha — 6 | 08 Ramadaan 1441 | 01 May 2020 بسم الله الرحمن الرحيم …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *