Home / Amni / Gidaarkii Baarliin

Gidaarkii Baarliin

Dhacdooyinka taariikhdu ma aha wax iskood u dhaca ama si lama filaan ah ku yimaadda, laakiin dadka ayaa abuura oo sabab u ah xumaheeda iyo samaheedaba. Haddana labadadeeda dhinacba waxa laga bartaa duruus iyo casharro wax tar leh marka sida ku habboon loo darso loogana faa’iidaysto. Waxyaalaha bogagga taariikhda lagu suntay nuskii danbe ee qarnigii tegay waxa ka mid ahaa Gidaarkii caanka ahaa ee loo yaqaannay ‘Gidaarkii Baarliin’.

Taariikh ahaan ma fogeyn goortii la taagay derbigii weynaa ee lagu kala qaybiyey caasimaddii dalka Jarmalka waxana la dhisay sannadkii 1961 kii.

Gidaarkii Baarliin

Dabbaaldeggii iyo damaashaadkii dhowaan loo sameeyey dhacdadani ma ahayn mid lagu xusayey dhismihii derbiga iyo intii uu taagnaa ee waxay ahayd mid loogu dabbaaldegayey labaatan guuradii ka soo wareegtay dumintiisii iyo isu furidii labadii dhinac ee caasimadda dalka Jarmalka oo u kala qaybsanayd labo dal.

Gidaarku derbi keliya ma ahayn ee waxa kale oo uu astaan u ahaa labo mabd’a oo iskaga soo hor jeeday, xagga fikradaha, siyaasadda iyo cududda millatari ee la isugu faani jirey. Inkasta oo ay dhacdadani ahayd mid dhaxalgal u ah dadka Jarmalka oo ay mahadiyeen, waxa kale oo ay ahayd xus taariikhi ah isla markaana noqday calaamad lagu taariikheeyo burburkii iyo fashilkii ku yimi aragtidii hantiwadaagga ee uu calanka u siday Midawgii Soofiyeetku. Sidaa awgeed waxay noqotay cutub hor leh oo ku soo biiray taariikhda casriga ah.

Waxay sannadguuradani dadka in badan xusuusisay isbedelkii ay dunidu soo martay labaatankii sano ee u danbeeyey. Dawladaha reer galbeedka, sida Maraykanka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka laftoodu waxay ku qiimeeyaan in ay ahayd guul u soo hoyatey fikraddoodii iyo hannaankii siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka guulaystay kii dawladdii xooga badnayd ee Midawgii Soofiyeetka (USSR). Dhinaca kale marka laga eego waxay ahayd bilawgii kala daadashadii iyo furfurankii gaashaanbuurtii bariga ee loo yaqaannay Waarso. Inkasta oo dawlado badan oo dhinaca bari kaga yaal qaaradda Yurub ay ka soo kabteen khasaarihii ka dhashay isbedelkaa weyn ee soo foodsaaray muddadaa yar gudaheeda, haddana meelaha qaar waxa uu kaga tegay xanuun iyo dagaallo sokeeye oo ka qarxay Yurub gudaheeda, sida kuwii ka dhex dhacay Yuguslaafiya oo markii danbe u qaybsantay dawlado yaryar.

Dhinaca kale dunida saddexaad waxa laga dareemay isbeddel aan yarayn. Waxa isla xilligaa ku beegnaa ruxashadii iyo dhiciddii cadceeddii qaranka Soomaaliya iyo galbashadii “Kacaankii barakaysnaa” ee 21ka Oktoobar! Waxay ahayd dabbaaldeggiisi ugu danbeeyey intii ka danbeysay 1989kii, dib danbena looma dabbaaldegin. Isla sannadkaa uu kacaanku labaatan jirsaday waxa dalka hadheeyey dagaallo sokeeye oo isa soo tarayey, caasimaddii Muqdishana waxa ka jiray bandaw iyo cabsi aan la qiyaasi karin. Dilka dhaca iyo afduubku waxa uu ahaa mid si weyn u baahay. Waxa si tartiib tartiib ah loo sii gelayey god mugdi ah oo aan la saadaalin karin dhererkiisa iyo inta ay qaadan doonto in lagaga baxo. Dhinaca kale jabhado qabiili ah oo aan qorshe kale hayn in taliska la rido mooyee ayaa magaalooyin badan gaala-baxayey, ugu danbeytiina dagaalkii waxa uu soo gaadhay caasimaddii.

Dhammaadkii 1990ka waxaa ku soo gebogeboobay dawladdii Soomaaliyeed ee cimrigeedu ahaa 30 sano oo keliya. Ilaa maanta oo ay ka soo wareegtay labaatan sano oo kale waxa sahan loogu jiraa sidii loo ebyi lahaa ama loo unki lahaa qaran Soomaliyeed. Waa kaaf iyo kala dheeri.

Taariikhdu ninna uma hiiliso, waataa maanta ninna uu u dabbaaldegayo libinteedii ninna jiritaankiisu qiirqiir ku jiro. Abwaankii Soomaaliyeedna waa kii lahaa:

‘Taariikhdu dadkay bartaa
Dunidda waayaheeda
Taariikhdu dadkay bartaa
Waxay doraad mareen
Taariikhdu dadkay bartaa
Inay dantooda gartaan
Taariikhdu dadkay bartaa
Ninna ma doonto ninna ma diidee
Runtay dacal ku haysaa….’

Haddaba duruusta ugu muhiimsan ee laga baran karo Derbigii Baarliin waa badan yihiin. Waxa loogu horraysiin karaa saamaynta uu fekerku ku yeelan karo isbeddelka banii aadamka iyo in aan wax is-hortaagi karaa jirin haddii dadku doono in uu xaaladdiisa nololeed wax ka beddelo. Waxay qoraallada taariikhda iyo saxaafadduba tilmaamaan in si xoog ah loo ilaalin jirey labada dhinac ee gidaarka, haddana markii dadku ku qamaameen ee ay dubbaha iyo mandaraqa ku bilaabeen waa la celin kari waayey, iyana xadhkahay goosteen. Wariye u soo warramayay kanal caalami ah oo sawirradaa ka faalloonayay waxa uu tilmaamay in ay noqotay mid la garan waayo si loo sharraxo markii la arkay dadkii oo u tallaabaya dhinaca galbeedka, askartiina aanay wax xabbad ah ku ridayn.

Ra’iisal wasaaraha ingiriiska Gordon Brown oo eray ka yidhi xafladdii dabbaaldegga waxa hadaladiisii ka mid ahaa: ‘Gidaarkii ka dhignaa xabsiga adag ee aan cidi ka baxsan karayn waxa jebiyey; Qiiro (iimaan), dad ku dhiirraday in ay riyoodaan- ‘himiladooda gaadhaan’ xilli adag oo mugdi ah’. Su’aasha isweydiinta lehi waxay tahay imisa gidaar ayaa kala dhexyaal ummadda Soomaaliyeed ee aan cidi dibad kaga soo duulin derbi muuqdana aan la kala dhexdhigin, laakiin ay u dhexeeyaan boqollaal gidaar oo ka dhaadheer kii Baarliin.

Waxay u baahan tahay maskax in badan soo jeedda oo habeen iyo maalin fekerta (riyoota) sidii ay isbeddel ku gaadhi lahayd marka danbena ficil ku darta sida dadka Jarmalka oo kale.

Check Also

Yeelidda ayaa ka habboon ka sheekeynta

إِنَّ اللّهَ لاَ يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنْفُسِهِمْ “Eebbe ma beddelo duul ilaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *