Home / Dhambaalka Jimcaha / Dhambaalka Jimcaha — 7 | 15 Ramadaan 1441 | 08 May 2020

Dhambaalka Jimcaha — 7 | 15 Ramadaan 1441 | 08 May 2020

Dhambaalka Jimcaha — 7 | 15 Ramadaan 1441 | 08 May 2020


بسم الله الرحمن الرحيم

Samaynta Waaqaca

Nolosha aadanuhu waxa aysan ka maarmin in uu qofku awooddiisa wax ku qabsado, oo uu muruqiisa iyo maskaxdiisa maalo si uu baahidiisa u daboolo. Waa ay ka duwan tahay caalamka innaga dahsoon iyo Jannada—oo halkaa rabitaanka iyo heliddu dhib la’aan bay isu la socdaan. Wixii maanka ku soo dhaca oo diyaar ah baa imanaya dhib la’aan. 

يُطَافُ عَلَيْهِم بِصِحَافٍ مِّن ذَهَبٍ وَأَكْوَابٍ ۖ وَفِيهَا مَا تَشْتَهِيهِ الْأَنفُسُ وَتَلَذُّ الْأَعْيُنُ ۖ وَأَنتُمْ فِيهَا خَالِدُونَ

Laakiin adduunka taas laga waa, aan ka ahayn muddo kooban oo reer Banuu Israa’iil Alle cirka uga soo dejinayay quudkoodii, waana tii ay iska ciideeyeen, ee markii ay basasha dalbadeen lagu yidhi: meel dega oo beerta basasha iyo baqalka… 

Qadarka Alle iyo wixii qofka u qoran waxaa ku lammaan sababo iyo tallaabooyin laga rabo in qofku la yimaaddo ama ka dheeraado. Adduunku waa daar hawleed. Nebiguna SCW waa kii yidhi magacyada aadanaha waxaa ugu run badan Xaarith iyo Hammaam. Aadanuhu waa “Xaarith” oo wuxuu dedaal ugu jiraa kuna hawlan yahay irsaaqad raadin, tabcasho, iyo nolol samaysi. Waana “Hammaam” oo hirgalinta rabitaankiisa ayuu ku foogan yahay, hammigiisuna ku hawlan yahay. 

Ninkii Nebiga SCW u yimid ee yidhi: hashayda aniga oo aan dabrin ma iska sii daayaa oo Alle ma talo saartaa? Nebigu SCW wuxuu ugu jawaabay: dabar ka dibna Alle talo saaro. 

 يا رسول الله أعقلها -أي الناقة- وأتوكل، أو أطلقها وأتوكل؟! قال: اعقلها وتوكل.

Sidaa oo kale, markii Maryam CS ay geedka timirta ah hoostiisa ku ummushay iyada oo keligeed ah, timir lama soo hordhigin e, waxaa lagu yidhi jirridda geedka rux waxaa kaaga soo daadanaya rudab (nooc timirta ka mid ah) bisil e. 

وَهُزِّي إِلَيْكِ بِجِذْعِ النَّخْلَةِ تُسَاقِطْ عَلَيْكِ رُطَبًا جَنِيًّا

Adduunka in qofku dantiisa ka gaadho waxaa lamahuraan u ah in uu hawl qabto. Murti Soomaaliyeed oo horana waa tii ahayd: Xaglo laaban xoolo kuma yimaaddaan. Mar kalana waa tii la yidhi: Maba lulatee maxay leeftaa? 

Maanta xaaladda aynu ku sugan nahay cidi innooga sheekhayn mayso. Gaajo, harraad, cudur, colaad, dhiigmiirato ganacsato sheeganaya, damiirlaawe siyaasi sheeganaya, iyo duf-ku-baxe oday sheeganaya, diirato diin ku gabbanaysa, iyo dulin kale oo badan. Cabasho innaga dhammaatay. Cid imanaysa oo innoo beddelaysaana ma jirto. Waa inaynu halkaa fadhino oo daamanka aynu meermeerinno iyo in aynu fadhiga ka kacno, oo aynu xaaladdan wax ka beddelno, mid inoo cuntantana aynu samaysanno.  

“Heedhee Sahraay heedhe

Saranseerka jiilaalka

Surbacaadka jaahweynta

Sumalhaadka roobwaaga

Iyo solanka daaduunka

Cirka oo sabaad guurey

Dhulka oo huwadey siigo

Iyo dogobbo soogsoogan

Marka beladu sooyaanto

Saadaashu beenowdo

Saca nuguli kaa leexdo

Adna sebenka raac maaha

Inan sabadu duugoobin

Sayax iyo ugbaad waayin

Sudda iyo degaankaagu

Surmi iyo harraad yeelan

Ama saacu guur-guurin

Sohda ceelku dheeraannin

Adaa yeeli kara saasba.”

—Hadraawi: Sirta Nolosha.

Intii aynu hadh iyo habeen ka caban lahayn waxa qaldan (qabyaalad, colaad, burbur, abaar, …), aynu u dhaqaaqno sidii aynu wax uga qaban lahayn dhibaatooyinka, ee aynu u sixi lahayn wixii qaldan. Murti baa ahayd: “Inaad mugdiga lacnaddo waxaa ka fiican inaad shamac shiddo.” 

Waa tallaabada ugu horraysa ee wax wanaajinta loo mari karo. In aad jid cusub jeexdid, iftiin yar shiddid, tallaabo dhanka wanaagsan u qaaddid… intuba waxay ka qaybqaadanayaan tusaalaynta wanaagga, waxay hirasho u noqonayaan kuwo iftiin meel ka baxa raadinayay, waxayna yididdiilo galinayaan naf quus taagnayd. 

مَنْ سَنَّ فِي الإسلام سُنَّةً حَسَنَةً فَعُمِلَ بِها بعْدَهُ كُتِب لَه مثْلُ أَجْر من عَمِلَ بِهَا وَلا يَنْقُصُ مِنْ أُجُورِهِمْ شَيْءٌ، ومَنْ سَنَّ فِي الإسلام سُنَّةً سَيِّئَةً فَعُمِلَ بِهَا بَعْدَهُ كُتِبَ عَلَيْهِ مِثْلُ وزر من عَمِلَ بِهَا ولا يَنْقُصُ من أَوْزَارهِمْ شَيْءٌ

Nebi Muuse CS isaga oo habeen qoyskiisii la guuraynaya waa kii buurta dhinaceeda ka arkay dab baxaya, ee reerkii ku yidhi: i suga dab baan arkaaye aan war idiin ka keeno ama qori dab ah oo aad diirsataan e. 

 فَلَمَّا قَضَىٰ مُوسَى الْأَجَلَ وَسَارَ بِأَهْلِهِ آنَسَ مِن جَانِبِ الطُّورِ نَارًا قَالَ لِأَهْلِهِ امْكُثُوا إِنِّي آنَسْتُ نَارًا لَّعَلِّي آتِيكُم مِّنْهَا بِخَبَرٍ أَوْ جَذْوَةٍ مِّنَ النَّارِ لَعَلَّكُمْ تَصْطَلُونَ

Murti Soomaaliyeedna waa tii ahayd: dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa. Wax bilow si kuwo kalana kaaga dabqaataan. 

Khasab ma aha qofku in uu keligii buur riixo si uu u dareemo in uu wax qabtay, walow uu taasba yeeli karo. Waxaase lamahuraan ah in uu wax uun qabto oo boos bannaanaa uu ku hagaago, haba ugu yaraato in uu naftiisa hagaajiyo oo uu tusaale wanaaggaa u noqdo, kuna dedaalo in uusan dhibta iyo xumaha qayb ka noqon. 

Dashrath Manjhi oo u dhashay dalka Hindiya ayaa kaga dhabeeyay in uu buur laga wareego 55 kiiloomitir, ka dhex jeexdo jid uu maro, ka dib markii xaaskiisii oo shil gashay ay u geeriyootay daryeelkii caafimaad oo uga daahay jidkaa dheer awgii. Markii uu birta u qaatay dhagaxa didibka ah ee buurta, waa la la yaabay waxaana la yidhi murugadii baa madaxmartay! 22 sano buu hawsha waday ilaa uu 55-kii kiiloomitir ee la wareegayay si goob caafimaad loo gaadho, ka dhigay 15 kiiloomitir. Manjhi ma haysan hubaal ah in uu dhammayn doono oo uu intifaacsan doono jidkaa, laakiin taasi kama aysan hor istaagin, waayo awalba keligii-danayste hawshaa ma galeen. 

Webiyada fatahaya, daadadka rogmaya, abaaraha oonka wata, gaajada loo dhimanayo, daryeel caafimaad la’aanta,… ayaa inoo ah buurtaa. 

Labaatan-jir maqlay sheekhiisii oo ka cabanaya la’aanta kitaab lagu ururiyay xadiiska Nebiga SCW ee saxiixa ah oo soocan, ayaa 16 sano ku hawlanaa ururinta iyo qoridda Saxiixul Bukhaarii. Waa halka uu Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil leeyahay: “Hankaagu intuu le’eg yahay, ayay hanashadaadu le’eg tahay.”

Han iyo higsi sarreeya qofku in uu leeyahay waa lamahuraan. Bartii-yaqaan bari uma kororto e, fadhiga inta laga kaco in bar cusub la abbaaro ayaa loo baahan yahay, si wax innoogu kordhaan. 

Isxilqaan, haalhayn (initiative), iyo isdirid bay ka bilaabataa. Nafhur iyo dhabar-adayg ayaana socodsiiya. Adduunka waxyaalaha beddelay ee horumariyay, way yar yihiin wax inta ay guddi ka fadhiisatay sidaa guul looga gaadhay. In yar baa isxilqaantay kagana dhabaysay. Ka dib ayaad cid kaashan kartaa, laakiin ha sugin marka hore. 

Ka warran haddii shir loo qaban lahaa aasaasitaankii Daraawiishta? Sayid Maxamed waxaa diray damiirkiisii iyo isxilqaan shakhsi ahaaneed. Waa kii lahaa: “Idinkaa dalkaba lehe, dawlad maad u noqotaan?” Halkan aad qoraalka ka akhrinaysid (Facebook), dhawr wiil oo yaryar oo jaamacad dhiganayay baa qolkoodii ku allifay sannadkii 2004-tii si ay isugu xidhaan ardayda jaamacaddooda. Immikana warkiisa waad haysaan. Apple, Microsoft, Google, iyo shirkadahaa waaweyn ee waddammada badan ka hantida badan, midba dhawr dhalinyaro ah ayaa unkay. 

“Dadka oof dalooshiyo

Ammin baa sugaysoo

Waa ayaamo jiratee,

Orka gabay nin sugayow

Irbad baa wax humisee

Wax ku soo dar aammiin.

Andaqaadka hubantidu

Qofba wuxu ishaartiyo

Idan lagu cawaystiyo

Ha ahaato maahoo

Ficil baa ansixiyee

Imminkaba Garaadow

Arrimaha dad lagu yahay

Ha ku xadin Allow sahal.”

—Hadraawi: Af-ku-siran.

Adduun-araggeenna aynu saxno

Soomaali haddii aynu nahay, adduun-araggeenna iyo halbeegga aynu nolosha ku qiimaynaa waa indho qabiil. Waa midda asaaggeen innaga reebtay. Haddii aynu aayaheenna ku salaynayno dad lafo noqday oo aan dheef adduun iyo mid aakhiro toona inoo soo jiidayn, sidee ayaynu uga baxaynaa tiihan iyo jahawareerkan aynu ku jirno? Halka aynu suulasheenna ku mashquulsan nahay, waa inaan indhaha kor u qaadno. Asaggeen halkee ayay marayaan? Ma NGO baynu marna sugnaa marna ka cabannaa? Mise dhibaatooyinkeenna ayaynu xal u raadinnaa? Wax aynu midnimo ku weynay kala daadsanaan ku heli maynno. 

Ka faa’iidaysiga fursadaha isbeddel

Adduunka dabeecaddiisa ayaa isbeddel ku dhisan, laakiin isbeddelkaa dhanka aad rabtid ugama faa’iidaysan kartid haddii aadan diyaar ahayn. Isbeddelka hortii waa inaad diyaarsatid wixii aad ku beddeli lahayd waxa hadda taagan, si aad guul u gaadhid. Ma aha maalinta ay wareerto inaad madaxa xoqatid e waa in wax kuu dhitaysan yihiin. 

“Dhurde ma laha dhuux iyo laf iyo, dhiibsanow muruqe

Dhirtana waa ka miidduu ka dhuray, lala dhamaayaaye

Intaan ubuxu dhadhin ee ku yaal, laanta dhaladeeda

Ee uu mankuba dhaadan yuu, tacab dhitaystaaye

Hadhow buuse wuxuu sii dhigtiyo, malabkii dhuuqaaye.”

— Dhoodaan: Dhugasho. 

Intii Siyaad joogay ee laga cabanayay, ma jirin waxgarad isu tagay oo qorsheeyay wixii la samayn lahaa maalinta uu tago. Waxaa lagu mashquulsanaa ka hadlidda dhaqan xumadiisa sidii ay meeshu tahay dhul qalaad oo aynu idaacadaha ka maqalnay. Ilaa iyo haddana waa sidii. Waxaa qaylinaya haddii la weydiiyo na tusa siyaasaddii aad dalka ku dhaqi lahaydeen haddii talada la idiin dhiibo, waxba ma hayaan. Maadaama aysan meesha aragti cusub oollin, arag cusub waxba tari maayo. Raggaa faydfaydanayaa ha iska fadhiisteen. 

“Waxa laysku dilayaa

In xumaa la doorshiyo

Xil daryeeliddiisiyo

Dad u hiilin maahee

Geenyada dekaanka ah

Anna aan dul buuxshoo

Dala’sado kolkaygoo

Daadka aan ku dhaafee

Iiga soo deg weeyaan!”

—Hadraawi: Dallaalimo

Isbeddellada waaweyni waxay badanaa dhacaan marka ay musiibo weyni timaaddo. Waa marka loogu nugul yahay in si fudud wixii hore loo daadiyo oo wax cusub la qaato. Dhaqaalayahankii Maraykanka ahaa ee Milton Freedman ayaa waxa uu yidhi: “Only a crisis —actual or perceived—produces real change. When that crisis occurs, the actions that are taken depend on the ideas that are lying around. That, I believe, is our basic function: to develop alternatives to existing policies, to keep them alive and available until the politically impossible becomes the politically inevitable.” Oo lagu fasiri karo: “Waxa keli ah ee isbeddel dhab ah keeni karaa waa Musiibo—mid dhab ah ama mid la maleeyay. Marka ay musiibadaasi dhacdo, tallaabooyinka la qaadayaa waxa ay ku xidhan yihiin fikradaha yaalla. Taas, ayaan aaminsanahay, weeye hawsheennu: in aan keenno siyaasado beddela kuwa hadda jira, in aan ka dhigno kuwo nool oo diyaar ah, ilaa wixii siyaasad ahaan mustaxiilka ahaa uu noqdo waxa siyaasad ahaan lamahuraanka ah.”

Cidda aynu diiddan nahay si fudud ayaan u muujin karnaa. Laakiin waxa aynu rabno badanaa garan maynno kamana aynaan fekerin e, waxay innagaga go’an tahay “horta aynu kan isdhaafinno.”

Waxaan ka xanaaqnaa dhaqan xumo iyo sharci qaabdaran oo ay NGO-yo iyo dalal shisheeye dabada ka riixayaan, sidii kii kufsiga ee xukuumadda Federaalku wadday. Laakiin, culamo iyo caamo waynu ka warqabnaa kufsiga, faraxumaynta, iyo xadgudubyada ka dhanka ah dumarka iyo carruurta ee inta badan socday, immikana isa soo taraya. Gudniinka Fircooniga ahina waa la mid. Cid ka hadasha ama wax ka qabataa aad bay innoogu yar tahay. Markii aynu sidaa yeelnay, NGO innoo yimaadda oo tiisa inna mariya inaan ka qaylinnaa waa munaafaqnimo. 

“Dadku waa ab culus yahay

Ohli maaha weelkiyo

Lagu rido alaabtee,

Ha addoomin garashada.

Waxad tahay ugaaskii

Hanashada adduunkiyo

Ifka loogu hiishee,

Ha la biqin awoodaha

Lagu furo albaabbada

Xujadoodu adag tahay,

Axdi baa ku xidhayee

Magantaad ka oday tahay

Marti adigu haw noqon.

Alkun laga war-qaatiyo

Murti lagu ul-goostiyo

Waa adduun sarbeebo ah

Waa abuur wacdaro badan

Waa astaanta hirashada

Waa abbaarta xilashada

Waa ilayska barashada

Waa aqoonta gudashada

Waa ammaan-ku-sugashada

Waa Ilaah-ku-garashada

Nafta lagaga eed baxo.”

—Hadraawi: Af-ku-siran

Guulwade

Waxyaalaha caqabadda ugu weyn horumarkeenna ku ah waxaa ka mid ah guulwadaynta qabiilka iyo danaysiga ku dhisan. Siyaasi wax kharribay baa laga hadlayaa, markaasaa tolkii soo haliilayaan. Ogoow waxaa uu xumeeyay iyaguba way ku dhib qabaan e. Ganacsato arxandaran baa laga cabanayaa, reer baa difaacooda u soo safanaya, iyaga oo is-illowsiinaya inay dhibbanayaasha ka mid yihiin. Waa tii Gaarriye lahaa: “Markaad hebel duqaysaa/ Reer hebel damqanayaan.” 

Buugga Originals ee uu qoray Adam Grant ayaa waxaa ku jirta: “Dadka ay dhibaatada ugu badani ka soo gaadho waaqica jira, ayaa—waa qaadanwaa e— ah kuwa ugu hooseeya/ yar su’aaliddiisa, isku taagiddiisa, diididdiisa, iyo beddeliddiisaba.” Kan dhibta ugu badani ka soo gaadho qabyaalladda iyo fawdada ayaa ugu difaacid badan qabiilkiisa iyo horjoogeyaashooda aan dantiisa wadin. “Maxaan samayn karnaa waa xaal adduune!” “Weligeedba sidaasay ahayd!”

Dhalinyartii dhibta ugu badani soo gaadhaysay, ayaa safka hore kaga jira guulwadaynta indhaha iyo dhegaha la’. Markaasaad xusuusanayaa murtidii ahayd:

“Hadduu dabkii dhaxamoodo

Maxaa lagu diiriyaa?”

“Durudurkaa laga cabbaa

Biyihiis lagu dabbaashaa

Hadduu harraad dareemo

Darkee laga waraabshaa?”

“Hadday dawo bukooto

Maxaa lagu dabiibaa?”

“Hadduu dufan basaaso

Xaggee dux looga doonaa?”

—Xasan Shiikh Muumin: Shabeelnaagood

Kuwii la rabay in ay xalka qayb ka noqdaan ama iyagu keenaan, ayaa la dagaallamaya. Ruqo ninkii lahaa dabada hayaana ma kacdo e, sow ha fadhido Farow noqon mayso! 

Dardaaran

Dardaaran caweysin kallah arooryaad buu leeyahay, waa tii la yidhiye. Bal istijaabi berri laga bilaabo inaad dhankaaga ku hagaagtid. Inaad qabatid wixii wanaag aad awooddid. Inaad taageertid ciddii wanaag ku hawlan. Inaad hor istaagtid xumaha iyo ciddii wadda. Inaad xalka qayb ka noqotid ee aadan xumaha taageerin. In aadan daallin iyo khiyaanoole taageerin qiilna u raadin. Cawli ban bay u baratay, buuri u dhaantaase mooyee, armaa sidan khayr adiga iyo dadkaba ugu jiraa. Ogoowna, canaan-ka-yaab reer ma doojo.

إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ ۗ

Alle ma beddelo xaaladda (barwaaqo iyo beloba) dad ku sugan yahay ilaa ay iyagu beddelaan xaaladda nafahoodu ku sugan yihiin (dhaqankooda)

Check Also

Dhambaalka Jimcaha — 6 | 08 Ramadaan 1441 | 01 May 2020

Dhambaalka Jimcaha — 6 | 08 Ramadaan 1441 | 01 May 2020 بسم الله الرحمن الرحيم …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *