Home / Dhambaalka Jimcaha / Dhambaalka Jimcaha — 3 | 17 Shacbaan 1441 | 10 Abriil 2020

Dhambaalka Jimcaha — 3 | 17 Shacbaan 1441 | 10 Abriil 2020

Dhambaalka Jimcaha — 3 | 17 Shacbaan 1441 | 10 Abriil 2020


بسم الله الرحمن الرحيم

“Waxa Xiga” 

“Shil baa dunidii ku dhacay

Daacuun halisaa ku fiday

Duufaan simay baa la tegey.”

— Hadraawi: Dabahuwan

Cudurkan adduunkii asqeeyay wuxuu muujiyay siday dawladnimadu lamahuraan u tahay, ee aan looga maarmayn inay dawladdu buuxiso kaalinta ay dadku qof-qof uga gaabiyaan, ee awood wadareed u baahan. Haddii qabiilku qaadhaan ku kaalmayn jiray qofkooda dhibaataysan, midda maanta socotaa way ka baaxad weyn tahay taas. Awood qabiil iska daaye, awoodda hal dawlad ayaan wax badan ka qaban karin, oo waxaa lamahuraan ah iskaashi dawladeed iyo guud ahaanba aadane. 

Cudurkani wuxuu daaha ka fayday halista xaaladda aynu ku sugan nahay, Soomaali ahaan, iyo baahida aynu u qabno isbeddel dhan kasta ah. 

Hore way inoo soo waajaheen dhibaatooyin masiiri ahi, waxaynuna kaga samatabaxnay hannaan dawladnimo, iskaashi bulsho, karti ummadeed, iyo taageero caalami ah.


Abaartii Dabadheer

Intii u dhexaysay 1974-1975 waxaa dalka ku habsatay abaartii Dabadheer, oo lagu tilmaamo middii ugu darnayd ee ina soo marta, inta la xusuusto. Waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 20, 000 oo carruur iyo waayeel ahi inay ku naf waayeen— ayna ku baaba’een kalabadh adhigii, saddex-meelood-meel lo’dii, iyo dalaggii beeraha in badan oo ka mid ahi. 

Iyada oo aysan isgaadhsiintu wanaagsanayn, haddana waxay abaartu ku soo beegantay ololihiii horumarinta reer miyiga oo sababay in arday iyo macallimiin badani miyiga tagaan, xaaladdiina ay ka soo warbixiyaan. Dawladdu waxay markiiba wargalisay Qaramada Midoobay iyo Midowgii Soofiyeeti, waxayna ka codsatay taageero. 

Waxaa markiiba awooddii dalka loo jiheeyay wax ka qabadka abaarta. Waxaa la furay xeryo la dejiyo kumaannaanka miyiga ka soo hayaamaya ee xoolahoodii abaarta ku le’deen. Waxay ahaayeen 20 xero oo mararka qaar ay imanayeen 5000 oo qof maalinkii, ilaa ay wadartu gaadhay ku dhowaad 300, 000. Dawladdu waxay u qoondaysay $40 milyan halka ay taageero $43 milyan oo cunto ah iyo $39 milyan oo lacag ah, iyo qalab caafimaad iyo dawooyin ay ka heshay adduunka. Xeryaha qaar waxaa dhibaato weyn ku hayay caafimaaddarro, waxaana loo diray dhakhaatiirtii Xoogga Dalka. 

Markii roobabkii da’een ayaa dadka intoodii badnayd ku noqdeen degaankoodii. Waxaase soo hadhay ilaa boqol kun. Dadkii soo hadhay waxaa loo sameeyay qorshe lagu dejinayo ilaa 100, 000 oo qof dhul beereedka Dujuuma, Sablaale, iyo Kuntuwaarray, si ay beeraha u fashaan, ilaa 14,000 iyagana waxaa la dejiyay xeebaha Marka, Eyl iyo Cadale. 

Dadkii waxaa xeryihii lagaga daabulay gawaadhi iyo diyaarado Ruushku keenay, waxaana qorshuhu ahaa inay qayb ka noqdaan isku fillaansho dhanka cuntada ah oo uu dalku gaadho, dadka reer miyiga ahna loo gaadhsiiyo adeegyo waxbarasho iyo caafimaadba. Dad badan ayaa ku badbaaday dedaalkaa dawladdu samaysay, laakiin markii dambe kuwo badani way la qabsan waayeen habnololeedkii cusbaa waxayna dib ugu noqdeen noloshoodii hore. 


Abaartii Siigaley

Sannadkii 18-aad ee hijriga, Khilaafadii Cumar RC, ayaa waxaa Jasiiradda Carbeed ku habsatay abaar Dabadheer ka daran. Dadkii oo dhibaataysan ayaa Madiinah ku soo dareeray. Maalmo gudahood bay 60, 000 gaadheen. Cumar RC wuxuu u sameeyay guddiyo qaabilsan daryeelkooda iyo quudintooda. Cumarna, maaraynta guud isaga oo ka masuul ah, ayuu haddana shaqada qayb ka ahaa oo uu xitaa cuntada wax ka qaybinayay. Ciddii iman kari wayday Madiinah, degaankoodii buu cunto loogu diray. Bukaankiina wixii daryeel caafimaad loo helayay ayaa la siinayay. 

Cumar islamarkiiba farriimo uu gargaar degdeg ah kaga codsanayo ayuu u diray degaannadii kale ee Muslimiinta, sida Masar oo Camr ibnul Caas guddoomiye ka ahaa, Ciraaq, Faaris, Shaam. Mid walbaana cunto iyo dhar wixii uu heli karay ayuu u soo diray. 

Markii roobkii da’ay, wuxuu u diyaariyay gaadiid qaada iyo cunto ilaa bil ku filan, cid degaankoodii gaadhsiisana wuu raaciyay. 

Cumar wuxuu isaga dhaartay cunto iidaan leh, ilaa muuqaalkiisii doorsoomay. Waxaa la sheegaa in marka gaajadu calooshiisa kaga sanqadhiso, uu calooshiisa odhan jiray: qururuclee ama ha qururuclayn, dhergi maysid ilaa ilmaha Muslimiintu dhergaan! Si dhibaatada loo yareeyo, wuxuu joojiyay uruurintii sakada sannadkaas, sannadkii xigay ayaana dadkii bixiyeen. Sidaa oo kale wuxuu amray inaan qof wax xaday gacanta la goyn. Marka loo eego in 1423 sano laga joogo abaartan, haddana farqi weyn uma dhexeeyo tallaabooyinkii Cumar qaaday iyo kuwa maanta ay qaadayaan dalal badan oo Yurub iyo Maraykan ahi. Caqli suubban iyo naxariis markay iskaashadaan, natiijadu way isu imanaysaa, sannadkii la doono ha la joogo e. 

Wixii rag u kaco ee Rabbina aqbalo waa rumoobaan. 


Kadeedka Koroonaha 

Maanta dalal badan oo adduunka ka mid ah ayaa xaalado degdeg ah la galiyay si loo xakameeyo faafidda cudurkan COVID-19. Wixii ay awood lahaayeen waxay isugu geeyeen inay dadkooda ka samatabixiyaan dhibaatadan soo wajahday. 

Dalalka Taaywaan iyo Singabuur, oo cudurro hore cashar ka qaatay, heegan bay ahaayeen, muddo yar gudaheedna way ku guulaysteen xakamaynta cudurkan. 

Dawlado waaweyn oo magac, maamuus, iyo maalba leh ayaa is-arkay iyagoo meel cidlo ah taagan oo aan waxba diyaarsan. Dalka Ingiriiska—oo in muddo ahba xisbiga talada hayaa wiiqayay hannaanka caafimaad ee miisaaniyaddiisa cashuurta laga bixiyo, si uu ula simo kan Maraykanka ee aan dawladdu maalgalin—, ayaa waxaa la arkay iyada oo aan qalab badbaado shaqaalaha caafimaadku haysan, aan awood loo lahayn in la baadho dadkii cudurka looga shakiyay, aan la haynin qalab ku filan dadka neeftu qabato. Maraykankii ay ku dayanayeenna kaba sii daran. 

Talyaaniga, Isbayn, iyo Faransiiskuna sidaas oo kale ayaysan diyaar u ahayn. Halka Jarmalku haystay qalab dheeraad ah, iyo awood baadhitaan oo ballaadhan. Waa waddan dhaqaalihiisu ku dhisan yahay warshadayn iyo qalab dhoofin, ee aan xoogga saarin “adeeg” ama “services”. Walow ay taasi dhacday, way isdabaqabteen. Intaana kuma joogine, naf la showrid, xisaabtan, iyo xal raadin baa bilaabatay. 

Maadaama ay yihiin dalal maalgashaday nidaamkooda waxbarasho iyo horumarinta sayniska, kuna horreeya teknooloojiyadda iyo halabuurka, shirkadihii baa loo jiheeyay inay sameeyaan qalab aysan hore u samayn jirin. Dad dhisan markaad haysatid, waa adigoo qofkii nooc cuntada ka mid ah karinteeda xariifka ku ahaa, ka codsaday in uu cunto kale oo uusan aqoon kariyo. Muddo yar ka dib inuu sidii aad rabtay si ka fiican u kariyaaba suuragal ah. 

“Nin yaraan ku loofaray wuxu lumiyay raacdeeye”

— Salaan Carrabey: Lukaansi. 

Waxaa caddaatay, inaan la isku hallayn karin alaab meel fog lagu soo sameeyo, oo ay lamahuraan tahay in waxsoosaarka la soo dhoweysto. Horena waa tii murtida Soomaaliyeed u tidhi: ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto. Waddanku inuu waxyaalaha asaasiyaadka ah soosaarto ama kayd fiican ka haysto, waa lagama-maarmaan.  

Ninba intuu cunuu ciidamiyaaye, dadyowgii nidaamka iyo dawladnimada xooggan dhistay, maanta ayay dhuuqayaan malabkay dhitaysteen. Finlaan oo dhiillo ka qabta Ruush mar kale ku soo duula, ama badda oo ka xidhanta, sidii dagaalkii labaad ee aduunka looga baxayba kaydkoodii halkii bay ka sii wadeen, wayna adag tahay in qalalaase yar oo dibadda ahi gilgilo in muddo ah. 

“Dhurde ma laha dhuux iyo laf iyo, dhiibsanow muruqe

Dhirtana waa ka miidduu ka dhuray, lala dhamaayaaye

Intaan ubuxu dhadhin ee ku yaal, laanta dhaladeeda

Ee uu mankuba dhaadan yuu, tacab dhitaystaaye

Hadhow buuse wuxuu sii dhigtiyo, malabkii dhuuqaaye.

Aboorkuna dhareer iyo wuxuu, ciid isugu dhoobay

Ee uu dundumada uga dhigay, amuu u dheeraystay

Waa jidhacuu dhiilada ka qabay, inuu ka dhuuntaaye.”

— Dhoodaan: Dhugasho. 


Khalwo

Maanta madaxda Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay tallaabooyin wax-ku-ool ah qaadaan, si ay dadka uga badbaadiyaan aafadan ku soo fool leh, iyo kuwo kale oo iman doonaba, Alle ayaa wax badbaadiyee. 

“Hurdo iyo mucaawimo ajnebi horeba loo eedye

Himmad iyo dedaal wada jiraan hodan ku gaadhnaaye

Ninna kuma harraad baxo biyaha hoo la leeyahaye

Waxaad ka hirqataa labada sacab waxay haleelaane

Inkastaan tallaabo hor leh iyo kaalmo badan hayno

Weli waa horraysaa rugtii loo horseed tagaye

Hoobaantii wax inooga hadhay hawlaan qabanaaye

Kolkii uu raggii hore hayuu habacsanaa xaalku

Kuwaad u handanayseen hadday idin hoggaansheene

Ku hanuuna waataa xornimo haanta loo culaye.”

—Xaaji Aadan: Faallada Soomaalida.

Aafadani way ina dhaafaysaa, idam Alle. Laakiin maxaa xigi?

Guryaha jooga waxaa ka dhalatay fursad isla xisaabtan iyo dib u fekerid. Dad badan baa fursad u helay inay naftooda la sheekaystaan oo ay xisaabtan iyo isqiimayn shakhsi ahaaneed isku sameeyaan. Dad kale oo ummadahooda u fekeraana waxay arkeen fursad isbeddel lagu gaadhi karo, ha ahaato mid siyaasadeed, mid dhaqaale, mid dhaqan, iwm. 

Wargeysyada waaweyn ee New York Times, The Guardian, The Economist, The Financial Times,… waxaa tif ka ah qoraallo biyadhacoodu yahay in cudurkan socdaa uu daaha ka qaaday dhibaatooyin badan, iyo awoodo qarsoonaa oo aan hore looga faa’iidaysan jirin, uuna yahay fursad isbeddel waxtar leh lagu gaadhi karo. 

Dadkaa dib isu xisaabinaya inaga—Soomaali ahaan—ayaa uga baahi badan inaynu dib isugu noqonno oo aynu qiimayno meesha aynu taagan nahay. 

Caafimaad

Xaalad caafimaad oo halis ah iyo cudur safmar ah oo dillaaca awood aynu wax kaga qabanno ma lihin. Qalab caafimaad iyo shaqaale caafimaad oo baahideenna asaasiga ah dabooli karana ma haysanno—mana hayno jidkii aynu ku heli lahayn. 

Iyada oo ay si joogto ah dhibaatooyin caafimaad, oo qarax, dagaal, ama cudur ka dhashay ina la dersaan, ayaynaan waxba u diyaarsan wax ka qabadkooda. 

Waxaa lamahuraan ah in la dejiyo qorshe lagu tababarayo shaqaale caafimaad oo heer kasta leh. Waxaa loo baahan yahay nidaam iyo hannaan caafimaad oo awooddeenna kooban ku salaysan. Baabuurta madaxda kharashka ku baxaya haddii badhkii loo qoondeeyo sannad kasta, cusbitaallo qalab fiican yaallo ayaa la heli lahaa. 

Xaqiiqaduna waa in awoodda dawladeed ee jirtaa ay tahay mid kooban, waxqabadkeeduna ka sii kooban yahay, sidaas awgeed, waxaan laga fursanayn is-abaabul bulsheed iyo hay’ado waqaf ah oo qayb ka noqda horumarinta caafimaad ee dalku u baahan yahay. 

Nabadgalyada Cuntada

Cunto la’aani waa nolol la’aan. Waddan baaxaddaa leh, oo aysan dadkiisu shaqo fiican iyo dhaqaale wanaagsan haysan, haddana cuntadiisa inta badan dibadda ka soo dhoofsadaa, waa caqli xumo. 

Waa in la dardargaliyaa cunto soosaaridda dalka gudihiisa ah, hadday tahay falashada beeraha, dhaqashada xoolaha iyo digaagga, kalluumaysiga, warshadaynta cuntooyinka kala duwan, iwm. 

“Haddaan saracu taam noqon ummadi ta’akhur weeyaane

Waxba kuuma taro raashinaad dibed ka tuugtaaye

Turaabka iyo ciiddaba kuwii tamarta loo siiyey

Iyagoon wax tarin bay dadkii tahan luggooyeene

Ninkaan Qaadka tuurta ugu sidin uma tiraabaane”

— Xaaji Aadan: Tabaalaha Wakhtiga.

Waxay tahay inay garab socdaan wacyigalin bulsheed iyo horumarinta hannaanka waxbarasho ee dalka, oo aad mooddid in ardaygii ka soo baxaaba isu diyaarinayo shaqo xafiis ama shaqo la’aan. 

“Waxa uu ku taamayo ee uu gambarka shaaha ku beddelan karo waa xafiis uu yaallo kursi dhabar weyn, xaanshiyo lagu soo celceliyana uu hadba wax yar ka bedbeddalo, bishiina uu wax fiican ka qaato.” [Dhabannahays, b.141]

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ilaa Baraasiil ka soo waaridaya cunto dalka lagu beeri karo ama samayn karo, waa inay waxaas ka waantoobaan oo ay masuuliyaddooda dareemaan. Badda oo xidhanta ayaa iyagana ganacsigooda baabi’inaysa, dadkuna gaajo ugu dhammaanayaan. Waa in cuntadeenna quutul daruuriga ahi aysan ku xidhnaan silsilado doojin (supply chains) aan gacanteenna ku jirin, xuduuddeennana ka baxsan. 

Sidaa oo kale, waxaa iyaduna lagamamaarmaan ah in la helo kayd cunto oo dalka hayn kara ugu yaraa bil ama ka badan. Haddii dhibaato yari ay dhacdo, in markiiba qiimihii quutul daruurigu cirka isku shareeraa halis bay ku tahay badbaadada shacabka iyo xasilloonida amnigaba. 

Maalgalinta Dhismahoosaadka

“Hankaagu inta uu le’eg yahay ayey hanashadaaduna le’eg tahay.”

— Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil. 

Ganacsatadan hantidoodii intay waxay ku qabtaan waayay, hooyooyinkii danyarta ahaa yaanyadii la iibiniya, dawladdu ha kala shaqayso maalgashiga dalka. Dawladdu waxay dhisi kartaa cusbitaallo iyada oo maalgashi ka heli karta ganacsatada. Sukuuk ayay bixin kartaa ay ganacsatadu iibsadaan, taas oo ganacsadaha iyo dalkaba ay dani ugu jirto. Sidaa si la mid ah ayaa dugsiyo iyo jaamacado dalka waxtar u leh, iyo warshado lagu dhisi karaa. Dalka Maleeshiya wax badan buu ku qabsaday kuna dhisatay hannaankan maalgashi. 

Buugga Dhabannahays ee Maxamed Gaanni, oo daabacaaddiisii uu cudurkani isbaaro u dhigtay, ayaa qoraagu waxa uu leeyahay: “Aafooyinka kale ee ay ganacsatada waaweyni ku hayaan garabraratada waxaa ka mid ah in ay cagaha la geliyaan meel kasta oo wax uun laga dheefi lahaa. Muxuu nin malaayiin doollar haystaa ka ag qabanayaa dhawr kunteennar oo baati ah, jeeblayaal midiba xabbad uu naf la caari ku keenana ay ugu ciriirinayaan? Maxay ka dheefayaan in ay kabarro samaystaan, shaqaalena ay ka dhigaan dadkii hore kabarrada u lahaa, ka dib markii ay la baratami waayeen miisaska jeebabweyntana isu soo dhiibay? Haddii ninkii laga sugayay in uu warshado sameeyo ama ganacsiyo hor leh oo shaqo abuur sameeya uu dib ugu soo noqdo danyartii nolosha la xarbinaysay, xoogaagoodii in ay biishaan oo asaga shaqaale u noqdaanna uu ka doorbido, muxuu u reebay dalka oo aan ka ahayn in uu ummadda cabiidsado?! Sidaa iyo inahaan kale ayay ma-dhargayaashu aafo xal u baahan u noqdeen!” [Dhabannahays, b.127] 

Malaayiinta doorashada loo kaysaday, xukuumad iyo mucaaradba, dadka wax ha lagu taro, haddii run laga sheego ballamaha hadhow dadka loo sheegi doono. Ninkii waxqabanaya haddaba cidi kama hortaagna. 

“Aradkiyo dadkuba waa dhismaha waxay u aayaane

Ninna ololog iyo qaylo yuu nagu asqaysiine

Goortaad islaaxdaan dadkaa kala ugaadhoobey

Oo ay anaaniyo baxdoo eexasho hallawdo

Oo uu Cigaal wuxuu akhriyey aad u socodsiiyo

Annagana addeeciyo samciga waajibka Ilaaha

Iyo aayaddii waxay tidhaannu aqbalaynaaye

Haddii kale ammaana Alla ka xumid Tii isha la’ayde!”

— Xaaji Aadan: Ina Cigaal.

Ma aha inaynu geedsare-waab noqonno oo qofku isagoon heli karin daryeel caafimaad, oksijiinna ha ku ahaatee, uu ku tartamayo siduu daar dheer u dhisan lahaa, dabadeedna uskagga dharkiisa lagu maydho uu gurigiisa hortiisa ugu daadin lahaa, markuu soo baxayana uga tallaabsan lahaa! Haanta guntaa laga tolaa. 

Iskaashato ma kufto, gacmo wadajir bay wax ku gooyaan, biyana sacabbadaadaa lagaga dhergaa. 

“Maskaxdiyo maankeenna iyo muruqa oo raaca

Oo aan kala maqnayn waa inaan midho ku beerraaye

Marka hore heshiis iyo midnimo galiya maankiina

Inaad meel u wada jeesataan galiya maankiina

Muraad qudha inaad leedihiin galiya maankiina

Midigta iyo bidix inaad tihiin galiya maankiina

Mataan iyo walaal inaad tihiin galiya maankiina

Marna inaydan kala maari karayn galiya maankiina

Inaad dawlanimo muujisaan galiya maankiina

Mar inaan la wada gaadhi karin madax la qiimeeyo

Oo uu marba mar ku xigo galiya maankiina

Masaawaad in loo wada tashado galiya maankiina

Muwaafaqo inaad yeelataan galiya maankiina

Inuu muranku halistiina yahay galiya maankiina

Mintidnimo in loo baahan yahay galiya maankiina

Maqaam fiicanoo lagu gamciyo meel xun labadooda

Halkaad maanta geysaan inuu magucu oollaayo

Ood ka wada masuul noqonaysaan galiya maankiina.”

— Jaamac Kadiye: Masaawaad.


Xarbaa lagu kasbaa gobannimiyo hawl xanuun badane

Sidii loo xafido baa ka adag in aad xoraysaaye

Xukaan daacadiyo waxay rabtaa xaqiyo miisaane

Iyo shicib xayaatad u socdoon hawsha xaaasidine

Ummaddii xaglaha labatiyo nacas xerayn waaye

Xoog waa in dawladi tahoo xoolo leedahaye

Waa inay xanuunkiyo jahliga kaga xoroobaane

Waa inay ku xeel dheer yihiin xaalka dibadaade

Waa inay ninkii xeelad wada xidhi karaysaaye

— Xaaji Aadan: Gobannimo Xarbaa Lagu Kasbaa. 

فَلَوۡلَاۤ إِذۡ جَاۤءَهُم بَأۡسُنَا تَضَرَّعُوا۟ وَلَـٰكِن قَسَتۡ قُلُوبُهُمۡ وَزَیَّنَ لَهُمُ ٱلشَّیۡطَـٰنُ مَا كَانُوا۟ یَعۡمَلُونَ.

“Ama aynu xugnaanoo sidii xoon shiniyeed hadba xayn ha la aaso.”

— Axmed Qonof: Xagga Loo Kici Maayo.


Gabagabadii, xilligan adag waxaa loo baahan in si wadajir ah looga gudbo. Dadka danyarta ah waa inaynu kaalmayno. Sida Nebigu SCW inoo sheegay, cuntada hal qof labo ayay ku filan tahay, tii labo loogu talagalayna saddex way deeqdaa, cuntadii saddexduna afar ku filan. 

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ أَنَّهُ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ طَعَامُ الِاثْنَيْنِ كَافِي الثَّلَاثَةِ وَطَعَامُ الثَّلَاثَةِ كَافِي الْأَرْبَعَةِ

Nebigu SCW xadiis kale waxa uu ku amray Jaabir ibnu Cabdillaahi, in markay hilibka karsanayaan ay maraqa iyo biyaha badiyaan si ay deriska wax uga siiyaan. 

عَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ – صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ – : ” إِذَا طَبَخْتُمُ اللَّحْمَ فَأَكْثِرُوا الْمَرَقَ – أَوِ الْمَاءَ – فَإِنَّهُ أَوْسَعُ أَوْ – أَبْلَغُ – فِي الْجِيرَانِ ” 

Murti Soomaaliyeedna waa tii lahayd: 

“Nin qaldan qabashadii. Nin qumman quwayntii, iyo nin qatan quudintii baa tol ku dhaqnaa.”

Maalin gacanta la laabto lama joogo. 

إِنَّ ٱللَّهَ یَأۡمُرُ بِٱلۡعَدۡلِ وَٱلۡإِحۡسَـٰنِ وَإِیتَاۤىِٕ ذِی ٱلۡقُرۡبَىٰ وَیَنۡهَىٰ عَنِ ٱلۡفَحۡشَاۤءِ وَٱلۡمُنكَرِ وَٱلۡبَغۡیِۚ یَعِظُكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ.


Xigashooyin

Dhabannahays, Maxamed Gaanni.

Hal Aan Tebayay, Maxamed Baashe Xaaji Xasan. 

Hal Ka Haleel, Maxamed Baashe Xaaji Xasan. 

Abaartii Dabadheer, 1974-1975: Xeryihii Gargaarka, Beer iyo Caynabo iyo Kaalintii

Takhaatiirtii Xooggii Dalka Soomaaliyeed, W.Q Dr. Axmed Dalmar. Copyright © 2017 WardheerNews.com

TSUI, AMY O., et al. “THE SETTLEMENT OF SOMALI NOMADS.” Genus, vol. 47, no. 1/2, 1991, pp. 131–152. JSTOR, www.jstor.org/stable/29789048. Accessed 10 Apr. 2020.

https://www.jstor.org/stable/29789048?read-now=1&refreqid=excelsior%3A0dff5c68d54d96030dc4514d4a654760&seq=10#page_scan_tab_contents

إدارة الأزمات في عهد سيدنا عمر بن الخطاب “عام الرمادة”

https://blogs.aljazeera.net/blogs/2019/12/26/%D8%A5%D8%AF%D8%A7%D8%B1%D8%A9-%D8%A7%D9%84%D8%A3%D8%B2%D9%85%D8%A7%D8%AA-%D9%81%D9%8A-%D8%B9%D9%87%D8%AF-%D8%B3%D9%8A%D8%AF%D9%86%D8%A7-%D8%B9%D9%85%D8%B1-%D8%A8%D9%86-%D8%A7%D9%84%D8%AE%D8%B7%D8%A7%D8%A8-%D8%B9%D8%A7%D9%85-%D8%A7%D9%84%D8%B1%D9%85%D8%A7%D8%AF%D8%A9 

Check Also

Dhambaalka Jimcaha — 7 | 15 Ramadaan 1441 | 08 May 2020

Dhambaalka Jimcaha — 7 | 15 Ramadaan 1441 | 08 May 2020 بسم الله الرحمن الرحيم …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *