Marka la dejinayo sharci ama la jaangoynayo siyaasad waxaa muhiim ah in lagu saleeyo nolosha bulshada lagu dabbaqayo sharciga, gaar ahaan, marka sharcigu yahay mid dhaqanka bulshada la xidhiidha.
Maadaama waddanku uusan haysanin lacag uu ku bixiyo qoritaanka sharciyada iyo aqoon uu ku qorto sharciyada iyo siyaasadaha ka maqan, inta badan dad kale ayaa Soomaaliya u soo qora kharashkana bixiya. Beesha caalamka ayaa innooga masuul ah in ay arrintaas ka caawiyaan dawladda Federaalka.
Beesha Caalamka qudheedu ma ahan hal waddan e, waa waddammo isu tagay oo uu mid walbaa doonayo in uu meelmariyo dan isaga u gaar ah. Tusaale ahaan: waddanka Ingiriisku wuxuu xiisaynayaa inuu dejiyo siyaasadaha iyo sharciyada Ciidanka Xoogga Dalka, sababtuna waa in la helo ciidan la og yahay sida ay u dhisan yihiin, awooddooda iyo aqoontoodu heerka ay joogaan, iwm. Iswiidhan waxay xiisaynaysaa sharciga jinsiga (galmada) in ay innoogu samayso, iyada oo weliba dedaal badan ku bixinaysa, sharci la mid ah kan waddankeeda ka jira, laakiin aan wax xidhiidh ah la lahayn dhaqankeenna iyo diinteenna toona.
Danahaas kala duwan oo dhan waxay rabaan iswaafajin, iyada oo mar walba maskaxda lagu haynayo qaabdhismeedka bulshadeenna, diinteenna, dhaqankeenna, iyo xaaladdeena maanta taagan.
Siyaasadaha qaar ee la soo minguurinayo iyada oo aan laga fekerin, waxay sii xoojin karaan fursadna siinayaan xagjirnimada, iyaga oo weliba fahan khaldan bulshada ka siinaya waxa ay dawladnimadu tahay. Tusaale ahaan: sharcigii jinsiga ee la qoray labo sano ka hor iyo sharciga cusub ee Dambiyada Jinsiga, labaduba ma aha kuwo ku salaysan diinta, dhaqanka, iyo qaab nololeedka bulshadeenna. Yaa loo qoray markaa?!
Si looga hortago siyaasadaha iyo sharciyada noocaas ah, waa in wasaaradaha iyo hay’aduhu ay bulshada ka qaybgaliyaan talobixinta, qoridda, falanqaynta, iyo diyaarinta sharciyada, ka hor inta aan la jaangoynin lana ansixin.