Home / Kobcinta Nafta / Abla-ablaynta Heerarka Aqoonta
via Wikimedia

Abla-ablaynta Heerarka Aqoonta

Waxbarashadu ma aha oo keliya tan rasmiga ah ee ardayda la geeyo xarun ay aqoonta ka bartaan. Waxaa in badan dadku wax ka bartaan inay dareenkooda ku gartaan waxyaabaha ka dhacaya degaanka ku hareeraysan ama dadka la nool kaga daydaan dhaqanka iyo dhawaaqa afka.

Ummadaha maanta nool waxay u bateen in waxbarashada la maamulo oo dawlado ama hay’ado waaweyn ay jaangooyaan waxa ardayga dugsiga ilaa kan jaamacaddu u baahan yahay. Ardayga waxaa la baraa aqoon kala heerar iyo noocyo duwan marka la eego sida maskaxdiisa, laxawgiisa, iyo jirkiisu uga jawaabaan waxa uu baranayo.

Aqoontaas oo aad u kala duwanaan karta, waxaa loo baahday in isku meel laga maamulo oo dadka dejinaya manhajka ay u fududaato inay isku sargooyaan aqoon kala duwan sida tan xisaabta, caafimaadka, cilmiga afafka, farshaxanka, iyo farsamada. Tusaale ahaan, haddii labo arday la siinayo shahaado isku mid ah sida ‘Bachelors’, laakiin labadaas arday ay kala barteen labo cilmi oo aad u kala fog, side loo qiimaynayaa in labadaas aqoomood ay isku heer yihiin labadaas ardayna la siin karo shahaado isku derejo ah?

Aqoonyahan la oran jirey Binyaamiin Buluum (Benjamin Bloom) ayaa 1956’dii isku dayey inuu aqoonta ku jaangooyo jaranjaro u sahlaya macallinka iyo ardayga sidii ay u kala qaybin lahaayeen heerarka aqoonta. In kastoo aqoonyahanno dambe isku dayeen in ay wax ka bedelaan qaabka Buluum wax u dhigay, haddana waxaa meelo badan weli laga isticmaalaa in aqoonta loo qaybiyo qaabkan:

Ogaan: Waa in ardaygu xusuusto walxo, xeerar , xaalado iyo wax la mid ah.

Garasho: Ardaydu inuu awoodo inuu fahmo wixii loo sheegay.

Adeegsi: In ardaygu fal u beddeli karo garashadiisa.

Furfurid: Arrimo isa saarnaa inuu ardaygu u kala qaadi karo qaybo yaryar oo midba gaar loo adeegsan karo ama Qiimayn karo.

Isladoonid: Arrimo kala duwan in ardaygu isu keeno oo meel sare isaga xiro ama isugu abtiriyo.

Qiimayn: Waa in ardaygu qiime ku lammaanin karo ogaanta uu leeyahay.

(Halabuur): In ardaygu sameeyo ama allifo aqoon cusub oo ka dhalata degaanka iyo dhacdooyinka uu la nool yahay. (Gadaal ayaa qodobka lagaga kordhiyey)

Dadku wixii u muuqda oo ay dareenkooda ku gaari karaan waa sahlan tahay inay isku aragti ka qaataan, laakiin  ma fududa qaabaynta ama suuraynta waxyaabaha aan muuqan sida fekerka, xanuunka, iyo farxadda. Taas oo jirta, ayaa haddana waxbarashada dugsiyada ilaa jaamacadaha iyo weliba tababbarrada ciidammada iyo shirkadaha ganacsigu waxay manhajka ay dhigayaan ku saleeyaan abla-ablaynta qoraalkan ku xusan.

Check Also

Xoogga Debecsan

Waa xujada cilmiyaysan iyo akhlaaqda wanaagsan. Waa dhaqan aad u heer sarreeya oo ka muuqanaya …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *