Home / Bulsho / Sharciga Jinsiga: milicsi kooban

Sharciga Jinsiga: milicsi kooban

Kolka aad akhriso hindise sharciyeedka ay Wasaaradda Haweenku soo diyaarisay waxa aad isweydiin doontaa cidda loogu talogalay ee uu khuseeyo waxa ay yihiin diin ahaan iyo dhaqan ahaanba. In dalka loo qoray uu yahay dal reer galbeed ah oo ay dadkiisu ku nool yihiin xorriyad jinsiyeed aan xuduud lahayn, mashaakil ay xorriyaddaasi dhashay oo la maarayn la’ yahayna la daalaa-dhacaya, iyo in loo qoray Soomaaliya ayaad kala garan waayaysaa. Haddii aad eegto luqadda lagu qoray iyo sida ay meelo badan oo ka mid ahi u adag yihiinna waxa aad si weyn u malaynaysaa in uu yahay wax la soo minguuriyay oo meelaha qaarna lagu kabay erayga “shareecada islaamka” si loo dabciyo falcelin ka dhalan karta oo ka timaadda bulshada yaqiinsan Allihii uumay, una hoggaansan xukunkiisa. Nasiibdarrose, kabay aan ishaysan oo laftii jabtay uga sii dartay ayuu kabaygaasi noqday.

Qodobka ugu door roon ee uu hindisahani xambaarsan yahay, una eg in uu sees u yahay waa qodob seeska galmada ka dhigaya mid aan lahayn xuduud aan ka ahayn isu oggolaansho labada qof dhex mara. Taas macnaheedu labo waxyaaboodba wuu xambaarsan yahay, sida ay ila tahay:

1- In galmo kasta oo isu oggolaansho ku dhacdaa ay tahay mid xalaal ah – guur iyo guur la’aanba.

2- In haddii lammaane isqaba uu midkood u galmoodo kii kale oo aan raalli ka ahayn- qaab kastaba ha ku suurowdo galmadaasiye- ay tahay fal dambiyeed leh ciqaab.

1.      Macnaha Oggolaanshaha

Marka la dhaqan gelinayo qodobbada sharcigaan, qofka wuxuu aqbali karaa galmada hadduu u oggolaado si ikhtiyaar ah, ama uu leeyahay xorriyad iyo karaan uu wax ku oggolaado.

Sida uu qodbkani u hadlayo marnaba ma aha mid dahsoon oo loo luqun jibbaari karo in laga waday galmo lagu raalli noqdo guurka ka dib. Waxay si toos ah uga hor imaanaysaa hannaanka ay shareecada Islaamku u maaraysay haqabtirka baahida jinsiga.

Eebbe, sarree oo korree, asaga ayaa baahidaas ku uumay aadanaha una jideeyay guurka si:

  1. uu qof walba u haqabtiro baahidiisa jinsiyeed asaga oo aan ka baqayn ceeb iyo eed toona, xuquuq joogtaynta iyo ilaalinta ruuxa kale damaanad qaadaysana ku laray,
  2. loo ilaaliyo taranka aadanaha tan iyo inta qiyaamaha laga gaarayo,
  3. loo ilaaliyo abtirsiimaha oo ay arrimo badani ku xiran yihiin, sida: guurka, dhaxalka, iyo isqaraabaysiga,
  4. iyo wixii la mid ah.

Alle wuxuu aadanaha ka reebay in ay noqdaan kuwo u nool is-abaahin aan macne iyo xuquuq lahayn, raaxadeeduna aysan dhaafsiisnayn inta dareenka labada shakhsi uu kacsan yahay. Baahida jinsigu ma aha mid hal mar go’da balse wuxuu aadanuhu u baahdaa in ka badan inta uu cuntada u baahdo oo haddii uu awoodo in uu xilli walba sameeyo ma uu sugeen kal kale.

Gogoldhaafka Alle wuxuu ka dhigay xaaraan ay tahay in aan seeskeedaba loo dhowaan, wuxuu ku tilmaamay foolxumo, caro Eebbe, iyo jid aad u xun. Alle wuxuu yiri:

وَلَا تَقْرَبُوا الزِّنَا ۖ إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاءَ سَبِيلًا

“Ha u dhowaannina gogoldhaafka, waayo? Waa qurun iyo jid aad u xun”

[al-Israa’:32]

Qofka xalaashada wax Alle xarrimay ama xaaraan ka dhiga wax uu Alle xalaal ka dhigay wuxuu ku dhacay fal diinta Alle looga baxayo. Kolka uu nasku (daliilku oo ah  aayad ama xadiis) sidaa u cad yahay, wax liddi ku ah lagama dhigi karo sharci, qof kasta oo Muslim ahna waxaa waajib ku ah in uusan ka tallaabin seeskaa uu rabbi u dhigay.

وَمَنْ يَتَعَدَّ حُدُودَ اللَّهِ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ

“Kuwa ku xadgudba seeraha uu Alle u dhigay, waa daalimiin”

[al-Baqarah: 229]

Alle markii uu ka hadlayay wadaaddadii reer banii Israa’iil ee sharciga Alle ku tuntay ee wixii Alle xalaaleeyay xaaraan ka dhigay, wax uu xaaraan ka dhigayna xalaaleeyay waxa uu yiri:

اتَّخَذُوا أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَابًا مِنْ دُونِ اللَّهِ

“Culmidadoodii ayay ka dhigteen Ilaahyo Alle ka sokeeya.”

[al-Tawbah: 31]

Qof kasta oo dadka u jideeya sharci khilaafsan kan Eebbe wuxuu faraha la galay wixii uu Alle gaarka la ahaa oo milkigiisa ahaa.

وَلَا تَقُولُوا لِمَا تَصِفُ أَلْسِنَتُكُمُ الْكَذِبَ هَٰذَا حَلَالٌ وَهَٰذَا حَرَامٌ لِتَفْتَرُوا عَلَى اللَّهِ الْكَذِبَ ۚ إِنَّ الَّذِينَ يَفْتَرُونَ عَلَى اللَّهِ الْكَذِبَ لَا يُفْلِحُونَ

“Idinka oo been sheegaya oo sida ay idin la tahay uun ku hadaaqaya ha dhihinnina: kani waa xalaal, kanina waa xaaraam, waayo? Alle ayaad ku been abuuranaysaan, kuwa Alle ku been abuuranayana liibaani mayaan.”

[al-Naxli:110]

 

إِنِ الْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ ۚ أَمَرَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ ۚ ذَٰلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ

“Xukunka Alle oo qura ayaa iska leh, in aad keligii caabuddaan ayuuna idin amray, diinta saxda ah ee qummani waa taas balse badi dadku ma ay oga”

[Yuusuf: 40]

Imminka gaalaysiin igama aha, balse haddii uusan jahligu u sabab ahayn ama se kii qoray iyo kii dib u eegis ku sameeyay aysan ka ilduufin, maxay kula tahay in sharciyayntiisu ay keeni karto? Haddii jahli ama ilduuf ku dhacayse, maxaa dawo u ah oo lagu joojiyaa? Dabcan Dawladda Federaalka iyo bulshada Soomaaliyeed ayuu xalku u yaallaa.

Qodobbada kale ee la iska qoray oo aan lahayn aasaas ay ku qotomaanna waxaa ka mid ah joongooyada da’da galmada – guur iyo guur la’aanba sidii ay seeska uga dhigteen. Eebbe, sarree oo korree, kolkii uu agoonta ka hadlayay wuxuu yiri:

حَتَّىٰ إِذَا بَلَغُوا النِّكَاحَ فَإِنْ آنَسْتُمْ مِنْهُمْ رُشْدًا فَادْفَعُوا إِلَيْهِمْ أَمْوَالَهُمْ ۖ

“Kolka ay qaangaaraan, haddii aad u aragtaan in ay xilkas yihiin hantidooda farta ka saara.”

[al-Nisaa’: 6]

Culamadu tafsiirku siyaabo kala duwan ayay u macneeyeen waxa looga jeedo ereyga “rushdi”. Qaar waxa ay sheegeen in halkan macnuhu yahay garaad iyo hagaagsanaan diimeed. Qaarna waxa ay yidhaahdeen waxaa laga hadlayaa garaadka uun, oo isaga oo gadhweyn haddii uusan muujin garaad iyo caqli ku filan, hantidiisa waa loo maamulayaa, taas oo ay soo hoos galayso in afaarihiisa kalena lala maamulo oo aan lagu sii dayn. Waxaadse mooddaa inay isku meel ku biyoshubayaan oo waxa laga rabaa uu yahay in qofku leeyahay caqli iyo garasho uu arrimihiisa si madax bannaan u maamulan karo. Sidaas awgeed, xilkasnimadan qofka laga doonayaa waxay ku xidhan tahay bulshada iyo duruufaha ku xeeran. Xilkasnimadii dhalinyarta Soomaaliyeed lagu qiimayn jirey 50 sano ka hor, iyo midda hadda looga baahan yahay way kala duwan yihiin, maadaama ay duruuftii iyo xaaladdii dadku isbeddeshay.

Sida aayaddaan laga fahmi karo guurku ma leh da’a xaddidan balse curfiga bulsho walba ayaa loo eegayaa xilliga qaangaaridda ilmaha oo axkaam badani ay ku xiran tahay balse taa macnaheedu ma aha in guur kasta oo da’adaa ka horreeyaa uu baaddil yahay-waxaa jiri kara qof da’adaa ka hor dareenku ku abuurmo, shahawana yeesha oo uu xukunkiisu asaga ku gaar noqonayo. Haddii uu qofku u baahdo galmo balse uusan maaraynta nolosha ku fillayn, dadka lagu siidayn maayo e, weligiisa ama qof ay dawladdu masuul uga dhigtay ayaa guurintiisa kafaalo qaadaya, xuquuqdiisa maaliyadeedna maaraynaya.

Masalada qaangaarku waxay ka mid tahay masalooyinka loo cuskado curfiga iyo caadada dadka, dawladda ama waxgaradka (Ehlulxilli walcaqdi) ayaana qiimaynteeda leh, balse waa in ay noqotaa mid ku salaysan baaritaan cilmi iyo caddaalad ku dhisan oo ay sameeyeen dad nadiif ah oo aqoontii iyo garashadii loo baahnaa leh.  Haddii ay kolkaa noqoto 15, 18 ama da’ kaleba waxaa loo adeegsanayaa fulinta axkaam badan oo ku xiran in uu qofku qaangaar yahay iyo in kale. Mar kastana waxaa jiri kara xaalado aan xukunka guud soo hoos galayn, kuwaas oo u baahan in qiimayntooda la siiyo, waana mid lagu xallin karo in garsoore (qaadi) lagu celiyo marka ay timaaddo.  

Hadda, iyada oo aan baaris la samayn, sidii la yaqaannay ee bulshadeennu u qaabaysnaynda khilaafsan, ayay Dawladdu hindisahan ku go’aamisay da’ada qaangaarka:

“Carruur” waxaa loola jeedaa qof kasta, lab ama dhidig, oo ay da’diisu ka yar tahay sideed iyo toban sano.”

Lama caddayn sababta looga guuray  da’dii 15’ka ee kutubta innoogu qornayd, curfiga iyo caadada dadkuna ay ku salaysnayd, xuquuqda qaangaarka ku xiranna lagu kala qaadan jiray. Baaris iyo wax la sameeyay ama haatan ay Dawladdani samayn kartaana ma muuqdaan.

Meel kale oo isla hindisahaan ka mid ah ayaa haddana lagu qoray sidan:

“Da’da guurka” waa midda shareecada Islaamka ogoshahay, 18 jirna waa da’da qaan gaarka ah sida dastuurka Dalka uu qabo.”

Haddii carruurnimadu ay tahay wixii ka yar 18-jir, macnaheedu waa in uusan guursan karin da’adaan ka hor, sida hindisahani uu u dhigayna ma uu samayn karo galmo:

“Qofka awood ikhtiyaar fal galmo ma laha, haddii xaaladaha hoos ku qoran uu ku sugan yahay:

(a)   marka uu ka yar yahay da’da oggolaanshaha;”

Shareecadu waxa ay oggoshahay in uu qofku guursado xilligii uu isagu jeclaysto ee uu naftiisa ka dareemo in uu guur u baahan yahay, da’ cayimanna kuma aysan xirin halka uu hindisuhuna da’da 18-jir ka hor in qofku fal galmo ka qaybqaato uu mamnuucayo, haddana uu shareecada guurka jaangoyntiisa uu xaq u siinayo. Qodobkee ayaan qaadannaa: ma kan galmada mamnuucaya mise kan sharciga siinaya guurka, mise galmada iyo guurka ayaa kala duwan?

Kolka uu hindisuhu ka hadlayo caddaynta xukunkana wuxuu dhigayaa in ilmo yar markhaati la gashan karo. Haddaba, Haddii uu ka marag furi karo arrimo la xiriira heshiis galmo ama kufsi oo uu sharrixi karo, maxaa loogu diidayaa in uu guursado ama uu galmo sameeyo – illeen galmada oggolaansho uun bay ku xireene?

Waxyaabaha kale ee uu hindisuhu dhigayo oo muujinaya in uu dheegasho aan loo meel dayin yahay ama ugu yaraan uu yahay qoraal aan la turxaan bixin waxaa ka mid ah:

“4.   Kufsi

(1)      Qofka wuxuu  noqonayaa mid  galay fal danbiyeed  kufsi ah haddii—

(a)   isaga ama ayadu ay si ulakac ah ay qof kale jirkiisa u geliyaan xataa haba

yaraatee, iyadoo uu qofku adeegsanayo xubintiisa taranka; iyo,

(b)   iyadoo qofka kale uu oggoleyn gelinta ama falka galmada/jinsiga.”

Haddii labada qof ee isqaba uu midkood gashado kii kale asaga oo aan oggolaansho ka haysan, ma kufsiga ayaa lagu tirinayaa?

F.G: Labada qof ee isqaba mid walba kan kale wuxuu waajib ugu leeyahay in uu ka haqabtiro baahidiisa jinsi, in uu u diido ama uu ku canaadana waa fal dambiyeed halis ku ah jiritaanka qoyska. Haddii sifo sharci ah ama caafimaad la xiriirta darteed aysan ugu suuroobaynna in la khasbaa waa faldambiyeed halis ku ah jiritaanka qoyska. Wax kasta oo qofka naftiisa ama naf kale dhib u keenaya diintu waa ay mamnuucday. Almuhim, guurku waa nolol ka baaxad weyn jinsiga, jinsiguna uu yahay mid ka mid ah tiirarka dhismihiisa ilaaliya, una baahan in la guto waajibkiisa ayada oo aan dhib aan meesha oollin la abuurayn. Laakiin marna labo qof oo isqaba wixii dhex mara laguma tilmaami karo “kufsi”.

Kufsiga oo isugu jira: qof laga sinaystay, jirkiisii la waxyeelleeyay, shaqsiyaddiisii iyo sharafkiisii la dhaawacay, feker maskaxeed sabab loogu noqday, ayaa dambiilihii ciqaab looga dhigay intaan yar iyo xoogaa maaliyad ah oo qodobbo kale lagu xusay:

“(1)   Qofkii lagu helo faldanbiyeed la xiriira kufsi waxa uu muteysanayaa xarig heerka ugu hooseeya uu yahay toban sano; heerka ugu sarreeyaana uu yahay shan iyo labaatan sano, ayadoo mar walbo la tixgelinayo sida shareecada Islaamka ay qabto.”

Shareecada Islaamku xaggee ayay ku xustay in xabsi la geliyo oo aan ciqaab kale la marsiin— marka laga reebo maaliyad yar oo xaakinka iyo biilka isbitaalku soo dallacanayo oo ruuxa dhibta gaystay laga qaadayo— qof ay ku caddaatay in uu qof kale khasab kaga dhillaystay, jirkiisii, sharaftiisii, iyo garaadkiisiina waxyeelleeyay?

Ma kula tahay in ay daawo noqonayso in qofka la galiyo xabsi oo dastuurku u kafaalo qaadayo nolol heer sare ah oo waxbarid, nafaqayn, daawayn, iyo ilaalinta nafsiyaddiisa isugu jirta, iyo bixinta kharash maaliyadeed oo aan ciqaab kale la marsiin? Maxaa diidaya in xadkii Eebbe lagu oofiyo mar haddii ay sinadu ku caddaatay? Maxaa diidaya in qaanta jirka laga bixinayo lagu saleeyo nidaamka shareecada, laguna daro magdhaw uu ka bixiyo sharaftii uu garaafeeyay?

Hindisahu wuxuu sawirayaa dal nabaddu ka badatay, bulshadiisu hodan tahay, dalxiis iyo damaashaad ay galeen, ayna ka dhalatay in qof looga faa’iidaysto si loogu soo dalxiisiyo meelo dalka ka mid ah ayadoo dan jinsi laga leeyahay. Wuxuu kale oo sawirayaa ayada oo ay dalka ka jiraan maafiyo khatar ah oo dhaqammadii Hollywood leh, ayna gaysanayaan tahriibin ujeedkeeduna yahay samaynta falal jinsiyeed. Duubista aflaam iyo faafintooduna kama maqna. Ogsoonoow, in filin la duubo iska daa e, adiga iyo xaaskaaga waxa gogosha idin ku dhex mara iyo sirta qof walba uu leeyahay ayaaba mamnuuc ah in cid kale looga sheekeeyo.

Si kastaba ha ahaato e, kolka aad eegto qaabka garta loo qaadayo, doodaha anshax xumada ah ee dhex mari doona labo qof oo tuntay oo laga yaabo in ay dib iska khilaafeen sida loo wajihi doono, caddaymaha waxa loo aqoonsanayo, xukunka la ridi doono waxyaabaha adkaynaya, waxa aad dareemaysaa in uu yahay wax aan marnaba ka tarjumayn baahidii bulshadan, muujinaya sida dadkii waxan qoray aysan wax uga fahamsanayn dhaqanka ummadda ay matalaan iyo shareecada Eebbe.

Diintu waxa ay xil iska saartay maaraynta baahiyaha aadanaha, ka hortagga khilaafkooda, iyo maaraynta mushkiladaha dhex mara, waana wax u baahan in lagu baraarugsanaado, la fahmo, la barto oo la raadiyo culimmo aqoon leh oo Alle dartii u nool, dhammaan fal dambiyeedyada jinsiga la xiriirana qawaaniinta guud ee ay u dhigtay iyo xaddiga ay xaakinka xaq u siisay maarayntoodana sharci ka fiican la heli mayo.

Ugu dambayn, si kasta oo aan niyadda ugu wanaajiyay, aan isugu dayayna in aan fahamkayga dib ugu noqdo, waxaa mar walba ii soo baxayay in badi qodobbada hindisahani xambaarsan yahay ay isugu jiraan kuwo sharciga ka hor imanaya, ama aan waaqica bulshada ku salaysnayn, ama ay ku jiraan kuwo dhibtii la filayay imaanshaheeda in ay sii murjiso ma aha e aan xal u keenayn.

Akhristaha, Dawladda Soomaaliyeed, Culimada iyo bulshadaba waxaan kula talinayaa in ay si dhab ah u eegaan oo aysan jacayl iyo nacayb midna ku eegin, iimaankooda ay Alle rumaysan yihiin iyo u hoggaansanka sharcigiisana ay ka dhigtaan halbeeg. Haddii ay ula muuqato sida ay ila tahay, kama dhigna in ay igu raaceen e, xaqa ayaan isku waafaqnay, haddii ay si ka beddelan ula muuqatana in aan isla eegno oo aan xaqa isku raacno ayaan diyaar u ahay.

Wabillaahi al-tawfiiq

Check Also

Sharci dejinta Soomaaliya iyo danaha shisheeye

Marka la dejinayo sharci ama la jaangoynayo siyaasad waxaa muhiim ah in lagu saleeyo nolosha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *