Home / Aragti / “Soomaali baan ahay sarrif kuma galaayo”

“Soomaali baan ahay sarrif kuma galaayo”

Ilaa bilowgeedii, dawladnimada Soomaaliyeed waxay ku dhisnayd isir. Waxa aynu ku doodaynnay in aynu dadka kale gaar ka nahay oo ay inna mideeyaan isir, af, iyo diin. Waxa aynu halgan u galnay sidii intii Soomaali ku abtirsataa ay isu raaci lahayd, hal dawladna u yeelan lahayd. Kumannaan ayaa halgankaa innagaga dhintay. Waxaynu dagaal weyn u galnay adduunkana kula doodnay in Itoobiya innaga haysato dhul uu Ingiriisku u gacangaliyey, ayna tahay in dhulkaa na loo soo celiyo. Dacwaddeennu kuma dhisnayn xuduud hore oo ay Itoobiya ku xadgudubtay e, waxay ku dhisnayd Soomaalinnimo iyo in dhulkaasi yahay dhul ay Soomaali degto. Kiiniyana sidaa oo kale ayaa aynu dagaal ula galnay,dedaalna ku bixinnay in dhulka Soomaalidu degto uu ka mid noqdo dhulka ay dawladda Soomaaliyeed ka taliso, maxaa yeelay waxaa deggan dad Soomaali ah. Jabbuuti oo weli gumeysi Faransiis ku hoos jirtayna waxaa lagu dedaalay xoraynteeda iyo gacanqabashadeeda maadaama ay ahayd dhul Soomaaliyeed. Waqooyi iyo Koonfur waxaa la isugu daray isir Soomaalinnimo, doodda ugu weyn ee lagu hortaagan yahay go’itaanka Soomaalilaanna waa in la ilaaliyo midnimo Soomaaliyeed.

“subaacyadii kaleetiyo “saaxirkii” gumaystaha

saanyaday dhulkeenee shanta saab ku kala riday

iyadoo sidoodii saddex weli ku maqan tahay

Labadii ka soogsade saan-caddaalihii riday

Labadii sumiliyee shilinka isla soo baxay

saafsaaf dambeetiyo in sanaati loo rogo

sheekada siqiirkay wadaan saan-madoobuhu

waa sagaaro kurusliyo sacab timo ka baxayoo!

saddex magac ilaahay kama siisanaayoo

Soomaali baan ahay runta kama sinaysto”

—Abwaan Jaamac Kadiye

 

Dadka ku dacwoonaya “siyaasaddu isir iyo walaalnimo ma leh oo waa hadba meesha ay dani kaa gasho.” waa kuwo ama aan ogayn taariikhda Soomaaliyeed, ama iska indhotiraya. Maxay tahay “danta” aad leedahay ee ka hor imaanaysa isirkaaga iyo xidhiidhka adiga iyo walaalahaa idin ka dhexeeyaa?

Waxaa innagu socda olole lagu wiiqayo mabda’a Soomaalinnimada ee inna mideeya si aynu u noqonno tusbax furtay. Maalin dhowayd kulan ka dhacay Jaamacadda Adis Ababa oo uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ka qaybgalayey, ayaa borofasoor Soomaali ah (Cabdiwaasac Cabdilaahi Bade) oo jaamacaddaa ka shaqeeyaa su’aal weydiiyey. Abiy wuxuu ugu jawaabay su’aal uu ku warsanayo qabiilka borofasoorka Soomaaliyeed isaga oo yidhi qawmiyad ma tihidine qabiillo ayaad tihiin.

Isirka Soomaali waa sababta aynu dawlad Itoobiya ka soocan u nahay. Qabiillo kala qoqoban oo aan naxariis isu hayn in maalinba mid la liqaa wax weyn ma aha. Mabda’a Soomaalinnimo in la burburiyaa waa tallaabo loo marayo burburinta qarannimadeenna iyo rumaynta riyadii Itoobiya ee ahayd in ay ka taliso ilaa Badweynta Hindiya.

Iyada oo siyaasadda “danta” ku dhisan lagu salaynayo, Qalbidhagax waxaa la yidhi wuxuu ahaa muwaadin Itoobiyaan ah, in loo dhiibaana waxay ahayd “danta” qaranka Soomaaliyeed. Jabbuuti waxaa lala simay Ereteriya iyada oo la leeyahay “danteenna u hakin maynno danta dawlad kale!” Laakiin marka qofka sidaa u hadlaya lala soo hadalqaado maamulka qabiilkooda oo uu dawlad weyn u yaqaanno, ama laga hadlo tuulo yaroo ay caasimad ku sheegaan, ama horjoogahooda uu madaxweynaha sharfan u yaqaanno, “dantii” qaranka Soomaaliyeed ee uu “darteed” u oggolaa in muwaadin Soomaali ah la dhiibo, in dhul Soomaaliyeed laga tanaasulo, in walaallo Soomaaliyeed cadow loo soo raaco… daaqadda ayay ka baxaysaa. Noloshooduba waa isdiiddooyin aan dhammaad lahayn. Qofka Soomaaliga ahi wuxuu ahaan jirey qof mabda’ iyo meel loogu soo hagaago leh. Tilmaantaasi gabaabsi ayay innagu tahay xilligan la joogo.

Waxaa muuqata in taariikhda keli ah iyo halgannada xuska iyo xusuusta mudani ay yihiin kuwa reeraha Soomaaliyeed dhex mara ee aysan aanadoodu dhammaan lana illaawin. Itoobiya wixii inna dhex marayey 800 oo sano waxba lama aha dadkan, laakiin ri’ gees jaban oo reer hebel boqol sano ka hor lagu eedeeyey ma oggola in uu illaawo. Dhul reerkoodu sheegto haddii Soomaali kale ay soo degaan hub buu qaadanayaa, laakiin marka la soo hadalqaado dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya haysato, ama Ereteriya ka haysato Jabbuuti, waxa uu iska dhigayaa falanqeeye siyaasadeed oo ka soo jeeda qudbiga waqooyi! Inaad dhib u aragtid ayuuba la yaabayaa.

Waxaa kale oo yaabkeeda leh, dadka ku dacwoonaya Jabbuuti maxay noo tartaa!

Jabbuuti xidhiidhka innaga dhexeeyaa kuma xidhna “waxtar”. Isir iyo walaalnimo intaa ka qotodheer baa inna xidhiidhiya.

Jabbuuti waa dhul aad u yar, oo halka gobolka Mudug baaxaddiisu ay le’eg tahay qiyaastii 60, 000 km2, baaxadda dalka Jabbuuti waa 23,2000 km2. Dad ahaanna way isu dhow yihiin oo qiyaastii midkiiba waxaa deggan 900, 000 oo qof. Jabbuuti 60% waa Soomaali. Iyada oo intaa le’eg ayaa aysan waxba innaga hagran.

Sidii qarankeennii u dumay, Jabbuuti waxay ku mashquulsanayd nabadaynta Soomaaliya iyo xal u helidda musiibadii innagu habsatay. Jabbuuti waxa ay kaalin weyn ka gaysatay dhisiddii Dawladdii kumeelgaadhka ahayd ila iyo haddana ciidammo ay leedahay ayaa dalka u jooga si ay uga qaybqaataan xasilinta iyo sugidda amniga. Dal aan dawlad lahayni xidhiidh ganacsi lama samayn karo dalalka kale, sidaas awgeed ganacsatada Soomaaliyeed Jabbuuti ay xarun muhiim ah u noqotay, baasaboorro ay ku socdaan siisay, una suuragalisay in ay la shaqayn karaan shirkadaha iyo bangiyada caalamiga ah.

Haddiiba “dan” wax lagu qiimaynayo, maxay tahay “danta” ay Ereteriya innoo haysto ee aynu ka weynay Jabbuuti.

Jabbuuti way inna tartay intii awooddeeda ahayd iyo ka badanba. Jabbuuti buur ma aha laakiin waxay ku tiirsanayd buur aan dheelliga aqoon; Soomaaliya. Waxay ku daaqaysay kalsoonida inay leedahay walaal ka weyn oo garab taagan maalinta ay u baahato.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uusan arrintan ka fiirsan baa muuqata. Waxaan islahayn ugu yaraan xidhiidh buu la sameeyey Jabbuuti. Runtii ka fiirsi la’aantu waxay u muuqataa astaan ay ka siman yihiin falalka iyo siyaasadaha Madaxweynuhu—taas oo habqan iska noqotay.

Madaxweynenimada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida ay mabda’ Soomaalinnimada u dhaawacday cid ka horraysay oo u dhaawacday garan maayo, waana mid taariikhda u galaysa, “legacy”-gii uu sheegayeyna taasaa u noqonnaysa. Taariikhdu ma naxariisato.

Xidhiidh fiican in dawladahaa deriska lala yeeshaa waa lamahuraan. Laakiin waa in ay isweydaarsi noqotaa oo aysan noqon mid aynu innagu wax kasta u huraynno. Itoobiya in aan nabad ku wada noolaannaa waa muhiim, laakiin muxuu yahay sicirka ama qiimaha aynu nabaddaas ku bixinaynaa? “Soomaalinnimadu” ma noqon kartaa wax la saari karo miiska gorgortanka?

Ereteriya abaal bay innagu leedahay, innaguna mid ka sii weyn baa aynu ku leennahay. Xidhiidh wanaagsanna inaynu lahaannaa waa muhiim. Laakiin Jabbuuti marna lama sinna, mana gali karaan isbarbardhig dan iyo siyaasad ku salaysan. Sida aan danta gobol Soomaaliya ka tirsan marnaba loo galin karin gorgortan iyo wada xaajood, ayaan Jabbuutina loo galin karin. Waa waax innaga mid ah. Wixii dhibaa way inna dhibaan, wixii dheef u lihina waa dheefteenna.

Ereteriya oo aan maanta waxba innoo hayn ee iyadu danteeda u aragta inay xidhiidh fiican inna la yeelato, haddii aynu ka soo dhicin weynay dhulkii Jabbuuti, oo aynu intaa cadaadis ku saari weynnay, maxaa kale oo aynu qaban karnaa? Siyaasaddeennu maxay tamar leedahay? Ujeedkeedu ma inay ciddii wax codsataba “taxta amrak, yaa Baashaa” ugu jawaabtaa?

Wax lagu farxo ayay ahayd in habkii iyo maamuuskii dawladnimo lagu yaqaannay uu ku dhammaaday socdaalkii Madaxweynuhu ku tagay Ereteriya, wixii ka soo baxayna ay ahaayeen is-afgarad akhyaareed far waaweyn ku qoran. Taasi waxay ahayd mid ka duwan afartii saacadood ee dalka iyo dadkaba lagu wareejiyey Abiy Axmad. Waxayna mudan tahay bogaadin. Laakiin maxaa keenaya in markii tallaabo hore loo qaadaba labo dib loo qaado?

Madaxdeennu marka la casuumo ma aha inay sidii ilmo yar oo baarri ah oo waalidkii u yeedhay waxay hayaan dhigaan oo ay iska xaadiriyaan meeshii looga yeedhay. Xaadir yaa Baashaa. Waa inay dalbadaan ajandaha laga wada hadlayo. Waa inay lafaguraan. Waa inay wadatashi sameeyaan. Waa in ay ka baaraandegaan falcelintooda iyo wixii ka dhalan kara…

Kulan degdeg ah mar waa loo baahan karaa, laakiin ma aha in kulammadaada oo dhani ay sidaa noqdaan. Adduunka marka madaxdu kulmayso ee wax muhiim ah miiska saaran yihiin, muddo ayaa la qorsheeyaa kulanka iyo sidii uu u dhici lahaa. Haddii orod la istaabto sidii qof qatan oo sab uu sanka la raacayey looga yeedhay, sida ku habboon baa la innoo la dhaqmayaa. Waan baahanahay bakhti looma cuno. Mar baa la isgiijiyaa oo diidmo la muujiyaa. Ciddii dan kaa lihi iyadaa ku maslixi doonta una badi in sidaa laguugu sedburiyo.

 

“In kastoo sabaannadan saranseer la soo maray

amu soomalhaad iyo jirey saxal Rabbaani

amay saar xanuun iyo suruc innagu raageen

ummadduna sax iyo khalad ka la saari waayeen

ma saluugo midabkiyo sinjiga iyo magacoo

Soomaali baan ahay ummadaha la siman.”

—Abwaan Jaamac Kediye

 

Waa la doogiye yaan la dacaroon.

 

 

Check Also

Ganacsato dhiigmiirato ah iyo siyaasiyiin bilaa damiir ah

Sannadkii 2012 ayaan xajiyey. Waxaan mar la joogay xujaajta Kiiniya oo degganaa meel aad u wanaagsan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *