Home / Aragti / Qalloocii bilaa qirashada ahaa

Qalloocii bilaa qirashada ahaa

Laga soo bilaabo tan iyo maalintii dawladnimada Soomaalida ugu horraysay waxaa lagu jiraa jaah-wareer iyo dayaw aan la garanayn sababta iyo surinka aynu ka galnay una galnay lumitaankan aan helitaanku wehelin!

Dawlad ayaynu sheegannaa haddana dad ayaynu u tiirinnaa. Noocyadii maamul ee kala danbeeyay iyo ceebahooda ma saarno xukuumadihii metelayay iyo dadkii ama madaxdii masuuliyaddaa lahayd balse reero ayaa la abbaaraa oo fashilka maamulladaasi lahaayeen dhakada laga saaraa, sidii aynu reer dhan madaxnimada u dhiibannay! Malahayga dhaqankan waxaynu ka soo guurinnay dhacii iyo boobkii geel-dhaqatada Soomaalida ka dhaxayn jiray; amaba sidoo kale faha la’aanta dawladnimada innaga haysata ayay noqon kartaa!

Qalloocyo ayaa marar badan dawladnimadii galay, hayeeshee inta aan la isku dayin in qallooca la toosiyo ma isla qirnaa in qallooc jiro, si aynu markaa isu la qaadan karno nooca qallooc ee jira iyo qaabkii loo toosin lahaaba.

Qaar innaga mid ahi iyaga oo fahamsan si wacanna u garanaya qallooca iyo meesha uu ka bilawday iyo cidda bilawday ayay in saxsanaani jirto inoo sheegaan. Sababtuna waa labo mid uun: dhowrashada dano reer ama kuwa shakhsi, iyo ku xumaynta cid garsho lagu tuhmayo iyada oo laga xun yahay in ay wax toosiyaan sidaana magac iyo maamuus ku helaan.

Ta hore ma waarto oo waa ay iska gudhaa sida xunbada: waa danta shakhsiga ah, reerkuna weligiiba isku dan ma ahaan karo. Ta danbese waa xanuun iyo liidasho bulsho oo caaddifad iyo cuqdad ayaa arag u ah.

Waxa aynu aragnaa aqoonyahan iyo siyaasi inoo sheegaya in islaxisaabtan, dhowrista xoolaha umadda iyo sarraynta sharcigu furaha dawladnimada yahay, sidoo kalena ay lagamamaarmaan tahay in aynu dhaqan ka dhiganno islaxisaabtan iyo u sinnaanta sharciga. Hadalladani waa afgobaadsi iyo been, ujeedkooduna wuxuu noqon karaa farsamo lagu boobo xoolaha bulshada iyo bannaysasho jebinta iyo ku tumashada dastuurkii bulshada iyo dawladnimada hagi lahaa. Daliilkeeduna waa waxa lumitaankii bilawga ilaa iyo kan maanta lagu jiro sababta  u ah.

Masuulka isla xisaabtanka loo xilsaaraa labo midkood ayuu noqdaa: nin magaca uun sita balse xumaanta qaayibay oo aan ka diirin dhactooyo kasta oo xoolaha loo xilsaaray lagula kaco, sidaana dhaca ayuu qaybtiisa ku qaataa. Cidina lama xisaabtanto. Yaa xisaabin lahaa sawkan isagii loo xilsaaray xisaabintoodu xadhko lagu dhaco u soohday? Amase qof ka diira kana dida daadsiga iyo lunsashada hantida bulshadiisa ee loo igmaday ayuu noqdaa. Islaxisaabtan iyo dabaggal ayuu sameeyaa balse laguma hambalyeeyo hawsha uu qarankiisa u qabtay iyo ka soo dhalaalidda shaqadiisa midkoodna. Waabase lagu colaadiyaa, abaalmarintiisuna waa eryid iyo dedafayn wixii uu soo sheegay oo dhan lagu sameeyo; sidaana cadaw badan ayuu ku yeeshaa!

Dhiirrashada qof innaga mid ahi sameeyaa waxay sabab u noqotaa baqo gelinta kumannaan han iyo kartiba lahaa. Halkaana kaga baaqda hawlihii ay bulshadooda u qaban lahaayeen!

Hoggaankeennu wuxuu geeddiga ku hoggaamiyaa jibbo iyo dhoohanaan aanu caqligu qaadan karin. Lama rogrogo go’aanka masiirka ummaddu ka unkami karo kuna dhammaan karo. Waxa taliya oo sarraynta leh qabka iyo anaaniyadda hungurigu indhaha wax lagu eego u noqday. In reerku meel cagaar badan ku negi yahay ayaa la isu sheegaa. Waana ta keensatay in sahanka geeddigeennu aanu meel ina naq dhaanta weligiiba soo arag. Haddii uu soo arkana malaha xeerka is-indhatiridda ayaa lagu qaadaa. Sidaana geeddigii naqa u guuri lahaa baa lagaga baaqdaa.

Sii-araggu arligeenna kama jiro. In tagtadii, taaganta, iyo timaaddadeennaba aynu kulminno ayay ahayd balse waxay waayuhu ina farayaan in xilligan mugdiga ah indho la’aanta lagu gudo, gudcurkana damaanadda loo dhiibo. Haddii aan la helin sahan dhaama kii soo taxnaa muddada dheer iyo hoggaan abbaar iyo ujeeddo fog leh, kobtan aan doogga lagu ogayn ayaa lagu sii negaan doonaa jeer uu baraarug yimaaddo mooyee.

Noloshu waa hayaan aan habeen dhax mooyee negaansho lahayn. Jalleeco kasta oo dib loo dhugto iyo hakad kasta oo geeddigaas ku yimaaddaaba keliya waa in uu noqdaa uga tilmaan qaadashada geeddiga xiga.

Nasasho badan iyo sii negaansho aan tiro lahayn ayaynu ku raagnay. Tilmaan qaadashadiina dayaw ayay innaga noqotay; dayawgana waxaynu u tirin karnaa garasho la’aanta innaga haysata halkii aynu ka qalloocannay oo aynaan weli helin. Toosiddeeduna helidda bar-hallawgaas ayay u xanniban tahay una sii jeebbaysnaan doontaa inta laga helaayo!

Check Also

Yeelidda ayaa ka habboon ka sheekeynta

إِنَّ اللّهَ لاَ يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنْفُسِهِمْ “Eebbe ma beddelo duul ilaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *