Home / Aragti / 20 Feb 1982: Maalin Dhiidhi Dhallinyaro iyo Kacdoon Dadweyne!

20 Feb 1982: Maalin Dhiidhi Dhallinyaro iyo Kacdoon Dadweyne!

Feberwari 20’keedii, 1982, waxa Hargeysa oo ahayd magaala madaxdii labaad ee Jamhuuriyaddii Dimoqraaddiga ahayd ee Soomaaliya ka dhacay kacdoon weyn oo ay bilaabeen ardaydii dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa, taas oo dhaqaajisay dadweynihii magaalada oo gadood kala hor yimi xukuumaddii kelitaliska ahayd ee xoogga badnayd ee Maxamed Siyaad Barre . Warbixintan hoose waxa ay ka hadlaysaa kacdoonkaas iyo natiijooyinkii ka dhashay iyo xidhiidhka ay maanta la yeelan karaan waayaheenna siyaaso-bulsheed.

Xaaladdii Gobolka

Sannadihii badhtamaha toddobaatanaadkii iyo bilowgii siddeetanaadka; qarnigii 20-aad ee aynu dhowaan sagootinney, waxa hoos u sii ciirayey heerkii bulsho-dhaqaaleed ee guud ahaan dadka iyo dalweynihii kala daatay ee Jamhuuriyaddii Dimoqraadiga Soomaaliya ee uu hoggaaminayay xisbigii Kacaanka Hantiwadaagga Soomaaliyeed. Waxa sii kordhayey cadaadiska iyo cubbudhintii siyaasadeed ee taliskii Maxamed Siyaad Barre uu guud ahaan dadka ku hayey, gaar ahaanna kii dusha ka saarnaa gobolladii Waqooyiga iyo Mudug oo lagu tilmaami karayey cadaadis qorshaysnaa oo markii dambena isu rogey gumaad iyo cidhibtir qoondaysnaa oo aan kala sooc lahayn.

Waxbarashadii

Dugsiyada waxbarashada ee caasimadda labaad ee Hargeysi indhaha ayay isku sii qabsanayeen. Waxa isku takhlanaa kuraasta fasallada dhex tuuran, dhaayahayaga iyo dhoygii ardayeed ee aqoonta u jeellanaa muhasho ahaan. Ardayga fasalka 4aad ee dugsiga sare dhigtaa aqoon uma lahayn sida ay Ogsajiin iyo Haydarojiintu biyaha u sameeyaan marka falgal kiimikaad laga dhexaysiiyo. Shaybaadhadaba (laababka) dugsiyadu badiba ma lahayn, kuwii lahaana habaas baa fuulay oo cidiba ma manaafacaadsan karayn. Macallimiinba looma hayn ardayda xitaa duruustii caadiga ahayd u dhigta oo siisa. Tusaale ahaan wax macallimiin ah oo dugsiga sare maaddadda fiisigiska ka dhigi karayey, waxa gobolkaba ka joogey macallin keliya oo magaciisu u caan ahaa sida uu macallinkaaasi macduunka u ahaa; waa Siciid Maxamed Ibraahim “Siciid-Fiisigis” oo arday weliba yaqaanney magaciisa, kiimikadana laba macallin oo keliya. Ma jirin gobolkaba wax buugaag ah oo daabacan oo ku saabsan manhajka waxbarashada dugsiyada. Caasimaddii Muqdisho ayay ardaydu xilligaa fasaxyada ka soo iibsan jireen buugaagtaas suuqa wadhatada ama cid uga soo dirta ka codsan jireen.

Caafimaadkii

Hargeysa waxa ku yaalley cusbitaal keliya oo ahaa dhisme duug ah oo laga dhaxlay gumaysigii Britayn ee geyigaas xukumi jirey. Cusbitaalku ma lahayn laydh ama koronto. Marka haweeney foolanaysa la keeno waxa iftiin u ahaan jirey indhaha gaadhigii keenay oo inta albaabka la soo hortaago oo la istaadho la shidi jirey! Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha adeegga qaabbilsan ee cusbitaalkaas guud waxa ka badnaa bisaaska u soo hoyda ee isugu soo habar-wacday nadaafad darrada iyo dayaca rugtaas muhiimka ah ka jiray. Goob caafimaad waxa uu uga ekaa cusbitaalku qubuuro beri hore abaadey. Burco, Berbera ama Ceerigaabo iyo meelaha kaleba hoos bay Hargeysa ka sii xigeen. Waxa aad moodaysey in gobolkaba lagala dagaalamayey horumar oo dhan, loona sadqaynayey oo lagu sooryeynayay dib u dhac oo dhan.

Dhaqaale iyo Horumarkii

Dhaqaalaha caasimadda labaad ee Hargeysa ayaa sii ragaadayey oo curyaannimo sii gelayey sida kii waddankuba u sii hagaasayey ee godka arxan darrada iyo hoogga ugu sii siqayey. Ganacsigii suuqa xorta ahi muddaba wuu ka laallaa Hargeysa oo ahaan jirtey xarun baayacalmushteri oo dadkeeduna khibrad iyo hoodaba u leeyihiin hawadinta hawlaha ganacsiga. LC-yo dad gaar ah u xuurtaysan oo lagu naas-nuujiyo ayaa gaaggixiyey ibihii irmaanaa ee dhaqaalaha iyo ganacsiga.Waxa is taagey koritaankii iyo kobocii magaalada Hargeysa. Waxa hoos u dhac ku yimi daryeelkii iyo dayactirkii waddooyinka, biyaha ama laydhka oo habeenna la waayo, habeennana saacado go’an meelaha qaar ka bidhiiqa.

Hoos u dhacaas oo si xawli ah isu soo tarayey maalin kasta sannadihii u dambeeyey, waxa uu toosiyey oo kiciyey, dabna ku oogey dareenkii dadka, gaar ahaan waxa ka gilgishey garashadii aqoonleyda iyo waxgaradka reer Hargeysa. Waxa arrimahaasi kulmiyeen koox dhallinyaro ah oo ka mid ah macallimiintii, dhakhaatiirtii, shaqaalihii iyo baayacalmushterigii magaalada. Waxa ay daraasayeen inta dhibaatadu hoos u qodan tahay iyo sida ugu sahlan ee xalkeeda loo furdaamin karo. Waxa ay ka badin waayeen oo go’aansadeen in ay si “iskaa wax u qabso” ah ay ugu adeegaan dadkooda qanja bararku ku yuurursaday. Waxa ay la xidhiidheen maalqabeenkii magaalada intii Hargeysa ku sugnayd iyo intii ka haajirtey ee meelo kale ku noolaydba. Waxa kale oo ay la xidhiidheen maamulkii dawladda ee gobolka. Dhega-nuglaan iyo jajabnaan ayay cid kasta kala kulmeen in ay ka helaan marka laga reebo dawladdii dalka maamulaysey oo ku gacmo saydhay, kuna eedaysay in kooxdaas dhallinyarada ah ay ka dambeeyaan oo ku adeeganayaan wax ay ugu yeedheen ‘quwado shisheeye’! Halkaas waxa ka soo if-baxay weji-gabaxii ugu waynaa ee Waxgaradkii Hargeysa iyo maamulkii Muqdisho. Waxa wiiqmay oo xar galay udub-dhexaadka kalsoonidii la bakhti afuufayey ee ee shacabka Gobolka iyo Dawladda, waxana hungoobey hankii u heellanaa “iskaa wax u qabsiga”!

Dareenkii Dadka

Arrintaasi waxa ay soo dedejisay in dabayaaqadii sannadkii 1981 kii xabsiga loo taxaabo dhallinyaradaas oo lagu eedaynayo inay duminayeen qarankii ay doonayeen in ay dhisaan. Ficiladaas samadawdarnimo waxa ay sababtay kacdoonkii ardaydu hagayeen ee Hargeysa ka dhacay bishii Febarwari 20’keedii illaa 23’keedii ee sannadkii 1982 maalintii Sabti ee maxkamadda la keenayey dhallinyaradaas xidhxidhnayd ee UFO.

Markii laga war helay ee la ogaaday in berrito aroornimadkii (20/02/1982) inammadii UFO maxkamadda la keenayo ayaa waxa bilaabmay ruxan weyn oo runtii magaalada gilgilay oo ku baahayey habeenkii oo dhan. Guuxa dadku meel walba wuu ka hugmayey. Goraddaa dadku is gelinayeen meel kasta magaalada habeenkaas. Intii is taqaanney ama macaariif ahaydba si gooniya ayay wax u wada gorfaynayeen. Waxa laga sinnaa dareen ah in arrinta inammadu iska dhan tahay oo wax maxkamadi xukumaysaa aanay hadda jirine xukun hore loo sii qorsheeyey oo dil ah uun ay maxkamaddu ku dhawaaqi doonto, sidii markii dambeba dhacday ee madaxaa ha ku furto iyo sannadaha badan inammadaas caasha loogu geliyey. Sidaas darteed waxa lagu wada qanacsanaa in berrito maxkamadda lagu wada kallaho. Dad badani habeenkaas il iyo baal isuma aanay keenin oo jiif iyo joogba waa la is diiddanaa. Gogoshoo la dayrshiyo galgalashaa lagu waaberiistey.

Waxaannu go’aansannay arday aannu asxaab ahayn iyo anigu in aannaan berrito dugsiyada xaadirin. Habeenkii guryahayaga umaannu hoyan. Hurdaba gama’ maannu ledin oo gebi dhaclayn iyo galgalaashaa waagu noogu galac yidhi. Waxaannu isu qaybinnay dugsiyada sare in subaxdii laga hawl galo oo ardayda lagu dhiirri geliyo in ay maxkamadda si isku xidhan u yimaaddaan. Meel walba waxaa ka socday dadaal noocaas ah. Ma jirin cid ama dallaayad dadaalladaas isku duwaysaa oo horseed iyo hagitaan u ahayd. Hase yeeshee dareenka dadkaa meel u wada hoggaansanaa: In maxkamadda dilka ah la baajiyo, inammadana loo hiiliyo ayaa lagu midaysnaa si aan madmadow iyo shaki toonna lahayn. Intaanay libdhadu soo bixin ayaannu dhinacii maxkamadda foolka saarnay. Aad bay u qaboobayd oo ceeryaan iyo dhedaa dhulka ku gadaannayd. Waxa aad moodaysey in ciiddu qoyan tahay oo dheel iyo sayax dul gawdiidaan.

Anigu dugsigayga Faarax Oomaar oo maxkamadda u dhowaa, ayaan qaabbilsanaa. Dharkii Balcadda ahaa (shaadh cad oo gacmo gaab ah iyo surwaal kaaki ah oo lugo dheere ah) maanu qaadan subaxdaas intayadii xalayto wax wada gorfaynaysey. Maxkamadda ayaannu ku waaberiisanney. Si xoog ah ayaa loogu soo gurmayey maxkamadda markii salaadda subax la tukadeyba. 9:00 subaxnimo maxkamadda iyo agagaarkeeda ushii cirkaas loo tuuraa dhulka kumaanay dhacayn. Dadweyne kala duwan oo dumar iyo dhallinyaro u badnaa ayaa arladaba haystey oo maxkamadda ku gabranaa. Si muuqataa loo dareemayey in dadka goobta tuuran ay dumar iyo carruuri hadhaynayaan. Nin cirro ka muuqataa ma soo kallahin ama meeshaba wuu ku yaraa!

Kacdoonkii Ardayda

Nusasaacaha (Nasashada) xilliga loo baxo, ayaannu diyaar ku wada ahayn dugsiyada hortooda meelaha ardaydu ka nusasaacayso, si ardaydu marka ay fasallada ka soo baxaan dhinaca maxkamadda loogu soo hago. Wacaasha iyo waayaha Hargeysi ku waaberiisatey saaka ardaydu way ku wada baraarugsanaayeen oo ma adkayn in ficilo la horqaadaa. Kubbadda hor taalla in la laado, ayuun bay ku sinnayd in ciyaartu haloosi u bilaabanto.

Reer Faarax Oomaar waxa ay u nusasaace tageen dhankii maxkamadda. Xitaa intii ka maagaysey ee dabada yar giijinaysey waxa jiitey mawjaddii ardayeed ee sida daadka u qulqulaysey. Ardaydii dugsiga 26-ka Juun ayaa iyana soo dhaadhacay oo maxkamadda shafka soo saaray. Waxa la isku soo wada gadaamay maxkamaddii. shaadhadhkii cadcaddaa iyo surwaalladii kaakiga ahaa ee ardayda, ayaa si mug iyo macno leh uga dhex muuqday oo hadheeyey dadkii maxkamadda horteeda sidii kaarbedka oo kale u goglanaa.

Mar keliya ayaa la is gaadhiiyey dareen xambaarsan in inammadii maxkamadda xaggeeda dambe laga soo geliyey oo la xukumayo. “Gacan Nebi nin doonow gacantaa ha samaato”. Dhulka ayaa la taabtay. Dhagaxa iyo shiidka ayaa hadhka lagaga dhigayaa askartii maxkamadda hor tubnayd. Tacshiirad rasaaseed ayay dhagixii askartu kaga jawaabayaan. Maqalkii rasaastu waxa uu soo kiciyey dadkii magaalada oo dhan. Ardaydii dugsiyada sare iyo dhexe, ayaa qolo kastaa halkeeda ka soo dhaqaaqday. Muddaharaad ayaa dhinac walba ka soo bilaabmay. Faras magaalaha illaa Shacabka (xafiisyada dawladda iyo maxkamadda) ayaa dadku is qabsaday. Waxaa ka dhacay wixii la ogaa ee toogasho iyo dil lahaa, xadhig iyo cadaadis lahaa iyo dhinaca kale mintidnimo iyo kacdoon dhiirran lahaa.

Maalintaas iyo dhawrkii dharaarood ee ku xigey waxa magaalada Hargeysa ka bilaabmay isa seeggii ugu weynaa iyo isku dhacii ugu riiqda dheeraa ee shacbiga iyo maamulayaashii xaaduqa ahaa ee taliskii Maxamed Siyaad Barre. Waxa uu ahaa kacdoon dadweyne kii ugu weynaa. Afar maalmood ayuu is daba jog ahaa. Maalin kasta dardar iyo ged cusub ayuu la soo baxayey. Hargeysi waxa ay maalmahaas isu beddeshey goob iska hor imaad. Dadka oo dhan buu gadoodku saameeyey. Ardayda waxa lagu qarinayey gurigii ay soo galaan oo dharka lagaga beddelayey, gaar ahaan maalintii ugu horraysey ee balcadda la xidhnaa. Maalmihii dambe dhar cad baa la iska wada ahaa oo cidina dirays ma aanay soo qaadan. Dugsiyadaba waa la qaaddacay.

Waxa la xidh xidhay dad badan, waxana si xoog ah loo cabbudhiyey dhawaaqii xorta ahaa ee dadweyne. Waxa aan xusuustaa tacshiiraddii rasaaseed ee nacweynida lahayd ee ciidamadii dawladdu noo adeegsadeen. Waxa aan xusuustaa toogashadii naxariis darrada ahayd ee lagu diley ardaygii bannaanbaxyadaas ku geeriyoodey 20-kii Feberwari sannadkii 1982 duhurnimadii Alle ha u naxariisto’e Barre Xaaji Cilmi Axmed (Badh-dho). Waxaan kaloo xusuustaa cidhiidhigii iyo diiqaddii siyaasadeed ee maalintaas Hargeysi gashay ee u sii jiitamey xaaladihii bandowga, dhaca iyo boobka, gumaadka iyo xasuuqa aan kala sooca lahayn illaa laga gaadhay dumintii iyo burburintii waynayd oo buugaagta taariikhda balasheeda ku soo noqnoqon doonta.

Bilowgii Isbeddel Dhacayey

Halkaas waxa kale oo ka bilaabmay is beddel weyn oo dad badan kala soo dersey dhinaca fikirka iyo in-aragga qofnimo oo toosiyey wacyiga siyaasiga ah ee guud ee bulshada. Waxa dhallinyaro badan ku dhashay dareen ay kaga ilbaxayaan, kaga kufriyayaan dawladdoodii, madaxdoodii xilliyada qaar ay u han-weynaan jireen hoggaamintooda. Waxa aan ka mid noqday anigu arday ku sii durkaysey dhinaca mucaaradnimada mintidka ah. Wixii xidhxidhiddii dhallinyarada UFO iyo Dhagaxtuurka ka horreeyey saluug kastaaba markii hore ha jiro’e, nacayb iyo jidh-diid iima ag oollin dawladdayda iyo madaxdeeda toonna. Sidii dagaalkii 1977 loogu soo jabayba dadka iyo dawladdu way sii kala ilbaxayeen, siina kala durkayeen. Durbaankii badnaa ee dananka dharraqaankiisu dheeraa diririgtiisii yeedhmo way sii taag-darraynaysey. Oogtii Kacaankuba way sii gabaaraysey. Waxyaalahaas oo dhami waxa ay ahaayeen ifafaalayaal bilow u ahaa gabbaldhacii dawladdii dabkeedu dhamacda dhuxuleed ka kululaan jirey.

Cali Xasan Halaq (Cali Seiko) oo ka mid ahaa qolyihii khaliijka waddanka uga haajirey horraantii 70-aadkii ayaa maalin gurigiisii xaafadda Guryosamo, qaybta xiddigta, ka soo horjeedka malcaamaddii Macallin Jaamac iyo meheraddii Jaamac Kaadhiin, waxa uu ku casuumey rag odayaal ah. Waxa aan ku wadaa in ay ku beegnayd dhammaadkii 1981 ama horraantii 1982. Inan yar oo guriga joogey baan ahaa oo anigu sheekada iyo ujeeddada martiqaadka midna waxba kama ogayn. Ragga goobta yimi waxa aan ka magac garanayey abwaanka weyn ee caanka ah Cabdi Aadan Xayd (Cabdi Qays) iyo Cabdikariim X. Ducaale (AHUN) oo idaacadda Hargeysa madax ka ahaa. Jaad badan baa la la halaanbaynayey oo aan anna feedha kaga jirey. Sida jaadka loo cunayey si ka daran ayaa dawladdana loo budlinayey. Cabbudhnaanta, is cabbir la’aantii iyo maankii gaaggaxnaa ee la ibo gammuurey ayaad moodaysay in godol isku soo taagayo.

Dhibaatooyinkii gobolka ka jirey ayaa la dhubbad qaadayey oo xadhigga UFO-na ka mid ahaa. Guriga Ilma Cabdillaahi Cali ayaa guri noogu xigey oo uu Ceel-Geeye ka xidhnaa. Wax badan baan maalintaas nolosha ka ogaadey run iyo beenba. Waxa aan xasuustaa in si wanaagsan jaanta la isula helay in la gaadhey xilligii dawladda si qaawan la isu mudan lahaa. Waxa kale oo aan xusuustaa sidii haddana taas ku tooskeeda looga waabanayey. Waxa aan maalintaas abwaan Cabdi Qays ka qoray oo aanan weli illoobin aniga oo la fadhiya meel albaabka ugu xigta inta farta igu soo fiiqay ayuu yidhi “inta uu inankaasi ugu weyn yahay ayaa laga yaabaa in ay aarsadaan oo xaqooda dhacsadaan”! Dhawr iyo toban jir weyn oo labaatanka ku sii siqaya ayaan ahaa oo golaha se ugu yar, hase yeeshe dabuubtaa abwaanka oo qolyihii kalena u rixiyeen aniga maalintaas fahamkeeda dhabta ahi runtii wuu igu cuslaa. Waxa aan garan waayey meel aan u qaado oo maskaxda uun baan ku guntay, waxaa se xilli aan fogaynba ii furfuray ayaamihii soo aaddanaa.

Sannadguuradii 1’aad

Sannad guuradii 1aad ee ka soo wareegatey Gadoodkayagii ardayeed ee 20’kii Feberwari 1983 xuskeedii oo Axad ku beegnaa waxa aan ka mid ahaa koox arday ah oo la qaqabtay. Maamulayaashii dugsiyada ayaa halkii aannu ku xidhnayn naloogu keenay. maamulihii dugsigaygii aan u beddeshey ee Gacan Libaax, Muuse Madoobe, ayaa aniga iyo dhawr arday oo kale naqwo ahaan noola baxay oo naga sii daayey askartii aannu u xidhnayn. Maamule kastaa dhawr arday oo uu weji yaqaanney ama ay si kale isugu xidhnaayeen ayuu ka naqaystay maxaabiistii. Aniga iyo Muuse Madoobe wax aan arday iyo maamulihiis ahayn nagama ay dhaxayn. Keliya waxa uu Muuse ogaa in aan ka mid ahay ardayda ugu waxbarashada jecel.

Ardayda xidhxidhnayd intoodii badnayd waxa loo dhaadhiciyey jeelka Mandheera, iyada oo xidhnaanta iyo sii dayntu ku xidhnayd indho-garad iyo hadba sida hanti loo bixiyo. Ardaygii cid loo soo galagalaysto ama adduun laga bixiyo loo waayaa xabsiga ayuu ku abaadi jirey. Inta badan se lama waayi jirin in cid uun la isku maro oo loo waayo-sheegto, si ardaydaas xidhnayd loo soo daayo.

Sannad guuradaas 1aad ee ka soo wareegtey gadoodkii ardayeed ee Hargeysi waxa ay la timid wacdaro cusub. Muddadii sannadka ahayd wax badan baa is beddeley. Haddii sannadkii hore ardaydu isku calool fayoobaayeen sannadkan cusub caloolo bukay sitaan oo isla feedho fadhiyaan. Sannadkaas gudihiisa waxa kala haydhan ama kala lun iyo is-diidmo ku yimaaddeen hadafyadoodii ay wada lahaayeen sannad ka hor markii dhagaxtuurku bilaabmayey. Haddii dib u dhaca waxbarasheed, macallimiin la’aanta iyo duruus hungowgii jirey laga wada sheekaysan jirey sannad hortii, hadda dhabarka ayaa la isu jeediyaa oo sida beelaha qabaa’ilka ee colloobaa aanay dabka u kala qaadan, ayaanay ardayduna qalmaanta u kala qaadan! Waaba la kala siqayaa baqdin ahaan oo laba isku calool furan maahaane cidiba waxba isma waydiiso. Arday cusub oo lagu baadi sooco in ay baasaasiin u yihiin Dhabar-jebinta “ciidamadii sirdoonka”, ayaa fasallada badidooda soo tuurmey oo lagu soo gurayey. Indhaha ayaa wax la isugu sheegaa ama la isku dilaa markii la doono huruuf ahaan. Faq iyo guux dareen hoose leh oo aan dugsiyada iyo ardayda dhexdooda lagu aqoon, ayaa dhinac walba kaa salaamayey oo ka soo jaah iyo dhafoorro ballaadhnaa.

20’kii Feberwari 1983, waxaannu barqo dambe ka soo dhaqaaqnay dugsigii Sare ee Gacan Libaax, annaga oo foolka saarayna dhankii faras magaalaha. Socod cabbaar ah ka dib markii aannu ku soo dhowayn obocda suuqa weyn ee Hargeysa oo aannu jaadlayaashii, basaskii iyo tagaasidii oo is dhinacyo tuban soo dhex qaadnay, ayaa waxa dhexdayada ka oogsatey oo ka kacday koox arday ah oo walaandaynaysa shubaal ahaan hal-ku-dhig cusub oo ahaa: “ Dooni mayno Daarood; ha dhaco Daarood iwm!” Dhegaha ayaa la wada taagey! In badan baa arrintaas la yaabtay, waayo fal noocaas oo kale ahi qorshaha nooguma uu jirin. Waxa nala socda arday Daaroodkan la haaraamayo ku abtirsada. Gurey oo Reer Garoowe ah iyo Shiine oo reer Yagoori ah oo aannu weliba isaga qaraabo nahay, ayaa safka nagula jira. Inammo iyo hablo kale oo qabiilkaas carrabka lagu ballaadhinayo ku abtirsadaana ayaa ardayda ka mid ahaa! Waa tan arrinta fajacisada abuuraysaa, maantana soddon sonnadood ka dib qiimaynteedu xiisaha yeelanaysaa.

Kooxdii hal-ku-dhigga aloosan sidatayi waxa ay maquuniyeen ardayda intoodii badnayd oo ay toodii abaabullayd afka ugu rideen. Waxa nagu soo darsamay dadkii suuqa oo iyana dabkii xaabo sii saar saaray oo oog weyn sii haloosiyey, dhawaqiina cirka ku sii shareeray. Arday badan baa ka baxday bannaan-bixii oo xitaa dawladdii cabbanayd aanay is hortaagin ilaa uu magaalada isku wada gadaamay oo madax iyo mijo la’aan badani dhacday, sida gaadiidkii oo la jejebiyey, gaar ahaan kuwii dawladda iyo kuwii lagu tuhmayey in ay dawladda la jaal yihiin. Baabuurtii iyo meheradihii aannu Daaroodka ku tuhmayney ayaannu tumaatidayadii xafiisyada dawladda ku sii maqnayd u baydhinnay oo aannu dhagaxa ku boobnay. Ciidamadii dawladuna way na daawanayeen oo caday naguma ay fiiqahayn.

Dir-sooc

Durba waxa na soo hujuuntey oo na dhego barjaysay xamxamta aragti bixinaysa in ciyaartu dhex taallo reero is-haya ama haddii si kale loo dhigo “Daarood” magaca “dawladeed” kaga aargoosanaya “Isaaq”! Xaqiiqadii arday ahaan taasi wax raad ah quluubtayada kuma lahayn markii hore. Dhibaato Isaaq iyo Daarood dhex taallaa runtii badiba maankayaga kuma aanay jirin. Xitaa magacyadaasi maskaxdayada ma baanay soo geli jirin. Ardayduba isma aanay hayb aqoon. Dir-soocaba markaas maannu aqoon. Waxa ay ugu dhowayd marka arday waageeni ah oo cusub oo lahjad yara duwan ku hadlaya na loo keeno ee aannu ku xifaalayno gobol hebel ma ahee inuu ka yimid gobollo guud, sida bil matalan waa Reer Xamar oo nooga dhignayd waa Reer Koonfureed! Waayadaas hortood koonfur oo dhami isku qolo ayay noo ahayd. Daaroodnimada iyo Isaaqnimada waxa nagaga xoog badnayd Koonfur iyo Waqooyi.

Maalmahaas waxa gobolka u dillaacay waa’ cusub oo warmo wada sun iyo waabay ah jiidanaya. Waxa la faadhfaadhay digo guun ah. Godka hoose iyo dalluunta qabriga iilkiisa ayaa loo dhaadhacay oo laga soo kiciyey godob oofo ruqday iyo eelka milil dusha ka qarxaya oo ku gamaarsanaa oo “sula iyo xaaraama-cune” ka soo jeeda. Dhexdayada ayay taasi sida fulkaanaha uga dhex toostay ama ugu qaraxday sida “bam-fitneed” la soo “shirqool” maleegey! “Qudhun iyo qashaabiir” wixii xabaalaha laga soo qufay, ayaa nagu soo butaacay oo lagu sooray maan cusub oo aan “dooc iyo dareen” horeba u lahayn xumaantaas ku soo faruurantay ee dusha malabka looga marmarinayey.

Gurey, Shiine iyo in kale oo badaniba kama ay hadhin gadoodkii oo keliya ee waxa ay maalintaas laga bilaabo hagoogteen maryo godobaysan. Cadaawad laga maarmi lahaa, ayaa la beeray oo u buseelkeedu badiba ardaydii uu beerqaad ku laab kiciyey. Dacar iyo dhulkaal ayaannu wada leefnay. Nacayb iyo naxli xawli ku socda oo aan sabab maan-gal ah ku fadhiyin, ayaa cid walba; si gaar ah iyo si guudba; u saaqay, una gabagabeeyey oo dab iyo dhamac kulul ku oogey. Dad badan baa ruxan maanka ahi berigaas haleelay oo ku noqday arami iyo boog marba ku soo kacdooma illaa maantadaa aynu joogno ladh ku soo kiciya. Shaki iyo cuqdad in lagu xukunnaado si “madaxaa ha ku furto ah” ayaa wejiga la saaray, laabtana loo sii daayey wixii maalmahaas ka dambeeyey.

Haddii wax naga wada dhexeeyey oo naga maqnaa aannu raadkiisa ku wada joogney, maalintaa wixii ka dambeeyey waxaas aannu wada lahayn waxa ka soo soke maray oo hadfiyey is-diiddooyinkaas qabyaaladeed ee isa soo maqiiqay ee gaaddada na soo saaray oo qof qof iyo koox kooxba noo haleelay sidii cudur dilaa ah oo ka mid ah kuwa faafa ee la is qaadsiiyo. Waxbarashadii tayadeedu sii liicaysey in la soo kiciyo ayaa Isaaqayaga iyo Daaroodkayagaba dan u ahayd. Noloshii guud ee sii hagaasaysey in la bakhti afuufaa noo wada naruuro ahayd. Runtii ardaydu isku waayo iyo isku nolol bay ahaayeen sida qaybaha kale ee dadkuba u yaalleen. Haddii la odhan lahaa qolyaha Daarood tuumbo caano karuur iyo lisba leh baa haamo gaar ah ugu jirtey oo ay nuugayeen waxbarasho u gaar ah wax bay ahaan lahayd wax lagu sababayn karo. Hargeysaannu wada joognoo mid baannu ahayn. Carruurta madaxda dawladdu xataa noogama dhex muuqan jirin sidii Xamar laga soo sheegi jirey. Madaxda qudheedaaba Daarood iyo Isaaq is bahaysanaya oo shuraako ah ka koobnayd! Intaa maannu garane inta aannu sii kala jeesanney, ayaannu warmaha isku soofaysannay oo dabadeetona dhexdayada laga dhex faashleeyey oo laga fushadey wixii nalooga baahnaa oo ay ugu waynayd in aannan u midoobin ka hortagga iyo iska caabbinta caddaalad darradii iyo xumaantii ka soo faafaysey hay’adaha dawladda iyo mas’uuliyiintooda.

Digo Faadhfaadhkii

Silsilad maanseeddii Deelleyda ayaa cirka ku shareernayd oo sannadahaas cusbayd oo qaran iyo qabyaaladdii dawladdu macasha jiidaysey u kala garqaadaysey. Silsilad maanseeddii soo-jireenka faca weyn ahayd ee Guba ee diradiraha beelaha qabaa’ilka ku saabsanayd ee ruug-caddaagii Qamaan Bulxan, Salaan Carrabey iyo Cali Dhuux ay hormuudka u ahaayeen, ayaa boodhka laga afuufay, dibna loo soo nooleeyey oo weriyayaashii ugu caansanaa ee ugu cod-karsanaa Raadyow Muqdisho laga qayb geliyey oo inta cajelado lagu soo cabbeeyey suuqa lagu soo farraqay. Waxa kale oo aad suuqa soo galay silsiladdii Hurgumo ee Khaliif Sh. Maxamuud iyo Dhirbaaxo Jaan ay maansooyinkeeda hore isku weydaarsadeen, markii dambe se rag badani ka qayb galay. Waxa laga daba keenay gabayadii kale ee Ergo Daarood oo dawladdu iyana ka dambaysey curinta iyo suuq geyntoodaba. Intaas iyo in kale oo badan oo ka daba dhacday oo illaa qudh-gooyo iyo gumaad ku siman, ayaa ka dhabeeyey in la gaadho oo haddana lagu gubto intii la doonayey oo ahayd in dadka daahyo waa weyn oo wada shaki iyo cuqdado qabali ah la dhex dhigo, si loogu dul amar-ku-taagleeyo macaash ahaan.

Natiijo

Jabkii maalintaas ka dhex abqaalmay ardadayadii wada muddaharaadaysey ee dugsigii Sare ee Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa, waa kaas illaa maanta sii socda ee la soo dabbaali la’yahay ee sida cudurka dilaaga aan bogsiinta qumman lahayn ee “Kansar-ka” ugu sii faafaya xididdada iyo halbawlayaasha dhiig-wadeennada ee dadka Soomaalida meel kasta ha joogaane intooda ugu badan. Waa kaas jarjaray ee sida qurub qurubka ah u kitfay xubnihii iyo jidhkii ummadnimo; haddii ay garasho u tahay, is daawaysi u tahay, walaaltinnimo iyo midnimo u tahay, isu hiilin iyo is weheshi u tahay, ummad talo iyo hoggaan leh u tahay, qaran sharci iyo caddaalad fuliya u tahay, ummad cududdeeda midaysa oo ku cad goosata ama isku difaacda u tahay, intan iyo intaas oo kale u tahay iwm! Waa taas la kala diday ee la kala hadfey sidii adhi weere galay ee Soomaalidu u kala firidhay sidii quraarad sar dheer oo toban dabaq ah dusheeda ka soo dhacday oo waddo laami ah bashkalalax ku tidhi oo budowdey. Haba kala durugto’e waa taas qolo kasta halkeeda surbacaadka ku ah ee ku kala higgoonaysa ee qoloqolada hoose u sii kala feedho-gurmaysa.

Haddii shalay (1983) Isaaq iyo Daarood xaajadu joogtey oo taas lagu waayey wixii la wada lahaa iyo astaamihii ummadnimo (Soomaaliya), saw maantaba (2018) ma taallo tu la mid ah oo ka sii hoosaysaa oo reero iyo qabaa’il uun ku salaysan oo ummadnimada (Somaliland) sadhayn karta oo sida taas hore kala daadin karta.

“Geeraarku waa sude hadduu kuu ged-bixi waayo
Adba goor is weyddii intuu gabaygu kaa dhaafo”.
Hadraawi: Gudgude 1990.

Check Also

Maxay tartaa sheeko faneeddu?

In kasta oo dhaqammada adduunku ay wadaagaan curinta sheekada male-awaalka ah, haddana sheeko faneedda buugga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *