Ilmuhu waxay jecel yihiin in ay guriga wax walba oo yaal taabtaan, dhadhamiyaan oo dhulka la dhacaan si ay u ogaadaan inuu jabayo iyo siduu u jabayo. Taasi waa habka ay wax ku bartaan. Qofka weyni wixii ku cusub wuxuu ku qiyaasaa wax uu hore u yaqaannay, laakiin ilmuhu wax hore ma aqoon, marka waa inay indhahooda iyo farahooda kaga caano maalaan.
Bulshooyinku wixii ku cusub way la kacaa-kufaan ilaa ay la qabsadaan oo abuuraan aqoon ay kula tacaalaan. Hadba nooca bulsho tahay ayay ugu kala aqoon badan yihiin sida loo maareeyo dhacdooyinka ku soo noqnoqda degaankooda. Beeraleyda, xoolo dhaqatada, kalluumaysatada, ugaarsatada, ganacsatada, ikk., waxay abuuraan aqoon iyo ereybixin la xiriirta noloshooda oo aanay aqoon bulshooyinka kale.
Aqoonta waa la kaydiyaa. Qoraalka iyo sheekooyinka oraahda lagu soo gudbiyo, sawirada iyo farshaxanka iyo suugaanta ayaa kayd u noqota aqoontii hore loo abuuray oo markii loo baahdo dib loogu noqdaa.
Aqoonta waa la hufaa. Dhaqangelinta aqoonta waxaa ka dhasha in aanay mararka qaarkood isku si u shaqayn, ama aanay xaalad walba xal u noqon. Taasina waxay keentaa in la toosiyo oo wax lagu daro ama wax laga saxo.
Aqoonta waa la gudbiyaa. Dhallinyaradu waxay la noolaadaan jiilkii ka horreeyey oo ka bartaan sida loo maareeyo nolosha degaanka. Waxbarashada habaysan (iskuullada) ayaa iyaduna ah qaab aqoonta loo gudbiyo. Waxaa jirta aqoon ay adag tahay in la gudbiyo oo xataa qofka yaqaan aanu aqoon si uu u gudbiyo. Taas waxaa lagu gudbiyaa ku dayasho oo qofka aad muddo la nooshahay waxaad ka barataa sida uu u maareeyo dhibaatooyinka. Tusaale, odayaasha xalliya ismaandhaafayda bulshada, way ku adag tahay inay qodobeeyaan sida dhibaatooyinka loo xalliyo waayo dhibaatooyinku isku nooc ma aha.
Jaamacaduhu waxay qaabeeyaan aqoonta bulshada ay ku dhex yaallaan si loo ilaaliyo loogana faa’iidaysto ama loo sahlo gudbinta aqoontaas. Jaamacadaha Soomaaliyeed inay baaraan aqoontii ummaddeennu abuurtay boqollaalkii sano ee la soo dhaafay, oo qoraallo ku uruuriso, ka samayso aragtiyo lagu xalliyo dhibaatooyinka maanta jira, una diyaariso ardayda siday u sii wadi lahaayeen aqoontaas una kobcin lahaayeen waa xil noo wada yaal.