Home / Aragti

Aragti

Gidaarkii Baarliin

Dhacdooyinka taariikhdu ma aha wax iskood u dhaca ama si lama filaan ah ku yimaadda, laakiin dadka ayaa abuura oo sabab u ah xumaheeda iyo samaheedaba. Haddana labadadeeda dhinacba waxa laga bartaa duruus iyo casharro wax tar leh marka sida ku habboon loo darso loogana faa’iidaysto. Waxyaalaha bogagga taariikhda lagu …

Sii akhri

Isu dhiib, ha kuu dhiibeene…

“Waxaad heshey barwaaqadii Maraykanka, nolol wanaagsan, booliska ku ilaaliya iyo maxkamado xuquuqdaada difaacaya, umaadan baahan saaxiib anigoo kale ah. Maantay waad ii timid adigoo leh Don Corleone cadaalad baan kaaga baahanahay, balse si ixtiraam leh iima aadan weydiisan, saaxiibtinimo iima aadan muujin, xitaa magacaygii iyo maamuuskeygii iiguma aadan yeerin. Kaliya …

Sii akhri

Qalloocii bilaa qirashada ahaa

Laga soo bilaabo tan iyo maalintii dawladnimada Soomaalida ugu horraysay waxaa lagu jiraa jaah-wareer iyo dayaw aan la garanayn sababta iyo surinka aynu ka galnay una galnay lumitaankan aan helitaanku wehelin! Dawlad ayaynu sheegannaa haddana dad ayaynu u tiirinnaa. Noocyadii maamul ee kala danbeeyay iyo ceebahooda ma saarno xukuumadihii metelayay …

Sii akhri

Yeelidda ayaa ka habboon ka sheekeynta

إِنَّ اللّهَ لاَ يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنْفُسِهِمْ “Eebbe ma beddelo duul ilaa ay iyagu isbeddelaan” Aayaddan marka aad u fiirsato micnaha ku aasan ee aan kor ka xaadiska ahayn, waxa aad fahmaysaa in isbeddel walba u baahan yahay sabab uu u noqdo isbeddel, ee uusan isbeddelku ka …

Sii akhri

Dalku deyn hor leh uma baahna

Bartamihii 1980’kii, Dawladdii Dhexe ee Soomaaliya lacago deyn ah ayay ka soo amaahatay dalal shisheeye iyo hay’ado kala duwan, sida Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka (World Bank).  Inta badan lacagtaas waxay dawladdii kacaanku ku bixisay qalab ciidan (military hardware) iyo mashariic kale. Qadarka lacagta deynta ah ma badnayn …

Sii akhri

Sharci dejinta Soomaaliya iyo danaha shisheeye

Marka la dejinayo sharci ama la jaangoynayo siyaasad waxaa muhiim ah in lagu saleeyo nolosha bulshada lagu dabbaqayo sharciga, gaar ahaan, marka sharcigu yahay mid dhaqanka bulshada la xidhiidha. Maadaama waddanku uusan haysanin lacag uu ku bixiyo qoritaanka sharciyada iyo aqoon uu ku qorto sharciyada iyo siyaasadaha ka maqan, inta …

Sii akhri

“Soomaali baan ahay sarrif kuma galaayo”

Ilaa bilowgeedii, dawladnimada Soomaaliyeed waxay ku dhisnayd isir. Waxa aynu ku doodaynnay in aynu dadka kale gaar ka nahay oo ay inna mideeyaan isir, af, iyo diin. Waxa aynu halgan u galnay sidii intii Soomaali ku abtirsataa ay isu raaci lahayd, hal dawladna u yeelan lahayd. Kumannaan ayaa halgankaa innagaga …

Sii akhri

JAWAAB: Caqabadaha hor taagan dawladowga Soomaaliya

Dhibaatooyinka hortaagan dawladnimada Soomaaliya waxa ugu weyn: (1) Xamar oo aanay dawladdu ka shaqeyn karin (2) Al-Shabaab oo Kharbudaad u yeelan (3) Soomaalilaan oo goosasho rabto oo dalkii qayb dhan aanay dawladda dhexe ka shaqayn. Maamul goboleedyada iyo madaxweyneyaasha badani mushkilad dhab ah ma aha. Sidaa waxa yidhi abwaan Maxamed Aadan Ciiraale isaga …

Sii akhri

Caqabadaha hor taagan dawladowga Soomaaliya

Dadka badankoodu waxa ay baylah u yihiin dacaayado meelo gaar ah laga soo afuufay in lagu majare habaabiyo. Waxaaba dhici karta qofku in uu duudka ku sito dacaayad isaga iyo degaankiisa ku lid ah, ha ahaatee loogu sawiray inay tahay waddaniyad iyo habkii loo dawladoobi lahaa. Waxaa kale oo dhici …

Sii akhri