Home / Dhambaalka Jimcaha / Dhambaalka Jimcaha — 9 | 29 Ramadaan 1441 | 22 May 2020

Dhambaalka Jimcaha — 9 | 29 Ramadaan 1441 | 22 May 2020

Dhambaalka Jimcaha — 9 | 29 Ramadaan 1441 | 22 May 2020


بسم الله الرحمن الرحيم

Bilowga Hanuunka

Ramadaan dhammaatay, waase in ay noqoto bilowga jid cusub oo qofku qaado. Guushu waa wanaaggii Ramadaanta lagu dhaqmayay in la sii wado, xumihii Ramadaan ka horreeyayna aan la soo celin. Ma aha in ay Ramadaan noqoto hakad yar oo dabadii lagu noqdo “sidii caadiga ahayd”. In Ramadaan lagaa aqbalay calaamadaheeda waxaa ka mid inaad joogtaysay camalkii wanaagsanaa Ramadaan ka dib, ayay odhan jireen salafkii suubbanaa. 

Soonkii Alle innagu waajibiyay, ee aynu bisha dhan wadnay, ujeedkiisa iyo yoolkiisu wuxuu ahaa in la inoo carbiyo sidii aynu ku gaadhi lahayn taqwada Alle.

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ

Taqwaduna waa inaad Alle iyo farriintiisa u fiiro yeelatid kuna dhaqantid, wixii yar ee gacantaada ku jirana aad ku qanacdid, una sahay qaadatid maalintaad adduunkan ka guuri doontid, sida uu sheegay Cali ibnu Abii Daalib RC. Waa iska dhowridda iyo ka fogaanshaha wixii dhib adduun iyo mid aakhiro kuu keenaya. 

Taqwadu waa jidka hanuunsanaanta iyo tilmaanta kuwa hanuunsan. 

Imaam Qasaali, AHUN, kitaabkiisa Bilowga Hanuunka (بداية الهداية) waxa uu ku leeyahay: taqwadu waa ku dhaqmidda amarrada Alle iyo ka fogaanshaha wixii uu reebay. Amarka Alle waa faral iyo sunne, oo faralku yahay raasamaalkii lagu badbaadayay, sunnuhuna faa’iidadii lagu gaadhayay darajooyinka sare. Sheekhu waxa uu intaa raacinayaa in gudashada amarrada Alle ay u baahan tahay in qofku dhowro qalbigiisa iyo xubnihiisa goor walba. Taasina waxa aysan ka maarmayn in uu waqtigiisa qaybiyo oo kala habeeyo, ee uusan habqan iska socda noqon. 

Sheekhu waxa uu kitaabkiisan yar ku faahfaahinayaa, hawl maalmeedyada qofka laga doonayo marka uu indhaha kala qaado ee uu hurdada ka tooso, ilaa uu habeenkii kaga noqonayo hurdada. Waa jadwal 24 saacadood ah oo nidaamsan. Waxaana xusid mudan in qofka Muslimka ah waqtigiisu uu ku jadwalaysan yahay shanta salaadood ee faralka ah. 


Sheekhu waxa uu leeyahay hurdada marka aad ka toostid, ha illaawin adkaartii uu ina baray Nebigu SCW. Waxa uu ku xejinayaa wixii nadaafad ku saabsan ee xilligan qofku u baahnaa, hadday tahay aadaabta musqusha, cadayga, weysada, isu diyaarinta salaadda iyo aaditaanka masjidka iyo salaadda subax. 


Sheekhu waxa uu leeyahay salaadda subax ka dib ilaa ay qorraxdu ka soo baxayso, ku dedaal afar arrimood: inaad ducaysatid, inaad adkaarta akhrisatid oo aad tasbiixsatid, in aad Qur’aanka akhridid, iyo inaad naftaada waqti la qaadatid (tafakur) oo aad ka fekertid wixii gaabis ah ee kaa dhacay, iyo in aad qorshaysid maalintaa kuu bilaabmaysa iyo sidii aad uga faa’iidaysan lahayd: hadday tahay wardigaaga, raalligalinta Alle, wanaaggii aad maalintaa samayn lahayd iyo kala doorashadiisa iyo qaabkii aad u fulin lahayd, iyo in aad Muslimiinta wanaaggooda dareenka ku haysid.

Halkan waxaa ku jirta in qofku maalintiisa qorsheeyo oo uu si qumman uga fekero wixii uu waqtigiisa ku qaban lahaa, iyo sidii uu aakhiradiisa iyo adduunkiisa waxtarkooda uga buuxin lahaa maalintaa u bilaabmaysa. Shakhsi ahaan marka uu tiisa meel saaro, in uu haddana dadka kale wanaaggooda laabta ku hayo ee uusan noqon keligii-noole, ayaa iyaduna muhiim ah. 


Qorraxdii marka ay soo baxdo ee ay dhulka in waran jooggii le’eg ka kacdo, labo rakcadood oo sunne ah tuko, barqadiina salaatud duxaa yaysan ku dhaafin.

Intaa ka dib, waqtigaaga waa in aad afar middood ku qaadataa:

  1. Waxbarasho, weliba barashada diinta, ee aan yoolkeedu ahayn darajo raadin iyo istusnimo, ee aad uga jeeddid in aad Alle ku baratid, kuna kororsatid xidhiidhka aad la leedahay. Waxbarashada kale waxay soo galaysaa qaybaha kale ee soo socda.
  2. Haddii aadan waxbarasho ku mashquulsanayn, waxaa kuu taalla cibaado ah dikri, Qur’aan akhris, tasbiix, salaad,… waana darajooyinka caabidiinta iyo jidka saalixiinta, waxaadna kaga mid noqonaysaa kuwa liibaanay.
  3. Midda saddexaad waa inaad ku mashquushid wixii Muslimiinta wanaag u ah ee aad kaga farxinayso quluubta Mu’miniinta, sida u adeegiddooda, quudinta danyarta iyo masaakiinta, booqashada bukaanka, raacidda janaasada, … intaas oo dhan way ka fadli badan yihiin sunnaha, maxaa yeelay waa cibaadooyin waxaana la socda waxtarka Muslimiinta.
  4. Haddii aadan intaa midna awoodin, oo aad ku qasban tahay inaad quudkaaga iyo ka ciyaalkaaga raadsatid, Muslimiintuna ay kaa nabadgaleen, kana badbaadeen afkaaga iyo addinkaaga, diintaaduna ay kuu badqabto oo aadan macsi galin, sidaa waxaad ku gaadhaysaa darajooyinka Asxaabul Yamiinka, haddiiba aadan u gudbin maqaamka kuwa horumaray (Saabiqiinta). Intaa wixii ka hooseeyaa, waa halaag iyo meelaha shaydaanku daaqo, taas oo ah inaad ku mashquushid wax duminaya diintaada, ama aad dhibtid addoon Alle.

Diinta iyo xaqeeda marka la joogo, qofku wuxuu ku sugan yahay saddex heer midkood:

  1. In uu badbaaday (سالم): waana in uu waajibkiisa guto macsidana ka dheeraado,
  2. In uu guulaystay oo uu dheeraad helay (رابح): waana in uu badbaadadii ku darsaday gudashada sunnada iyo wanaagga kale ee Alle loogu dhowaado, iyo
  3. In uu guuldarraystay (خاسر), oo ah in uu ka gaabiyay waajibkiisii.

Haddii aadan awoodin inaad dheeraad ku guulaysatid, ku mintid inaad badbaade noqotid, iskana dhowr inaad khasaartid. 

Dadka iyo xaqooda marka la joogana, qofku wuxuu ku sugan yahay saddex heer midkood:

  1. In uu ka joogo heerka malaa’igta baarriyaasha ah, kaas oo ah in uu u dhimriyo oo uu dantooda u gudo, farxadna laabtooda galiyo,
  2. In uu ka joogo heerka ma-yeedhaanka oo uusan dhib iyo dheef toona u geysan, iyo
  3. In uu ku noqdo halaq halis ah, sida abeesada iyo hilib-cunka hororka ah, ee aan khayr laga sugayn sharkoodana la iska dhowro.

Haddii aadan malaa’igta gaadhayn, ka digtoonoow inaad u hoobatid heerka bahaa’imta iyo ma-yeedhaanka, iyo abeesooyinka. Haddii aad naftaada raalli uga tahay inaad ka soo degtid meesha ugu sarraysa, ha u oggolaan inay u dhaadhacdo asfalas saafiliin—laga yaabee inaad ku badbaadid eber aadan wax lahayn waxna lagugu lahayn. 


Sheekhu waxa uu leeyahay: dharaartaada ka ilaali in aad ku mashquushid wax aan anfacayn aakhiradaada iyo adduunkaaga aad u kaalmaysanaysid aakhiradaada. Haddiina aad awoodi waydo inaad diintaada xaqeeda siisid adiga oo dadka ku dhex jira, waxaa kuu eg inaad ka dhex baxdid si aad u badbaaddid. Haddiise kelinnimadu ay kuu keenayso wax aan Alle raalli ka ahayn, iska seexo! Sidaas ayaa kuu fiican annagana noo fiican e, oo haddii aynu dheef iyo dheeraad wayno, waxaa habboon inaynu ku badbaadno jabka iyo guuldarrada. Laakiin waa liidasho in sida keli ah ee diintu kuugu badbaadaysaa ay noqoto in aad noloshaada baab’iso, illeen hurdada iyo geeridu waa walaalee, waana ku biiridda ma-yeedhaanka. 

Haddaad habeenkii tukanaysid, duhurka hortii qayluulo oo yara seexo. Qayluulada qiyaam la’aantuse waa suxuurasho bilaa soon ah!

Duhurka iyo casarka inta u dhexaysa ha ku mashquulin wax aan waxbarasho ahayn ama kaalmaynta Muslin, ama akhrinta Qur’aan, ama kasbashada dhaqaale aad diintaada ku kaalmaysatid. Casarka ka dibna sii wad wixii aad qabanaysay hortii. 

Maanta waxaa la wada raadinayaa sidii waqtiga yar ee aynu haysanno waxsoosaarka ugu badan looga dhiijin lahaa, buugaag badan baa laga qoraa, siminaarro iyo khudbadaa laga jeediyaa, tababbarraa loo galaa, laakiin inteeda badan cidda ku mashquulsani waa dad nolosha heer sare ka gaadhay oo ku nool dalalka horumaray, maxaa yeelay waxay fahmeen ahmiyadda ay leedahay in uu qofku waqtigiisa dhowrto, sida ugu habboonna uga faa’iidaysto. Waqtigu waa lacag bay yidhaahdeen. 

Sheekhu waxa uu leeyahay: waqtigaagu yuusan noqon mid nidaam la’aan u dayacan oo aad hadba wixii kaa horyimaadda ku mashquushid. Waa inaad naftaada xisaabisaa, oo aad kala habaysaa hawlahaaga maalin iyo habeen, waqti kastana aad u goysaa hawl ku jaango’an— sidaas ayay ku muuqanaysaa barakada waqtigu. Laakiin qofkii sida xoolaha iska socda, ee aan garanayn wixii uu waqti kasta ku qaabili lahaa, waqtigiisa intiisa badani wuu ka dayacmayaa. 

Ustaad Cabdulqaadir Diiriye ayaa waxa uu leeyahay: “Waqtigii dawladdii dhexe macallin wax noo dhigi jiray waxaan ka hayaa: ‘Subax walba qorshe aad leedahay ku soo toos. Haddii kale mid suuqa xoolaha u socda ayaad iska sii raacaysaa oo ari la soo iibinaysaa.’”

Waqtigaaguna waa cimrigaagii, cimrigaaguna waa raasamaalkaaga aad ku ganacsanaysid, isaga ayaadna ku gaadhaysaa nicmada waaraysa ee Alle deriskiisa ah, sikin kastaana waa jawharad aan qiime goyn, maxaa yeelay wax lagu beddelaa ma jiraan, haddii uu ku dhaafana ma soo noqonayo, ayuu yidhi Sheekhu.

Ha ku farxin waxaan ahayn camal ama cilmi kuu kordhay, maxaa yeelay iyagaa qabriga kula galaya marka ehelkaaga, maalkaaga, awlaaddaada, iyo asxaabtaadu ay kaa hadhaan. 


Casarliiq marka la gaadho, ku dedaal inaad masjidka ku noqotid intaan qorraxdu dhicin, oo isku hawl tasbiix iyo dembidhaaf dalab (istiqfaar), maxaa yeelay waqtigani waa mid u fadli badan sida intaan qorraxdu soo bixin. 

وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ غُرُوبِهَا

Qorraxduna ha kuu dhacdo adiga oo Alle dembidhaaf weydiisanaya. 

Maqribka ka dib, haddii aad awooddid, masjidka ku ictikaaf ilaa cishaha. Haddii aadan salaatul layl u kacaynna, witirkaaga sii hormarso.

Intaa ka dib, isku hawl aqoon kororsi ama buug akhri, hana isku mashquulin ciyaar iyo madadaalo, si ay taasi u noqoto khaatimada camalkaagii maalintaas hurdada ka hor, maxaa yeelay camalku waa waxa u dambeeya iyo gabagabada (فإنما الأعمال بخواتمها).


Markaad hurdo u kacdid, gogoshaada diyaarso adiga oo qiblada u jeedinaya, una seexo midigtaada. Ogoowna hurdadu waa geerida oo kale, soo toosidduna waa isa soo bixinta oo kale, lagana yaabee in Alle naftaada qabto habeenkaa, ee u diyaarsanow la kulankiisa oo dahaaro ku seexo, dardaarankaagiina isaga oo qoran barkintaada hoosteeda ha kuugu jiro, seexana adiga oo ka tawbad keenay dembiyadaadii go’aansadayna inaadan macsi dambe u noqonayn, go’aanna ku gaadh inaad dadkoo dhan khayr kula dhaqmi doontid haddii Alle ku soo toosiyo. Xusuusana in keligaa qabriga lagu jiifin doono, waxa keli ah ee kuu wehel yeelayaana uu yahay camalkaagii, wax aan falkaagii ahaynna lagugu abaalmarin maayo. 

Ha isku kallifin inaad hurdo iskaga doondoontid dhigashada gogol raaxo ah, maxaa yeelay hurdadu waa noloshii oo la joojiyay, ee haddaan hurdo ku hayn wax kale qabso — waa haddii uusan soojeedkaagu balaayo kugu ahayn oo markaa hurdadu diintaada badbaado u tahay! 

Ogoowna, habeenka iyo maalintu waa 24 saacadood, hurdadaada maalintii iyo habeenkiina yaysan ka badan 8 saacadood. Haddii aad 60 sano noolaatid, intaas ayaa kuugu filan inaad 20 sano dayacdid, waana saddex-meelood-meel. 

Intaadan seexan sii diyaarso wixii aad u baahnayd markaad soo kacdid, go’aansana in aad qiyaamul layl u toostid, maxaa yeelay labo rakcadood oo habeenkii la tukadaa fadli badan ayay leeyihiin, sidaas awgeed kaydkaaga u badso maalinta aad u baahi qabtid, illeen kaydadka dhaqaale ee adduunku waxba kuu tari maayaan geeri dabadeed e. Adkaarta hurdadana ha illaawin. 


Markaad soo toosid, halkii ka wad hawshii nidaamkaana ku soco inta cimrigaaga ka dhiman. Haddii joogtayntu kugu adkaato, ugu dulqaado sida bukaanku ugu dulqaato dawada qadhaadh isaga oo caafimaad ku rejaynaya, maankana ku hay gaabnida cimrigaaga xitaa haddii aad boqol sano noolaatid, maxaa yeelay marka loo eego joogitaanka aakhiro, 100 sano waxba ma aha. 

Haddii aad u dulqaadanaysid dhibta iyo dulliga si aad adduun u heshid oo aad ugu nasatid, tusaale ahaan, labaatan sano, maxaad arrintan ugu dulqaadan wayday maalmo yar si aad ugu raaxaysatid abidkaa? 

“Sebennada xujeynta ah

Wakhtiyada saboolka ah

Qofku inu sarriigtiyo

Inu saanta raransado

Sabirkow dhexeeyoo

Sado waxay macaan tahay

Marka loo sid tiriyoo,

Qofba saakadiisaa

Ku sargo’an runtiisee

Waxan suurageli karin

In yaqiinta lagu sugo,

Marba xadhig la soohiyo

Haddaan seeto loo hayn

Naftu way sawaxantaa,

Hadday saar-ku-nool tahay

Marka saabku madhan yahay

Saxarkay ka gubataa

Subaxday gurracan tahay

Hadba surin qalloociyo

Salowgay ku dhacantaa,

Hadba suun in lagu xidho

Laga jiro su’aalaha

Salfudaydku weheshado

Cishadeeda lagu simo

Sooryadeedu waa taas.”

— Hadraawi: Suubban. 

Yididdiiladu yaysan kula dheeraan haddii kale camalkaa kugu cuslaanaya, soo dhoweyso geerida, naftaadana ku dheh: waxaan ugu dulqaadanayaa dhibta maanta laga yaabee inaan caawa geeriyoodo, caawana waan sabrayaa laga yaabee inaan berri dhinto— geeridu kuma soo weerari doonto waqti go’an, da’ go’an, ama adiga oo ku jira xaalad go’an oo aad ogsoon tahay. Wayse kugu soo maqan tahay. 

“Belaayana way guddaa

Bariisana way dhacdaa

Haddaan laga sii bedqabin

Waxaad ku baraarugtaa

Beentaadu runtay necbayd.”

—Hadraawi: Adduunyadu Waa Besteed.

Isu diyaarinta geerida ayaa ka mudan isu diyaarinta adduunyada aad og tahay inaad joogaysid muddo kooban, lagana yaabee in aysan kuu hadhin wax ka badan hal neefsi ama saacad ama maalin keli ah. Taas laabta ku hay maalin kasta. Naftaadana ku kallif in ay u dulqaadato daacada Alle maalinba maalinta ku xigta. Haddaad sidaa ku guulaysatid, geeridaadu markay timaaddo aad baad u farxaysaa. Haddiise aad isdhigatay, geeridu waxay kuu imanaysaa waqti aadan diyaar u ahayn, waxaadna ka shallaayi doontaa mid aan dhammaad lahayn. 

“Nin yaraan ku loofaray wuxu lumiyay raacdeeye”

— Salaan Carrabey: Lukaansi. 


Gabagabo

“Garashiyo sugnaan hoyso

Falka sami ha kuu raaco

Mana jiro sed kaa baaqday

Ilbaxnimadu saas weeye

Sirta Noloshu taas weeye.”

—Hadraawi: Sirta Nolosha.

إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ ۗ

Alle ma beddelo xaaladda (barwaaqo iyo beloba) dad ku sugan yahay ilaa ay iyagu beddelaan xaaladda nafahoodu ku sugan yihiin (dhaqankooda)

#Dhambaalka_Jimcaha

Check Also

Dhambaalka Jimcaha — 6 | 08 Ramadaan 1441 | 01 May 2020

Dhambaalka Jimcaha — 6 | 08 Ramadaan 1441 | 01 May 2020 بسم الله الرحمن الرحيم …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *