Home / Maxamed Aadan Ciiraale

Maxamed Aadan Ciiraale

Indha deeraleeyeey, Dhexda geenyo ugubleey

Bare Sare Axmed Nuur Yuusuf oo ahaa laashin iyo macallin suugaaneed ayaa waxa uu dhaliili jirey laashimmada allifa heesaha jacaylka gaar ahaan kuwa ay ku jiraan ammaanta dumarku. Waxa uu sheegi jirey in mu’allifka Soomaaliyeed marka uu rabo in uu gabar ammaano quruxdeeda uu ku matalo wax kale sida geenyo, …

Sii akhri

Caqabadaha hor taagan dawladowga Soomaaliya

Dadka badankoodu waxa ay baylah u yihiin dacaayado meelo gaar ah laga soo afuufay in lagu majare habaabiyo. Waxaaba dhici karta qofku in uu duudka ku sito dacaayad isaga iyo degaankiisa ku lid ah, ha ahaatee loogu sawiray inay tahay waddaniyad iyo habkii loo dawladoobi lahaa. Waxaa kale oo dhici …

Sii akhri

Afkeenna: wadaraynta

Iyada oo ay jiraan gefaf badan oo laga galo dhismaha ereyada, haddana waxa aan isku deyayaa in aan gef gaar ah halkaan kaga hadlo oo weliba xeer lagaga gudbo aan ku soo bandhigo. Marka tiro laga hormariyo erey, waxa aan arkay iyada oo in badan la khaldayo oo aan la …

Sii akhri

Afkeenna: Halgelin

Halgelin: Ereygaan muddo aad u fog baa iigu dambaysey araggiis iyo maqalkiisba. Xalay ayaan Youtube ku arkay qof qoray hees uu qaaday Maxamed Mooge xilli uu jabhad ahaa. Meerisyadaan oo uu Maxamed ugu xogwarramayo raggii ay asxaabta ahaayeen oo weli Hargeysa ku dambeeya, ayaa sidaan loo qoray: Hadal iga dardaarana …

Sii akhri

Doollo iyo Hoygasuugaanta

Mar ay taariikhdu ahayd bartamihii 2000, ayaa waxaa jirey dagaal gabayo ka la sheegasho iyo ka beensheegid taariikheed oo ka dhexeeyey labada degel ee Doollo.com iyo Hoygasuugaanta.com. Waxa uu midiba kan kale ku eedaynayey in uu sheegtay gabayo nin reerkooda ahi lahaa. Maadaama aan maansada jeclahay, labada degelba waxa ay ii ahaayeen kuwo aan …

Sii akhri