Home / Dhambaalka Jimcaha / Dhambaalka Jimcaha — 4 | 24 Shacbaan 1441 | 17 Abriil 2020

Dhambaalka Jimcaha — 4 | 24 Shacbaan 1441 | 17 Abriil 2020

Dhambaalka Jimcaha — 4 | 24 Shacbaan 1441 | 17 Abriil 2020


بسم الله الرحمن الرحيم

Karoona, Ramadaan, iyo Qur’aanka

Wixii uu qofku indhaha saaray ama la soo dersa, ulama sinna wax uu maqal keli ah ku ogaaday. Xilliyada qaar, waanadu way ku adkaataa in uu qaato, ama ugu yaraan, in waxa la sheegay uu ka fakaro. Waayo? Badanaa waxa aan la soo dersin, sidaa isuguma ay sii hawlaan.

Marka adigoo labbisan oo xarragoonayo, jeebkuna kuu fiican yahay, lagaaga sheekeeyo dhalanteedka iyo kala dhantaalnaanta adduunka, inaadan sii dhugan bay u badan tahay.

Laakiin iyadoon cidina wax kuu sheegin haddaad siibatid oo aad dhulka ka soo go’did, dharkiina halkaa kaaga wasakhoobo, wacdigaa hore dhadhan cusub buu kuu yeelanayaa, dhegahana waad u furaysaa.

Ninkii soo joog laga waayo, soo jiifsaa laga helaa.

Dhaqaalahaa adduunku sannado barwaaqo ayuu ku jiray, waxaana laga hadlayay horumarro yaab leh, dayixii oo dhinaciisii kale la tagay, marriikh oo lagu socdo, iyo waxyaalo kale oo yaab leh.

Shirkadda tirakoobka ee Epsos Mori dabayaaqadii 2019 waxay soo saartay warbixin saadaalin ah. Dadkii ay waraysteen 65% ayaa ka cabanayay in sannadka 2019 uu ahaa mid aan u wanaagsanayn, 75% waxay sheegeen inay filayaan in 2020 ay uga fiicnaan doonto 2019.

Waxaa socday loollan iyo muruq muujin iyo dhoollatus dawladaha awoodda lihi ay samaynayeen, iyada oo qaarkood ay leeyihiin: Yaa naga awood badan?!

من أشد منا قوة

“Marka lagu akeekimo
Marka lagu ormeeyee
Falan lagu afduubee
Marba eel ku gororee
Hirashadu asqowdee
Ulashadu hungowdee
Asalkeedu guuree
Ambisadu xidhxidhatee
Babbisadu ku orisee
Is-ahaanta kelinnimo
Dadku wada ammaantee
Odaygeedu waashee
Ina belo ka taliyee
Lagu amarro-qooqee
La Ilaahyo sheegtaa
La awoodo beenshaa.”

— Hadraawi: Af-ku-siran

Xoogaa isku filnaan iyo hanti ahi markii ay aadanaha gacantooda gashay, ee maalmo berisamaad la dugsaday, baa in badani qooqeen:

كَلَّا إِنَّ الْإِنسَانَ لَيَطْغَىٰ أَن رَّآهُ اسْتَغْنَىٰ

Si kastoo wax la isu bido, loo qooqo, loona kibro, waxaa taalla:

إِنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ الرُّجْعَىٰ

Rabbigaa ayaa loo noqonayaa.

“Ragna hadduu wakhtiga aaminoy tiisa la ahaato
Maruun bay ayaan xumo heshaa waxaanu eegayne
Uub kuu qarsoon baa jirtiyo lama ogaadaane”

— Xaaji Aadan: Waxa Xiga.

Adduunkii cashar baa loo dhigay.
Dhirbaaxo riyadii wacnayd ka qastay, oo hurdadii ka kicisay baa ku dhacday.
Hurdaayoow waa hadhgalaye ka toosoo — baa ka dhacday.

أَلْهَاكُمُ التَّكَاثُرُ

In muddo ah caqiidada caalamku waxay ahayd wax urursi iyo tartan koboc dhaqaale iyo kala badsi. Laakiin waa la isaga dabo yimid. Qabriga qarkiisii markii la istaagay, ee koroonuhu adduunka tusay malakul mawdkii, cilmal yaqiini (عِلْمَ الْيَقِينِ) baa loo xaqiiqsaday in wax badani khaldameen oo aan sidan lagu sii socon karin.

Waxaa la yaqiinsaday in waxan la ururinayaa aysan lahayn duluc sii ridane, damac waalani dabada ka riixayo. Gaadhiyaashii qaaliga ahaa waa la dhigay. Ehel iyo qaraabo iyo asxaabtii lagu faanayay lama haleelo loomana tagi karo. Lacag xitaa mid haystaa ma helo inuu waxyaalaha qaar gato.

مَا أَغْنَىٰ عَنِّي مَالِيَهْ ۜ هَلَكَ عَنِّي سُلْطَانِيَهْ

Dhaldhalaal iyo dhalanteed weeye xaalka adduunku. Waa dhaan dabagaalle. Waa doog cagaaran oo durba isu roga dumaa hoolmay.

Dadkii baa kala cararaya. Ha istaabannina. Ha isu dhowaannina. Waalid dhimanaya oo aan ubadkii awoodin inay garabjoogaan, ama waxay awoodaan ay tahay inay fiidyoow kala socdaan nafta ka sii baxaysa. Waxaa la arkayaa waalid aan ubadkiisii oo dhimanaya la joogi karin aasina karin. Xusuusin ka mudan qiyaamaha miyaa jirta?

يَوْمَ يَفِرُّ الْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ وَأُمِّهِ وَأَبِيهِ وَصَاحِبَتِهِ وَبَنِيهِ لِكُلِّ امْرِئٍ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍ شَأْنٌ يُغْنِيهِ

Laf cad inaynu toobin ku haynay baa muuqatay.

Si loo badbaado: dhaqaalihii, shaqadii, xidhiidhkii bulsho, … farahaa laga qaaday. Waana mid in yar inooga iftiiminaysa aayadaha maalinta qiyaame ka warramaya in qofku hadduu adduunka oo idil haysto, uu isku furan lahaa maalintaas.

وَلَوْ أَنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا مَا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا وَمِثْلَهُ مَعَهُ لَافْتَدَوْا بِهِ مِن سُوءِ الْعَذَابِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ

إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا وَمَاتُوا وَهُمْ كُفَّارٌ فَلَنْ يُقْبَلَ مِنْ أَحَدِهِمْ مِلْءُ الأَرْضِ ذَهَبًا وَلَوِ افْتَدَى بِهِ

“Badbaado qof doonayow
Kashaada dareen ku beer
Dareenka samaa ku beer
Indhaha dib u soo Muslimi
Ilaahay Dartiis ku eeg
Daliilka hortaada yaal.”

— Hadraawi: Dabahuwan.

يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ ۖ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا ۖ وَلَا يَغُرَّنَّكُم بِاللَّهِ الْغَرُورُ



Ramadaan 1441

Waxaa inagu soo food leh bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Laakiin Ramadaantii aynu naqaannay ma aha. Ramadaan middan la mid ahi inama soo marin. Waxay ku soo beegantay xilli ay dad badani wax iska weydiinayaan noloshooda, dib u qiimaynna isku wadaan.

“Miisaanku doc buu jiraa
Docdii halistuu jiraa!”

— Hadraawi: Dabahuwan

Ramadaan waa bishii Qur’aanka. Waa bishii Qur’aanku soo degay, waa bisha loogu Qur’aan akhris badan yahay,

Qur’aanku waa musbaax inoo iftiiminaya jidka. Waa jiheeye inagu duwa jidka qumman. Waa taariikhdii wixii tagay oo cibro qaadasho leh, furdaaminta waxa taagan oo kasbasho leh, iyo ka warramidda waxa soo socda oo u diyaargarow leh.

“Ogaada oo watiin iyo sulsilad weedha hadalkiisa
Walcasriyo wallayl iyo ancaam ama wasaafaadba
Washamsiyo duxaa iyo kuwirat weylu iyo xaaqa
Inta wowga laga qaadayiyo wadartu waa dhaare.”

— Jaamac Kadiye: Wacdi.

يَا أَيُّهَا النَّاسُ قَدْ جَاءَتْكُم مَّوْعِظَةٌ مِّن رَّبِّكُمْ وَشِفَاءٌ لِّمَا فِي الصُّدُورِ وَهُدًى وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ

Dhadhansiga iyo fahanka Qur’aanka waxaa saameeya xaaladaha inagu hareeraysan. Waxaa jira marba aayado macne gaar ah qofka u sameeya— aayado uu qofku u dareemo inay xaaladdiisa fasirayaan, qaar uu isyidhaahdo ‘anigay ila hadlayaan’, qaar xaaladda adduunka ee maalintaa si qotodheer u tilmaamaya,…

Markii Nebigu SCW geeriyooday, Cumar RC seef intuu qaatay buu yidhi qofkii yidhaahda wuu dhintay, kurkaan u dheeraynayaa. Abuu Bakar RC oo magaalada duleedkeeda ku maqnaa baa yimid. Abuu Bakar saxaabadii buu la hadlay wuxuuna yidhi: qofkii Muxammad caabudayoow, Muxammad dhimay, qofkii Alle caabudayoowna, Alle wuu nool yahay mana dhinto. Abuu Bakar wuxuu akhriyay aayaddan:

وَمَا مُحَمَّدٌ إِلَّا رَسُولٌ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِ الرُّسُلُ ۚ أَفَإِن مَّاتَ أَوْ قُتِلَ انقَلَبْتُمْ عَلَىٰ أَعْقَابِكُمْ ۚ وَمَن يَنقَلِبْ عَلَىٰ عَقِبَيْهِ فَلَن يَضُرَّ اللَّهَ شَيْئًا ۗ وَسَيَجْزِي اللَّهُ الشَّاكِرِينَ

Muxammad waa rasuul ay hortii tageen rusul kale. Haddii uu geeriyoodo ama la dilo, ma halkiinnii horaad ku laabanaysaan? Kii laabtaa Alle waxba ka dhibi maayo, Allena wuxuu abaalmarin doonaa kuwa shukri naqa.

Saxaabadii masjidka joogay markay tilmaamayeen aayaddan Abuu Bakar akhriyay, waxay yidhaahdeen waxaadba moodday in maalintaa la soo dejiyay. Markaasay la hadlaysay, oo xilligeedii taagnaa.

Mar kale, Cumar RC ayaa markay soo degtay aayadda odhanaysa “isbahaysiga waa la jabin doonaa waxayna jeedin doonaan dhabarka”, wuxuu isweydiin jiray cidda ay ku saabsan tahay iyo waxa ay ka hadlayso. Wuxuu yidhi maalintii Beder baan fahmay.

قال عمر : أي جمع يهزم ؟ أي جمع يغلب ؟ قال عمر : فلما كان يوم بدر رأيت رسول اللهصلى الله عليه وسلميثب في الدرع ، وهو يقول : ( سيهزم الجمع ويولون الدبر ) فعرفت تأويلها يومئذ.

Sidaa ay aayaddaasi macne gaar ah ula yeelatay Cumar RC, ee uu u fahmay, ayaynu maanta u fahmi karnaa aayaddan:

فَكَأَيِّن مِّن قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَاهَا وَهِيَ ظَالِمَةٌ فَهِيَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا وَبِئْرٍ مُّعَطَّلَةٍ وَقَصْرٍ مَّشِيدٍ

Koroona faayras ayaa magaalooyinkii waaweynaa ee adduunka ka dhigay faaruq haawanaya iyo ceel aan lagu soo aroorin.

Awal maanka inaynu ka sawiranno uun baynu awoodnay, maantase indhaheenna ayaynu ku arki karnaa goobihii laysku cidhiidhin jiray oo laga kala cararay.

Qur’aanku waxa uu aad xoogga u saaraa in uu inaga dhaadhiciyo yoolka nolosheenna iyo xaqiiqada adduunka iyo dhalanteedkeeda. Waa midda ay aayaddaas kore ina dareensiinayso.

Fadhintii guryaha waxaa laga faa’iiday in wax badan dib loo qiimeeyo. Maxaa mudanta koowaad leh? Maxaase muunad ah ee aan macne weyn ku fadhiyin? Adduunkii la dabo ordayay ee dartii waxyaalo badan loo dayacay, oo hal mar laga yaacay… waxaa caddaatay in adduun urursi wax ka weyni ay jiraan. Xidhiidhkii dadnimo ee loo arkayay waqti lumin ahmiyaddiisii baa muuqatay. Dadkii la yasi jiray oo hal mar loo wada baahday kaalinta ay buuxinayaan baa la arkay…

فَلَوْلَا إِذْ جَاءَهُم بَأْسُنَا تَضَرَّعُوا وَلَٰكِن قَسَتْ قُلُوبُهُمْ وَزَيَّنَ لَهُمُ الشَّيْطَانُ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ

“Wacashada ibleyskaa
Indha-beelka sidatee
Dhulka obolos baa shilay,
Waxa lagu agaasimey
Asaroorintiisoo
Erayada tixgelintiyo
Ummadaynta ficilkiyo
Innagaa ka madhatoo
Hadba inan qolaystiyo
Magacyada ukulidiyo
Alabbada fal-tuuggiyo
Anigaa ku badatoo
Asma lagu xabaaliyo
Werwer bay ku aaseen.”

— Hadraawi: Af-ku-siran.

Waxaan shaki ku jirin in cudurkani uu “reset button” taabtay oo dad badan ku khasabtay inay dib u xisaabtamaan.

Aynu isweydiinno: muxuu noqon karaa ama siduu u ekaan doonaa xidhiidhka aynu Alle la leennahay marka cudurkani laga soo doogo?

Faayraskan noloshii aadanaha guryaha ku koobay, dhaqaaloohiidana dhulka galiyay, xajmigiisu waa millimiitar hal milyan loo qaybiyay. Markaas ayaad yaqiinsanaysaa tilmaanta Alle inaga bixiyay:

وَخُلِقَ الْإِنسَانُ ضَعِيفًا

Waxaa kale oo uu muujiyay sababta aynu ku mutaysannay in Alle inaga dhigo kuwii lagu aaminay dhulkan:

إِنِّي جَاعِلٌ فِي الْأَرْضِ خَلِيفَةً

وَهُوَ الَّذِي جَعَلَكُمْ خَلَائِفَ الْأَرْضِ

Si kastoo aynu jidka uga leexanno, waxaynu awood u leennahay inaynu isa saxno, gacmaha isqabsanno, wanaaggana ka shaqayno.

Wuxuu daaha ka fayday ceebihii nidaamka hantigoosadka xad-dhaafka ah, ee beryahan dambe dadka lagu qulaaminayay, kaas oo ku naaxa keliyaynta qofka si uu meel ugu xidho, iyo wiiqidda wadarta si aysan isaga caabbin.

Far keli ahina fool ma dhaqdee, isku duubni iyo iskaashi bulsheed ayaa adduunku ku kala socdaa.

نَحْنُ قَسَمْنَا بَيْنَهُم مَّعِيشَتَهُمْ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۚ وَرَفَعْنَا بَعْضَهُمْ فَوْقَ بَعْضٍ دَرَجَاتٍ لِّيَتَّخِذَ بَعْضُهُم بَعْضًا سُخْرِيًّا ۗ وَرَحْمَتُ رَبِّكَ خَيْرٌ مِّمَّا يَجْمَعُونَ.

Waa la isku nool yahay, lamana kala maarmo.



Qur’aanka

Hooyadii Mu’miniinta, Caa’isha RC markii la weydiiyay habdhaqankii iyo akhlaaqdii Nebiga SCW, waxay tidhi:

كان خلقه القران

Bishan barakaysan, aynu ku dedaalno inaynu habdhaqankeenna u bandhigno Qur’aanka, oo wixii Qur’aanku diiday aynu iska tuurno, wixii uu ina farayana aynu qaadanno oo dhaqangalinno.

Haddaad tahay masuul ummad xil u haya, habdhaqankaaga u bandhig aayahadaha Qur’aanka ee ay ka mid yihiin:

إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَن تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَىٰ أَهْلِهَا وَإِذَا حَكَمْتُم بَيْنَ النَّاسِ أَن تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ ۚ

Xilka iyo amaanada aad haysid, waajibkeedii ma marisaa mise…
Dadka caddaalad ma u samaysaa?

Dadka ma u furfuran tahay, oo naxariis iyo debecsanaan ma u muujisaa? Ma la tashataa mise qummanahaagaa qoorta kuugu jira, debecsanaantana doqonnimaad u taqaannaa?

فَبِمَا رَحْمَةٍ مِّنَ اللَّهِ لِنتَ لَهُمْ ۖ وَلَوْ كُنتَ فَظًّا غَلِيظَ الْقَلْبِ لَانفَضُّوا مِنْ حَوْلِكَ ۖ فَاعْفُ عَنْهُمْ وَاسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِي الْأَمْرِ ۖ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِينَ

Gaboodfal aad la timid cid kale ma ku eedaysaa?

وَمَن يَكْسِبْ خَطِيئَةً أَوْ إِثْمًا ثُمَّ يَرْمِ بِهِ بَرِيئًا فَقَدِ احْتَمَلَ بُهْتَانًا وَإِثْمًا مُّبِينًا

Haddaad culamo tahay, samankan xaqii la derderay, diyaar ma u tahay inaad caddaysid adiga oo aan cidna u hamranayn?

وَإِذْ أَخَذَ اللَّهُ مِيثَاقَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ لَتُبَيِّنُنَّهُ لِلنَّاسِ وَلَا تَكْتُمُونَهُ فَنَبَذُوهُ وَرَاءَ ظُهُورِهِمْ وَاشْتَرَوْا بِهِ ثَمَنًا قَلِيلًا ۖ فَبِئْسَ مَا يَشْتَرُونَ

وَلاَ يَخَافُونَ لَوْمَةَ لآئِمٍ

Haddaad madax iyo masuul taageero u tahay, ma hubtaa inaadan dulmi daboolayn, ama dulmane duudsiyayn?

.وَلَا تَرْكَنُوا إِلَى الَّذِينَ ظَلَمُوا فَتَمَسَّكُمُ النَّارُ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ اللَّهِ مِنْ أَوْلِيَاءَ ثُمَّ لَا تُنصَرُونَ

.وَلَا تَكُن لِّلْخَائِنِينَ خَصِيمًا

Haddaad mucaarid tahay, ma wax xaq ah baad ku diiddan tahay mise ninjeclaysi iyo qabyaalad, iyo danaysi shakhsiyeed baa ku riixaya? Mucaaridnimadaadu caddaaladda ma ku dhisan tahay mise nacayb baa ku indhatiray?

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ لِلَّهِ شُهَدَاءَ بِالْقِسْطِ ۖ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَىٰ أَلَّا تَعْدِلُوا ۚ اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَىٰ ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ

Haddaad xaas tahay, wanaag iyo naxariis ma kula dhaqantaa lammaanahaaga mise loollan aan cid bilowday la aqoon oo aad rag iyo dumar kala meteshaan baa idin ka dhexeeya?

وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ

وَعَاشِرُوهُنَّ بِالْمَعْرُوفِ ۚ فَإِن كَرِهْتُمُوهُنَّ فَعَسَىٰ أَن تَكْرَهُوا شَيْئًا وَيَجْعَلَ اللَّهُ فِيهِ خَيْرًا كَثِيرًا

فَأَمْسِكُوهُنَّ بِمَعْرُوفٍ أَوْ سَرِّحُوهُنَّ بِمَعْرُوفٍ ۚ وَلَا تُمْسِكُوهُنَّ ضِرَارًا لِّتَعْتَدُوا ۚ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ فَقَدْ ظَلَمَ نَفْسَهُ ۚ وَلَا تَتَّخِذُوا آيَاتِ اللَّهِ هُزُوًا ۚ

Haddaad ganacsade tahay, ma iska eegtay inaadan ku jirin kuwa Alle ugu gooddinayo suuradda al-Mudafifiin?

وَيْلٌ لِّلْمُطَفِّفِينَ (1) الَّذِينَ إِذَا اكْتَالُوا عَلَى النَّاسِ يَسْتَوْفُونَ (2) وَإِذَا كَالُوهُمْ أَو وَّزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ (3) أَلَا يَظُنُّ أُولَٰئِكَ أَنَّهُم مَّبْعُوثُونَ (4

Hanti cid kale ma kugu maqan tahay mis xalaalmiirad baad tahay?

وَلَا تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُم بَيْنَكُم بِالْبَاطِلِ وَتُدْلُوا بِهَا إِلَى الْحُكَّامِ لِتَأْكُلُوا فَرِيقًا مِّنْ أَمْوَالِ النَّاسِ بِالْإِثْمِ وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ

Marka amarka Ilaahay laguu sheego, dhaqan iyo abkaa miyaad ka raacdaa?

وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ اتَّبِعُوا مَا أَنزَلَ اللَّهُ قَالُوا بَلْ نَتَّبِعُ مَا أَلْفَيْنَا عَلَيْهِ آبَاءَنَا ۗ أَوَلَوْ كَانَ آبَاؤُهُمْ لَا يَعْقِلُونَ شَيْئًا وَلَا يَهْتَدُون

Xukunka Alle iyo rabitaanka John kee baa kula weyn

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِصَاصُ فِي الْقَتْلَى ۖ الْحُرُّ بِالْحُرِّ وَالْعَبْدُ بِالْعَبْدِ وَالْأُنثَىٰ بِالْأُنثَىٰ ۚ فَمَنْ عُفِيَ لَهُ مِنْ أَخِيهِ شَيْءٌ فَاتِّبَاعٌ بِالْمَعْرُوفِ وَأَدَاءٌ إِلَيْهِ بِإِحْسَانٍ ۗ ذَٰلِكَ تَخْفِيفٌ مِّن رَّبِّكُمْ وَرَحْمَةٌ ۗ فَمَنِ اعْتَدَىٰ بَعْدَ ذَٰلِكَ فَلَهُ عَذَابٌ أَلِيمٌ

وَالسَّارِقُ وَالسَّارِقَةُ فَاقْطَعُوا أَيْدِيَهُمَا جَزَاءً بِمَا كَسَبَا نَكَالًا مِّنَ اللَّهِ ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ

وَكَتَبْنَا عَلَيْهِمْ فِيهَا أَنَّ النَّفْسَ بِالنَّفْسِ وَالْعَيْنَ بِالْعَيْنِ وَالْأَنفَ بِالْأَنفِ وَالْأُذُنَ بِالْأُذُنِ وَالسِّنَّ بِالسِّنِّ وَالْجُرُوحَ قِصَاصٌ ۚ فَمَن تَصَدَّقَ بِهِ فَهُوَ كَفَّارَةٌ لَّهُ ۚ وَمَن لَّمْ يَحْكُم بِمَا أَنزَلَ اللَّهُ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ

Amarka Alle iyo rabitaanka naftaada kee baa kula weyn?

أَفَغَيْرَ اللَّهِ أَبْتَغِي حَكَمًا وَهُوَ الَّذِي أَنزَلَ إِلَيْكُمُ الْكِتَابَ مُفَصَّلًا ۚ وَالَّذِينَ آتَيْنَاهُمُ الْكِتَابَ يَعْلَمُونَ أَنَّهُ مُنَزَّلٌ مِّن رَّبِّكَ بِالْحَقِّ ۖ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْمُمْتَرِينَ

وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ وَلَا مُؤْمِنَةٍ إِذَا قَضَى اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَمْرًا أَن يَكُونَ لَهُمُ الْخِيَرَةُ مِنْ أَمْرِهِمْ ۗ وَمَن يَعْصِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ ضَلَّ ضَلَالًا مُّبِينًا

Ribada sidee isku tihiin?

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَذَرُوا مَا بَقِيَ مِنَ الرِّبَا إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ

Qur’aanka ma hanuun baad u raadsataa mise inaad wax isdiiddan iyo qallooc ka heshid?

هُوَ الَّذِي أَنزَلَ عَلَيْكَ الْكِتَابَ مِنْهُ آيَاتٌ مُّحْكَمَاتٌ هُنَّ أُمُّ الْكِتَابِ وَأُخَرُ مُتَشَابِهَاتٌ ۖ فَأَمَّا الَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمْ زَيْغٌ فَيَتَّبِعُونَ مَا تَشَابَهَ مِنْهُ ابْتِغَاءَ الْفِتْنَةِ وَابْتِغَاءَ تَأْوِيلِهِ ۗ وَمَا يَعْلَمُ تَأْوِيلَهُ إِلَّا اللَّهُ ۗ وَالرَّاسِخُونَ فِي الْعِلْمِ يَقُولُونَ آمَنَّا بِهِ كُلٌّ مِّنْ عِندِ رَبِّنَا ۗ وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّا أُولُو الْأَلْبَابِ

Wanaagga ma fartaa xumahana ma reebtaa?

وَلْتَكُن مِّنكُمْ أُمَّةٌ يَدْعُونَ إِلَى الْخَيْرِ وَيَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ ۚ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ

Xoolaha agoonta ma iska dhowrtaa?

وَآتُوا الْيَتَامَىٰ أَمْوَالَهُمْ ۖ وَلَا تَتَبَدَّلُوا الْخَبِيثَ بِالطَّيِّبِ ۖ وَلَا تَأْكُلُوا أَمْوَالَهُمْ إِلَىٰ أَمْوَالِكُمْ ۚ إِنَّهُ كَانَ حُوبًا كَبِيرًا

إِنَّ الَّذِينَ يَأْكُلُونَ أَمْوَالَ الْيَتَامَىٰ ظُلْمًا إِنَّمَا يَأْكُلُونَ فِي بُطُونِهِمْ نَارًا ۖ وَسَيَصْلَوْنَ سَعِيرًا

Waalidkaa sidee isku tihiin?

وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا ۚ إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِندَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَا أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوْلًا كَرِيمًا

Warka ma hubsataa mise seeftaad la booddaa?

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِن جَاءَكُمْ فَاسِقٌ بِنَبَإٍ فَتَبَيَّنُوا أَن تُصِيبُوا قَوْمًا بِجَهَالَةٍ فَتُصْبِحُوا عَلَىٰ مَا فَعَلْتُمْ نَادِمِينَ

Cafiska iyo qalbiwanaagga ma ku dedaashaa?

وَأَن تَعْفُوا أَقْرَبُ لِلتَّقْوَىٰ ۚ وَلَا تَنسَوُا الْفَضْلَ بَيْنَكُمْ ۚ


إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَذِكْرَىٰ لِمَن كَانَ لَهُ قَلْبٌ أَوْ أَلْقَى السَّمْعَ وَهُوَ شَهِيدٌ

نَّحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ ۖ وَمَا أَنتَ عَلَيْهِم بِجَبَّارٍ ۖ فَذَكِّرْ بِالْقُرْآنِ مَن يَخَافُ وَعِيدِ


“Barakada Qur’aankiyo
Bisha lagu xurmeeyiyo
Boqortooyadaadiyo
Boqolkaaga magac iyo
Bismillaahi keligaa.”

— Hadraawi: Badbaado.

#Dhambaalka_Jimcaha

Check Also

Dhambaalka Jimcaha — 7 | 15 Ramadaan 1441 | 08 May 2020

Dhambaalka Jimcaha — 7 | 15 Ramadaan 1441 | 08 May 2020 بسم الله الرحمن الرحيم …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *