Home / Aragti / Caqabadaha hor taagan dawladowga Soomaaliya

Caqabadaha hor taagan dawladowga Soomaaliya

Dadka badankoodu waxa ay baylah u yihiin dacaayado meelo gaar ah laga soo afuufay in lagu majare habaabiyo. Waxaaba dhici karta qofku in uu duudka ku sito dacaayad isaga iyo degaankiisa ku lid ah, ha ahaatee loogu sawiray inay tahay waddaniyad iyo habkii loo dawladoobi lahaa. Waxaa kale oo dhici karta in kuwa iyagu dawladoodbidda caqabadda ku ahi ay dacaayad ahaan uga dhaadhiciyaan mid dagan, in ay iyagu yihiin kuwa wax hagaajinaya isaga iyo degaankiisuna yihiin kuwa suundambeedka kaga taagan dawladowga waddanka. Gabyaa la oran jirey Khaliif Sh. Maxamuud oo ka hadlaya dacaayadda iyo sida la isugu dago oo xataa loogu kallifo mid liitaa ahi in uu been isaga u daran buunbuuninteeda iyo faafinteeda qayb ka noqdo, ayaa meerisyo ku yiri:

Been gudubtey guurayn maxay dunida gaafmeertay
Run ka daba gucleysaa maxay gaari kari weydey
Nimey gawracaysaa muxuu garab ku taageeray.

Sida aynnu wada og nahay caqabado badan ayaa hor taagan dawladowga Soomaaliya. Caqabadahaasina waa kala adag yihiin, xallintooduna mudnaan iyo ka la horraysiin ayey ka la leedahay. Marka aad u fiirsatid, waxaad ogaaneysaa in caqabadihii waaweynaa inta la qariyey, kuwo aan xataa caqabad lagu sheegi karin oo iyaga oo jira la dawladoobi karo aad loo buunbuuniyey .

Aragti ahaan waxa aan qabaa in caqabadaha ugu waaweyn oo waddanka hor taagni ay sidan u kala horreeyaan:

1) Muqdisho oo aan dawladnimadu ku hanaqaadi Karin, sida looga fekero ama wax loo rabo awgeed. Markii ay AMISOM timi Muqdisho oo ahayd 2007, haddii ay ka bixi lahaayeen dawladdii jirtey habeen uma hoyateen Muqdisho. Hadda oo ay taariikhdu tahay 2018, haddii AMISOM baxaan, hal habeen dawladdu ma sii jireyso oo waa lagu kala yaacayaa. Waxaa ka soo wareegey 10 sano iyo dheeraad welina sidii baa dawladda waxaa Xamar ugu haya ciidammada AMISOM. Kolkaa magaalo si dawladdu u joogto u baahan ciidammo ajnebi ah oo haddii ay baxaan dawladdu sidii 91kii ka la yaaceyso waa aynnu garan karnaa rajada laga qabi karo in dawladnimo ka hanaqaaddo in ay aad u yar tahay.

2) Soomaalilaan mabda’eeda goosashadu waa mid caqabad ku ah dawladowga Soomaaliya, maxaa yeelay qayb waddankii ka mid ah ayaa u afduuban oo waxa ay sheeganayaa in ay waddan kale yihiin.

3) Al-Shabaab oo ah caqabadda saddexaad oo iyagu wax aan hirgeli Karin mabda’ ka dhigtay, sidaas darteedna maadaama ay doonayaan madhacdo, natiijida dedaalkoodu noqday kharbudaad iyo halligaad.

Haddaba, iyaga oo caqabadaha ugu waaweyn oo Soomaaliya hor taagani ay kuwaa yihiin, ayaa hadalhaynta ugu badan oo la wadwadaa ay tahay waxyaabo xataa aan caqabad ahayn, si halka mushkiladdu ka jirto dadka indhahooda looga jeediyo. Tusaale ahaan, waxa aynnu maalin walba maqalnaa dad mashaakil waaweyn ka dhigaya: calammada dawladaha xubnaha ka ah federaalaka; magacxileedka ay leeyihiin madaxda dawladaha federaalku; Habmaamuuska madaxda dawladda federaalka looga soo dhoweeyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka iyo kuwo kale oo badan.

Kolkaa, bal aan is la eegnee; haddii madaxda dawladaha magacxileedkooda laga daayo ‘madaxweyne’ oo ‘guddoomiye’ loo beddelo, haddii dawladaha xubnaha ahi calammadooda aysan garab surin kan waddanka, haddii madaxda federaalku marka ay booqasho ku yimaadaan gobollada aan roog cas loo dhigin, arrintii Soomaaliya waa ay xallisantay miyaa oo dawladnimadaba intaas ayaa ina ka xigtey?! Ila ma aha oo saddexdii caqabadood oo waaweynaa halkoodii bey taagan yihiin, intoodii beyna le’eg yihiin.

Sow halkaas kama cadda in dadka caqabadda ku ah dawladnimadu ay ku guuleysteen in ay dad badan oo dagan jihada ka lumiyaan oo waxyaabo aan haba yaraatee mushkilad ku ahayn dawladnimadeenna, sida calan, magacxileed iyo federaal ay ka dhigaan kuwa maalin iyo habeenba afka lagu hayo sidii ay yihiin caqabadaha ugu waaweyn?

Maxaa kuu baxay?

Check Also

Ganacsato dhiigmiirato ah iyo siyaasiyiin bilaa damiir ah

Sannadkii 2012 ayaan xajiyey. Waxaan mar la joogay xujaajta Kiiniya oo degganaa meel aad u wanaagsan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *