Home / Akhlaaq / Xoogga Debecsan

Xoogga Debecsan

Waa xujada cilmiyaysan iyo akhlaaqda wanaagsan. Waa dhaqan aad u heer sarreeya oo ka muuqanaya taariikhdii Nebigeenna Muxammed (CSWS) iyo sidii uu dadka diinta ugu sheegayey.

Wuxuu Nebigeenu u muuqanayay qof dad waalan oo dab isku tuuraya hor taagan oo haddii ay dadkaasu caayaan, ama u gacan qaadaan ama candhuuf wejiga kaga tufaanba aan ka caroonayn ee tabartiisa iyo maskaxdiisa oo dhan isugu geynaya sidii uu u badbaadin lahaa dadkan aan dabka ka war qabin.

Dhibaatooyinka loo geystey Nebigeena(CSWS), ehelkiisa, iyo dadkii rumeeyey way badnaayeen, laakiin waxyaabaha ugu adkaa waxaa ka mid ahaa in isagoo ku tukanaya Kacbada dhinaceeda uu xaggiisa dambe ka yimi nin ka mid ah gaaladii oo uu Nebigeena(CSWS) surka maro kaga ceejiyey. Waxaa jirtay isla ninkaas gaalka ah inuu malin kale Nebiga(CSWS) oo tukanaya oo sujuudsan dhabarka ka saaray wasakhdii ka hartay neef geel ah oo la qalay. Nebigu (CSWS) sujuuddii kama kicin ilaa gaaladii isugu timi si looga maadaysto ilaa warkii gaaray gabadhiisii Faadumo oo intay timi ka qaadday dhabarkiisa wasakhdii.

Waxaa jirtey in Nebigu (CSWS) markuu reer Maka dheganuglaan ka waayey uu maalin u safray magaalada Daa’if oo ilaa 70 km u jirta Maka si uu uga doonto wax u hiiliya oo Ilaahay caabudiddiisa ku taageera. Dadkii ka talinayey Daa’if waxay dadkii waalnaa iyo ciyaalkii ku amreen inay ninkaan dhagxiyaan magaaladana ka saaraan. Sidii ayey yeeleen oo Nebigeenu (CSWS) isaga oo cagaha dhiiggu ka da’ayo ayuu ka baxay magaaladii.

Waxaa loo bixiyey Nebiga (CSWS) magacyo cay ah oo badan. Waxaa loo soo furay gabdhihiisii laga qabay. Waxaa lagu diray wixii dad ahaa ee uu yaqaannay iyo kuwo aanu aqoonba. Waxaa ciqaabo foolxun la mariyey dadki isaga rumeeyey, waxaa la colaadiyey dadkii reer ahaan ugu hiiliyey xataa iyagoon diintiisa qaadan. Waxaa laga cunaqabateeyey in wax laga iibiyo iyo in wax laga iibsado. Irriddiisa ayaa qashin iyo qodax loo dhigi jirey. Intaas loogama harin ee waxaa lagu tashaday in dhalinyaro badan oo mindiyo iyo warmo wata ay isku mar Nebiga(CSWS) ku dhuftaan hubka si ay u dilaan dhiigiisana si fudud qoloba xoogaa u bixiso.

Waxa intaa loo colaadinayey ma ahayn dan adduun oo la isla fahmi waayey. Waxaa la isku haystay war dadyohow Ilaahay caabuda aad naarta ka badbaadaane, iyo ‘maxaa kaa galay’. War dadyohow sharaftiinna adduun dhowrta oo ceebta iyo xumaanta ka hara, iyo ‘maxaa kaa galay’.

Taasoo jirta, haddana Nebigeennu(CSWS) inta badan wuxuu isticmaalayey xoog debecsan, oo ah xujo cilmiyaysan iyo akhlaaq wanaagsan, oo wuxuu oran jirey: “Waxaan la mid ahay nin dab shitay oo bahallo yaryar oo duulduulayaa dabkii ku daadanayaan isaguna ka celinayo. Waxaan idinku dhegganahay marada guntigeeda si aydaan naarta ugu dhicin idinkuna waxaad rabtaan inaad iga baxsataan oo naarta ku dhacdaan.”

Haddii aan isku dayno inaan ka sheekayno akhlaaq wanaaggii Nebigeenna (CSWS) waxaan u baahan doonnaa waqti badan iyo khad wax lagu qoro oo biyaha badda ka badan, laakiin waxyaabaha qofka lagu qiyaaso waxaa ka mid ah maalintii uu adkaado sida uu ula dhaqmo dadka uu ka adkaaday, marka uu xoolo helo sida uu ula dhaqmo dadka baahan, marka uu cilmi yeesho sida uu ula dhaqmo dadka ka aqoonta yar.

Saddex tusaale:

1. Sannadkii siddeedaad ee hijrada ayaa uu Nebigeennu (CSWS) isaga oo ciidamo toban kun ku dhow wata qabsaday magaaladii Maka ee weligii lagu dhibi jirey. Hoggaamiye walbaa markuu adkaado wuxuu ka bogtaa wixii uu u ciil qabay sida inuu hanti ka fara qabsado, raggii uu necbaa in uu ka aarguto iyo dhammaan baahidiisa shakhsiga ah in uu dherjiyo. Nebigeennu (CSWS) wuxuu ahaa hoggaamiye guulaystay, wuxuu ku dhaqaaqay in uu wixii uu u ciil qabay ka ciil bogto, wuxuu u ciil qabay cibaadada Ilaahay, markii uu magaalada soo gelayey, damaashaad iyo kibir kama muuqan.

Markiiba wuxuu abbaaray Kacbada oo ku dawaafay, wuxuu gudaha u galay Kacbada wuxuuna bilaabay cibaadadii uu u oommanaa. Markuu dibedda u soo baxay wuxuu arkay dhammaan dadkii odayaasha u ahaa reer Maka oo isu soo baxay. Waa kuwii dhibaatooyinka aan kor ku soo sheegnay u geystay. Wuu la hadlay oo wuxuu ku yiri: “Maxaad iga filaysaan?” Waxay yiraahdeen: “Kolley waxaad tahay wiilkeennii fiicnaa, aabbahaana wuxuu ahaa nin fiican!” Nebigeenu(CSWS) isaga oo awooda in uu naftiisa iyo dadkiisii la laayey ama la dhibay uu aar gudo, wuxuu ogaa in qasadkiisu ahaa in uu dadkaan ka badbaadiyo Naarta uguna yeero Jannada, marka wuxuu ku yiri: “Xor ayaas tihiin ee iska dhaqaaqa”. Cafiska iyo qalbiga saafiga ah waxay Nebigeenna (CSWS) u ahaayeen xoog debecsan oo dadku ku jeclaadaan.

2- Weligiis hanti adduun oo la weydiistay Nebigeenu(CSWS) ‘maya’ ma oran. Waxaa jirtay in uu u yimi nin oo ku yiri ‘wax i sii’ markaasaa Nebigu (CSWS) xoolo aad u badan siiyey, ninkii inta uu reerkiisii u tegey ayuu ku yiri ‘war hooy soo islaama wallee Maxamed siduu wax u bixinayo, nin faqri ka baqaya ii lama eka’. Waxaa in badan dhici jirtey in dad soo islaamaan iyagoo doonaya xoolo, markay xoogaa diinta ku jiraan ayay diinta ka jeclaan jireen adduunka iyo xoolaha saaran oo idil. Sadaqada iyo deeqsinimadu waxay Nebigeenna u ahaayeen xoog debecsan oo dadku isaga iyo diinataba ku jeclaadaan.

3 – Waxaa in badan dhici jirey in dad meelo fog ka yimi oo aan magaalada dhaqankeeda aqoon ay u yimaaddaan Nebiga (CSWS) iyagoo cilmi doon ah. Dadkaas intooda badan ma aqoon sida qofka aqoonta leh loo qaddariyo. Meel fog ayey ka soo qaylin jireen “Maxamadoow!” Haddii qaar ka mid ah asxaabtiisu dhibsadaan dadkaas hab-dhaqankooda, Nebigu wuxuu oran jirey ‘Iska daaya’. Su’aalaha dadkaasu Nebiga (CSWS) weydiin jireen waxaa ka mid ahaa “Ilaah baan kugu dhaariyaye, Nebi miyaad tahay?”

Su’aalaha adag waxaa ka darnaa in mararka qaarkood ay ku kici jireen dhaqamo la yaab leh sida in maalin nin raggaas ka mid ah uu masjidka dhexdiisa kaadi la fariistay. Dadkii ku jirey masjidka ayaa ku qayliyey ninkii, laakiin nebiga (CSWS) ayaa ku yiri daaya oo ha ku kala goynina kaadida. Markuu dhammaystay ayuu Nebigu (CSWS) faray saxaabadii inay kaadida ka nadiifiyaan masaajidka. Ninkiina kuma qaylin, waayo ninku isuma haysan inuu wax qalad ah sameeyey. Nebigu (CSWS) ninkii wuxuu ku yiri “masaajidda kuma habboona wixii wasakh ah, waxaa loogu talo galay salaadda, Qur’aanka iyo Ilaahay xuskiisa.” Sida uu Nebigu (CSWS) ugu nuglaa dadka uu ka aqoonta badan yahay ee aanu isaga weyneysiin jirin waxay u ahayd xoog debecsan oo dadku ku gartaan inuu yahay qof sare oo oo Ilaahay soo diray.

Sidoo kale Nebi Muuse (CSWS) wuxuu lahaa awood qabow oo wax dhista kana xoog badan awoodda wax burburisa.

Dadka Ilaahay abuuray kuwa ugu kibirka badnaa waxaa ka mid ahaa Fircoon oo dadkiisii dullaystay ilaa ay aqbaleen inuu Fircoon yahay Ilaahoodii. Xadgudubyadii Fircoon markay bateen, Ilaahay wuxuu doonay in uu u diro Nebi Muuse (CSWS) si Fircoon iyo dadkiisiiba loo gaarsiiyo fariin ka timi Ilaahii dunida iyo dadkaba abuuray.

Fariin keliya looma dhiibin Nebi Muuse (CSWS), ee waxaa kaloo la raaciyey habkii Fircoon wax loogu sheegi lahaa oo Ilaahay isagoo Nebi Muuse iyo Haaruun la hadlaya wuxuu yiri: “U taga Fircoon wuu kirbaye, kuna dhaha hadal debecsan, waxaa la arkaa inuu is garto ama cabsadee” (Daha, 43-44).

Sidaas ayuu yeelay Nebi Muuse (CSWS) oo markuu u yimid Fircoon oo u sheegay in uu sido farriin ka timi Rabbigii caalamka abuuray, waxaa dhex maray wada-hadalkan:
Fircoon: Waa maxay ilaaha caalamiintu?
Nebi Muuse: Waa Ilaaha cirarka, dhulka, iyo inta u dhexaysa haddaad wax hubsan kartaan.
Fircoon (isagoo la hadlaya dadkii meesha joogay): ma maqlaysaan wuxuu ku hadlayo?
Nebi Muuse: Waa Ilaahiinna iyo Ilaaha aabbayaashiinnii hore.
Fircoon: (isagoo la hadlaya dadkii meesha joogay): Ninka la idiin soo diray waaba nin waalan.
Nebi Muuse: Waa rabbiga abuuray qorrax-ka-soobax iyo qorrax-u-dhaca iyo inta u dhexaysa haddaad wax garanaysaan.
Fircoon: waxaan ku dhaartay haddii aad ilaah aan aniga ahayn yeelato inaan xabsiga kugu tuuri. (Ashucaraa, 23-29)

Hadallada Fircoon waa wada jeesjees, isyeelyeel, iyo diidmo cad. Ha yeeshee bal eeg akhristow jawaabaha Nebi Muuse iyo sida aanu uga caroonayn hadalka Fircoon ee uu ugu celcelinayo caddaynta farriintii loo soo dhiibay. Edebta ka muuqata jawaabaha Nebi Muuse waxay markhaati u tahay sida uu u fuliyey amarkii Ilaahay ee ahaa inuu Fircoon si jilicsan ula hadlo.

Nebi Muuse Ilaahay wuxuu siiyey xoog debecsan oo isugu jirey xujo cad oo cilmiyaysan iyo akhlaaq wanaagsan.

Gebagebadii, qof walba oo sheegta inuu dariiqii Nebiga hayo, waxaa xujo ku ah in uu isu eego dhaqankiisa iyo kii Nebigeenna (CSWS). Dhaqankeennu waa muraayad ama diinta lagu jeclaado ama looga cararo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *