Dhibaatooyinka hortaagan dawladnimada Soomaaliya waxa ugu weyn: (1) Xamar oo aanay dawladdu ka shaqeyn karin (2) Al-Shabaab oo Kharbudaad u yeelan (3) Soomaalilaan oo goosasho rabto oo dalkii qayb dhan aanay dawladda dhexe ka shaqayn. Maamul goboleedyada iyo madaxweyneyaasha badani mushkilad dhab ah ma aha. Sidaa waxa yidhi abwaan Maxamed Aadan Ciiraale isaga oo intaa waxii ka duwan ku sheegay marin habaabin.
Haddaba aan eegno in abwaanku asagu sameeyay marin habaanintii ugu darnayd dhawr qodob awgood:
1. Xamar hadda waxa ka talisa dawladda dhexe, AMISOM-ba ha ku xukunto e, waxa qudha ee haatan wiiqayaa waa in aanay Xamar dhaafi karin taasi oo ka dhigan in Xamar waxii ka baxsani yahiin dawlad goboleedyo isku arka in maamulka iyaga marti looga noqdo, waa dawlado ku dhisan qabiillo oo saami reereedna ku leh xukuumadda iyo baarlamanka federaalka sidaana dawladda gudeheeda iyo goboladaba kula dagaalamaya, kuwa ugu awoodda badan ee kuwa kale ku daydaan waa Puntland iyo Jubaland oo Kismaayo ka talisa, dhawaan sarkaal ay dawladda dhexe u dirsatay halkaa ayaa laga soo eryay, mar horreysay wafti dawladda ka socda ayaa garoonka lagu joojiyay ka dibna la masaafuriyay, Puntland wax maamul ah oo ay dawladdu ku leedahay ma jiro mana jirto amni darro aanay uga shaqayn karin ee maamulka ayaa aan ogolayn haddaba dawladda la wada leeyahay haddii aanay gobollada oo dhan ka shaqeyn karin lagana ogolayn maxaa qasab ka dhigaya in ay gobolka Banaadir ka shaqeyso?! waayo ugu dambeyn dalku waa gobollo uun dadkuna waa wada shacab uun ee ma jirto cid uu saaran yahay xil aan cid kale saarnayni.
2. Al-Shabaab waxa ay u jirtaa dawlad la’aanta, dawladdana waxa wiiqaya kala dambeyn la’aanta; maamullada isdiiddan ee dabadaha ku xidhan ee sameeya dawladda dhexe ee ka kooban reeraha isu qaybiyay maamullada is tuhunsan ayaa abuuray jawi ay Alshabaab ku noolaan karto, waxaana ay joogtaa gobol kaste oo dawlad goboleed ku magacaaban xataa Puntland.
3. Somaliland sinaba caqabad ugu ma aha dawladda dhexe iyo dadka Muqdisho toona; ma arbushto shaqada dawladda iyo siyaasadaheeda maalinleha ah, kuma qasabto in ay mawaaqif baddasho ama dhaqaaqjoogsato, waxa ay u aragtaa in aanay ka tirsanayn umana joogaan cid matasha oo iyada ka amar qaadata oo ay siyaasadaheeda ku arbushtaa.
In aanay qayb waddanka ka mid ah dawaladda dhexe xukumin waxa aad Somaliland eed uga dhigi kartaa marka ay soo xukunto Jawhar, Gaalkacyo, Garoowe, iyo Kismaayo oo inuba uga dhaw Hargeysa, Burco, iyo Laascaanood; in aad eed kala cararto maamulada sheegta in ay dawladda ka tirsan yihiin ee haddana diiddan in ay xukunto oo aad Somaliland oo sheegatay in aanay waxba la wadaagayn kana rabin eedda koobaad saarto waa wax aan qof caqli u saaxiib ahi sina ku fahmi karin.
Dadka Muqdisho daggan ee arkaya reer Garoowe oo la sheeganaya dawladda Xamar ku xukunta haddana aan u ogolayn deegaankooda waxa ay ku yeelanaysaa nafsad taban oo dawladda dhexe ku aaddan; Xamar baan kula xukumayaa aniga oo dawladda dhexe kugu la jira lkn adigu adiga oo dawaladda dhex igula jira ila ma xukumi kartid Garoowe cadaalad marna ma aha waana midda keentay suaasha soo noqnoqota ee ah Muqdisho yaa leh?!
Soomaali badan oo aan u badinayo in Ciiraale ku jiro ayaa reer Muqdisho ku xujeeya in ay Muqdisho tahay caasimaddii oo la wada leeyahay waxa ay se iska indhotiraan in caasimaddu caasimad ku tahay in ay magaalooyinka oo dhammi hoos yimaaddaan maamulkeeda waxaana la wada yeelanayaa oo qudha marka ay iyadu yeelato talada inta kale oo dhan.
Caqabadda ugu weyn ee dawladnimada hor taagan waa in aanay maamulkeeda ku baahin karin gobollada waxaana ugu wacan in ay ka sameysan tahay dawlad goboleedyo aan ogolayn in ay goboladooda xukunto, reer Muqdishana gaar looguma canaanan karo dawladnimo gobolladu kula jiraan haddana ay rabaan in Xamar uun lagu xukumo.