Home / Falanqayn / Baraha bulshada: Dhib iyo Dheef

Baraha bulshada: Dhib iyo Dheef

Kacdoonka tignoolajiyadeed ee dunida ka tisqaaday, wuxu suurageliyey in adduunku noqdo tuulo yar oo iska wada warhaysa. Mar kale warbaahinta xidhiidhka bulshadu waxay dunidii ku soo koobtay qol keliyo in ay noqoto. Waxa fududaaday xog heliddii, xidhiidhkii dadka iyo isugu gudubkii wacaasha. Warbaahinta bulshadu waxay gebi ahaan isbeddel ku samaysay qaab-fikirkii iyo hab-dhaqankii bulshooyinka, adeegsigeeduna wuxu ku socdaa xawaare xad-dhaaf ah. Maanta dad ka badan saddex bilyan (40%) ayaa adeegsada baraha bulshada( Facebook,Twitter,wechat iwm) celcelis ahaan dadkaasi waxay ku qaataan laba saacadood maalin kasta. Faysbuugga oo ah kan ugu ballaadhan baraha bulshada waxa si joogto ah u adeegsada 1.5 bilyan, oo daqiiqaddiiba isu dira 31 bilyan oo farriimood, ama wadaaga 2.77 malyuun oo muuqaal. Markii laga arkay xawaaraha maangadka ah ee ay ku socoto warbaahinta bulshadu,xarumaha cilmi baadhistu waxay ku mashquulsan yihiin daraasaynta shaacsanahan, iyadoo la soo bandhigayo  dhib iyo dheef, toganaan iyo tabanaan waxa ay nolosha  ku soo kordhinayso warbaahinta bulshadu.

Maxaa laga dheefay ?

Baraha bulshadu waxyaabo badan oo  wanaag iyo waxtar ah bay leedahay, dhinacyo badan oo nolosheenna ahna waa looga dheefsan karaa, marka si miyirqab ah loo adeegsado, waxyaabaha ay nolosha ku koxdhisay waxa ugu muhiimsan:-

  • Xidhiidh bulsheed

 Malyuumaad dad  ah oo dunida daafaheeda kala jooga waxa u fududaaday inay qoysaskooda, saaxiibadood iyo dad hawlo kaga xidhanyihiin ba si fudud ula xidhiidhaan, farriimo iyo xog waqti badan ka qaadan lahaydna si dhib yar u helaan. Waxa is helay dad isu boholyoobay, waxaana xidhiidh adag yeeshay dad aan weligood isa soo gaadheen. Soomaalida daafaha adduunyada ku kala filiqday waxa ay u noqotay naruuro oo gudo iyo debed ba halkaas baa lagu kulmay.

  • Fursado ganacsi

Baraha bulshada waxa looga faa’iidaystay farsamooyinka ganacsiga oo dhan, suuqgeyn,xayeysiin iyo iibin ba. Daaqad kasta oo aad furto waxa kaaga soo baxayo badeecad ama adeeg la xayeysiinayo, sidoo kale waxa laga dhex ugaadhsadaa fursado ganacsi oo meelmar ah, marar badanna waxaaba ka dhex furan meherado “online” waxa ku iibinaya. Maanta waa dhif ganacsi aan si uun u adeegsan warbaahinta bulshada, mar walbana xidhiidhka ka dhexeeyaa wuu sii kordhayaa.

  • Il wareed

Halkii wararka loo raadsan jiray warbaahinta kala duwan (raadiye, telefishan iyo wargays)waxa maanta kaaga filan in aad furto xisaabtaada Faysbuuga ama tuwitarka, halkaas ayaad ugu tegaysaa wararka dunida oo dhan, warbaahintii dunida ka jirtayna laga wada helayaa, waxa xisaabo ku leh madaxda dunida,dadka caanka ah, sharikaadka iyo hay’adaha adduunka dhammaantood,  war iyo wacaal wixii la hayana halkaas ayaa lagu wadaagaa. 

  • Ujeeddooyin aqooneed

Warbaahinta  bulshada waxa looga dheefsan karaa aqoon korodhsi iyo kor u qaadida garashada, waxa ka furan kumannaan bog oo aqoonta lagu wadaago,lagu gorfeeyo, laamaha aqoonta idilkood si yar oo fudud ayaad uga helaysaa, waxa kale oo si dhibyar looga helayaa xog ku saabsan aqoonta, buugaagta ayaa sidoo kale daryaal ah. Doodaha iyo afkaaraha aqooneed ee dunida ka taagan oo dhanna si dhow ayaa loola socon karaa. Haddii aad ka dhigato  waa madal aqooneed.

  • Xorriyad Fikir

Dad badan warbaahinta bulshadu waxay u noqotay meel ay xorriyad cabbir ka helaan, waa naruuro iyo madal ay ku nefisaan dadyowga fikir ahaan iyo siyaasad ahaan ba loo cabudhiyey ee aan aragtiyahooda si xor ah u wadaagi karin. Waxa isugu yimi afkaaro kala duwan, dhaqanno iyo diimo kala jaad ah, waxaana laga bartaa  casharro ku saabsan kala duwanaanshaha fikir.

  • Arrimo Bani-Aadminimo

Warbaahinta bulshadu waxay  waxtar  aan la qiyaasi karin ka gaysatay gargaarka aadminimo iyo isu gurmashada xaaladaha adag. Waxaa si dhibyar looga ururin karaa qaadhaan cid lagu samatabixinayo, waxa kale oo wacaasha lagu gaadhsiin karaa dunida oo dhan si xaalad qallafsan oo gargaar u baahan dunida loogu soo bandhigo. Waxa tusaale inoogu filan sida warbaahinta bulshadu uga qayb qaadatay abaarihii baahsanaa ee geyiga Soomaalida ka dhacay.

 

Dhibaato ma inoo leedahay ?

Sida aynu u taxnay dheef badan oo baraha  bulshadu leedahay, ayey u jiraan dhibaatooyin qofka iyo bulshadaba ka soo gaadhi kara, saamaynteeda taban oo daraasado badan laga sameeyey  waxa aynu ka soo qaadanaynaa  dhowr qodob oo muunad ah.

  • Waxyeello Caafimaad

Sida baadhitaanno badani tibaaxeen baraha bulshadu  waxay leedahay waxyeello caafimaad oo isugu jirta mid jidheed iyo qaar nafsadeedba. Isha oo lagu hayo shaashada Koombuutarka ama Telefoonku waxay dhibaato soo gaadhsiisaa aragga. Dhanka kale ku walfidda adeegsiga warbaahinta bulshadu wuxu keenaa diiqad iyo werwer qofku dareemo marka uu waayo, hurdo la’aanta ayuu qayb ka yahay oo waxa suuragal ah in qof isku illaawo.

  • Ka go’doomidda dadka

Adeegsiga badan ee baraha bulshadu wuxu afweynta u riday xidhiidhkii tooska ahaa ee dadka dhex marayey, waxa la arkaa tobannaan ruux oo madal wada fadhiya, mid walibana ku foogan yahay shaashada teleefankiisa isagoo iska illaabay dadkii uu la socday. Waxa meesha ka baxay in qoysku fursad isu helaan, qof waliba qolkiisa ayuu hoosta ka soo xidhay si uu  fursad ugu helo adeegsiga baraha bulshada.

  • Hoos u dhac waxbarasho

Qayladhaan baa ka soo yeedhaysaa dugsiyada iyo xarumaha waxbarashada, ardayga waxa dareenkiisu ku maqanyahay waxyaabaha la isku waydaarsanayo  baraha bulshada, nafsad badanna uma hayo dhagaysiga baraha iyo waxa uu dhurayo, marba wuxu u baxsanayaa telefoonkiisa, ama sameecado ayaaba dhegaha ugu jira oo uu dhagaysanayaa, waxa iyana maasha ka baxaya daalacashadii casharrada iyo akhriskii. Nidaamkeenna waxbarasho oo markiii horeba la tiicayey tayo xumaan waxa isa sii kaba-raacinaya adeegsiga faraha ka baxay ee baraha bulshada.

  • Warar been abuur ah

Dad badan ayaa ujeeddooyin gurracan u adeegsaday baraha bulshada, waxa la soo geliyaa warar been abuur ah, warbixino bug ah oo loogu talaglay  isku dir, qabyaalad iyo akhlaaq xumo. Marar badan waxa buuq iyo sawaxan  dhaliyo, xoog been ah oo lagu faafiyey baraha bulshada, Innagoo marka horeba ah bulsho caadifaddu ku badan tahay oo aan wax hubsan.

  • Hoos u dhac shaqo

Haddii aad  dhex marto suuqyadeenna, aad hawl u tagto xafiisyada dawladeed iyo kuwa gaarka ah ba, waxa kuu muuqanaya sida xad-dhaafka ah ee dadku ugu fooganyihiin baraha bulshada, shaqada ay hayaanna aanay danta uga lahayn. Waxa suuragal ah in qof meherad ganacsi ka shaqeeyaa dhibsanayo dadka wax ka iibsanaya, oo uu hoostaa ka hiifayo, isagoo ka xun mirqaankii uu baraha bulshada ku hayey ee ay ka kala dhantaaleen.

Baraha bulshadu dhib iyo dheef ba way leeyihiin, haddii aan la isu miisaamin oo yadoo wixii wanaaga loo adeegsanayo, saamayntooda taban aan la xakamaynna, dhib badan ayaa qofka iyo bulshadaba soo gaadhaysa. Aynu xadidno waqtida iyo ujeedda aynu baraha bulshada u adeegsanayno, ka dheeraanno adeegsiga taban, isna waafajinno hawlaheenna kale iyo adeegsiga baraha bulshada.

Check Also

Khatarta uu leeyahay heshiiska Itoobiya lala galay

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed markii uu ku noqday dalkiisa booqashada Muqdisho ka dib wuxuu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *