Home / Dhambaalka Jimcaha / Dhambaalka Jimcaha — 6 | 08 Ramadaan 1441 | 01 May 2020

Dhambaalka Jimcaha — 6 | 08 Ramadaan 1441 | 01 May 2020

Dhambaalka Jimcaha — 6 | 08 Ramadaan 1441 | 01 May 2020


بسم الله الرحمن الرحيم

Masuuliyadda Indheergaradka 

إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَن تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَىٰ أَهْلِهَا

“Alle waxa uu idin farayaa in aad ammaanada u guddaan ciddii lahayd,”

Nisaa: 58

Aqoonyahanka iyo halabuurku waa haldoorka ummadda hore u kiciya, una ifiya jidka. Waxaa xil ka saaran yahay sidii uu ugu horkici lahaa wixii dheefteedu ku jirto, una baal marin lahaa wixii dhibaato u keenaya. Si ay taasi ugu suuragasho, waxaa lamahuraan ah in uu xambaarsan yahay aqoon diimeed iyo mid adduunyaba. Waa in uu dhaqankii iyo sooyaalkii ummaddiisa garanayo, dhowrana baadisooca dadkiisa. “Waxa beddela umamku waa aqoonyahanka. Laakiinse waa marka aqoonyahanka kaydkiisa aqooneed[…] saxan yahay, waa in aanu weel wax lagu shubay ahayn e [caqli] wax naqdin kara waa in uu yahay. Haddii aqoonyahanku ahaan lahaa weel wax lagu shubay, haan la buuxiyay, dee CD-yada iyo DVD-yada ayaa aqoonyahan noqon lahaa saw ma aha?!”, ayaa uu yidhi Sheekh Mustafe X. Ismaaciil mar uu jeedinayay maxaadiro cinwaankeedu ahaa ‘Waa Kuma Aqoonyahan?’. Aqoontu iska raro ma aha e, waa in la buunsha-bixiyaa oo wixii dheef leh la dhoweystaa, inta kalena qashinka lagu daraa. Qofku aqoonta uu bartaa waa in ay wax u kordhisaa, qofnimadiisa iyo garaadkiisana ay kobcisaa.

“Haddaan guga kuu kordhaa,

gaboow mooyee ku tarin,

garaad iyo waaya-arag,

illeen wax ma dhaantid geed.”

— Gaarriye: Gurmad

كُنتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ تَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَتَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَتُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ ۗ

“Waxa aad tihiin ummaddii ugu khayrka badnayd ee dadka loo soo bixiyey; waxa aad faraysaan wanaagga, xumahana waa aad reebaysaan, Ilaahayna waa aad rumaynaysaan.”

Aal Cimraan: 110

Wanaagga in la isfaro oo ummadda samaha lagu hagaa waxa ay keenaysaa in xumaantii laga daadiyo. Dadkeenna maanta dhibta haysataa cidna kama qarsoona haddii aan la iska indho tiraynin: Qabyaalad, eex, caddaaladdarro, dhaqanbaaba’, nidaam xumo, fawdo, waxqabshasho la’aan, danaysi gaar ah, boob, gumeysi shisheeye, xisaabtan la’aan, waxgarad garaadkii gudhay,… Waa halkii uu Xaaji Aadan Afqallooc lahaa,

“Wax na diley inkaar tacasubay nagu abuureene

Wax na diley inaga Reer fulaan laynaga adkaaye

Wax na diley idaacado kaddiba iyo dhaarta iibka ahe

Wax na diley afkiyo dhaqanka oo la akhiraayaaye

Wax na diley Islaamnimada aan la ixtiraamayne

Wax na diley amwaashiga bukaan loo ixsaan faline

Wax na diley abkood bahalahoo cunay adduunkiiye

Wax na diley mujtamacaan aqoon nolosha insaane

wax na diley addoon daallinoo lagu ismaa Aw e’

Wax na diley Iblays fooxle yidhi awliyaan ahaye

Wax na diley islaan saar qabtay dumarku aadaane

Wax na diley ibtilo Qaad ahoo rogey akhlaaqdiiye

Wax na diley agyuururid shaxdaad ku indho beeshaaye

Aadmigu dhammaantii horay u ambaqaadeene

Aradkiiba laga guuryey oo samaday aadeene

Miyaynaan la mid ahayn maxaa ina alhuumeeyey!”

— Xaaji Aadan Afqallooc: Wax Na Diley

Maansadan Xaaji Aadan waxay ku beegnayd 1967-dii, laakiin maanta in la tiriyay ayaa la moodaa. Sababtuna waxa weeyaan in aan wax badani iska keen beddelin ilaa xilligaa. Horumarkiiba waxa aynu u qaadannay adeegasho iyo agab kala jaad ah oo guryaha lagu sharraxdo, ama jeebka lagu sito. Dhaqan ahaan iyo dadnimo ahaanba in badan ayaa aynu hoos uga sii dhacnay halkaas uu Xaajigu tilmaamay. “Alle ku doori” mar baa ay duco noqotaaye, bulshadeennu doorin khayr qabta ayaa ay u baahan tahay. Baraarug ayay bulshadeennu u bugtaa. Waxay u baahan tahay in mar labaad, sidii haan gunta laga soo unko. Waxa ay u baahan tahay in aan korka laga dhayin e, maasha la saro, hurgumooyinka bulshadeenna ku raageyna laga daweeyo. Waa in la hirgeliyaa isbeddel bulsheed oo gun iyo baar ah si aynu ula ambaqaadno asaaggeen, oo aynu balaayada, baaska, iyo baryootanka uga baxno.

إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ

Alle ma dooriyo xaaladda dad ku sugan yihiin ilaa ay nafahooda wax ka beddelaan.

Racad: 11

ذَٰلِكَ بِأَنَّ اللَّهَ لَمْ يَكُ مُغَيِّرًا نِّعْمَةً أَنْعَمَهَا عَلَىٰ قَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ

Sidaasi waxa weeyaan in aan Alle ahayn mid dooriya nimco uu cid ku galladaystay ilaa ay ka beddelaan waxa (dhaqankooda) nafahooda ku sugan.

Anfaal: 53

Masuuliyadda aqoonyahanku waa in uu dhaliyaa isbeddelkan, oo uu bulsho cusub gunta ka soo dhisaa. Waa in uu beddelaa dhaqanka, fekerka, iyo maanhagga bulshada, kuna rakibaa nidaam jihayn cusub. Haseyeeshee, aqoon kasta oo uu xambaarsan yahay, iyo awood kasta oo u leeyahay kala hufiddeedda iyo kala haadinteeda, guul badan ma gaadhi karo haddii uusan lahayn awooddii iyo kartidii uu ku gudbin lahaa, sidaas awgeedna ma horseedi karo isbeddelkii loo baahnaa. Hagitaanka bulshadu waxa uu u baahan yahay in aqoonyahanku la yimaaddo halabuurkii uu ku fulin lahaa, kaas oo suuragelinaya samaynta “…aragtida guud ee bulshadu rumaysan tahay,” sida uu Sheekh Mustafe ku tilmaamay maxaadiradiisa.

“Madmadowga ay yeelatiyo siday u maaryaaddey

Goortaan indhaha soo marshee milicsi daymoodo

Sidaan ahay masuulkii arlada waw mudducayaaye

Dalka yaa u maqan baan hawada kaga murmaayaaye”

— Jaamac Kadiye: Masaawaad

Waa in aan adiga oo hurdo dheer ku jira lagu gilgilin ee aad heegan ahaatid, Marka dadku hurdaan, waa in aad wax saadaalin iyo sahamin ku maqnaatid. Meel fog in aad wax ka aragto ayaa lamahuraan ah, oo aad guryasamo reerka u soo sahamisaa iyaga oo aan geeddiba weli ku fekerin. Ma aha in dabada lagaa riixo, oo aadan col iyo abaar toonna wax u haynnin sidii lax dhukan. Booskaa waxaa buuxiyay “waxgaradka” hadda innoo jooga ee aan waxba la soconnin, soona baraaruga goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.

Halabuurku geesinnimo iyo dhiirranaan, iyo dhabar-adayg ayaa uu u baahan yahay. Tusaale waxaa kuugu filan ragga aan murtidooda halkan ku soo qaatay iyo sooyaalkoodii. Laakiin geesinnimadu ma aha in aad haadaan iska tuurto, ee waa in aadan ka leexannin xaqii iyo runtii aad u halgamaysay. Bulsho hoggaaminteed iyo beddeliddeedu ma aha wax fudud, oo Soomaalidu hore ayaa ay u tidhi, “Canaan ka yaab reer ma doojo.” Aqoonta aad xambaarsan tahay iyo halganka aad ku jirtaa waa dhaxalkii Nebiyada, iyaguna wixii ay soo mareen waa aad ka war haysaa.

“Wax na diley ammuur waajib aad kaga baqdaa eede,”

“Wax na diley dantoo lagu akhiro yuu cadhoon oday’e,”

— Xaaji Aadan: Wax Na Diley


“Nin baqdaa ma halabsado,

bayd gaabku kuma galo,”

— Gaarriye: Uurkubaalle

Sidan oo kale ayaa Sheekh Mustafena leeyahay, “Hadduu aqoonyahanku noqon karo qof la bajin karo; oo ama suldada jirtaa bajin karto, baqo gelin karto, [dhaqan]ka bulshadu leedahay ee xun… uu ku baqo gelin karo, aqoonyahan ma aha. Ama aqoonyahanka aan rabnay ee wax beddelayay ma aha.”

Waa in aad samir iyo dulqaad u yeelato gudashada waajibkaaga, ee maalinta ay kululaato aadan qalinka tuurin, ama dhanka kale ka soo jeesannin. 

“Sidii Nebi Ayuub waa inuu samir adkaadaaye,” 

— Jaamac Kadiye: Aftahan

Halabuurkaagu waa in uu yool leeyahay, mabda’na ku dhisan yahay. Waa in aad nadiif tahay oo wanaagga aad dadka ugu yeedhaysaa uu kaa muuqdo. Ma aha in labo isdiiddan midna lagaa maqlo midna lagaa arko. Ma aha in aad noqotid “iidheh” lagu shubto. Abwaan Gaarriye ayaa mar uu hordhac u samaynayey maansadiisa Uurkubaalle, waxa uu tilmaamayaa ahmiyadda ay leedahay in shakhsiyadda halabuurku nadiif ahaato, isaga oo taas sababaynayana waxa uu yidhi, “[maansayahanka] waxaa lagu qiimeeyaa shakhsiyaddiisa.” Haddii aad wax iska walaaqanayso cidina warkaaga qadarin mayso, tixgelin badanna siin mayso. Gaarriye waxa uu ku sii daray, “Haddaad doonayso inaad noqoto maansayahan, … maansayahaynkii DADKA, waa inaad adigu karaamo yeelataa, shakhsiyaddaadu waa inay karaamo yeelataa.” Karaamadaasina waxa ay ka dhalanaysaa, sida abwaanku tilmaamay, “…in wax la iigu soo hagaago; meel la iigu soo hagaagoo qofku maansadayda ugu soo hagaago—waa in uu helo.”

“Sidii ugub-haween waa inuu u asturraadaaye,”

— Jaamac Kadiye: Aftahan

Haddii aad gabbaldaye noqoto oo aad hadba dhanka cadceeddu kaa jirto u wareegto, waa dhibaato. Maalinba jihada dabayshu u dhacayso yaan lagaa heline, waa in aad xididdo gundheer ku qotontaa. Ha ku guulwadayn aqoontaada iyo halabuurkaaga, ee ku dedaal in aad xaqa iyo runta garab taagnaatid, kuna taagnoow hadh iyo habeen. “Xaq baa lagu bacrimiyaa” halabuurka e, la jiifiyaana bannaan waa uu ku hagaasaa. Sida Jaamac Kadiye tilmaamayo, halabuurku “Xaqa waa inuu ku adimaa oo arrimiyaaye”, ee uusan eex iyo iin toona ka shaqaynin. “Umaddiisa waa inuu sinnaan ugu adeegaaye” ee uusan noqonnin fiqi tolkii kama janna tago. Saxafiga dadka marin habaabiya ee ciddii uu maalintaa taageersan yahay, ama biilkiisa bixisa, ama beesha uu ka tirsan yahay, dhankeeda u janjeedhaa waa uu qaayo beelayaa, qaddarin iyo qiimana yeelan maayo. Kuwaa uu u xaglinayo ayaa maalinta ay ku sannifaan tuuraya, cid kalena awalba naxariis uma haynin. Sidaas awgeed, “Waa inuu ikhyaar daacada oo jira ahaadaayee”, “In kastaan kolley Aadanaha iimood laga waayin; insaaninimo waa inuu ku ismanaadaaye”.

Ummad baa ku sugeysa, farriinna waad siddaa e, hungurigu yuusan kaa xumaan. Waa in aad aqoontaada iyo aragtidaada xor u tahay.

“Wax na diley adduun niman raboon eegahayn sharafe,”

— Xaaji Aadan: Wax Na Diley

Aqoontaada iyo qoraalkaagu yaysan la qiimo noqon qamaddi qorraxda taalla oo qofkii qadaadiic bixiya daasad loogu qaado. Yaysan kaa noqon “maxaan malmaluuqaa oo aan shilimaad ka helaa” ee noqo qof bulshada u boqran oo baahideedu ay dhaqaajiso dareenkiisa. Si fiican u dhugo murtida abwaannadan:

“Duxna kuma leh dheef lagu dalbiyo, ugu ducee ruuxe”

— Dhoodaan: Uusduugad


“Soddon laguma baayaco

Boqor laguma caabudo

Biidhiqaatenimo iyo

Baqas waa ka xaaraan”

— Gaarriye: Uurkubaalle.


“Magac ba’ay ninkii doonayiyo miis yar inuu qaato

iyo sharafta kii muujiyaa muunad kala roone”

— Jaamac Kadiye: Masaawaad.

Marka ay diin gasho, ee aqoonyahanka waxsoosaarkiisu uu noqdo hadba sida ay madaxdu wax u rabaan, ee maalinna uu “xalaalun xalaal” yidhaahdo, maalinta xigtana “xaraamun xaraam,” ee uu noqdo shaabbad lagu bannaysto dhiigga, sharafta, iyo hantida dadka, ha ogaado gooddiga Alle ee ah:

فَوَيْلٌ لِلَّذِينَ يَكْتُبُونَ الْكِتَابَ بِأَيْدِيهِمْ ثُمَّ يَقُولُونَ هَذَا مِنْ عِنْدِ اللَّهِ لِيَشْتَرُوا بِهِ ثَمَنًا قَلِيلًا فَوَيْلٌ لَهُمْ مِمَّا كَتَبَتْ أَيْدِيهِمْ وَوَيْلٌ لَهُمْ مِمَّا يَكْسِبُونَ

“Hoog waxa uu u sugnaaday kuwa ku qoraya kitaabka gacantooda, dabadeedna dhahaya kani  Alle agtii ayaa uu ka yimid, si ay ugu gataan qiime yar. Hoog baa ugu sugnaaday waxa ay gacmahoodu qoreen, hoog baana ugu sugnaaday waxa ay ka dheefayaan.”

Al-Baqarah: 79

Sheekh Mustafe oo isna arritan tilmaamayay waxa uu yidhi, “Aqoonyahanku hadduu caloosha aqoonta ka hormariyo, aqoonyahan ma aha. ‘Maxaan cunaa’ haddaad u noolaato. Hadday noqoto ‘aqoontaydu maxay goysaa; suuqa maxaan ka gooyaa?’. Haddaanay aqoontu xishood iyo cilmi iyo wax qiimaynaynin e, waxa ay qiimaynaysaa uu noqdo ‘sidee lacag lagu helaa, wallow badda ku dhacnee?’ –qiimo ma leh markaa… Aqoonyahanku haddii uu noqdo qof la iibsan karo; suldadu iibsan karto, dawladuhu laaluushi karaan oo iibsan karaan, aqoonyahan ma aha. Hadduu aqoonyahanku noqdo qof qabiilku iibsan karo; toban oday intay kuu yimaaddaan ku yidhaahdaan ‘reerku saasuu damcay’, waa lagu iibsaday.”

“Wax na diley dantoo lagu akhiro yuu cadhoon oday’e,”

— Xaaji Aadan: Wax Na Diley

Soomaali haddii aynu nahay, maanta xaaladdeennu meel xun baa ay maraysaa. Haddadaa aynu joogno waa taa cudurka, daadka, iyo fatahaadda ay dadkeennii u dhimanayaan. Tiro ma leh abaaraha, daadadka, iyo fatahaadaha ina soo maray, waxa keli ah ee aynu kala hadhnaana waa magac. Garaad iyo garasho kama kororsanno. Sida ummushu xanuunka foosha u illowdo, baa aynu baaba’ii abaarta, daadka, cudurka, iyo fatahaadda webiyada u illownaa, meelna waxba ma dhiganno. Aqoonyahankii iyo halabuurkii Soomaaliyeed kaalintiisii meeday? Weli ma la hayaa hal buug oo laga qoray musiibooyinkan iyo xal u raadintooda? Imisa maqaal oo macna leh baa saxaafaddeenna ku soo baxay? Dadka ma la baray sidii ay dhibaatooyinkan uga gaashaaman lahaayeen? Wacyigelintii meeday? Taa lidkeeda, sida cudurkan safmarka ah ee socdaa muujiyay, “aqoonyahan” badan baa xaaladda aynu ku jirno qayb ka ah bulshaduna ay eeganaysaa, oo “maadaama sheekh hebel sidaa yidhi cid kale dhegaysan mayno” weeye warcelintu.  

“Adduunyadan Ilaahay dhisiyo uunka lagu beeray

Afrikaanka mooyee khalqigu naga ayaan roone

Aqoon iyo cilmi bay leeyihiin amase iimaane

War Soomaali aafada heshay la ashqaraareene”

— Kadiye: Aftahan.

Abwaanku Afrikaanka waa uu ku dembaabay!

Bulshada Soomaaliyeed waa ay mudducaysaa. Haldoorkeedii iyo halabuurkeedii baa hagraday. Waxa ay rabtaa aqoonyahan halabuur leh oo waxa ka daahsoon u iftiimiya. Waxa ay rabtaa haldoor u halgama xaqeeda, halaqana ka dhowra. Waxa ay rabtaa afhayeen u hadla.

“Bulshooy adigay bokhraday

Beerkayga adaa gogladey

Boggeyga adaa huwadey

Wadnaha adigaa barkaday

Bishmaha adigaa furfura.

Baxaalliga hawlahaaga

Bidhaansiga waayahaagaa

Bisaylkaba iigu wacan.

Markii lagu bililigaysto

Markii baaqaagu yeedho

Ayaan boholyow gabyaa

Dareenku baraarugaa.”

— Hadraawi: Bulsho

“Innaga waxa ina baylihiyay aqoonyahankaynnu daba soconnay. Aqoonyahankeennii meel cidlo ah buu ina dhigay. Ka soomaali ahaan, waxa ina qaybiyay, ina burburiyay, xadkaa ina gaadhsiiyay, waa aqoonyahankeennii. Waayo aqoontuu sidaan noqonin tii iftiinka ahayd ee bulshada ifinaysay. Aqoon ku-xoogsi ah uun bay noqotay ka ugu fiicani, isagu ku xoogsado oo uu wax ku korodhsado, laakiin dalkiyo bulshada aan midna waxtar u lahayn. Aqoon xorriyad leh oo horumar keeni karta oo Rabbigeedna rumaysan aakhrideedana ka fekeraysa, adduunkeedana dhisaysa ayaynu u baahan nahay.” ayaa uu yidhi Sheekh Mustafe.

Aan ku soo gunaanado hadalkan qiimaha badan ee ku jirey maxaadiradii Waa Kuma Aqoonyahan, oo Sheekh Mustafe ku tilmaamayo aqoonyahanka loo baahan yahay, iyo haddii la helo waxa ka dhalanaya. Sheekhu waxa uu hore u soo sheegay in aqoonyahanku toosh dadka u sido uuna jidka wanaagsan ugu ifinayo, laakiin tooshkaas waxaa keli ah oo “sidi kara qof garaadkiisu xor yahay, kayd aqoomeedna leh, waxa uu sheegayaana ay ka run tahay oo noloshiisa ka muuqato. Intaa haddaad heshaan, adduunkanna magac baad kaga tegaysaa, iyo maamuus, aakhirana waad liibaanaysaan. Waana inta ay Anbiyadu qaban jirtay, iyo dadkii hormuudka u noqday umamkooda dhammaantood; dadkii umamkooda hormuudka u noqday ee aqoonyahanka u ahaa waa waxa ay sameeyeen.”

“Nin lagu seexdow

Ha seexan!

Xil baad siddaa

Ha seexan!

Soo jeedoo

Si weyn u feejignow!”

— Cali Sugulle 


Tixraac

Hal Aan Tebayey, Maxamed Baashe.

Hal Ka Haleel, Maxamed Baashe.

Jaamac Kadiye, Youtube.

Mahadho, Cabdiraxmaan C.F. ‘Barwaaqo’.

Maxamed X.Dh. Gaarriye, Youtube.

Doollo.com

#Dhambaalka_Jimcaha

Check Also

Dhambaalka Jimcaha — 7 | 15 Ramadaan 1441 | 08 May 2020

Dhambaalka Jimcaha — 7 | 15 Ramadaan 1441 | 08 May 2020 بسم الله الرحمن الرحيم …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *