Home / Waxbarasho / Iswaafajinta Aqoonta

Iswaafajinta Aqoonta

Kala sarraynta baahiyaha ee Maasloow (Maslow’s Hierarchy of Needs), waa aragti Cilmi-nafsi oo ku qotonta kala sarraynta baahiyaha qofka.

Waxay sheegaysaa in banii Aadamku ay tahay inuu marka hore buuxiyo baahiyihiisa asaasiga ah (Basic Needs), sida inuu cunno helo, biyo helo, hu’ iyo hoyna helo. Ka dibna waa inuu u gudbaa buuxinta baahiya nafeed (Psychological needs), sida inuu yeesho xiriir, saaxiibbo, in uu aqoonsi ka helo bulshada, in la ixtiraamo isna uu wax ixtiraamo. Ugu damayn qof walba wuxuu gaarayaa heer isku filnaansho ah ( Self-fulfillment needs), waana inuu qofku helo wax walba oo qof u baahnaan lahaa. Waa inuusan ka walwalin noloshiisa guud ahaan.

Waxaa isla aragtidaas saar uu tiriyay ku sheegay, Allaha u naxariistee, Carays Ciise Kaarshe. Waa tuu lahaa:

War hooy adigoo arradan

Ilmuhu kaa ooyayaan

Iddaa jeeraa heshaa

Ammaan lama raadiyee

Naftaa orod aamintee

Iskiinii wax u qabsada.

Waxaan aad ula cajabay sida saarka abwaanka iyo aragtida Maasloow ay isu waafaqsan yihiin; haddana waxa iga sii yaabiyay sida aragida Maasloow ay aadka ugu caan baxday, saarka Caraysna aysan cidi u aqoon.

Runtu waxay tahay inaynu nahay bulsho aqoon ahaan da’ weyn. Wax badan oo aynu cid kale ka soo amaahanno, waxay ka buuxaan dhaqankeenna iyo afkeenna, laakiin waxaan isleeyahay waxaa meesha ka maqan aqoonyahankii isbarbar dhigi lahaa. Hadraawi maansadiisii DABAHUWAN waa tuu kaga sheekaynayay in bulshadani aqoon iyo cilmi lahayd, laakiin gumaystuhu dusha ka saaray kiisii. Waa tuu lahaa:

Dal iyo magac bay lahayd

Dad iyo mudan bay lahayd

Duunyiyo mahad bay lahayd

Diin iyo dhaqan bay lahayd

Duug iyo dhaxal bay lahayd

Dan iyo tacab lahayd

Dedaal xejiyey lahayd

Check Also

Tacliinta Sare Ee Soomaaliya: Caqabadaha Iyo Xalka

Bishii siddeedaad ee sannadkan waxa ay Madasha Haldoor qabatay kulan ujeeddadiisu ahayd hagidda tacliinta sare …

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *