Home / Dhambaalka Jimcaha / Dhambaalka Jimcaha — 2 | 10 Shacbaan 1441 | 03 Abriil 2020

Dhambaalka Jimcaha — 2 | 10 Shacbaan 1441 | 03 Abriil 2020

Dhambaalka Jimcaha — 2 | 10 Shacbaan 1441 | 03 Abriil 2020


بسم الله الرحمن الرحيم

Diinta, Dawada, iyo Daacuunka

Garashada iyo aqoontu waxay doog iyo abaarba bulshada ku hagaan, halka ay badbaadadu ku jirto, maaraynta ay keenaanna, waa waxa aadanuhu kaga caynto dabargo’ uga iman kara isbeddellada adduunyada ka dhacaya. Xanuunnada dunida soo maray, aafo halis ahna ku ahaa jiritaanka aadanaha, waxaa had iyo jeeraale looga baxsan jiray in — Alle ka sokow—, la magansado ciddii aqoon caafimaad leh, awoodaha maamul ee jirayna dadkaas ayay ku caawin jireen waxay samaynayaan, taladana iyaga ayay ka qaadan jireen. Ummad walba oo iska indhatirta sunanka kawniga ah, sababaha qaadashadooda meel iska dhigta, talasaarashada Allana si khaldan isaga dhaadhicisa, waxay halis weyn ugu jirtaa in ay dabargo’do.

Sannadkii 2009 ilaa 2010 waxaa faafay cudurkii hargabka doofaarka oo sida koroonaha hadda socda ka bilowday Shiinaha. Waxyaalihii Soomaalida Ingiriiska deggan qaarkood ay isla dhex marayeen waxaa ka mid ahayd in cudurku been yahay e, markaad dhakhtarka tagtid lagugu durayo ee yaan loo tagin! 

Cudurkan karoonaha ee hadda socdaa markuu dillaacayna, waxyaalo taas la mid ah ama ka sii daran, ayaa la wareejiyay. 

‘Waa been.’ 

‘Waxba kama jiraan.’ 

‘Maraykankaa sameeyoo Shiinahaa loola dan leeyahay.’

‘Mayee Shiinahaa sameeyay….’

‘Gaaladaa lagu ciqaabayaa oo Muslimiinta kuma dhaco…’

‘Waa qadar Ilaahay oo waxba ina yeeli maayo…’ 

‘Muslimiintu Ilaahay bay ka baqaane fayras yar kama baqaan…’

iwm. 

Soomaali ahaan, waxaynu u badannay bulsho wacyigeedu aad u hooseeyo, oo u nugul waxyaalahan oo kale. 

Qofka Muslinka ah waxaa laga rabaa inuu feejignaado oo wax hubsado, inuu garasho fiican yeesho, camal suubban la yimaaddo, mana aha in uu gurdanraac noqdo. Ma aha inay maskaxdeennu noqoto maqal la inala leeyahay oo toban muftaax lagu furto. Waa tii Ibraahin Gadhle lahaa: 

“Maskaxdaadu yay noqon

Maqal lagula leeyahay

Yaan toban muftaaxiyo

Lagu furan masaabiir.”

—Ibraahin Gadhle.

Ma aha in maskaxdeenna lagu maamulo muuqaallo iyo hadallo ama qoraallo Whatsapp ama meel kale inaga soo gaadhay. Waa inaan hubsannaa waxa ina soo gaadhaya. Hubsiimana hal baa la siistaa. 

Waa midda Qur’aanku ina farayo:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنْ جَاءَكُمْ فَاسِقٌ بِنَبَإٍ فَتَبَيَّنُوا أَنْ تُصِيبُوا قَوْمًا بِجَهَالَةٍ فَتُصْبِحُوا عَلَى مَا فَعَلْتُمْ نَادِمِينَ

Nebiguna SCW wuxuu yidhi: qofka waxaa been ugu filan inuu sii sheego wax kasta oo uu maqlo. 

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : كفى بالمرء كذبا أن يحدث بكل ما سمع. رواه مسلم

Xadiis kale oo la mid ah ayaa isna odhanaya: qofka waxaa dembi ugu filan in uu sii sheego wax kasta oo uu maqlo. 

وعن أبي هريرة أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : كفى بالمرء إثما أن يحدث بكل ما سمع. 

Ogoowna, wixii aad faafiso ee qof intuu run u qaato ay dhibi ka soo gaadho, masuuliyad baad ku leedahay. 

In aynu wax kasta mu’aamarad iyo shirqool gaalo ka dhigno, waa waxa keenaya in meelaha cudurkani ku faafay qaarkood aynu ugu badan nahay tirada geerida, inagoo tiro ahaan wax yar ka ah bulshada meesha deggan. 

Kaaga daran e, qaar baa cudurkii intay qarsadaan, dadka dhex galaya oo qaadsiinaya — ama aqoondarro aysan jiritaankiisa aaminsanayn ha ka ahaato, ama xaasidnimo ha ka ahaato e. 

Qofka sidaa yeela, ee qof uu qaadsiiyay uu u dhinto, sow muu dilin? Haddaan dadku ogaan, sow Alle ma oga? 

Midda kale, qaddartii Alle ayaynu si khaldan u adeegsanaynaa. Qofna dab intuu gacanta la galo, ama gaadhi xiimaya isu dhigo, ma yidhaahdo: “Waa qadar Alle oo marka saacaddayda la gaadhaan dhimanayaa.” 

Qadarkan fahankiisii inagu qalloocday, waxaa ina baray Nebiga SCW, sidii uu u fahmay ee ugu dhaqmay iyo dhaqankan hadda socdaana waa labo aan islahayn. 

Diinta iyo Cudurrada Faafa

Diinta yoolkeedu waa maslaxadeenna iyo danteenna, iyada oo ka duulaysa ka hortagidda wixii dhibaato keenayana, waxay jidaysay xakamaynta cudurrada halista ah ee faafa. 

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: لَا يُورِدَنَّ مُمْرِضٌ عَلَى مُصِحٍّ.

Nebigu SCW wuxuu xadiiskan ku amrayaa qofkii xoolihiisu cudur qabaan inuusan ku foofin xoolo dad kale oo caafimaad qaba. 

Nebiga SCW ayaa waxaa u yimid wafdi ka socda reer soo muslimay oo rabay inay bayco la galaan. Waxaa la socday nin juudaan qaba. Nebigu SCW ninkii wuxuu u diray farriin ah: halkaagaa ayaanu baycadii kaala galnay e iska noqo. 

حَدِيثِ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ: أَنَّهُ كَانَ فِي وَفْدِ ثَقِيفٍ رَجُلٌ مَجْذُومٌ، فَأَرْسَلَ إِلَيْهِ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «ارجع فقد بايعناك».

Si cad ayuuna Nebigu SCW inoo amray inaynu ka dheeraanno qofka juudaanku ku dhacay, wuxuuna adeegsaday tusaale la fahmi karo oo ah in looga cararo sida libaaxa looga cararo. 

«فِرَّ مِنَ الْمَجْذُومِ كَمَا تَفِرُّ مِنَ الْأَسَدِ»

Waxaa jira xadiis sheegaya in Nebigu SCW yidhi: qofka juudaanka qaba markaad la hadlaysid, u jirso in le’eg dhererka hal ama labo waran. Saxaabi Mucayqiib la odhan jiray oo juudaanku ku dhacay ayaa isna la sheegaa in Cumar ku yidhi waran dhererkii in le’eg ha ii soo dhaafin. Walow ay ‘sanad’ ahaan daciif yihiin, macne ahaan waa sax, oo cilmi caafimaadka ayaa daliil u ah. Maantana waa midda dhakhaatiirtu ina farayso ee ah in mitir ama labo mitir la isu jirsado. 

Juudaanku waa cudur faafa oo ay keento bakteeriyada ‘Mycobacterium leprae’. Walow aan si qeexan loo ogayn qaabka uu ku faafo, waxay u badan tahay inuu taabasho iyo neefsiga hawo bakteeriyadu ku jirto lagu kala qaado. Qofka ay tahay in laga fogaadaa waa ka aan dawo helin. Haddii qofka la daweeyo, dhaawacii hore u gaadhay kama ba’ayo laakiin faafiddii cudurka dawadu way joojinaysaa. 

Mucayqiib waxaa markii dambe daweeyay labo dhakhtar oo Yaman ka yimid xilligii Cumar RC, isla weel ayuuna wax kula cuni jiray Cumar. Taasina waxay muujinaysaa in ujeedka xadiisku uusan ahayn qofka in la fanteeyo e, ay tahay in la iska ilaaliyo cudurka maadaama aysan dawo jirin xilligaa. Immika dawo ayaa loo hayaa (multidrug therapy: dapsone, rifampicin and clofazimine) mana aha in qofka la takooro, oo Mucayqiib waxa uu xilal u hayay Nebiga SCW, khilaafadii Abuu Bakar xil buu hayay, tii Cumarna baytul maalka isagaa hayay. Imaam Dahabi markii uu Mucayqiib taariikhdiisa ka hadlay, xadiiska ka fogaanshaha qofka cudurka qaba wuxuu raaciyay inaan la dareensiin qofka bukaanka ah si aan loo murugo galin. 

لَكِنْ لِيَكُنْ ذَلِكَ بِحَيْثُ لَا يَكَادُ يَشْعُرُ الْمَجْذُومُ ; فَإِنَّ ذَلِكَ يُحْزِنُهُ.

Isdaweynta

Soomaali haddaynu nahay waxaan caadaysannay inaynu cudurrada qarsanno, oo aynaan dawo doonan ilaa xaaladdu xumaato, ama aynu ku wareegno dhir iyo wax la mid oo uu wareejinayo ganacsade aan aqoon caafimaad lahayn, mararna shaadh diimeed loo galiyo si la inooga dhaadhiciyo. 

Nebigu SCW wuxuu ina amray inaynu isdawayno wuxuuna inoo sheegay in cudur kastaa leeyahay dawo Alle ugu talagalay, garannay ama yaynaan garan e. 

تَدَاوَوْا عِبَادَ اللَّهِ، فَإِنَّ اللَّهَ لَمْ يَضَعْ دَاءً إِلَّا وَضَعَ مَعَهُ شِفَاءً إِلَّا الْهَرَمَ.

إِنَّ اللَّهَ لَمْ يُنْزِلْ دَاءً إِلَّا أَنْزَلَ لَهُ شِفَاءً، عَلِمَهُ مَنْ عَلِمَهُ وَجَهِلَهُ مَنْ جَهِلَهُ.

Xadiis kale Nebigu SCW wuxuu ku sheegay in haddii cudurka dawadiisa loo helo, lagu caafimaadayo. 

لِكُلِّ دَاءٍ دَوَاءٌ فَإِذَا أَصَابَ دَوَاءُ الدَّاءِ بَرَأَ بِإِذْنِ اللَّه

Isdawaynta iyo qadarku isma diidayaan, haddii kale harraadka waa inaan biyo loo cabbin, gaajadana aan cunto laga cunin, qabowgana aan maryo dugsoon la iskaga dhowrin.

Diinteennu waxay ku dhisan tahay kala dambayn iyo in aqoon walba ciddeeda laga qaato.

 فَاسْأَلُوا أَهْلَ الذِّكْرِ إِنْ كُنْتُمْ لا تَعْلَمُونَ

Waxaa jira xadiisyo tilmaamaya Nebiga SCW oo qof buka soo booqday inuu yidhi dhakhtar ugu yeedha. Sidaa oo kale, mar labo dhakhtar u yimaaddeenna in uu weydiiyay kooda dhakhtarnimada ku fiican ee u aqoonta badan. Ibnul Qayim oo faallaynaya ayaa yidhi waxaa xadiiskan laga qaadanayaa inay lamahuraan tahay in aqoon kasta loo kaalmaysto cidda ugu aqoonta badan, maxaa yeelay, qofkaas ayaa ugu dhow inuu haleelo wixii la rabay. 

فَفِي هَذَا الْحَدِيثِ أَنَّهُ يَنْبَغِي الِاسْتِعَانَةُ فِي كُلِّ عِلْمٍ وَصِنَاعَةٍ بِأَحْذَقِ مَنْ فِيهَا فَالْأَحْذَقِ، فَإِنَّهُ إِلَى الْإِصَابَةِ أَقْرَبُ.

Dhakhtarnimadu bawsi iyo iskayeelyeel ma aha. Nebigu SCW wuxuu yidhi qofkii dhakhtarnimo uusan aqoon iska yeelyeela wixii uu geysto waa loo haystaa. 

«مَنْ تَطَبَّبَ وَلَمْ يُعْلَمْ مِنْهُ الطِّبُّ قَبْلَ ذَلِكَ، فَهُوَ ضَامِنٌ»

Sida Ibnul Qayim iyo al-Khaddaabi sheegeenna waa arrin ay culamadu ka midaysan yihiin. Aqoon uusan qofku lahayn hadduu isku kallifo oo uu cid dhibaato ugu gaysto, masuuliyaddii isagaa qaadaya. 

وَأَمَّا الْأَمْرُ الشَّرْعِيُّ، فَإِيجَابُ الضَّمَانِ عَلَى الطَّبِيبِ الْجَاهِلِ، فَإِذَا تَعَاطَى عِلْمَ الطِّبِّ وَعَمَلَهُ، وَلَمْ يَتَقَدَّمْ لَهُ بِهِ مَعْرِفَةٌ، فَقَدْ هَجَمَ بِجَهْلِهِ عَلَى إِتْلَافِ الْأَنْفُسِ، وَأَقْدَمَ بِالتَّهَوُّرِ عَلَى مَا لَمْ يَعْلَمْهُ، فَيَكُونُ قَدْ غَرَّرَ بِالْعَلِيلِ، فَيَلْزَمُهُ الضَّمَانُ لِذَلِكَ، وَهَذَا إِجْمَاعٌ مِنْ أَهْلِ العلم.

وقال الخطابي: لَا أَعْلَمُ خِلَافًا فِي أَنَّ الْمُعَالِجَ إِذَا تَعَدَّى، فَتَلِفَ الْمَرِيضُ كَانَ ضَامِنًا، وَالْمُتَعَاطِي عِلْمًا أَوْ عَمَلًا لَا يَعْرِفُهُ مُتَعَدٍّ، فَإِذَا تَوَلَّدَ مِنْ فِعْلِهِ التَّلَفُ ضَمِنَ الدِّيَةَ، وَسَقَطَ عَنْهُ الْقَوَدُ، لِأَنَّهُ لَا يَسْتَبِدُّ بِذَلِكَ بِدُونِ إِذْنِ الْمَرِيضِ وَجِنَايَةُ الْمُتَطَبِّبِ فِي قَوْلِ عَامَّةِ الفقهاء على عاقلته.

Talada dhakhaatiirta inaan qaadanno danteenna iyo badbaadadeenna ayaa ku jira. Dadka aan raacayn jihaynta dhakhaatiirta waa in la iska qabtaa si aysan inoo halligin. Waxay ka dhigan yihiin tusaalihii Nebigu SCW ina siiyay ee dadkii doonta wada saarnaa, ee kuwii qaybta hoose ku jiray ay damceen inay dalooshadaan meel ay biyaha badda ka gaadhaan iyagoon kuwa hor jooga dhibin. Haddii aan laga qaban, kulligood way halaagmayaan, haddii laga qabtana way wada badbaadayaan. 

عن النعمان بن بشير رضي الله عنهما عن النبي صلى الله عليه وسلم، قال: (مَثَلُ الْقَائِمِ عَلَى حُدُودِ اللَّهِ وَالْوَاقِعِ فِيهَا؛ كَمَثَلِ قَوْمٍ اسْتَهَمُوا عَلَى سَفِينَةٍ, فَأَصَابَ بَعْضُهُمْ أَعْلَاهَا, وَبَعْضُهُمْ أَسْفَلَهَا, فَكَانَ الَّذِينَ فِي أَسْفَلِهَا إِذَا اسْتَقَوْا مِن الْمَاءِ مَرُّوا عَلَى مَنْ فَوْقَهُمْ, فَقَالُوا: لَوْ أَنَّا خَرَقْنَا فِي نَصِيبِنَا خَرْقًا وَلَمْ نُؤْذِ مَنْ فَوْقَنَا, فَإِنْ يَتْرُكُوهُمْ وَمَا أَرَادُوا هَلَكُوا جَمِيعًا, وَإِنْ أَخَذُوا عَلَى أَيْدِيهِمْ نَجَوْا وَنَجَوْا جَمِيعًا) رواه البخاري.


Gabagabadii, xilligan adag waxaa loo baahan in si wadajir ah looga gudbo. Dadka danyarta ah waa inaynu kaalmayno. Sida Nebigu SCW inoo sheegay, cuntada hal qof labo ayay ku filan tahay, tii labo loogu talagalayna saddex way deeqdaa, cuntadii saddexduna afar ku filan. 

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ أَنَّهُ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ طَعَامُ الِاثْنَيْنِ كَافِي الثَّلَاثَةِ وَطَعَامُ الثَّلَاثَةِ كَافِي الْأَرْبَعَةِ

Nebigu SCW xadiis kale waxa uu ku amray Jaabir ibnu Cabdillaahi, in markay hilibka karsanayaan ay maraqa iyo biyaha badiyaan si ay deriska wax uga siiyaan. 

عَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ – صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ – : ” إِذَا طَبَخْتُمُ اللَّحْمَ فَأَكْثِرُوا الْمَرَقَ – أَوِ الْمَاءَ – فَإِنَّهُ أَوْسَعُ أَوْ – أَبْلَغُ – فِي الْجِيرَانِ ” 

Murti Soomaaliyeedna waa tii lahayd: 

“Nin qaldan qabashadii. Nin qumman quwayntii, iyo nin qatan quudintii baa tol ku dhaqnaa.”

Maalin gacanta la laabto lama joogo. 

Check Also

Dhambaalka Jimcaha — 7 | 15 Ramadaan 1441 | 08 May 2020

Dhambaalka Jimcaha — 7 | 15 Ramadaan 1441 | 08 May 2020 بسم الله الرحمن الرحيم …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *