Waxaa jira dad ku dooda in diinta Islaamku u baahan tahay isbeddel la mid ah kii reer Yurub kula kaceen diintoodii qarniyo hore si ay horumar u gaaraan. Qoraalkani wuxuu dulmarayaa xiriirkii ka dhexeeyey diinta Kirishtaanka iyo nolosha qofka caadiga ah qarniyadii dhexe iyo in la barbar dhigi karo xaaladda maanta ka jirta dhulka Muslimiinta.
Ugu horrayn, Yurub waxay diinta Kirishtaanku soo gashay isla qarnigii koowaad ee masiixiyadda. Si heer-heer ah ayey ugu fidday ilaa hadda la oran karo Yurub waa qaarad Kirishtaan ah oo weliba muddo ka badan 1200 oo sano reer Yurub keligood ayaa qabanayey derejada Pope (marka laga reebo kan had haya oo ah Laatin Ameerikaan). Ku dhowaad kun iyo shan boqol oo sano dhammaan nolosha reer Yurub xagga aqoonta, maamulka, iyo farshaxanka waxaa qaabaynaysay diinta Kirishtaanka.
Diinta Kirishtaanka ee Yurub ka jirtey waxay lahayd maamul iyada u gaar ah. Waxaa jirey Pope loo haystay inuu ahaa ma-dambaabe ka wakiil ah Ilaahay isaguna magacaaba maamullo (diocese) ku yaalla dhammaan dhulalka Kirishtaanka oo iyaguna isaga ka sii wakiil ah, waxaana maamul walba madax ka ahaa nin la yiraahdo bishop oo isagu magacaaba niman ka sii hooseeya oo la yiraahdo priests. Waxaa kale oo jirey boqortooyooyin ka talinayey Yurub oo iyaguna haystay diinta Kirishtaanka.
Waxaa dhacaysay in ay isdhex galaan labadaas maamul ee Kaniisadda iyo kan dawladnimada oo inta badan dano ka dhexeeyeen. Tusaale ahaan, Kaniisaddu waxay u baahnayd dhul ay dhisato ama beerato, maamulladuna waxay u baahnaayeen in dadka loo sheego in boqorku yahay qof Ilaahay raalli ka yahay. Waxaa iyaduna jirtay, maadaama akhrisku yaraa oo aanay markaas jirin makiinado wax daabaca, in dadka wax qora ay ahaayeen oo keliya kuwa kaniisadda wax ka barta oo inta badan ahaa dadka waalidkood yihiin kuwa dhulka iyo hantida leh. Markaa labaddii maamulba isku dad ayey gacanta u galeen. Tusaale ahaan Qoys la oran jirey Medici Family oo bangiyo lahaa ayaa markii dambe u dallacay inay boqorro ka noqdaan Florence (Talyaaniga) markii dambena waxay saddex wiilashoodii ka mid ah ka dhigeen Pope-ka ugu sarreeya mad-habta Kaatoligga waana: Pope Leo X, Pope Clement VII, iyo Pope Leo XI. Taasi waxay muujinaysaa in saddexda awoodood ee hantida, xukunka, iyo diintu ay ahaayeen saddex dhardhaar oo ninkii dan lihi u isticmaalo si uu dantiisa u gaaro.
Lahaanshaha dhulku wuxuu ahaa muhiim. Waxaa dhacaysay in dad meel deggen uu u yimaaddo nin aanay aqoon oo u sheego in dhulka ay deggen yihiin la soo siiyey oo uu warqad ka sito boqorka. Maalintaas wixii ka dambeeya dadkii dhulkaas lahaa waxay noqonayeen marti ijaar ka bixiya dhulkii ay boqollaalka sano beeran jireen. Ijaarka ay bixiyaan wuxuu noqon jirey lacag, inay maxsuulka beeraha qaar siiyaan ninka dhulka la siiyey, ama haddii aanay awoodin inay u shaqeeyaan isaga oo dhulkiisa u beeraan ama daaro u dhisaan. Sidaas waxa lagu dhisay daaro waaweyn oo ilaa hadda ku dhex yaal dhulalkii la beeran jirey oo uu lahaa ninkii dhulka la siiyey. Hawsha noocaas ah waxaa loo yiqiin serfdom. Oo haddii ninka dhulka leh iibiyo dhulkiisa oo qof kale ku wareejiyo waxaa la wareegayey dadkii ku noolaa dhulka oo maalintaas ka dib shaqaale u noqonayey ninka cusub ee dhulka iibsaday. Dhismayaashii waayadaas waxa keliya oo ka haray kuwii kaniisadaha iyo boqorradu lahaayeen, waayo iyaga uun baa awooday lacag guryo qaali ah oo raaga lagu dhisto.
Waxaad sawirataa dooxooyin Soomaaliya ku yaal oo reero badani degaan oo maalin dawladdu soo dirto nin dooxadaas la siiyey oo markaas dadkii u sheega inay xoolahooda iska daaqsadaan dhulka ama iska beertaan laakiin sannadkiiba ay dhawr neef ama qayb ka mid ah waxsoosaarka beerahooda ay isaga siiyaan. Odayaasha beeshana laga dhigo shaqaale soo uruuriya canshuurta, dhallinyarada xoogga lehna laga dhigo ciidan—haddii loo baahdo in xoog dadka lagu muquuniyo iyaga ayaa lagaa adeejinayaa.
Intaas waxaa dheeraa in Kaniisaddu qaadi jirtey hanti ah boqolkiiba toban 10% (tithe) wixii ka soo baxa beeraha ama dakhli kale oo soo gala dadka diinta haysta ama ha ahaadaan boqoradda iyo kuwa dhulka leh ama masaakiinta dhulka laga kireeyo. Taasi dhib kuma ahayn hantileyda laakiin waxay dhabarjab ku ahayd masaakiinta. Tusaalaha ugu fiican ee dhibka soo gaari karey qofka miskiinka ah ee dhulka laga kireeyo waxaad kaga bogan kartaa inaad akhrido taariikhda Macaluushii Ayrlaand.
Yurubta galbeed waxaa u badnaa dad masaakiin ah oo ku noolaa waxa beerahooda ama xoolahooda ay ka helaan. Isku xirnaanta boqorrada iyo wadaaddada waxaa ku dhibtooday dadkaas masaakiinta ahaa. Waqtigii uu ugu adkaa xiriirka maamulka wadaaddada iyo boqorradu wuxuu ahaa intii u dhexaysay qarniyadii 5’aad ilaa kii 16’aad, ka dib waxaa bilowday kacdoonno kala duwan oo u isugu jirey kuwo Pope-ka ku kaca (sida kacdoonkii Martin Luther) iyo kuwo siyaasiyiinta ku kacay (sida kacdoonkii masaakiinta Ingiriiska 1381).
Isla waqtiyadaas, waxaa jirey wadaaddo soo jiitay jeclaanta dadkii masaakiinta ahaa, waana kuwii u noolaa sida masaakiintu u noolaayeen ama dhistay godad ay iskaga cibaadaystaan oo ka fogaaday boqorradii iyo dhul-goosatadii. Taas waxaa ka muuqata inaan dadku diin ka hor tegin ee ay maamul diimeed ama boqortooyo ka hor tageen.
Haddaba, isbeddel kasta oo ka dhacay Yurub, weli Kaniisaddii Kaatoliggu waa jirtaa, weli Pope-ku waa jiraa, weli xisbiyo diin ku salaysan oo si dimuqraaddi ah loo soo doorto waa jiraan. Dadka reer Yurub in ka badan 75% waxay isku sheegaan inay yihii Kirishtaan, haba u kala badnaadaan sida diintu u qaabayso noloshooda—oo Malta iyo Giriigga xoog ayey diintu ku leedahay halka Iswiidhan iyo Noorway ay diin laaantu ku badan tahay. Ilaa iyo hadda boqoradda Ingiriiska waxaa darajooyinkeeda ka mid ah inay tahay Maamulaha Sare ee Kaniisadda Ingiriiska (the Supreme Governor of the Church of England).
Islaamka iyo Nolosha qofka shakhsiga ah
Diinta Islaamku ma leh maamul diimeed Ilaahay loo sii maro oo ay wadaaddadu gacanta ku hayaan. Wadaaddadu waa dad aqoon leh oo aan xaq u lahayn inay beddelaan diinta ama kala dhex galaan dadka iyo Rabbigooda. Wadaadku, sida qof walba oo Muslim ah, wuxuu leeyahay xaq in la dhowro naftiisa, maalkiisa, sharaftiisa, iwm. Isaguna waa inuu dhowraa intaas. Ixtiraam wuxuu wadaadku mudan yahay inta uu diinta iyo dadkeeda (Muslimiinta) ixtiraamayo.
Soomaaliya labaatankii sano ee u dambeeyey waxaa horumar fiican laga gaaray dhinaca isgaarsiinta, waxayna taasi ku soo beegantay markii dawladdii dhexe burburtay. Labadaas in la isku xiro oo la yiraahdo si isgaarsiintu u hormarto waa in dawladda la burburiyaa ma aha sax oo, haba isku beegmaane, iskuma xirna. Sidaa oo kale, horumarkii Yurub waxyaabo badan ayaa ku soo beegmay oo ay ka mid tahay in isbahahaysigii wadaaddada iyo boqorrada la jabiyey, laakiin sababo badan yaa horumarka sal u ahaa.
Waxaad mooddaa in Mad-habka Shiicada Imaamiga ah uu ku sii durkayo dariiq ku dhow kii ka jirey Yurub, oo waa tan hadda la sameeyey wadaad (weliyul faqiih) ka awood badan baarlamaanka iyo madaxweynaha oo diin iyo maamulba looga dambeeyo, wixii uu yiraahdaana yihiin wixii Ilaahay rabay. Shiicada Imaamiyada waxaa qof walba laga qaadaa sannadkii 20% wixii uu kasbado waana hanti u gaar ah Imaamka ama Mahdiga la sheegay inuu ku qarsoon yahay god ku yaal magaalada Saamarraa ee Ciraaq. Kacdoomada shiicada ka dhex dhacaase waa badan yihiin.
Qofka Muslimka ah iyo Ilaahiisa looma dhexeeyo. In xisbi ama urur ama dariiqo wadaaddo leeyihiin lagu kaco ma aha in diinta lagu kacay. Laakiin waxaa dhici karta in qof diinta diiddan uu wadaaddada ceebayntooda bilaabo isaga oo dariiq uga dhiganaya in uu diinta dhaleeceeyo. Sidaas waxaa sameeyey Fircoon oo Nebi Muuse ku tilmaamay nin liita oo aan hadalkaba aqoon.
Xaaladda maanta Mulimiintu ku jiraan waa xaalad dibudhac ah una baahan in wax weyn laga beddelo. Laakiin haddii la doonayo in xal la keeno waxaa habboon in si buuxda loo fahmo xaaladda jirta, lana daraaseeyo dhammaan gaabisyada jira, iyada oo aan si sahlan looga soo dhimbiil qaadanayn dhacdooyin meelo kale ka dhacay, oo aan sina ula mid ahayn kuwa maanta ka jira dhulkeenna.
Xal iyo isbeddel waa u baahan nahay, laakiin meel aanu xalku jirin yaan laga doonin.