Dhambaalka Jimcaha — 1 | 03 Shacbaan 1441 | 27 Maaj 2020
Shareecada iyo Qaabaynta Nolosheenna
Falalka Banii Aadamku waxa ay u qaybsamaan kuwo ay ugu jiran dheef iyo maslaxo, haddii ay tahay mid adduun, mid aakhiro, ama mid labadaba xidhiidh la leh, iyo qayb keenaysa dhib adduun, mid aakhriyo, ama mid labadaba xidhiidh la leh.
Dhib iyo dheef wixii aakhiro yaalla iyo wixii lagu mutaysto waxaa laga ogaan karaa diinta. Laakiin, dhanka adduunka marka la fiiriyo, caadada iyo tijaabooyinka (saynis) ayaa lagu garan karaa wixii dheef laga heli karo amaba sabab u noqon kara sidii dheeftaas lagu gaadhi lahaa. Waxaa kale oo iyaduna caadada iyo tijaabada lagu ogaan karaa wixii dhib adduun sabab u noqon kara amaba dhibkaas suuragalin kara.
وأما مصالح الدنيا وأسبابها ومفاسدها فمعروفة بالضرورات والتجارب والعادات والظنون المعتبرات ، فإن خفي شيء من ذلك طلب من أدلته ، ومن أراد أن يعرف المتناسبات والمصالح والمفاسد راجحهما ومرجوحهما فليعرض ذلك على عقله بتقدير أن الشرع لم يرد به ثم يبني عليه الأحكام فلا يكاد حكم منها يخرج عن ذلك إلا ما تعبد الله به عباده ولم يقفهم على مصلحته أو مفسدته. [العز بن عبدالسلام – قواعد الأحكام]
Shareecada Islaamku waxa ay fartaa wixii dheef adduun, ama mid aakhiro ama mid labadaba la xidhiidha laga helayo, amaba sabab u noqda helitaanka dheeftaas. Faritaankaasina waxa uu ku xidhan yahay hadba wanaagga iyo dheefta falkaa laga helayaa inta uu le’eg yahay, oo wixii wanaaggiisa iyo dheeftiisu bataan faritaankiisu wuu ka adag yahay wixii dheeftiisu yar tahay. Sidaas oo kale, waxa ay shareecadu reebtaa oo diiddaa wixii dhib ruuxa u keena ama sabab u noqda dhibkaas. Reebitaankaasina waxa uu ku xidhan yahay hadba dhibaatadu inta ay le’eg tahay iyo heerka foolxumada iyo fasaadka ka dhalanaya ama ka dhalan kara.
Waxaa dhici karta in marinka maslaxada lagu gaadhayaa uu asal ahaan yahay dhib iyo mafsado, laakiin shareecadu inoo bannayso amaba ina farto si aan u gaadhno maslaxadda uu suuragalinayo. Iyada oo la ogsoon yahay in qof gacantiisa oo la gooyaa ay tahay dhibaato iyo mafsado, haddana waxa ay noqon kartaa maslaxo iyo wanaag haddii gacantii ay caabuqdo oo inta gaangiriin ku dhaco looga baqo in uu jidhkii kale ku faafo. Markaa gacangoyntii asal ahaan mafsadada ahayd waxay isu beddeshay “maslaxo”, maadaama ay suuragalinayo in jidhkii intiisii kale dhib weyn oo soo foodsaartay laga badbaadiyo.
وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَالَمِينَ
Diintu waa naxariis.
Diintu waa daryeel.
إِنَّ هَذَا الْقُرْآنَ يَهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ
Haddii Qur’aanku inagu hanuuniyo midda toosan ee qumman, suuragal ma aha in wax lamahuraan u ah badbaadadeenna adduun iyo aakhiro ay diinta ka maqan yihiin, oo Alle ayaa inoo sheegay taas.
مَّا فَرَّطْنَا فِي الْكِتَابِ مِن شَيْءٍ ۚ
Diintu waa hagihii nolosha qofka Muslimka ah iyo habnololeedkii Alle inoo dejiyay. Waxay jidaysay wixii wanaag inoo ah ee aynu danteenna adduun iyo aakhiraba ku gaadhayno, waxayna joojisay wixii labadaa dhibaato u keeni kara.
Suldaankii Culamada, al-Ciz ibnu Cabdisalaam AHUN, ayaa waxa uu leeyahay:
الشريعة كلها مشتملة على جلب المصالح كلها، دقها وجلها، وعلى درء المفاسد بأسرها دقها وجلها…
“Shareecadu gebi ahaanteedaba waxay kulmisay xaqiijinta dheef oo idil, middeeda yar iyo teeda weyn, iyo joojinta dhibaatooyinka oo idil, kuwooda yar iyo kuwooda weynba.” [Qawaacidul Axkaam].
Dhab ahaan haddii loo eegana, dhibta oo la hor istaago qudheedu waa dan iyo maslaxo. Markaa waxaa la odhan karaa, sida uu sheego qabo, diintu waxay ku dhisan tahay xaqiijinta danteenna. Danta iyo maslaxada ay diintu dhowrto waxaa gundhig u ah shan arrimood oo asaasi ah: dhowridda diinta, nafta, nasabka iyo sharafta, hantida, iyo caqliga.
Mar ayaa waxaa imanaysa in dhibtii iyo dheeftii ay isku dhacaan, ayna lamahuraan noqoto in la kala doorto. Mar ayaa labo dheefood iska hor imanayaan oo lagu khasbanaanayaa in mid la doorto. Marka ay noqoto in qofku gaajo u dhinto ama uu cuno hilib doofaar, diintu waxay ahmiyadda koowaad siinaysaa badbaadinta nafta, hilibkii doofaarkuna halkaasuu qofka u bannaanaanayaa. Maslaxaddii ka dhalanaysay hilibka doofaarka oo laga fogaado, waxaa laga hormarinayaa nafta oo la badbaadiyo. Qofkii inuu waajibkii soonka guto, ama salaaddii masjidka xaadiro maslaxaddii ku jirtay, mar ayaa waxaa laga hormarinayaa maslaxadda badbaadada qofka.
Diintu waxay dhowrtaa hantida qofka waxayna jidaysay ciqaabidda ciddii ku xadgudubta, sida in tuugga gacanta la gooyo. Waxaanse ogsoon nahay in abaar dhacday awgeed, uu Cumar ibnul Khaddaab RC joojiyay in ciddii wax xadda gacanta la gooyo, sababta oo ah baahidii darnayd ee jirtay ayaa dadka ku kallifi kartay inay hantida cid kale qaataan.
Masuuliyadda qofka saarani waxay ku jaango’an tahay in aan Alle qofka saarin wax uusan awood u lahayn.
لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا
Taas awgeed, waajibka qofka saaran iyo waxa ka reebbanba waxay ku xidhan yihiin awooddiisa, dhibtuna waxa ay bannaysaa wax xaaraan ahaa, sida ku xusan qaacidada,
الضرورة تبيح المحظورات
Sidaas awgeed, marka mashaqo iyo dhibaato ay yimaaddaan, diintu waxa ay sharciyaysay fududayn. Qofkii bukaanka ahaa ee sarajoogga ku tukan waayay fadhi inuu ku tukadaa loo oggolaaday. Kii socdaalka ahaa in uusan soomin, salaadihiina israaciyaa loo oggolaaday, hooyadii uurka lahayd ama ilmaha nuujinaysay inay soonto waa laga daayay, iwm.
“Caynkii aadan ka darayniyo
Camalkii aadan hurayn baa
Danta loo cuskadaa”
Jaamac Kadiye Cilmi — Caqli-Celin
Meelo badan oo Qur’aanka ah ayaynu ku arki karnaa in aysan diintu dhib lahayn iyo in aan Alle dhib ina la rabin, ee Uu hadba sidii danteennu ku jirto inoo fududeeyay.
وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ
مَا يُرِيدُ اللَّهُ لِيَجْعَلَ عَلَيْكُم مِّنْ حَرَجٍ
يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ
يُرِيدُ اللَّهُ أَنْ يُخَفِّفَ عَنْكُمْ وَخُلِقَ الإِنْسَانُ ضَعِيفًا
Halkan waxaa ka dhalatay qaacido muhiim ah, kana mid ah shanta qaacido ee diinteennu ay ku wareegto:
الضرر يُزال
Dhibta waa la baabi’iyaa.
Qaacidadan asalkeedu waa xadiiska Nebiga SCW ee odhanaya
لا ضرر ولا ضِرار
Dhib ma jirto, dhibidna ma jirto.
Gaajadii darnayd ee dhimashada keeni kartay waxaa lagu baabi’inayaa in wixii la heli karo la cuno, doofaar ha ahaato, hanti cid kale ha ahaato, … Xeerkii sharciga ee doofaarka xaaraanta ka dhigay, waxaa laga hor marinayaa badbaadinta nafta iyo in dhibta laga kor qaado. Asalkuna waa in joojinta dhibtu ay ka horrayso helidda wanaagga.
درء المفاسد مقدم على جلب المصالح
Joojinta dhibta ayaa laga hor marinayaa xaqiijinta maslaxada.
المشقة تجلب التيسير
Dhibtu waxay keentaa fududayn.
Qaacidadan fududaynta, shardiyayeeda waxaa ka mid ah in dhibtu ay tahay mid ka baxsan heerkii caadiga ahaa waxyeellana ay u keeni karto qofka naftiisa, maalkiisa, ama wax kale oo xaladihiisa ka mid ah. Waa in ay tahay mashaqo dhab ah ee aysan mala-awaal ahayn… Mashaqooyinka sharcigu tixgaliyana waxaa ka mid ah cudurka. [المفصل في القواعد الفقهية, 209-206.]
Ebyoonaanta Diinta
Xajkii Sagootinta ee muddo yar dabadii uu Nebiga SCW geeriyooday, ayay soo degtay aayaddan sheegaysana in diintii dhammaystirantay.
الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا
“Maanta ayaa Aan idiin dhammaystiray diintiinnii, korkiinnana ku ebyay nicmadaydii, waxaana Aan idiin ka raalli noqday Islaamka diin ahaan.”
Diinteennu maadaama ay tahay middii ugu dambaysay, waxyi kale oo soo degayaana uusan jirin, caqligu waxa uu keenayaa in ay leedahay awood iyo debecsanaan ay kula tacaamuli karto isbedbeddelka xaaladaheenna ilaa qiyaamaha, taas oo inoo suuragalinaysa xaqiijinta danaheenna. Shaykh Cabdulkariim az-Zaydaan waxa uu leeyahay:
وعموم الشريعة الإسلامية وبقاؤها وعدم قابليتها للنسخ والتبديل كل ذلك يستلزم عقلا أن تكون قواعدها وأحكامها على نحو يحقق مصالح الناس في كل عصر ومكان ويفي بحاجاتهم ولا يضيق بها ولا يتخلف عن أي مستوى عال يبلغه المجتمع.
[Al-Madkhal li daraasatish shariicatil Islaamiyah, b.45]
Sheekh Cabdulkariim mar kale waxa uu leeyahay maslaxo kasta helitaankeeda, iyo mafsado kasta joojinteeda shareecadu way jidaysay iyada oo loo marayo ijtihaadka ku sugan fiqhiga. Waxa uu soo xiganayaa Ibnul Qayim hadalkiisa ah in shareecadu ku dhisan tahay aasaas xikmadeed oo suuragalinaya masaalixda dadka ee aakhiro iyo adduunkaba, taas oo wada caddaalad iyo naxariis ah. Sidaas awgeed, ayuu leeyahay Ibnul Qayim, masalo kasta oo caddaaladdii uga baxda caddaaladdarro, naxariistiina lidkeeda, maslaxaddiina uga gudubta mafsado, xikmaddiina u dhaafta dheeldheel, boos kuma laha shareecada, walow ay cid la noqotay, shareecaduna waa caddaaladdii Alle addoommadiisa u dejiyay iyo naxariistii uu uunkiisa u dhigay.
فكل مصلحة مشروعة حقيقية تظهر، أو مفسدة تطرأ، فإن الشريعة الإسلامية تبيح إيجاد الحكم لتحقيق تلك المصلحة ودرء هذه المفسدة في ضوء قواعد الاجتهاد المقررة في الفقه الإسلامي؛ لأن الشريعة كما يقول الفقيه ابن القيم: “مبناها وأساسها على الحكم ومصالح العباد في المعاش والمعاد، وهي عدل كلها، ورحمة كلها، ومصالح كلها، وحكمة كلها، فكل مسألة خرجت من العدل إلى الجَوْر، وعن الرحمة إلى ضدها، وعن المصلحة إلى المفسدة، وعن الحكمة إلى العبث، فليست من الشريعة، وإن ادخلت فيها بالتأويل، فالشريعة عدل الله بين عباده، ورحمته بين خلقه”.
Sidaas awgeed suuragal ma aha marnaba in shareecadu ay dadka ka cunaqabatayso danahoodii iyo masaalixdoodii, ayaa uu ku daray Sheekh Cabdulkariim. Waxa uu hadalkiisa ku kabay weertan Ibnu Taymiyah ee tilmaamaysa in yoolka shareecadu uu yahay xaqiijinta masaalixda iyo dhammaystirkooda, iyo baabi’inta mafsadooyinka iyo yarayntooda:
لأنها جائت بتحصيل المصالح وتكميلها وتعطيل المفاسد وتقليلها
[Cabdulkariim Zaydaan, al-Madkhal li daraasatish shariicatil Islaamiyah, b.48]
Kaalinta Culamada iyo Dillaacii Cudurka Korono Faayras (COVID-19)
31-kii Disambar 2019 ayay dawladda Shiinuhu Laanta Caafimaadka Adduunka (WHO) ku wargalisay cudur cusub oo lagu arkay dhawr qof. 7-dii Janawari baa la helay faayras cusub oo cudurkan dhaliya. 13-kii Janawari wuxuu gaadhay Taaylaan, 16-kiina Jabbaan. Maalmo gudahood dhawr qaaradood ayuu ku faafay. Jan 11 buu qofkii ugu horreeyay ugu dhintay Shiinaha. 20-kii Janawari buu qofkii saddexaad Shiinaha ku dhintay. 30-kii bishana 170 qof bay dhimashadu gaadhay. 31-kii Janawari ku dhowaad toban kun (9,809) oo qof baa cudurka laga helay. Ilaa hadda dalka Shiinuhu wuxuu sheegay in 82,078 kun oo qof laga helay, waxaana u dhintay 3,298 qof.
Dalka Talyaaniga waxaa ilaa hadda laga helay in ka badan 80,500 oo qof waxaana u dhintay ka badan 8,100 oo qof. Maraykanku hadda wuxuu marayaa 100,640 oo qof. Adduunka oo idil ilaa hadda 600,000 oo qof ka badan baa laga helay, waxaana bilowgii laga joogaa saddex bilood oo keli ah. Waxaa u geeriyooday ku dhowaad 30,000 oo qof oo intooda badani ay ku dhinteen dalal hodan ah, nidaamkooda caafimaadna kuwa adduunka ugu sarreeya yihiin.
Siduu ku faafaa? Cudurku waxa uu ku faafaa marka fayrasku qof cudurka qaba uga gudbo qof kale, badanaana waxay ku timaadda istaabasho, taabashada meel fayraskii gaadhay, ama fayras hawada ku jira oo qof qufacay ama hindhisay ka soo baxay oo gala jidhka qof caafimaad qaba. Waa sababta dadka loo leeyahay guryaha jooga, labo mitir isu jirsada, gacanta ha isku salaamina, sanka iyo afka wax ku xidha,… Meelaha ugu badan ee lagu kala qaadaana waa meelaha daboolan ama cidhiidhiga ah ee aan hawada iyo cadceedda u bannaanayn, sida dhisme gudihii.
Shiinuhu markii hore way qarsadeen, ilaa dhakhtarkii sheegay sharci la dhibaateeyay (run sheeg waa ceeb sheeg), laakiin markii waa ku beryay, ee ay arkeen in cudurkani leeyahay astaamihii kuwo soo maray oo ay qarsadeen iyagana, ayay magaalooyin malaayiin qof ku nool yihiin karantiimeen.
Waxay dabbaqeen xadiiskii Nebiga SCW ee ahaa:
إِذا سمعتم به بأرضٍ؛ فلا تقدموا عليه، وإِذا وقع بأرضٍ، وأنتم بها؛ فلا تخرجوا فراراً منه
“Haddaad maqashaan degaan daacuun lagu sheegayo, ha tagina degaankaas, haddii uu ku dhaco degaan aad joogtaannaa, ha ka bixina idinkoo ka cararaya.”
Markii Cumar RC ahaa amiirul mu’miniin, ayaa daacuun ka dillaacay Shaam. Amiirkeedii Abuu Cubaydah oo uu Cumar aad u jeclaa, ayuu ku amray inuu ka soo baxo. Laakiin Abuu Cubaydah wuu diiday wuxuuna daliishaday xadiiskan. Halkii ayay isaga iyo dad badan oo kale, oo ay saxaabo badani ku jireen ku dhinteen. Cumar isna ma galin degaankii ee wuu ka noqday.
Daacuunka xadiisku ka hadlayaa wuu ka ballaadhan yahay kan aynu u naqaanno. Waa xanuun kasta oo aad u faafa (safmar) ama waxa la dhaho “epidemic” ama “pandemic” noqda. Koroona faayras waa uu soo galayaa tilmaantaa daacuunka.
Dalalka Yurub oo Shiinaha ku dhaleecaynayay sida adag ee ay dadka bandawga u saareen, ayaa markuu soo gaadhay sahashaday go’aan adagna ka qaadan kari waayay. Waa sababta dhimashadoodii kumannaan u marayso, ayna tirada uu gaadhay uga badatay tii Shiinaha. Dalalkaasi dhaqaalahoodii iyo wax kasta oo aan badbaadin nafeed ahayn hakad bay galiyeen.
Haddaba, inaga miyaysan naftu qiimo ina la lahayn? Miyaan diinteennu ina barin in dhimasho qof Muslim ahi ay ka culus tahay adduunka oo baab’a?
لزوال الدنيا أهون على الله عز وجل من سفك دم مسلم بغير حق
Maxaynu ciyaar iyo dheeldheel iyo mu’aamarad uga dhiganaynaa cudurka xawliga ku faafaya, ee aynaan haysan awood aynu ku xakamayno?
Cudurkani maadaama uu dadka u kala gudbayo sidii judaamkii, Nebiguna SCW uu ina amray in aynu qofkii qaba uga cararno sida aynu libaaxa uga cararno, maxaynu u dhegaysan la’ nahay talada dhakhaatiirta? Sow taasi ma aha sababta dad badan oo u dhintay, sida Iswiidhan, ay Soomaali u yihiin?
وفِرّ من المجذوم فرارك من الأسد
Fuqahada qaarkood waxay qabaan qofka judaamka qaba iyo ka baraska qaba inaan midna loo oggolaan inay jamaacada iyo Jimcaha yimaaddaan ama ay dadka ku dhex milmaan si aysan dadka u dhibin, haddiiba qofkii toonta ama basasha cunay loogu diiday inuu yimaaddo masjidka urtooda awgeed, kii cudurka faafinayay sow kama darna? Haddii masaajiddii la diiday sow makhaayadihii iyo meelihii kale kama horreeyaan?
لا ضرر ولا ضرار.
Meeshii ay ahayd in aynu tusaale fiican ka noqonno, ee aynu ku dhaqmi lahayn wanaaggii shareecadeenna, ayaynu wax lagu qoslo noqonnay. Culamadii baa qaar lagu kari la’ yahay masaajidda xidha, oo ah goobo ugu yaraan shan jeer maalintii intaasoo boqol isugu yimaaddaan, yar iyo weyn la isdhex joogo, bukaan iyo mid kalaba ay imanayaan. Maleeshiya dadka cudurka laga helay, 55% (in ka badan kun qof) oo ka mid ah waxay tageen, ama ka qaadeen dad tagay, kulan ka socday masjid, qaarna wayba u dhinteen. Waa cashar ay tahay in aynu ku cibro qaadanno.
Mashaqo iyo darar xaqiiqi ah ayaa jira. Awood wax lagaga qabtana ma haynno. Marka uu dillaacana wuxuu u fufaya sidii dab duur galay. Isdhowridda ayaa ka wanaagsan isdabiibidda.
“Haddaan cadawga soo dheelmadka ah, la iska dhooroofin
Dhexda maalintuu kaa galee, dhagarna kuu geysto
Dhirif iyo or-orod sida runta ah, kaama dhiciyaane
Dharbaaxadu intay kaa fogtee, soo dhabbacanayso
Lama dhagabsadee waa inaad, dhab u dareentaaye
Markaasaa dhangado loo gurtaa, dhaax la diriraaye
Oo dhawrta lays kaga gudbaa, dhacamo waaweyne.
…
Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?”
—Dhoodaan: Dhugasho.
Habeenka aadka u qabow ama roobka ah, Nebigu SCW waxa uu mu’addinka amrayay in uu dadka ku dhaho guryihiinna ku tukada, iyada oo dhibaatada laga dhowrayo.
صلوا في رحالكم
Cudurka boqollaalka kun dhibaya, ee ku dhowaad soddon kun dilay, iyo roobka ama qabowga, yaa halis badan?
Dhakhaatiirtii iyo dadkii takhasus aqooneed arrintan u lahaa way hadleen. Cudurkanina waa mid si yaab leh u faafaya dadkana u sadhaynaya. Hal qof oo masjidka yimaadda ayaa intaasoo qof qaadsiin kara isagoon xitaa astaamihii cudurka lahayn. Dadka uu dhibta ugu weyn ku hayana waa da’da odayadeenna oo ah inta badan ee masaajidda ku tukata.
Culamadu waa inay bulshada ka horreeyaan oo ay hagaan e, ma aha inay hugunka bulshada raacaan ama iyagiiba hadhaanoo dabada laga riixo! Culamada qaarkood habka ay u dhaqmayaan waa mid runtii fitno ku noqon kara dhalinyar badan oo awalba qarka saarnaa, falka wadaadkana diin u yaqaanna.
Sheekhoow, afattaanun anta?!
Wax badan baa la lahaa hebeloow diinta culamada u daa, maanta culamada qaar ayaa “offside” ku jira oo hawshii dhakhaatiirta dacalka haysta. U sii daayaanu leennahay.
Gabagabadii, Islaamku qofka ayuu masuuliyad saarayaa (كلكم مسؤول). Intii awooddaada ah iska ilaali inaad dadka dhexgashid haddii aad leedahay astaamaha cudurka safmarka ah, sida xummad iyo qufac badan ama neeftu ku qabanayso. Weliba si gaar ah uga fogoow dadka waayeelka ah. Soomaalida qurbaha joogtaana yaysan dalkii ku noqon inta xanuunkani socdo.
فصل في بيان جلب مصالح الدارين ودرء مفاسدهما على الظنون الاعتماد في جلب معظم مصالح الدارين ودرء مفاسدهما على ما يظهر في الظنون. وللدارين مصالح إذا فاتت فسد أمرهما ، ومفاسد إذا تحققت هلك أهلهما ، وتحصيل معظم هذه المصالح بتعاطي أسبابها مظنون غير مقطوع به ؛ فإن عمال الآخرة لا يقطعون بحسن الخاتمة وإنما يعملون بناء على حسن الظنون ، وهم مع ذلك يخافون ألا يقبل منهم ما يعملون ، وقد جاء التنزيل بذلك في قوله : { والذين يؤتون ما آتوا وقلوبهم وجلة أنهم إلى ربهم راجعون } ، فكذلك أهل الدنيا إنما يتصرفون بناء على حسن الظنون ، وإنما اعتمد عليها لأن الغالب صدقها عند قيام أسبابها ؛ فإن التجار يسافرون على ظن أنهم يستعملون بما به يرتفقون ، والأكارون يحرثون ويزرعون بناء على أنهم مستغلون ، والجمالون والبغالون يتصدرون للكراء لعلهم يستأجرون ، والملوك يجندون الأجناد ويحصنون البلاد بناء على أنهم بذلك ينتصرون.
وكذلك يأخذ الأجناد الحذر والأسلحة على ظن أنهم يغلبون ويسلمون ، والشفعاء يشفعون على ظن أنهم يشفعون والعلماء يشتغلون بالعلوم على ظن أنهم ينجحون ويتميزون . وكذلك الناظرون في الأدلة والمجتهدون في تعرف الأحكام ، يعتمدون في الأكثر على ظن أنهم يظفرون بما يطلبون ، والمرضى يتداوون لعلهم يشفون ويبرءون. ومعظم هذه الظنون صادق موافق غير مخالف ولا كاذب ، فلا يجوز تعطيل هذه المصالح الغالبة الوقوع خوفا من ندور وكذب الظنون ، ولا يفعل ذلك إلا الجاهلون .
واتفق الحكماء على ذلك .
وكذلك الأطباء يدفعون أعظم المرضين بالتزام بقاء أدناهما ، ويجلبون أعلى السلامتين والصحتين ولا يبالون بفوات أدناهما ، ويتوقفون عند الحيرة في التساوي والتفاوت ؛ فإن الطب كالشرع وضع لجلب مصالح السلامة والعافية ، ولدرء مفاسد المعاطب والأسقام ، ولدرء ما أمكن درؤه من ذلك ، ولجلب ما أمكن جلبه من ذلك .
فإن تعذر درء الجميع أو جلب الجميع فإن تساوت الرتب تخير ، وإن تفاوتت استعمل الترجيح عند عرفانه والتوقف عند الجهل به .
والذي وضع الشرع هو الذي وضع الطب ، فإن كل واحد منهما موضوع لجلب مصالح ودرء مفاسدهم .
[قواعد الأحكام]