Home / Aragti / Isu dhiib, ha kuu dhiibeene…

Isu dhiib, ha kuu dhiibeene…

“Waxaad heshey barwaaqadii Maraykanka, nolol wanaagsan, booliska ku ilaaliya iyo maxkamado xuquuqdaada difaacaya, umaadan baahan saaxiib anigoo kale ah.

Maantay waad ii timid adigoo leh Don Corleone cadaalad baan kaaga baahanahay, balse si ixtiraam leh iima aadan weydiisan, saaxiibtinimo iima aadan muujin, xitaa magacaygii iyo maamuuskeygii iiguma aadan yeerin. Kaliya waxaad iigu timid inaad lacag igu siiso si aan kuugu aar-gudo.

Maxaan kuu dhimay oo aad sidaa iigu bah-dilaysaa? Maxaa kuu diiday inaad si saaxiibtinimo ah ii weydiisato codsigaaga, anna aan cadowgaaga kaa dhiciyo oo ay kaa baqaan”.

Isagoo hoos eegaya, is dhul-dhigaya ayuu wuxuu ku yiri “Waayahay ma ila saaxiibaysaa Abaaga Weynaayow? oo inta gacanta midigt ah ka dhunkaday weyneyn iyo ixtiraam awgii, sida sawirka ka muuqata”.
“Hagaag! Maalin baan kuu baahan doonaa, maalintaas waa inaan ku helaa, inta ka horreysa, codsigaagii waan aqbalay, howshaadana waan kuu dhammaynayaa”.

Waa wada shekeysi dhexmaray Don Corleone oo ah hoggaamiyaha maafiyada Talyaaaniga Maraykanka iyo ganacsade Bonasera ah oo horay ay saaxiibbo dhow u ahaayeen Don mar uu ubaahday in looga aargudo koox ku xadgudubtay gabar uu dhalay. Wada hadalkan aya waxaa uu qeyb ka yahay film-ka 2aad ee haysta qiimeynta ugu sarreysa aflaamta caalamka ah ee uu bixiyo bogga IMDB.com.

Marka aad dugsiga sare dhammaysid waxaan dhacda inaad isweydiisid “Kulliyaddee bilaaba marka aan jaamacadda galo, si marka aan soo boxo oo aan soo dhammaysto jaamacadda shaqo aanan u waayin, nolol wanaagsan aan samaysto, ehelkeyga iyo dalkeygana aan wax u taro”. Waxaad billaabaysaa jaamacaddii adigoo galaya jawi waxbadan ka duwan kii dugsiga sare.

Safar dheer oo leh caqabado fahan, kuwo dhaqaale, kuwo qurbe-joognimo, iyo safaro dhaadheer kadib wa adiga dhammeeyey jaamacaddii, xaflad weyn, rayn-rayn iyo shahaadadii jaamacadda adoo soo hantiyey.

Marka aad suuqa shaqada soo gashid, fursaduhu waa ciriiri, waxaa jira intaasoo caqabadood oo ugu horreyso in aysan jirin shaqo abuur xooggan, cid maalgelin ku samaysa fikradaha ganacsiga ah, saas oo ay tahay waxaa soo kordhaya aqoonyahan aad u fara-badan oo kasoo baxaya goobaha waxbarashada iyagoo sidaas oo kale ku hubaysan cilmi dalka iyo dadkuba ubaahanyahay.

Waxaa jirta dabaqad dalku u xiranyahay, kuwaas oo ku jira dhaqanka, ganacsiga, siyaasadda, arrimaha bulshad, jameecooyinka fikirka ama diiniga ah oo haysta dhammaan furayaasha albaabada kuu sahli kara inaad heshid fursado shaqo, dallacsiin, maalgelin iyo dhiirrigelin.

Haddii aad sida markii horeba Mr. Bonasera uu isugu qanciyey in dowladda Maraykanku difaaci doonto, xaqiisana usoo dhicin doonto, ogow xaqiiqadu sidaa maaha. Awoodda dabaqadda dalka haysata waa sida Mr. Don Corleone, cidda ay rabaan albaabadoo dhan bay u furaan, cidda aysan rabinna dhulkay ku jiidaan, awooddooda waxay gaarsiisantahay heer ay qof aqoon iyo fikir xambaarsan ay gaarsiin karaan inuu noqdo mid aanan waxba u suuroobin, halka qof aanan dadka waxbadan dheereyn ay ka dhigi karaan xiddig hoggaamiya siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha bulshada.

Si aad barwaaqadaa u gaartid waxaa kaa xiga inaad isu dhiibtid oo sida Mr. Bonasera tahay mudeec dhunkada gacantooda, ah waxa loogu yeero “YES MAN”, shakhsi dhaga fudud, firfircoon aanan aqoon maya, ama sidaan ilama qumana, iska daa inaad la timaadid fikir ka hor imaan kara ama duri kara hab shaqadooda.

Su’aasha aqoonyahanka maankiisa ka guuxaysa ee uusan aqoon jawaabteeda ayaa ah “Maxaan intaasoo sano wax usoo baranayey hadayba shahaadaydu waxba goyn? Maxaa intaas oo kharash ah waalidkey iyo ehelkeyguba iigu bixinayeen? Inta aan baranayey cilmiga noocyadiisa kala duwan, maxaan u baran waayey sida aan u la saaxiibi lahaa Mr. Don Corleone?”.

Waxaa laga yaabaa inaad ku dooddid in dabaqadaasi yihiin dad indheer-garad ah, dad xigmad iyo waayo-aragnimo xambaarsan. Maxuma! Hadday sidaa yihiin, maxay u tixgelin waayeen aqoonta? Maxay jaamiciga uga hormariyeen jeeska, jilibka, iyo jamaacada?

Gunaanad

Aqoontu waa awood, waa sarreyn, waa furaha nolosha, ALLE sarreeyee wuxuu quraankiisa ku yiri Markii uu ka hadlayey Reer Bani Israa’iil inuu Nabigoodii ku yiri waxaa uu ALLE boqor idiinkaga dhigay Daaluud, oo ay dheheen sidee buu boqor noogu nodaa Daaluud, annagoo ka mudan boqortooyada, isagoo cayr ah oo hanti aanan haysan. Waxaa Nabigu ku yiri “ALLE ayaa idinku dul doortay waxaana uu dheeraad u siiyey aqoon iyo awood jireed”. ~Baqra -247

Dabaqadda bulshada taladeeda gacanta ku haya ha ogaadeen in cadaaladdu asaas u tahay hoggaaminta ummada, waxaadna ogaataan in aysan sii jiri doonin awooddiinu inta aad ka fogtihiin xaq-soorka, burburkuna uu sii jirayo inta sidaa wax kusii socdaan.

Afeef!

Qoraalkaan kuma socdo qolo gaar ah, balse waa farriin ku aaddan cidkasta oo aanan cadaalad u qaybin waxa ummada ALLE ugu dhiibay.

– Haddii aadan akhrin qisadii hore, Mike iyo halka ay dhallinyarada aqoonyahanka ah isaga egyihiin, waan xoojinayaa inaad akhridid-.
http://abdallahbotan.blogspot.com/…/film-ka-mine-dhalinyara…

 

Check Also

Yeelidda ayaa ka habboon ka sheekeynta

إِنَّ اللّهَ لاَ يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنْفُسِهِمْ “Eebbe ma beddelo duul ilaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *