Home / Dhambaalka Jimcaha / Dhambaalka Jimcaha — 5 | 01 Ramadaan 1441 | 24 Abriil 2020

Dhambaalka Jimcaha — 5 | 01 Ramadaan 1441 | 24 Abriil 2020

Dhambaalka Jimcaha — 5 | 01 Ramadaan 1441 | 24 Abriil 2020


بسم الله الرحمن الرحيم

Ramadaan, Layliga Nafta iyo Jidhka

Allaha Ramadaan caafimaad inagu gaadhsiiyay ayaa mahad oo idil iska leh. 

Waynu ka dheregsan nahay fadliga bishan iyo barakadeeda. Waa bishii Alle u doortay kuna sharfay soodejinta Qur’aanka, kaas oo dadka u ah hanuun ay ku kala soocaan xaqa iyo baadilka, saxa iyo qaladka, jidka qumman iyo midka qalloocan. 

شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِي أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَىٰ وَالْفُرْقَانِ ۚ فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ

Soonku waa xayiraad Rabbaani ah oo qofka loo diiday muddo kooban inuu guto rabitaannadiisa iyo shahawaadkiisa qaarkood. 

Rabitaannadii taabadka lahaa ee cunno, cabbitaan, iyo galmo, iyo kuwii macnawiga ahaaba ka joogsaa la yidhi. Afkaaga cunno iyo cabbitaan yaysan galin. Anshax xumo iyo hadaltirana yaysan ka soo bixin. Handaraab iyo quful weyn ku xidh. Qardam!

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ الصِّيَامُ جُنَّةٌ فَلَا يَرْفُثْ وَلَا يَجْهَلْ وَإِنْ امْرُؤٌ قَاتَلَهُ أَوْ شَاتَمَهُ فَلْيَقُلْ إِنِّي صَائِمٌ مَرَّتَيْنِ وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ لَخُلُوفُ فَمِ الصَّائِمِ أَطْيَبُ عِنْدَ اللَّهِ تَعَالَى مِنْ رِيحِ الْمِسْكِ يَتْرُكُ طَعَامَهُ وَشَرَابَهُ وَشَهْوَتَهُ مِنْ أَجْلِي الصِّيَامُ لِي وَأَنَا أَجْزِي بِهِ وَالْحَسَنَةُ بِعَشْرِ أَمْثَالِهَا

Dhan kale haddaan ka eegno, waa tababar iyo carbin sannadka intiisa kale la isugu diyaarinayo. 

Qofka Muslinka ah hadafka noloshiisu waa inuu Janno u shaqaysto, Naartana ka fogaado. Qofkii intaa ku guulaysta ayaa liibaanay:

فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ

Laakiin maadaama noloshu imtixaan tahay, adduunkuna madashii imtixaanka lagu qaadayay, inaguna aynu la abuuran nahay jacaylka shahawaadka, naarta waxaa ku hareeraysan shahawaadkii naftu jeclayd, jannadiina waxaa ku hareeraysan waxyaabihii aan nafta si fudud u soo jiidanayn. Caqabaddan sidii looga gudbi lahaa ayay Ramadaantu carbin iyo tababbar u tahay. 

Haddii aynu awoodno inaynu bisha Ramadaan isxakamayno, oo aynu naftu siday rabto u diidno, waa hubaal inaynu awoodno in aynu sannadka intiisa kalena isdhowro. 

Caloolxidhasho

Nebigu SCW waxa uu yidhi: Aadanuhu ma buuxiyo weel ka shar badan calooshiisa. Ina Aadan waxaa ku filan hudhmooyin (cantuugooyin) uu ku toosinayo dhabarkiisa. Haddii uu ka badsanayo, saddex-meelood-meel cuntadiisa ha u daayo, saddex-meelood-meelna cabbitaankiisa ha u daayo, saddex-meelood-meelna neefsiga ha u daayo. 

“مَا ملأَ آدمِيٌّ وِعَاءً شَرّاً مِنْ بَطنِه، بِحسْبِ ابنِ آدمَ أُكُلاتٌ يُقِمْنَ صُلْبُهُ، فإِنْ كَانَ لا مَحالَةَ، فَثلُثٌ لطَعَامِهِ، وثُلُثٌ لِشرابِهِ، وَثُلُثٌ لِنَفَسِهِ”

Calooshu inta ay maanta ku dheregto berri kuma dheregto e, dheeraad bay rabtaa. Waa laastiig kala baxa oo fida. Buuxinteeda iyo raalligalinteeda ayaa wax badan loo xumaynayaa, dad loo dulminayaa, adduunkiina loo xaalufinayaa. Waxay shidaalinaysaa damacan waashay ee “arkaa-qaadka” noqday. Buuxinteedu waxay aabbe u tahay qooq iyo kibir dheregta ka dhasha. 

“Waxad tahay arkaa-qaad

Ibtilooyin badanoo

Marba Saar eryanayoo

Hadba aafo dhabatiyo

Ololayso kicisoo,

Mahad lagu idlaystiyo

Marba deeq af-rogayoo

Axankiisa cunayee,

Ha ku eeran bixisada

Marba lagu ag dhigayee

Ajashaadu sudhan tahay.”

— Hadraawi: Af-ku-siran. 

Laakiin Ramadaantu waxay ina baraysaa in caloosha la edbin karo. In qooqii iyo damacii ka dhashay dheregta la dhimi karo. Ramadaanku waa fursad dib loogu edbin karo calooshii oo qaadkeeda iyo tankeeda hoos loogu dhigi karo. 

Haddii aynu bishan dharaaraheedii cuntadii iyo cabbitaankii ka maarannay, miyaynaan bilaha kalana qayb ka maarmi karin? Damacan waalan ee ay shidayso miyaan hoos loo dhigi karin? 

Cuntada oo la iska yareeyaa waxay qayb weyn ka qaadataa qooqjabinta nafta waxayna u fududaysaa inay wanaagga iyo naxariista ku dhaqanto. 

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ

Yoolka soonku waa in la gaadho taqwada Alle. 

لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ 

Taqwaduna waa, sida Cali ibnu Abii Daalib RC ku qeexay: Weynaha oo laga cabsado, Waxyiga oo lagu dhaqmo, waxa yar ee aad haysato oo lagu qanco, iyo Maalinta Guuritaanka oo loo diyaargaroobo. 

التقوى هي: الخوف من الجليل ، والعمل بالتنزيل ، والقناعة بالقليل ، والإستعداد ليوم الرحيل.

Abuu Hurayrah RC ayaa nin weydiiyay taqwadu waxa ay tahay? 

Abuu Hurayrah: Jid qodxo leh ma martay? 

Ninkii: Haa. 

Abuu Hurayrah: Maxaad samaysay?

Ninkii: Markaan qodax arko waan ka leexanayay ama ka tallaabsanayay ama ka joogsanayay. 

Abuu Hurayrah: Tawqadu waa taas.

قَالَ رَجُلٌ لأَبِي هُرَيْرَةَ : ” مَا التَّقْوَى ؟ قَالَ : أَخَذْتَ طَرِيقًا ذَا شَوْكٍ ؟ قَالَ : نَعَمْ , قَالَ : فَكَيْفَ صَنَعْتَ ؟ قَالَ : إِذَا رَأَيْتَ الشَّوْكَ عَدَلْتُ عَنْهُ أَوْ جَاوَزْتُهُ أَوْ قَصُرْتُ عَنْهُ , قَالَ : ذَاكَ التَّقْوَى “.

Haddaba, soonku waa carbin taqwada Alle lagu gaadhayo. Taqwaduna waa inaad Alle iyo farriintiisa u fiiro yeelatid kuna dhaqantid, wixii yar ee gacantaada ku jirana aad ku qanacdid, una sahay qaadatid maalintaad adduunkan ka guuri doontid. Waa iska dhowridda iyo ka fogaanshaha wixii dhib adduun iyo mid aakhiro kuu keenaya. Soonku waa xusuusin iyo dareensiin aynu dadka baahan la qaybsanayno waayahooda. 

Laakiin, maxay taraysaa haddii qorraxdu markay dhacdo la kala leexanayo? 

Ramadaan waa bil cibaado ee ma aha bil cunto. Intii cunto inaga baaqatay maalintii, iyo in lagu daray, haddii aynu cuuranno oo isku cabbaynno habeenkii, waxba isma beddelayaan. Ujeedkii soonkana wax badan baa ina dhaafay. 

Ramadaankii waxaad mooddaa in qaarkeen u fahmeen maalintii oo la hurdo, ciyaar waqtiga iyo gaajada la isku dhaafiyo, cunto noocyo badan oo la wado ilaa neefsigii dhib noqdo… Halkii la rabay in cuntada la yaraysto, cibaadada la badsado, sadaqada lagu dedaalo oo danyarta iyo masaakiinta laga war hayo il naxariis lehna lagu eego, naftana laga dhowro xumaha.

Iimaankii la dhisayay ee la kordhinayay, halis weyn buu ku sugan yahay haddaan kii baahnaa laga war hayn. Nebigu SCW waxa uu yidhi: 

Mu’min ma aha qofka dherga iyada oo deriskii ku xigay gaajaysan yahay. 

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ليس المؤمن الذي يشبع وجاره جائع إلى جنبه.

Xadiis kale ayuu Nebigu SCW ku yidhi:

Ima rumayn qofkii dhereg ku seexda isaga oo og in deriskiisa ku xigaa gaajaysan yahay. 

عن أنس بن مالك ـ رضي الله عنه ـ قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ما آمن بي من بات شبعان وجاره جائع إلى جنبه وهو يعلم به.

In qofku wax isdhaafiyo oo cid uga baahi badan ku kaalmeeyaa, waa dhaqan wanaagsan oo Qur’aanku ammaanay, kuna sheegay liibaan, halka qofkii aan sidaa samayn lagu tilmaamay bakhaylnimo. 

وَيُؤْثِرُونَ عَلَىٰ أَنفُسِهِمْ وَلَوْ كَانَ بِهِمْ خَصَاصَةٌ ۚ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ

“Wuxu waa adduunyoo

Lama sudho agtaadee

Waa la aakhireeyaa.”

— Hadraawi: Af-ku-siran. 

Maxaa yeelay, sida Qur’aanku inoo sheegayo, wanaagga iyo birrigu ma aha oo keli ah salaadaha iyo soonka iyo cibaadada shakhsiga ku kooban e, waa daryeelka qaraabada, agoonta, masaakiinta, socotada safarka ah, kuwa tuugsanaya… 

۞ لَّيْسَ الْبِرَّ أَن تُوَلُّوا وُجُوهَكُمْ قِبَلَ الْمَشْرِقِ وَالْمَغْرِبِ وَلَٰكِنَّ الْبِرَّ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَالْمَلَائِكَةِ وَالْكِتَابِ وَالنَّبِيِّينَ وَآتَى الْمَالَ عَلَىٰ حُبِّهِ ذَوِي الْقُرْبَىٰ وَالْيَتَامَىٰ وَالْمَسَاكِينَ وَابْنَ السَّبِيلِ وَالسَّائِلِينَ وَفِي الرِّقَابِ وَأَقَامَ الصَّلَاةَ وَآتَى الزَّكَاةَ وَالْمُوفُونَ بِعَهْدِهِمْ إِذَا عَاهَدُوا ۖ وَالصَّابِرِينَ فِي الْبَأْسَاءِ وَالضَّرَّاءِ وَحِينَ الْبَأْسِ ۗ أُولَٰئِكَ الَّذِينَ صَدَقُوا ۖ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُتَّقُونَ

Mar labaad u fiirso dhammaadka aayaddu waa taqwo iyo dadka ku tilmaaman ee mutaqiinta ah. 

Kollayba intii dheeraadka ahayd musqusha intaad gayn lahayd, aakhiro u dirso oo beer qoyan oo gaajaysan ku quudi. 

“Nin qatan quudintii baa tol ku dhaqnaa.”

Hodantinnimada dhabta ahi hanti badan oo gacanta kuugu jirta ma aha e, naftaa hodan laga noqdaa, sida ku cad xadiiska Nebiga SCW:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لَيْسَ الْغِنَى عَنْ كَثْرَةِ الْعَرَضِ وَلَكِنَّ الْغِنَى غِنَى النَّفْسِ»

Mar kale Nebiga SCW oo Abuu Dar RC la hadlaya ayaa yidhi:

يا أبا ذر أترى كثرة المال هو الغنى ؟ قلت نعم . قال وترى قلة المال هو الفقر ؟ قلت نعم يا رسول الله قال إنما الغنى غنى القلب والفقر فقر القلب. 

Nebiga SCW: Abuu Daroow ma waxaad u aragtaa in hodantinnimadu tahay hanti badnida? 

Abuu Dar: Haa. 

Nebiga SCW: Waxaadna u aragtaa in faqrigu yahay hanti yarida?

Abuu Dar: Haa, Rasuulkii Alloow. 

Nebiga SCW: Hodantinnimadu waa midda qalbiga, faqriguna waa midka qalbiga. 

Ibnu Baddaal (ابن بطال) oo fasirayay ayaa waxa uu leeyahay: sababtu waxa weeyaan in kuwo badan oo hanti badan haystaa aysan ku qanacsanayn waxay hastaan oo ay dedaal ugu jiraan sii badsasho aysan dan ka lahayn meesha ay ka keenayaan, sidaas awgeed waa faqiir maadaama uu sidaa ugu hamuun qabo, halka qofka ku qancay wixii uu haystay uu sidaa hodan ku yahay. 

Nebiguna SCW xadiis kale waxa uu ku yidhi: 

Qofkii waaberista isaga oo hoygiisa ku nabadqaba, jidhkiisuna caafimaad qabo, maalintaana wax uu cuno haysta, wuxuu ka dhigan yahay in adduunkii oo idil loo soo ururiyay. 

مَنْ أَصبح مِنكُمْ آمِنًا في سِرْبِهِ، مُعَافًى في جَسدِه، عِندهُ قُوتُ يَومِهِ، فَكَأَنَّمَا حِيزَتْ لَهُ الدُّنْيَا بِحذافِيرِها

“Basaastuna waa qalbiga

Kashaa laga baal qoyaa,

Intaas ha ka dhaafin baal.”

—Hadraawi: Adduunyadu waa Besteed. 


Gaajada Ramadaanka xikmad baa ku jirta. 

Calool buuxda waxaa weheliya wahsi iyo daal. Dadka markay afurayaan dhawrka litir ee biyaha ah isku qulaamiya iyo taraawiixdu way isku dhibban yihiin. Calool buuxda waxaa weheliya hurdo badan iyo maan habacsan. Labadaasina waxay dhaawacayaan ka faa’iidaysigii waqtiga barakaysan. 

Cuntada oo la iska yareeyo, Ramadaan iyo xilli kalaba, faa’iidooyin badan oo caafimaad ayaa ku jira. Waa sababta dad aan Muslin ahayn u soomaan iyaga oo caafimaad ka raadinaya. 

Cudurrada inagu sii badanaya ee macaanka, dhiigkarka, kansarka, iwm., waxyaalaha lagaga hortagi karo, hadday qofka ku dhacaanna dhibtooda lagu yarayn karo ama lagaga bogsan karo, waxaa ka mid ah in qofku cuntada iska yareeyo (calorie restriction). Ragga waxaa lagu qiyaasaa inay maalintii u baahan yihiin ilaa 2500 oo kaalari, halka dumarku u baahan yihiin ilaa 2000 oo kaalari. Laakiin haddii qofku wax ka dhimo, sida 300 oo kaalari, caafimaad, firfircooni jidheed iyo mid maskaxeed, iyo guud ahaan tayo nololeed oo fiican ayuu ka helayaa. Cuntada oo la iska yareeyaa waxay awood dheeraad ah u yeeshaa habdhiska difaaca ee jidhka, waxay dhintaa holcanka (inflammation) iyo balbalka jidhka kaas oo qayb weyn ka ah cudurrada qaarkood iyo in qofka caafimaadkiisii guud hoos u dhaco, tayadii noloshiisana ay waxyeello soo gaadho. 

“Gobtu soorta kuma dhiirratee waa dhadhamisaaye,”

— Faarax-Garweyne Aw-Xuseen (Reer Qardho)

Sideedaba, jidhka qofka Soomaaliga ahi uma samaysna inuu qaado hilib dheeraad ah. Dhuubnaanta ayaynu ku qurux badan nahay, laakiin in badan oo inaga mid ah, dhaqanka magaalada ee aan socodka iyo jimcsiga badan lahayn, iyo cuntada macaanka iyo dufanka badan ee saddexda waqti la cunayo, ayaa faro ba’an ku haya, taas oo caafimaad xumadeenna laga dheehan karo. 

Saxan weyn haddaan la soo buuxin, ceeb bay ina la tahay. Halka qofka reer Yurub laga yaabo inuu qado ka dhigto xabbad rooti ah oo saandwiij ah ama qudaar iyo qaaddo bariis ama baasto ah, inagu saxan weyn oo bariis ama baasto ah oo hilib ama digaag ama kalluun wata, oo saddex qof deeqa, ayaynu ku qadaynaa, ka dibna hurdaynu raadsannaa. 

Dhaqankii iyo sunnada cuntada ee Nebiga SCW, waxaa marar badan inooga dhow dad aan Muslimiin ahayn. Hantideenna waxaynu ku muujinnaa xajmiga jidhkeenna iyo qaadka caloosheenna. 


Caado Beddelasho

Ramadaantu waa fursad caadooyin wanaagsan lagu baran karo, kuwii deriskoodu xumaana lagaga guuri karo. Waxaase loo baahan yahay maanhag (mindset) qumman iyo go’aan qaadasho laga dhabeeyo. Maalin aan Ramadaan ahayn inaad gaajootaa ma fududa. Ramadaantana inaadan gaajo dareemin baa laga yaabaa. Waa hadba waxaad madaxa gashatid iyo maanhaggaaga. 

Ramadaan waa bil barakaysan oo Alle inoo fududeeyay inaynu jidka toosan ku hagaagno. Ceeryaamadii shaydaanku inagu kicinayay ee jidka qumman inaga qarinaysayna way yaraata marka la silsiladeeyo. Xadiiskii Nebigu SCW wuxuu lahaa:

Marka ay tahay habeenka ugu horreeya ee bisha Ramadaan waxaa la xidhaa shayaadiinta iyo jinka madaxa adag, waxaana la qafilaa albaabbada Naarta oo aan midna laga furin. Waxaa la furaa albaabbada Jannada oo aan midna laga xidhin. Waxaana lagu dhawaaqayaa: kii khayrka doonayoow kaalay, kii sharka doonayoowna gaabso. Allena habeen kasta dad ayuu naarta ka xoreeyaa. 

إِذَا كَانَ أَوَّلُ لَيْلَةٍ مِنْ شَهْرِ رَمَضَانَ صُفِّدَتِ الشَّيَاطِينُ وَمَرَدَةُ الْجِنِّ وَغُلِّقَتْ أَبْوَابُ النَّارِ فَلَمْ يُفْتَحْ مِنْهَا بَابٌ وَفُتِّحَتْ أَبْوَابُ الْجَنَّةِ فَلَمْ يُغْلَقْ مِنْهَا بَابٌ وَيُنَادِي مُنَادٍ يَا بَاغِيَ الْخَيْرِ أَقْبِلْ وَيَا بَاغِيَ الشَّرِّ أَقْصِرْ وَلِلَّهِ عُتَقَاءُ مِنَ النَّارِ وَذَلكَ كُلُّ لَيْلَةٍ “

Naarta iyo wixii dhankeeda inoo jeedin lahaaba waa laynaga xidhay. Jannada iyo wixii dhankeeda inoo jeedin lahaana waa la inoo furay. 

Ramadaantu waa bil barakaysan oo samaynta khayrku ay aad u fududdahay. Xumihiina adkaaday. Wanaaggii yaraa ayaa ajarkiisu bataa, labo Ramadaan oo isku xiga qofkii soomana, waxaa loo dhaafaa dembigii yaraa ee ka dhacay inta u dhexaysa labadaa Ramadaan. Sidaa oo kale, qofkii iimaan iyo ajar raadin u sooma, dembigiisii waa la dhaafaa. Qofkii habeenka Ramadaan salaad u istaaga, iyada oo iimaan iyo ajar raadin ay wadaan, dembigiisii hore waa loo dhaafaa. 

Sidaas awgeed ayaa qofkii Ramadaan gaadha ee aan dembidhaaf ku helini uu u yahay mid guuldarraystay oo nasiibdaran.

Alle ha inaga dhigo kuwo ka faa’iidaysta bishan barakaysan. 

Aamiin. 


“Nin bursaday hadduu jiro

Nin wax beelay baa nool

Nin badsaday hadduu jiro

Ka la boobay baa qaday,”

— Hadraawi: Badbaado. 

#Dhambaalka_Jimcaha

Check Also

Dhambaalka Jimcaha — 7 | 15 Ramadaan 1441 | 08 May 2020

Dhambaalka Jimcaha — 7 | 15 Ramadaan 1441 | 08 May 2020 بسم الله الرحمن الرحيم …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *