Home / Ku Saabsan

Ku Saabsan

Weli aadanaha ma soo marin xilli ay ka war iyo xog badnaayeen, haddana waa ay yar tahay dheefta laga helaa. In kasta oo aynu nool nahay xilli uu adduunku la fatahay daad war iyo wacaal ah, weli waxaa taagan oonkii loo qabey xog lagu kalsoonaan karo, taas oo buuxin karta booskii warka marka ay Soomaalidu lahayd: war la helaa, talo la helaa. Waxaa adag in la helo war la rumayso iyo xog lagu kalsoonaado.

Duufaankan dadku waxa ay uga jawaabeen labo siyaabood: kuwo dhegaha furaystay si ay uga badbaadaan, laakiin dheef badani ku dhaaftay, iyo kuwo dhex dabaashay oo ay hadba dhan mawjaddu u tuurto, wax badanna aan ka dheefin.

Wargeyskan yoolkiisu waa in aan ka gudubno wararka kor-ka-xaadiska ah, oo aan farta saarno halka ay salka ku hayaan, lafogurnana waxa ka dambeeya. Waxa uu ku dedaali doonaa soogudbinta xog waxtar leh oo miisaaman, faallooyin, iyo suugaan, kuna saabsan mawduucyo kala duwan oo dhinacyo badan taabanaya. Waxa aan ku dedaalaynaa in aan in yar oo saafi ah haamaha innoogu dhurno.

Waxgarad. waa mashruuc iskaa-wax-uqabso ah, ayna qabanqaabisay Garanuug, kaas oo beddelaya qoraalladii iyo sheekooyinkii ku soo bixi jirey bogga www.garanuug.com, oo aad hadda ka dib halkan kala socon doontaan. Tirsigan koowaad waa tijaabo ka kooban qoraallo gaar loogu diyaariyey iyo kuwo hore u diyaarsanaa oo la soo ururiyey.

Bishii hal mar ayaa uu soo bixi doonaa—haddii Alle idmo. Waxgarad. waxa uu ka koobnaan doonaa qoraallo, warbixinno, iyo faallooyin laga soo xigtay warbaahinta caalamka, kuwo laga soo xigtay warbaahinta Soomaalida, iyo kuwo asal ahba.

Waxa  uu kambal u yahay cid kasta oo ku hawllan wanaagga Soomaalida. Waana madal lagu lafoguri doono arrimaha danta u ah ummadda Soomaaliyeed.

Qoraallada, talooyinka iyo tusaaleyaasha, iyo farriimahaba waxaa lagu soo gudbin karaa wargeys@waxgarad.org.  Qoraallada wargeyskan waxaa lagala socon karaa bogga internetka:

www.waxgarad.org

Xogogaal ahow, waxgarad ahow.

Tifaftirka.