Home / Buug&Bun / Dhawaaq ka dhan ah dhoohanaanta

Dhawaaq ka dhan ah dhoohanaanta

Akhriska buugga Dr. Hibo Cisat ee Naxwa Cumraanin Jadiid (نحو عمران جديد).

Mudnaanta buug uu halmar u wada leeyahay jiil cayiman oo u dhashay ummad waxa qeexa kolba inta uu u jiro qaddiyadaha mudnaanta u leh ummaddaas xilliga uu jiilkaasi nool yahay. Sidoo kale, qoraa gooni ahna xeerkaasi wuu qabanayaa. Qoraal kasta iyo qoraa kasta in si isku mid ah loo siiyo mudnaan hal mar waa khalad, mudnaata uu buuggani u leeyahay jiilkeennan Soomaalida ah waxa aan u arkaa in ay tahay mid lamahuraan ah.

Tan iyo intii aynu gumasiga galnay, ilaa maanta oo aynu ku indho baraqsanayno falsafadaha kala duwan ee dunidan hadheeyay, waxa aynu ku nool nahay xaalad ay labo arrin qeexayaan. Kow e, kala safashada diini iyo calmaani oo hadda si ba’an u sii xididaysanaysa, iyo—labo— dulxaadiska aqooneed ee labada safba raabuqiyay. Naqdinta labadaas xaaladood ayuu buuggani qayb weyn waqti ku bixiyay, oo sida ay qoruhu sheegtay ay saamaysay kala safashada siyaasadeed in ka badan inta ay saamaysay hirdan aqooneed. Waa isla xaaladda aan u bixiyay dhoohanaanta labada waji leh oo aan ahayn xaalad innagu keli ah ee aynu dunnida Muslimka oo dhan la wadaagno.

Buugga iyo Qoraaga

Dr. Hibo Cisat Cabdira’uuf oo ah borofaseer Jaamacadda Qaahira ka dhigta aqoonta siyaasadda, laguna yaqaan danaynteeda gaarka ah ee ay Ibnu Khalduun danayso iyo cilmiga bulshada—oo uu isagu daahfuray—waxa ay buuggeedan kooban (250 bog) ee afka fudud ku qoran kaga doodaysaa fikrad seesdhig ah oo ku aaddan magaalowga (التمدن) iyo mushkiladdiisa maanta. Cinwaanka buugga ayaa keligii mudnaan gooni ah leh, waxa uu ku baaqayaa in la baadi doono dhisme xaddaaradeed oo cusub, baaqaas oo laabta ku wata bayaan nuxurkiisu yahay dhismaha xaddaaradeed ee aan hadda dugsanaynaa wuu dhintay, intaas oo ah qaybta bayaanka ee la isla qirsanyahay, iyo inta lagu kala tagsan yahay oo ah dhismaha kale ee xaddaaradeed een higsnaynaana waa kud ka guur oo qanjo u guur.

Buuggu waxa uu bilow iyo hordhac u yahay silsilad ay Dr Hibo Cisat u tahay lataliye aqooneed oo lagu suntay “Silsiladda Fiqiga Istaraatiijiga ah” oo lagu qeexay in ay beegsanayso in la isku xidho dhaxalka aqooneed ee Muslimiinta (turaathka), waaqica iyo shuruudihiisa, iyo waliba aqoonaha bulshada iyo aadamaha ee casriga ah.

Digtooradda oo ah aqooyanahnad reer Masar ah, ahna islaamiyad aan urur ama koox ku jirin, laguna yaqaan naqdiga kulul ee ay u jeediso islaamiyiinta, gaar ahaan ikhwaanka, dooddeeda buuggan ay ku soo bandhigayso oo ballaadhan, iskaga gudbaysana dunida fikirka iyo ta waaqaca, dhex jibaaxaysa aqoonaha bulshada, dhaqaalaha, nafta, siyaasadda, taariikhda, antaraboolajiga iyo fiqiga, waxa ay gogoldhig uga dhigtay—innagana ina khuseeya— naqdinta xaaladdii dhoohanaanta aynu u soo bixinnay ee labada dhinac ka rarnayd oo ay qoraagu sheegayso in ay dabartay garaadka bulshooyinka Muslimka ah marka laga hadlayo horumarka, isbeddelka, iyo xaddaarad-dhiska.

Kala safashada diiniga iyo calmaaniga ayaa qoraagu ku sheegaysaa dabarka ugu halista badan ee u diiday garaadka bulshadeennu in uu tallaabo u qaado dhanka horumarka. Waxa ay mar iyo meel in ka badan buugga ku qeexaysaa sida ay xaaladda hirdan ee labadaas u dhexaysaa ugu diidday in ay arkaan, haddii ay arkaanna uga hawlgalaan waydiimaha kale ee ka mudan ee bulshooyinkeenna u yaala.

Wejigii hore ee dhoohanaanta

Qoraagu waxa ay qabtaa in dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta ee lagu sunto Islaamka Siyaasadaysan (political Islam) ee ka jira dunida Islaamku ay yihiin falcelin ka dhan ah gumeysiga, noociisii hore ee tooska ahaa kuna dhidbanaa awoodda iyo maamulka tooska ah, iyo kan cusub ee hadda jira kuna dhidban awoodda dadban, dhaca nidaamsan, adeegsiga talisyada degaanka ah, iwm. Waxa ay sheegaysaa in gumeysigu innooga tagay dawladnimo aan ka biqlin cagligeenna, kana jawaab celin karin baahiyaheenna. Sida ay dawladda ka danbaysay gumeysiga ee ka dhalatay dhulkii la gumaystay madaxbannaanida ka dib u dhaxashay dawladdii gumeysiga, seesna uga dhigatay, ayay u dhaxashay cadaawadda iyo mucaaradka dhaqdhaqaayada Islaamiga ah ee ku taamaayay dib u dhiska xaddaaradeed ee Muslimiinta.

Badi dadka darsa dhaqdhaqaaqyadani iyaga oo qiraya in ay falcelin aburtay waxa ay u fasiraan awood taariikheed oo ku lid ah xadaasada (modernity), kuna baaqaysa in dib loogu noqdo casrigii Islaamku curtay. Sidaa lidkeeda qoraagu waxa ay qabtaa in ay yihiin dhaqdhaqaayadani awood xadaasadeed, oo qaranka qawmiga ah ee xadaasiga ag qabatimay, garaadkooda uu biyo dhigay oo doonayana in ay Islaameeyaan oo qudha. Waxa ay tidhi, “Sannado badan oo baadhis iyo la noolaansho ah ka dib, waxa aan ku qanacsanahay in badi ururrada Islaamiyiintu yihiin dhismayaal xadaasi ah oo badhax tiran.” [bogga 189].

Waxa ay naqdinaysaa fikradda dawladda Islaamigaa oo ay qabto in ay ahayd jawaabcelintii Islaamiyiintu ay ka horgeeyeen qaranka qawmiga ah ee xadaasaddu dhashay, gumaystuhuna uu inna qabadsiiyay. Waxa ay meel kale ku leedahay, “Daruuri weeyi in aan geeska darno sawirka dawladda Islaamiga ah ee ku jirta maanka xubnaha saxwada Islaamiga ah, waxa ay kala mid tahay—waa dawladda sawirkaas ku jirta e—qaranka qawmiga ah ee xadaasiga ah ku tagrifalka awoodda, jibaaxa dhammaan masaaxadaha, muquuninta dadka, keliyaysiga toosnaanta, ku hadalka afka akhlaaqda, dad ku qasbidda taqwada, qaanuunaynta aqoonta, iyo faromaroojinta awoodda bulshada iyo kartiyaha dadka.” [bogga 188]

Qoraagu waxa ay si guud naqdi culus ugu jeedinaysaa qaranka qawmiga ah ee xadaasiga ah, oo ay caddaynayso in loogu hungoobay si guud, gaar ahaan dhulkii ay ku dhalatayba ee ay ruuxdiisa sidatay. Waxayna tidhi mar ay soo taxday musiibada ku jirta nidaamka dawladeed  ee la innoo yeedhiyay ee aan ka biqlin carradeenna, “Lakiin aaladdaasi—dawladda qawmiga ah ee xadaasiga ah weeye e— waxa ay ahaan doontaa sidii uu ku sifeeyay Bartaraan Baadi, aqoonyahanka siyaasadda ee reer Faransiis ‘dawlad la soo waariday oo ruux reer galbeed leh.’” [bogga 110]

Dhan kale waxa ay caddaynaysaa in mashruuca ku taamaya Islaamaynta qaranka qawmiga ah ee xadaasada ku abtirsanayaa aanu matalin Islaamka diin iyo falsafad ahaanba, oo keliya ku kooban yahay in uu hordhacyo diimeed u sameeyo midhaha falsafado kale oo (sida ay ku doodayso qaybo badan oo buugga ahna u gunudday) cilladda diidmadeedu aanay ahayn reeraysi iyo in ay cid kale ka timiday ee ay tahay in seeskeeda falsafadeed uu burinayo seeska falsafadeed ee Islaamka.

Wejiga labaad ee dhoohanaanta

Islaamiyiinta lidkooda, waxa iyagna si dhoohan oo dulxaadis leh u liqay xadaasada calmaaniyiinta Muslimiinta ah—sida ay qoraagu sharxayso. Cilladdooda ugu weyn waxa ay ku sheegtay in ay taariikhda Yurub u haystaan sidii oo ay tahay—rabaanna in ay noqoto—mustaqbalka dunida. Waxa ay baraarujinaysaa arrin muhim ah iyada oo leh, “Mashruuca siyaasadeed ee Islaamku waa dhisidda bulsho/ummad, iyadaa ah xayndaabka qudh ah ee qofku ku dhaqangalin karo shacaa’irta Diinta, waana majaalka qudh ah ee diinta lagaga dhabayn karo. Diinta lagagama dhabayn karo meel ka baxsan koox bulsho, waana xaqiiqada qorraxda ka cad ee ay is-ilawsiiyaan dad badan oo ka soo qaadaya in diinta, gaar ahaan Islaamka, loo dhaqangalin karo si qof ahaaneed oo qudh ah. Tijaabadaas suufiyada ayaa isku dayay, wayse isbeddeshay waqti ka dib. Suufinnimadu waxay ku bilaabantay farsamo qof ahaaneed oo la isku cabbiro, Eebbana loola xidhiidho, lakiin waxa ay isu rogtay waqti ka dib dariiqooyin kooxeed.” [bogga 127]

Fikradda ah in aan si qof ahaaneed Islaamka loo fulin karin, uuna yahay diin ummadeed oo dhaqanka iyo bulshadu dhiiggiisa ku jiraan mudnaateedu waxa ay ka imanaysaa sida ay daaha uga qaadayso maangaabnida isku dayga Masiixiyaynta Islaamka gaar ahaan iyo diin walba guud ahaan. Iskudaygaas oo ku dhisan fikrad ah diin waa ka diin waana xidhiidh ruuxa iyo waxa/cidda uu caabudo ka dhexeeya, rabana in uu indhaha ka laabto, hadduu kari waayana xididdada u siibo fikrad kasta oo bulsho oo diin ku jirta.

Kala soocidda casriga iyo xadaasada

Waxaa caadi iska noqotay isku qaadka nooca nololeed ee dunidan casriga ah een ku nool nahay (arrinta xilliga iyo ruuxda casriga) iyo falsafadda xadaasada (modernity). Qoraagy waxa ay ku doodaysaa kala fujinta iyo kala soocidda wixii cusub iyo xadaasadda. Waxay tidhi, “Xadaasaddu ma aha casriga iyo cusaybka, waxa weeye falsafad dhammaystiran oo hagaysa habfikirka garaadka galbeedka, waxa ayna ka dhalatay mashruucii tanwiirka (Enlightenment), iyo kii Westifayliya ee lagu dhidbay habka hantigoosadka.” [bogga 197]

Si ballaadhan ayay u qeexaysaa xadaasada iyo weliba calmaaniyadda oo ay sheegayso in labadoodaba si dulxaadis loo fahmay, taasna ay ka siman yihiin labada dhinac ee dooddu (Islaamiyiin iyo Calmaaniyiin). Waxa ay leedahay, “Waxa layaab leh in aynaan ku colaadin taariikhdeenna casriga ah Carab iyo Islaamiyiin ahaan xadaasada reer galbeed, dawlad iyo diin kala sooceeda wax aan ahayn” [bogga 110]. Iyada oo naqdinaysa qeexidda gaaban ee dulxaadiska miidhan ah ee calmaaniyadda lagu qeexo ee tidhaahda, “Calmaaniyaddu waa kala saaridda diinta iyo dawladda,” oo aan filayo cidda sidaa u sharraxaysaa in ay nolosha aadamaha u haysato baabuur labo nooc oo taayiro ah leh, mid yahay dawlad, midna yahay diin oo kolba inta mid laga saaro mid la galiyo. Meel kale waxa ay ku leedahay, “Gacan ku dhigista iyo maamulka ayaa ahaa labo ujeeddo oo seesdhig ah oo laga lahaa calmaaniyadda, Eebbe meeshuu doono ha tago, aadamuhuna gacanta ha ku dhigo maqaadiirta iyo caalamka, lakiin laguma guulaysay sidii hore si dhaanta, waabay ka dartay” [bogga 161]

Qiimaha firkirkani waxa weeye in inta aan daaci loo noqon ama difaac laga galin falsafadahan ay lamahuraan tahay in si qotodheer loo darso ahaanshahooda iyo waliba tijaabadii la galiyay wixii ka dhashay. Haddii aad jar iska xoorayso, jar aad garanaysid iska xoor.

Qoraagu iyada oo sii wadda qeexidda iyo maxkamadaynta fikradahan waxa ay meel kale tidhi, “Waxa ay sheegtay xadaasadu in diintu tahay hooyada colaadaha iyo isdilka, haddii uu garaadka basharku ka taliyo masiirka aadamahana nabadgalyada iyo degganaashaha ayaa dadka dhexdooda ku baahaya. Waxa ay ballanqaadday in cimriga aadamuhu dheeraan doono, farxadduna u dhaboobi doonto marka uu ka xoroobo dabarrada ay bulshadu ku qasabtay, bulshadaas ay xadaasadu ka saraysiisay qofka ayna ka kor yeeshay. Ama dhab ahaantii ay ka hor keentay.” [bogga 161]

Dulxaadiska waxa aabbe u ah—sidaan u arko—in falsafadaha laga xayuubiyo taariikhda, lagana dhigo dhagax taagtaagan oo aan xidhiidh la lahayn waaqicii ay ka dhasheen iyo ballanqaadyadii ay samayeen ee dadka ugu baaqeen, iyada oo fikraddaas qaawinaysana waxa ay tidhi qoraagu, “Magaalooyinka cusubi waxa ay ahaayeen ballanqaad bulshada baadiyaha ka xorow ah, suuqyada cusubna waxay ahaayeen ballanqaad faqri ka xorow ah, qaranka qawmiga ah ee xadaasigiina ballanqaad nabad siyaasadeed ah ayuu ahaa. Dhammaan ballanqaadyadaasi may dhaboobin; aan qummaati u abbaarnee, waxay u dhaboobeen badh ka mid ah haldoorka oo kooban iyo kooxo gaar ah. Lakiin waxa la waydaarsadayna ma yarayn.” [bogga 161]

Waydiimaha ka mudan hirdanka

Marka aynu ka gudubno naqdinta kala safashada iyo dulxaadiska, nuxurka buuggu waxa weeye waydiimaha uu miiska soo saarayo oo ay ugu horrayso waydiinta cinwaankiisa la xidhiida ee ah Magaalowga. Xidhiidhka ay magaaladu la leedahay xaddaaradda iyo shareecada. Shareecadaas oo aan ahayn mafhuumka qaanuuniga ah ee u rogay shareecada xidhmo xeerar ah. Iyada oo naqdinaysa magaalowga Muslimiinta ee casriga ah sida Qaahira—oo ay tusaale u soo qaadashadeeda buugga ku badisay—waxa ay leedahay qoraagu “Waxa ugu sahlan ee lagu sifayn karaa waa in uu yahay habdhismeed been ah, aan ka turjumayn qiyamka dadka deggan, mayee, ku lid ahba”.

Waydiimahaas waxa ka mid ah oo kale waydiinta caalaminnimada farriinta Islaamka oo ay ku eedaynayso qoraagu khidaabka Islaamiga ahi in uu deegaan ku koobay fariinta Eebbe, waxayna tidhi, “… Doodda calmaaniyadda ama shareecadu—kala doorashadoodu—waxay abuuraysaa gidaar kala xidha sawirashada Islaamka iyo sawirasho kasta oo kale oo aadame dajiyay, mid kala xidha tijaabada taariikheed ee Islaamka iyo tariikh kasta oo kale, dabadeetana waxa uu ku xidhayaa taariikhdeenna, taariikhda siyaasadeed oo keli ah, taas oo burinaysa fikradda aadamenimada la wadaago iyo caalaminimada farriinta. Waxa ugu halis badan ee ku jiraana waxa weeye aqbalidda in Islaamka lagu xayndaabo iyadoo la adeegsanayo halkudhegga “gaar ahaansho dhaqan” tusaale ahaan, haba wanaagsanaado ujeedkuye, halkudheggu waa marin habaabis, kaba darane waxa uu ka soo horjeedaa islaamka jawharkiisa [ahaanshihiisa].” [bogga 134]

Sida aan bilawga ku soo tilmaannay, mudnaanta buuggan iyo qoraagiigu ma aha fikrado diyaarsan ama bisil oo in la qaato oo la fuliyo uun u baahan oo uu xambaarsan yahay, qoraaguna ku baaqayso. Taa caksigeeda mudnaanta buuggani waa ka madhnaanta fikir ama falsafad isku dhammaystiran oo uu ku bishaaraynayo. Sida ay kulammada lala yeesho iyo muxaadarooyinkeeda ku celceliso, mudnaanta buugga iyo qoraagu waxa ay ka imanaysaa naqdinta dhoohanaanta qabta in fikir bisil, diyaar ah oo in la dhaqangaliyo uun u baahani uu inna sugayo, keliya in aan qaadanno, ku baaqno, oo ka dhabayno innaga xigto in aan fardawsada arlada galno ku aroorno.

Intaas ka dib, waxa xigaa waa u banbaxa waydiimaha waaqaca yaalla, ma aha kuwa yaalla taariikhda Yurub ama taariikhda jiilkii koobaad ee Muslimiinta ee qolaba dhankeeda u haysato in ay tahay—taariikhdaasi—mustaqbalka caalamka. Waxa ay qoraagu marar badan hoosta ka xarriiqaysaa ahmiyadda ay leedahay aqoonta aan aydhiyoolajiyadaysnayn ee inna siinaysa qalab aan kula falgalno waaqica, garaadka, iyo taariikhda lafteeda.

Gabagabadii, dhoohanaantaas kala safashada ah ka gudbiddeeda ayaa kow u ah fikir cusub oo taariikhda wax ka baranaya, cidda kale ka iftiin qaadanaya, laakiin qalbiga ku sita waydiimaha bulshadiisa maanta horyaalla.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *