Home / Afkeenna / Indha deeraleeyeey, Dhexda geenyo ugubleey

Indha deeraleeyeey, Dhexda geenyo ugubleey

Bare Sare Axmed Nuur Yuusuf oo ahaa laashin iyo macallin suugaaneed ayaa waxa uu dhaliili jirey laashimmada allifa heesaha jacaylka gaar ahaan kuwa ay ku jiraan ammaanta dumarku. Waxa uu sheegi jirey in mu’allifka Soomaaliyeed marka uu rabo in uu gabar ammaano quruxdeeda uu ku matalo wax kale sida geenyo, daa’uus, geed iyo waxyaabo kale. Yeelkeede, meeshii uu gabadha quruxdeeda ka sheegi lahaa uu maanta oo dhan geenyo, geed ama daa’uus ammaano. Isaga oo ku ammaanaya tilmaamo badankooda aysan gabadhu la wadaagin ee iyaga u gaar ah.

Matalan, marka gabar la ammaanayo quruxdeeda oo geenyo lagu metelo ayaa waxaa caado u ah mu’allifka Soomaaliyeed in uu geenyada ammaan la daba galo, gabadhiina iska illaawo oo muddo ka dib markii uu geenyada wax kale oo uu ku sheego garan waayo gabadhii u soo noqdo oo yiraahdo ‘geenyadaas ayaad u eg tahay’.

Eeg heestaan hoose oo uu allifey Axmed Saleebaan Bidde oo aan aaminsan ahay in uu yahay mu’allifka ugu dabiicisan kulligood oo aan wax dedaal ahi ka muuqan heesihiisa. Waxa uu gabadha ku ammaanayaa faras weliba aan geenyo ahayn. Faras dhaqaalaysan, naaxsan, nasan oo sararaha uu farowgu daliigeeyey. Ugu dambaynna si buuxda cududaha iyo meel walba aad uga cayiley.

Waxaa la sheegaa in heestaan iyo mid kale la tartansiiyey, dabadeedna middaan iin looga dhigay meeriska ah ‘cududuhu gamuurmeen.’ Iyada oo la leeyahay cududaha gamuurani gabadha ayey foolxumo ku yihiin. Laakiin, mu’allifku in uu gabadhaba illaawey – sida mu’allifiinta kale – oo uu geenyada ammaan ula kala baxay ma ay dareemin nimankii cilladeeyey heestu. Midda kale, inta aan la soo gaarin cududaha gamuuran ee ay iinta uga dhigeen heesta, marka horeba geenyo ma ahee faras lab oo sange ah ayaa meesha maraya. Tan kale in cayil dartiis uu farow daliigeeyey gaaddada iyo sararta naaxday waa ay ka soo gudbeen oo cillad uma ay arkin. Waana aynnu og nahay gabar gaaddada iyo sararaha ka naaxday in aan qurux loo arkin marka dhaqanka Soomaalida la eego.

Halkaas ma inoo ka muuqataa in mu’allifka Soomaaliyeed – sidii uu Axmed Nuur Yuusuf sheegay – uu gabadhii uu ammaanayey inta cidla istaajiyo uu ku dibboodo ammaanta wixii uu gabadha ku matalayey, dabadeed muddo dheer oo uu bad kale rinjiyeynayey ka dib, gabadhii oo meel ku cagaaratay inta u soo noqdo ku yiraahdo ‘wixii aan maantoo dhan ammaanaye ayaad u eg tahay’ ama ‘dareenkooda oo kale ayaad igu dhalisaa’.

Sidaad tahay gammaan faras
Sange geesi daaqsaday
Oo uu Garduur miray
Sodon biliyo gawdeed
Uu goobay farowgii
Sararta iyo gaaddada
Oo galangalcooboo
Cududuhu gamuurmeen
Oo galaba loo raro
Sida ramad guyaad dhalay
Hadba kaynta geedo leh
Oon guluf colaadiyo
Weli socoto dheer gelin
Gabadh yahay kalgacal baad
Goortaan ku eegoba
Qalbigayga gelisaa
Waxse aanan garanayn
Ii gunuddey caashaqe
Halka aad i gaadhsiin.

Halterstandingshotarabianone.jpg
©By Ealdgyth – Own work, CC BY-SA 3.0

Eeg Yamyam iyo heestii ‘Guuleed Ma Joogaa.’ Geed ayuu ku matalayaa gabadhii uu ammaanayey. Dabadeed geedkii ayuu ammaan la daba galay. Waxyaabaha uu geedka ku ammaanayo qaar badan ma aha astaamo ay ammaantooda gabadha iyo geedku wadaagi karaan. In uu harkiisu neecaw leeyahay; in uu meel dugsi ah ku yaal; in aan gar eexo hoostiisa lagu naqin, in laamihiisu ay miro bislaaday la ciirayaan iyo kuwo kale. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay sheegaan in astaamaha geedka ay si sarbeeban ama sharraxaad ka dib ah gabadhu ula wadaagi karto. Sida godad la’aanta geedka, in uusan halaqgaleen ahayn iyo in gudin nabarta iyo gacan cadow uusan ku dhicin uu ka wadi karo dhawrsoonida gabadha. Taas waxaan u arkaa in ay tahay dedaal taabsin (buundo) lagu saarayo laba gebi oo aad u kala fog, maxaa yeelay waa wax la og yahay in mu’allifku inta gabadha ka tago sheygii uu gabadha ku ammaanay ku bururo iyadiina illaawo.

Muddo dheer ka dib ayuu arkay gabadhii oo cidla taagan,kolkaas ayuu yiri “waxa aan geedka moodayey illeyn waa adiga?!”

Xalay gelindhexaadkii
Mar aan mayrac-guuraha
Sheedda guriga faalalay
…………………………..
Oon guud haldhaa iyo
Mililicay gob weynoo
Midba goonni laamaha
Rucub miro ah gunuddoo
Gadgaddoonka raamuhu
Dhexda deri garaaro leh
Hadba gees u liicaan
Oon weli gar eexaad
Lagu naqin guntiisoo
Godin nabar u yeeshiyo
Gacan cadow ku dhicinoo
Aan halaqgaleen iyo
Inna godoad lahaynoo
Gardhadiyo caleemaha
Aaney haaddu guran Karin
Oon xididka gaarani
Dayrtoo gidaaddiyo
Gu la waayey aragoo
Gondaa rayska ku la jira
Oo hoos-galbeedkiyo
Harka gelinku bixiyaa
Neecaw gaar ah leeyahay
Oo meel gabbaadiyo
Sabo guri ku yaalloo
Leexo is-galaashiyo
Ufo garamme kiciyiyo
Dabaylaha gilgilayaa
Manka aaney goyn Karin
Kalgacayl i galay iyo
Gocashada xusuustiyo
Haybadday la gudubtoo
Naxariis indhuhu godol
Baalashii is-geliyeen
Ayaa gedefka muuqaa
Geed iiga dhigayee
Illeyn araggu waa gabar
Mase garanayee talo!

Ma aragtaa, waa aftahan e? Intii uu doono buu geedka ammaani karaa. Laakiin,eeg inta uu gabadha ka maqnaa oo geedka ku maqnaa! Waaba ka furantaa!

Waxaa run ah in marka mu’allifiintu ay sheygii ay gabadha ku matalayeen ammaanayaan si qurux badan oo ina duufsan karta ugu talaxtagaan aftahammo weynna muujiyaan, laakiin haddana waxaa muuqata in ay gabadhii jalaqsanayd oo golxaha lahayd inta illaawaan ay ganacyo naaxay iyo cududo gamuurmay sheegaan.

Su’aashu waxa ay tahay: in ammaanta gabadha lagu talaxtago meeshii geed ama geenyo la caabudi lahaa, ma waxaa diidaya in dhaqankeennu uusan ahayn in gabdhaha jirkooda intiisa badan la tiltilmaamo? Oo intii gabadha jirkeeda la ammaani lahaa ayaa laashinku doorbiday in uu inta kaynta galo; geedo, balanbaaliso iyo fardo la booddaalaysto gabadhii uu cidlada ka ga tegeyna u soo noqdo iyada oo waayuhu inta shaqo ka qabteen baalasha indhuhu caddaadeen, shimbirona ay ka cabbayaan xareed gashay dhafoorradeeda gabowga la gotey?

Kolley waxa aynni og nahay in meelo kooban gabadha laga tilmaami karo dhaqan ahaan, sida wajigeeda (sunniyaha, dhabannada, dibnaha, ilkaha, timaha), luqunta, garaaraha, dhexda iqk.

Bal eeg heestaan hoose oo uu allifey Cabdicasiis Dakharre. Laba qaybood oo ka mid ah ayuu gabadha jirkeeda quruxdiisa ammaanay, isaga oo gabadha la jooga oo aan marna cidlayn:

Ilkaheeda dhuuxaa
Indhaheeda dhaydaa
Dhabankeeda curubtaa
Sunniyaha bil dhalatiyo
Sida qaanso lagu dhigay

Timaheedan dhuxushaa
Barkood dhaafay dhabarkaa
Barna soo dhaceenee
Laydhu ay ku dheeshiyo
Midabkeeda dhiinkaa

Midka labaadna waxa uu yiri:

Waa dhammays haweenoo
Dhexyarideeda madagtaa
Luqunteeda dhebigaa
Dhaayihii jalleecaa
Dhibaatada halmaamee

Bal haddana eeg beytka saddexaad ee heesta oo uu degaan xilli roobaad ah gabadha ku ammaanayo. U fiirso, ma dareemeynno in gabadhii cidla laga ga yimi, maxaa yeelay degaan roobsaday oo qurxoon ayuu ina marinayaa mu’allifku oo duul la dalxiis geeyey bey beynnu nahay. Bal qiimee farqiga u dhexeeya labada beyd ee uu gabadha toos ugu ammaanay quruxdeeda iyo midka uu degaan iyo dabeecad qurxoon inta sawiray gabadhii ku mataley. Kolley farshaxan maanso ahaaneed ku ma ka la dhacaan ee se waxaa la qiimaynayaa labada hab midka togan.

Waa arrin sax ah in quruxda gabadha wax lagu matalo oo la ma laha waa reebban tahay. Waxaa xoogaa su’aal lagu godayaa ku talaxtagga ammaanta wax aan gabadhii ahayn, oo weliba lagu ammaanayo astaamo sheygaasi leeyahay oo gabadha haddii uu doono foolxumo ku ah.

Marka gabar geenyo lagu matalayo, meelaha ay iska metelaan keliya in la soo qaato ayaa habboon. Tusaale ahaan, gabadha iyo geenyadu waxa ay iska metelaan timaha dheer, ka la jiidnaanta dhisme ahaaneed oo marka gabar geenyo lagu matalayo waxaa amminkaba kugu soo dhacaysa gabar ka la jiidan oo labadeeda qaar ka la soocan yihiin oo sabar xoodan. Waxaa jira hab ay gabdhuhu timaha u xirtaan oo la yiraahdo sayn-fardood ama qanaan faras (ponytail), Waxa ay aad ugu eg yihiin saynta geenyada.

Deerada gabdhaha waa lagu metelaa, inta badanna indhaha ayaa ah meelaha shabbahaaddu ay dumarka iyo deerada isugu keento. Wax badan oo kale ma wadaagaan.

Dayaxiyo xiddigahoo/nuurka isku darayeey; Indha deeraleeyeey; Dhexda geenyo ugubleey, ammanaha noocaas ah waa caadi iyo qurux. Laakiin marka inta geenyadii la isku illaawo, ilaa cawska ay daaqdo noociisa iyo degaanka ay joogto magaciisa iyo in aysan dagaal waayo gelin laga sheekeeyo ayaa ay daarran tahay dhaliisha macallin Axmed Nuur Yuusuf.

Maxay ku la tahay? Haddaad halkaan soo gaadhey dulqaad ayaan kuu qirsan ahay qaddarinna waan kuu hayaa, maxaa yeelay hadaltiro dheer baan ku la soo doontay.

Farow: waa marka uu noole si buuxda inta u cayilo ay baruurtu maqaarka hoostiisa hirarowdo.

Check Also

Afkeenna: Halgelin

Halgelin: Ereygaan muddo aad u fog baa iigu dambaysey araggiis iyo maqalkiisba. Xalay ayaan Youtube …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *