“In the quest for happiness, many of us choose to enjoy the world as it is. Originals embrace the uphill battle, striving to make the world what it could be. By struggling to improve life and liberty, they may temporarily give up same pleasure putting their own happiness on the back burner. In the long run, though, they have the chance to create a better world… Becoming an original is not the easiest path in the pursuit of happiness, but it leaves us perfectly poised for the happiness of pursuit.”
p.242-243.
Beryahan dambe waxaa xabaalaha loo qaaday curintii iyo mihindiskii wax cusub, badankeennuna waxa aynnu qabatinnay dheegashadii. Adduun loo badan yahay dameeri dhaan raacday sidee ayaa aad u noqon kartaa qof keenada diida, oo halkii uu noqon lahaa hayin iska hoggaansama, ka door bida in uu jeexo jid cusub.
Labo jid ayaa waxqabad lagu gaadhi karaa: in lala yimaaddo alkumid ama curin cusub, iyo dhambalasho iyo dheegasho lagu joogo raadkii cid hore. Dheegashadu waa in jid haloosi ah oo ay cagtu ku badan tahay la maro. Halka in wax cusub la alkumaa ay u baahan tahay qaadidda jid cusub ama mid cagtu ku yar tahay; la-imaanshaha aragtiyo jaadgoonni ah oo aan hore loo baran, laakiin wax wanaajiya. Hindisidda wax cusubi waxa ay u baahan tahay halabuur dhaliya wax aan hore u jirin, dheefna leh. Intaana kuma koobna e, dadkaasi waxa ay la yimaaddaan haalhayntii (initiative) iyo isxilqaankii ay riyadooda kaga dhabayn lahaayeen.
Buuggani (Halabuurka- Sida ay Keenadiidyadu adduunka u beddelaan) waxa uu ku saabsan yahay sidii aynu u kobcin lahayn awooddeenna alkumid iyo hindisidda wax cusub. Waxa uu inna barayaa tabo aynu adeegsan karno si aynu u dhalinno halabuur waxtar leh oo meel mara.
Qodqodidda sida ay wax yihiin (default)
Dhaqaaleyahan Michael Housman baadhitaan uu ku sameeyey sababta adeegeyaasha macaamiisha qaarkood ay markiiba shaqada uga tagaan halka kuwo kale ay muddo dheer shirkadda la joogaan, waxaa u soo baxday in shaqaalaha adeegsada barnaamijyada internetka lagu galo ee Firefox iyo Google Chrome ay ka hawlkarsan yihiin kana heellanaan iyo hagarbax badan yihiin kuwa adeegsada Internet Explorer ama Safari.
Sabab?
Labadan dambe waxa ay la socdaan hadba kombiyuutarka uu qofku adeegsanayaa nooca uu yahay, oo isxilqaan iyo hawl dheeraad ah uma baahna. Shaqaalaha adeegsadaana wixii ay meesha ka heleen uun bay adeegsadeen. Shaqaalaha kale waxa ay la yimaaddeen isxilqaan dheeraad ah, oo waxa ay ku qanci waayeen wixii ay heleen. Waxa au u heellanaayeen in ay raadiyaan wax cusub oo hawshooda u fududeeya. Habdhaqankaas ayaa keenay in ay labada kooxood kala duwanaadaan. Kuwa isxilqaamay iskuma ay koobin jidkii loo tilmaamay ee waxa ay diyaar u ahaayeen in ay mid cusub jeexdaan, si ay hawshooda ugu fuliyaan habka ugu wanaagsan. Haddii caqabadi hor timaaddana, inta ay joogsadaan cid kale kama ay dhursugin, ee iyaga ayaa xallinayey.
Dadku sidaas ayaa ay u badan yihiin. Waa hayin. Waxa aynu qabatinnay in aynu ku joogno saanqaadka awrka innaga horreeya. Waxa aynu oggolaannay keenada qoorta la innoo sudhay ee la innagu hoggaaminayo.
“Cawli ban bay u baratay, buuri u dhaantaase mooyi.”
John Jost, aqoonyahan ku takhasusay kasmo-nafeedda siyaasadda (political psychology), baadhitaanno uu sameeyey ka dib, waxa uu yidhi “Dadka ay dhibaatada ugu badani ka soo gaadho waaqaca jira, ayaa—waa qaadanwaa e— ah kuwa ugu hooseeya/ yar su’aaliddiisa, isku taagiddiisa, diididdiisa, iyo beddeliddiisaba.” Kan dhibta ugu badani ka soo gaadho qabyaaladda iyo fawdada ayaa ugu difaacid badan qabiilkiisi iyo horjoogeyaashooda aan dantiisa wadin. “Maxaan samayn karnaa waa xaal adduune!” “Weligeedba sidaasay ahayd!”
Astaanta wax cusub hindisiddu waa in laga dido “siday wax yihiin”, loona dhaqaaqo raadinta siyaabo kale oo ka wanaagsani in ay jiraan. Qoraagu waxa uu tilmaamayaa in uu arrintan darsayey in ka badan toban sano, ayna ka aasaasanto ama ka unkanto faduulinimo (curiosity). Marka hore waa in aan isweydiinno sababta ay wax sidan u yihiin. Hannaankeenna nololeed iyo sharciyada uu ku dhisan yahay wax badan waxaa sameeyey dad. Ogaanshahaas oo aynu ka heli karno dhiirrigalin aynu kaga fekerno sida aynu u beddeli karno ee aynu u wanaajin karno. Dadka intooda badani iyaga oo ka cararaya guuldarro, baadigoobna ugu jira guul heer sare ah, waxa ay doorbidaan in ay dadkooda ka mid ahaadaan oo ay halkii wax ka sii wadaan—“wixii la yaqaannay waxoodi ayaa laga akhristaa…” Haddii aad ganacsi rabtid, mid shaqaynaya mid la mid ah ka ag furo. Haddii aad rabtid in aad suugaan curisid, ka dheego/ dhambalo cid guuleysatay si aad meel u gaadho. Ha isku biimayn wax cusub oo aan hore loo samayn. Hadraawi aan Hadraawi ahayn noqo.
“Canaan-ka-yaab reer ma doojo.”
Hayin vs Halabuur
Halabuur macne leh lama gaadhi karo haddii aan birta la qaniinin oo aan la isbiimayn. Dadka halabuurka ahi waa jaadgoonni ah iyo abuur aynaan aqoon! Dan kama laha aragtida bulshada iyo raalligalinteeda…waa fallaago, jare-diid ah oo geesinimo buux dhaafisay.’ Qoraagu waxa uu ku dedaalayaa in uu innaga tirtiro aragtiyahan aynu halabuurka ka qabno. Waxa uu ku doodayaa in halabuurku uusan u baahnayn in ceel madow madax-madax la isugu tuuro.
Dadka adduunka hore u wada, dhankii la doono ha ahaato e, in kasta oo ay u muuqdaan dad aan haladayg iyo hagarbax lagu gaadhin, marka duubka sare laga qaado, xaqiiqadoodu waa ay ka duwan tahay wajahadda hore. Sida dadka kale ayaa ay walaac iyo welwel badan la kulmaan. Dadka ganacsiyada guuleysta bilaaba, intooda badani waxa ay sii joogaan shaqooyinkoodii hore in muddo ah. Tusaale ahaan, in kasta oo uu nike bilaabay 1964’tii, Phil Knight waxa uu si watey shaqadiisi xisaabiyenimo ilaa 1969’kii. Steve Wozniak markii uu apple la aasaasay Steve Jobs 1976’dii, ayna sameeyeen apple i, waxa uu shaqaale ka sii ahaa hp ilaa 1977’dii.
Aasaaseyaasha Google— Larry Page iyo Sergey Brin— iyaga oo diyaariyey hannaankii Google ku shaqayn lahaa 1996’dii, waxbarashadoodii ayaa ay sii wateen ilaa 1998’dii, waxa ayna ku sigteen in aysan bilaabinba iyaga oo cabsi ka qabey in ay waxyeello soo gaadho waxbarashadoodii. Waxa ay isku dayeen in ay $2 milyan oo doollar ku gadaan, laakiin waa laga gadan waayey. Maantana qiimaha shirkaddaasi waxa ay kor u dhaaftay $600 oo bilyan.
In aad wax cusub alkuntaa ma keenayso isbiimayn iyo halis madaxa la galid. Haddii aad haysato mushahar oo aadan biil ka welwelayn, ma jiraan wax kugu khasbaya in aad buug aan bislaan la soo oroddo, ama ganacsi aadan ka fiirsan aad faraha la gasho. Dadkaa hankooda ka midho dhaliyaa waxa ay halista hal dhinac kaga iman karta ku moosaan in ay xasillooni ka helaan dhan kale. Sayid Maxamed si uu Ingiriis ula dagaallamo, waxa uu ku tiirsaday kalsoonidii uu ku qabey reer abtigii—“ama buur ahow ama buur ku tiirsanow.
Qoraagu waxa uu ku doodayaa in halabuurnimadu aysan ahayn astaan iyo hibo lagu dhasho oo aan waxba laga beddeli karin, ee ay tahay wax la kasban karo haddii rabitaan jiro.
Intaa marka uu innaga dhaadhiciyo, qoraagu waxa uu gudagalayaa in uu innoo fududeeyo sidii aan riyadii ugu beddeli lahayn fal saamayntii loo baahnaa yeesha. Qoraagu waxa uu adeegsanayaa sheekooyin badan oo uu ku tusaalaynayo halabuurnimada iyo sida isbeddel waxtar leh loo dhaliyo.
Waxa uu ku bilaabayaa sidii loo maarayn lahaa halisaha ku maran dhalinta, garashada, iyo soogudbinta aragtiyo ugub ah. Sidee ayaa aad ku garan kartaa aragtida qiimaha leh? Sidee ayaa aad dadka ula wadaagi kartaa? Goorma ayaa ay habboon tahay in aad tallaabo qaaddid? Sidee ayaa aad taageero ugu heli kartaa halabuurkii ugubka ahaa adiga oo ka dhowraya in la shiiqiyo ama la tuuro?
Qaybta saddexaad ee buuggu waxa ay ku saabsan tahay sidii loo kobcin lahaa halabuurnimada innagu wada duugan. Sidee ayaa aad ilmahaaga ugu korin kartaa qaab ka dhiga kuwo halabuur wanaagsan leh? Sidee ayaa aad goobtaada shaqo uga dhigi kartaa meel halabuurku ku bulaalo?
Waxa uu ku gabagabaynayaa sidii aynu u maarayn lahayn dareennada innaga hor istaaga ina aynu la nimaadno hindise iyo halabuur cusub.
Qoraagu waxa uu tilmaamayaa in ka dib sannado badan oo uu dad halabuur leh darsayey lana dhaqmayey, uu la yaabay sida dareenkoodu uu ka dadka caadiga ah ula mid yahay: in ay dareemaan baqdinta, walaaca, iyo welwelka dadka kale aya dareemaan. Waxa ay inta kale kaga duwan yihiin waa in aysan u joojin ee ay tallaabo qaadeen oo ay cabsidii hakin weyday hankoodii.
Fanka iyo Sayniska Garashada Aragtiyaha Dhaladka ah.
Marar badan bartiiyaqaannimada waxa aynu ku eedaynnaa halabuur la’aan, xal ahaanna waxaa la soo jeediyaa in lagu dedaalo curinta aragtiyo dhalad ah oo halabuur leh. Qoraagu waxa uu ku doodayaa in aysan dhibtu ahayn curin la’aanta aragtiyo dhalad ah e, ay caqabadda ugu weyni tahay xulasho la’aan ama xulasho xumaan. Aragtiyo innaguma yara, ee waxaa innagu yar dad ku xeel dheer xulashada aragtida qumman ama toolmoon. Mararka qaar waxa aynu diidnaa oo innala xumaata aragti meelmar ahayd, marna waxaa innala qurxoonaata mid liidata. Haddaba, yaa ku habboon qiimaynta aragtiyaha?
Inta badan qofka halabuurka ahi waa uu buunbuuniyaa aragtidiisa oo qab iyo wax kale oo ay ahaataba, ma sahlana in uu xaqeedii siiyo oo uu si fiican u qiimeeyo. Kalsooni dheeraad ah ayaa aynu ku qabnaa nafteenna iyo waxsoosaarkeedaba. Haddii aysan qiimayn karin tayada waxsoosaarkooda, halabuurku sidee ayaa ay u kordhin karaan fursadda ay ku guuleysan lahaayeen helidda aragti waxtar leh? Qoraagu waxa uu innala wadaagayaa baadhitaanno muujinaya in dadka halabuurka ah ee aragtiyaha dhaladka ah la yimaaddaa aysan tayo ahaan dhaamin lodkooda ee ay kaga horreeyaan tiro badnida waxsoosaarkooda. Tiradaa badan ayaa waxaa ka soo dhex baxda aragti wax-ku-ool ah. Markaa, hal qaab oo lagu kordhin karo fursadda in aragti dhalad ah lagu guuleystaa waa in aragtiyo badan la keeno. Qoraallada Einstein in yar ayaa caan baxday, walow uu qoray 248. Mar la uruuriyey 50’ka laxan ee muusikada kalaasigga ee reer Galbeedka ugu heer sarreeya, Mozart waxa uu ku yeeshay lix, shan waxaa ku yeeshay Beethoven, saddexna Bach. Ogsoonow in Mozart qoray 600 oo laxan. Beethoven-na 650, Bach-na 1000 laxan kor u dhaafay. Sidaas oo kale, tobannaanka kun ee sawir iyo farshaxan ee Picasso sameeyey, wax yar ayaa caan ka ah.
Haddaba, marka la joogo halabuurka iyo curinta aragti dhalad ah, tayada iyo tiradu waa ay isku xidhan yihiin, ayaa uu qoraagu ku doodayaa. Waxa uu innoo tilmaamayaa in dad badani aysan ku guuleysan halabuur dhalad ah, maxaa yeelay, inta ay curiyaan aragtiyo kooban ayaa ay ku waashaan hagaajintooda iyo turxanbixintooda.
Sida ugu habboon ee aragti loo qiimeyaa waa in aad dhex dhigto dadkii loogu talagalay oo aad wax ka weydiisaa, ka dibna aad falcelintoodii dhaqan gelisaa. Haddii aad shaqaale tahay, laga fiican in aad maamulahaaga ula tagtid judha horeba. Maamuleyaashu marka ay aragti cusub qiimaynayaan waa ay barbardhigaan wixii hore ay u yaqaanneen. Marar badan waxa ay raadinayaan sababaha aragtidani ku fashilmi karto. Taxanaha caanka ah ee Harry Potter, madbacado badan ayaa diidey, iyada oo qaarkood ay ku dhaleeceeyeen in buuggu aad u dheer yahay oo aysan ilmuhu jeclayn akhrinta buug dheer. Ilaa hadda halkii madbacad ee oggolaatay waxaa uga soo xerootay ka badan $25 bilyan oo doollar!
Qoraagu waxa uu ku talinayaa in halkii maamulaha ay ka fiican tahay in aad u soo bandhigtid cid kale oo halabuur leh. Marka aynu khibrad dhexdhexaad ah mawduuc u leennahay weeyaan marka aynu ugu soo dhoweyn badan nahay aragtiyaha halabuurkoodu sarreeyo.
Khibradda iyo Halabuurka
Halabuurku waxa uu u baahan yahay khibrad xeeldheer haddana ballaadhan. Adiga oo takhasuskaaga ku xeeldheer, haddii aad mawduucyo kale wax fiican ka taqaanno, fursadda aad u leedahay in aad aragti dhalad ah keentaa waa ay kordhaysaa. Markii la isbarbardhigay saynisyahannada ku guuleystay Abaalmarinta Nobeelka iyo lodkooda aan ku guuleysan, kuwa abaalmarintaas helay in badani waxa ay khibrad u lahaayeen waxyaalo ka baxsan sayniska, sida suugaanta, farshaxanka, muusikada, farsamada gacanta, jilitaanka, iwm.
Halabuurka waxa kale oo lagu kobcin karaa socdaalka iyo in aad degaan iyo dhaqan kugu cusub dhex gashid. Waa halkii ay Soomaalidu lahayd “Nimaan dhul marin dhaayo ma laha.” iyo “Bartiiyaqaan bari uma korodho.” Dadka afafka badan ku hadlaa waa ay ka halabuursan yihiin dadka hal af ku hadla.
Tusaaleyaasha uu qoraagu soo qaadanayo waxaa ka mid ah Kaarmen Mediina oo cia-da u shaqayn jirtay. Kaarmen waxaa u cuntami weyday qaabka ay wakaaladaha sirdoonku xogta u wadaagayeen oo waqti dheer qaadan jirey. Waxa ay soo jeedisay nidaam cusub oo si degdeg ah wakaaladaha kala duwan ay xogta isu dhaafsan karaan, laakiin cidina dheg uma jalaq siin, iyaduna ma aamusin! Iskudhac ka dib, jagadeedii waa ay ka tagtay, nasiibdarrose, markii ay heli wayday shaqo cia ka baxsan, waa ay soo noqotay laakiin boos aan kii hore ahayn ayaa la siiyey. Muddo aan toban sano gaadhin ka dib, waxa ay kaalin weyn ka qaadatay aasaasidda mashruuc Wikipedia u dhigma oo ay sirdoonku xogta ku wadaagaan. Maxaa isbeddelay? Waaqicii jirey ayaa isbeddelay oo keenay in wixii shalay lagu maagayey loogu garaabo. Guusheeda dambe waxa ay ku soo beegantay xilli internetkii faafay oo aan cabsidii hore laga qabin. Waxaa dhacday Sibtambar 11 iyo weerarkii Maraykanka lagu qaaday…
Marar badan waxaa dhacda in aragtiyaha qurxooni ay ka horreeyaan xilligoodii oo dadku aysanba fahansanayn, waana in loo kaadiyo. Sidaas oo kale, waa lamahuraan in qofku uu kasbado tixgalin inta ka horraysa soo gudbinta aragtidiisa. Tixgalinta iyo qaddarinta loo hayaa waxa ay qofka siiyaan awood uu kaga leexan karo jidka “maqbuulka” ah. Ahmiyadda ay leedahay in shaqaalaha caafimaadku ay gacmahooda dhaqaan mar baa ay ahayd “bidco” iyo wax lagu qoslo!
Kaarmen aragtideeda waxyaalaha lagu diiday waxaa ka mid ahaa in baqdin laga qabey arrimo xasaasi ah in internetka lagu wadaago, iyada oo ay suuragal ahayd in jidka loo fadhiisto oo sirtii la xado. Haddaba, si aragtidu u guuleysato, waa in la sii saadaaliyaa waxyaalaha lagu dhaleecayn karo oo weliba la sii sheegaa! Qoraagu dhawr sababood baa uu tilmaamayaa: koow, waxa ay hubka ka dhigaysaa mucaaradka. Labo, waxa ay muujinaysaa in aad si fiican uga fekertay. Saddex, waxa ay kuu muujinaysaa qof la aamini karo oo waxba hoosta ku qarinayn in aad tahay. “Dadku waa indho-ku-garaadle.»
Dadku waa ay la collaytamaan waxa aysan aqoon u lahayn. Aragtidaada iyo dheefteeda in kasta oo aad adigu ka dheregsan tahay, dadka oo dhan sidaa ha moodin. U jilci oo ugu celceli. Dhinacyo kala duwan ka tus. Indhahooda iyo dhegahooda ku badi. Tijaabooyin arrintan laga sameeyey waxa ay tilmaamayaan in uu qofku u baahan yahay toban ilaa labaatan mar in loogu celceliyo si wax cusub looga dhaadhiciyo. Tan waxaa markhaati u ah sunnada Nebiga scw.
Aragtida cusubi waxa ay u baahan tahay in la muujiyo meelaha ay ka shabbahdo wax dadku yaqaannaan. Qur’aanku marka uu Jannada tilmaamayo, waxa uu innoogu sheegaa waxyaalo aynu naqaanno laakiin xaqiiqo ahaan ka duwan. Waxaa la innoo sheegaa in ay leedahay qasriyo, webiyo, cunto nooc kasta ah, iyo wax kasta oo aynu raaxo u naqaanno, halka Naartii la raaciyey wax kasta oo ay naftu ka diddo neceb tahayna. Wax aan meel loo qaadaba la garanayn, in uu guuldarraysto u badi. Sidaas awgeed, waxa cusub u samee maqaarsaar la yaqaanno.
Ahmiyadda qaabka wanaagsan ee farriinta loo gudbiyo ee dadka loola wadaago waxaa iyaduna garab socota ahmiyadda ay leedahay xulashada cidda lala wadaagayaa. Waa in aadan la doonan cid kuu nacamlaysa oo goldaloollada kaa qarisa, iyo cid ku yasta oo niyadda kaa jabisa toona. “Dahab nin kasta lalama doonto.”
Falgelinta iyo ka midhodhalinta
Goorma ayaa ay habboon tahay in aad qaaddo tallaabo aad riyadii kaga rumaynayso?
In kasta oo badanaa lagu taliyo in aad wixii cusub la degdegto si aan lagaaga horrayn, qoraagu waa uu ka soo horjeedaa aragtidaas. Marar badan ayaa ay fiican tahay, ciddii doonaa ha kaa hor marto e, in loo kaadsado. Aragtida maskadxa ku hay (maamin) oo maanka ku radi, ila ay jilicdo, iskuna day in aad wax ka barato gefafka dadkii kaa horreeyey. Ganacsiyada guuleysta iyo kuwa aan guuleysan markii baadhitaan lagu sameeyey, farqiga ugu weyni waxa uu ahaa waqtiga; 42%. Kuwa guuldarraystaa waa ay degdegeen inta badan. Marar badan inta aynu isleennahay ugu horree, ayaa aynu suuqa la nimaadnaa wax aan bislaan taas oo keenta guuldarro.
Qofka halabuurka keenaa kama maarmo cid kaalmaysa oo guusha gaadhsiisa. Qoraagu waxa uu ku doodayaa in isbahaysiga ku dhisan hannaan wadaag uu ka faa’iido badan yahay, kana dhibaato yar yahay midka ku dhisan qiyamka iyo mabaadii’da.
Marar badan waxaa la arkaa dad isku mabda’ ahaa oo isku dhacaya, ama isku eedaynaya waxyaalo ay qaarkood u arkaan mabda’ii oo laga tagey. Wixii cusbaa ee aad keentay isaga oo dani dadka ugu jirto, haddana waa lama huraan in loo tartiibiyo oo hadba inta caqligooda iyo duruuftoodu ay xammili karaan loo soo bandhigo. Tani ma aha tanaasulid ee waa dhisid iyo qunyar tallaabsi. Marka aad aragti cusub keentid, noqo xaqudirir debecsan. Soo qabooji aragtida hana ka bilaabin meesha ugu dambaysa, si aan looga didin. Caa’isha rc markii ay tilmaamaysay qaabkii ay diintu u soo degtay, waxa ay sheegtay: Qur’aankii ugu horreeyey ee soo dagey waxa uu ahaa suurado gaagaaban oo ka hadlayey Jannada iyo Naarta, ilaa ay dadkii ka qaateen Islaamka, ka dibna waxaa soo dagey aayadihii xalaasha iyo xaaraanta. Haddiise waxa ugu horreeya ee soo degaa uu ahaan lahaa: ha cabbina khamriga,’ waxa ay odhan lahaayeen, ‘weligayo ka tegi mayno khamriga.’ Haddii ay soo degi lahayd, ‘ha sinaysanina,’ waxa ay odhan lahaayeen, ‘weligayo ka tegi mayno sinada’.
Wax yar oo la oggolaan karo ka bilow inta aadan meesha ugu dambaysa gaadhsiin.
Tan ayaa badanaa khilaaf ka dhex dhalisa kooxaha isu urursada mabda’ wadaagid. Marka ay qaar tallaabooyinkooda gaabiyaan, kuwa kale ayaa khiyaano ku eedeeya. “Haani guntay ka tolantaa” ee waa in seeska la taagaa marka hore. Haddii kale waxaa dhacaysa “Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.” Gu’gii Carabta wixii ku dhacay iyo dabayl xagaadii hilfaha u laabtay waa aynu ogsoon nahay.
Qoraagu waxa uu tilmaamayaa in cidda ugu fiican ee ay tahay in la bahaystaa ay tahay kuwii markii hore kaa soo horjeeday ee dabadeed kugu soo biiray. Maadaama ay ka gudbeen mucaaradnimadii, waxa ay awood u leeyihiin in ay dadka kalena ku qanciyaan taageeridda aragtida, iyaga oo ka jawaabi kara waxyaalaha laga yaabo in dadka kale ka biyo diidaan. Xusuuso ducadii uu Nebigu scw Alle kaga baryayey in uu soo hanuuniyo Cumar ibnul Khaddaab ama Abuu Jahal, “Alloow Islaamka ku xooji Cumar ibnul Khaddaab ama Camr ibnu Hishaam.” Iyada oo ay ahaayeen labo nin oo aad u dhiba Muslimiinta, diinta si xad-dhaaf ahayd ula dagaallami jirey. Markii Alle soo hanuuniyey Cumarna, waa aynu ogsoon nahay wixii uu dhigay. Waa tii uu Cabdullaahi ibnu Mascuud lahaa “Laga bilaabo markii Cumar islaamay awood iyo sharaf baaaanu ku noolayn.” iyo “Haddii aad na arki lahayd annaga oo aan awood u lahayn in aanu ku tukanno Guriga (Kacbada) ilaa uu Cumar islaamay—markii uu Cumar islaamay ayaa aanu la dagaallannay ilaa ay salaaddii noo daayeen.” Mar kalena waxaa laga soo weriyey, “Islaamiddii Cumar waxa ay ahayd awood iyo sharaf, hijradiisina gargaar, madaxtinimadiisina naxariis. Wallaahi, si muuqata uguma aannaan tukan karin Guriga (Kacbada) agtiisa ilaa Cumar islaamay.”
Barbaarinta ilmo halabuur leh
Sidee loo korin karaa ilmo halabuur leh oo aan dameeri dhaan raacday ahayn? Badanaa ilmaha guridambayska ahi waa ka halis galid badan yahay ilmaha curadka ah. Wax badan oo curadku ka leexdo ayaa guridambaysku isku maqiiqaa. Sabab?
Badanaa curadku dad waaweyn ayaa uu ku dhex koraa oo uu ku daydaa habdhaqankooda, halka kuwa ka dambeeyaa ay yimaaddaan iyada oo ay guriga carruuri joogto. Kuwa dambe waalidku waa uu u seeto dheereeyaa oo koolkooliyaa. Intaas waxaa u dheer, waxaa la jooga walaalo ay isku halleeyaan oo garab taagan. Taas ayaa keenta in halabuurku ku badan yahay ilmaha guridambayska ah. Waxa ay la qabsadeen ku dhiirrashada halista iyo ismaqiiqa. Laakiin ma aha dhalasho ee haddii ilmaha oo dhan loo barbaariyo sida guridambayska, halabuurkoodu waa uu badanayaa.
“Waxan samee/ ha samayn, soco, fadhiiso, aamus,…”
Amarrada qayaxani uma fiicna barbaaridda wanaagsan ee ilmaha. Waxaa ka habboon in loo sharxo sababta ay tahay in uu u sameeyo ama uga dheeraado fal gaar ah. Aynu xusuusanno wiilkii u yimid Nebiga scw ee weyddiistay in sinada loo fasaxo. Nebigu scw waxa uu wax ka tusay meel uu fahmayo: hooyadaa ma uga raalli ahaan lahayd?”
Ilmaha waa in fekerid iyo adeegsiga caqliga lagu barbaariyaa, wax loo sharxaa, waxna laga dhaadhiciyaa si ay u noqdaan dad iswadi kara, noloshana meel fiican ka gaadha. In badan ayaa Qur’aanku innoo sheegayaa caaqibada fal, “in aad taqwo yeelataan, in aad guuleysataan, …”
Marka aynu go’aan gaadhaynno, labo tab ayeynu adeegsannaa: mar waxa aynu ka fekernaa caaqibada, marna habboonaanta go’aankaas.
Iyada oo tan laga ambaqaadayo, ilmuhu marka uu been sheego ma waxaa fiican in falka la tilmaamo oo la dhaho “been ha sheegin,” mise in la dhaho “beenaale ha noqon” oo magaca la adeegsado? Qoraagu waxa uu ku doodayaa in ay awood badan tahay midda dambe oo shakhsiyadda lagu xidho ammaanta iyo canaanta. Waxaa jirta dood kale oo ay caanbixisay Baresare Carol Dweck taas oo dhahaysa halkii aad ilmaha dhihi lahayd “fariid baad tahay,” ku dheh “fariidnimo ayaad samaysay.” Laakiin doodda qoraaga waxaa xoojinaya xadiiska Nebiga SCW ee odhanaya
ليس المؤمن بالطعان، ولا اللعان، ولا الفاحش،
“Mu’minku ma aha mid dadka wax ka sheegiddooda badiya, ama lacnad badane ah, ama af xun…”
Qoraagu waxa uu ku doodayaa in marka tilmaantu ay shakhsiyadda taabato, uu qofku taxaddar dheeraad ah muujiyo isaga oo isweydiinaya in falkaasi ku habboon yahay iyo in kale. In badan baa laga yaabaa in aan fududaysanno “been sheegidda” laakiin qofna ma sahlado in lagu tilmaamo “beenaale.”
Ilmaha in aan halabuurnimo ku barbaarinno waxaa kale oo ay u baahan tahay in aan u samaynno cid ay ku daydaan. Waa halkii ay Soomaalidu lahayd “Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa…” Qoraagu waxa uu soo xiganayaa tijaabooyin muujinaya in haysashada tusaale fiicani ay kor u qaaddo hanka iyo himilada qofka, oo ay ka higsi fog yihiin kuwa aan tusaalahaas wacan haysan. Halkan ayaa ay ka muuqanaysaa ahmiyadda in ilmaha la baro taariikhdooda iyo sooyaalka haldoor ay ku hirtaan/ daydaan.
Sidee xeego loo xagtaa ilkana ku nabad galaan?”
Halabuur cusub la imaanshihiisu kama madhna halis, oo waa ta Soomaalidu tidhaahdo “wadar iyo waaxid yamaa waalan?”. In aad goonnidaaq noqotid oo aad dhankii loo socday mooyee jiho kale afka saartid, dhib badan ayaa aad kala kulmaysaa, waxa aadna u baahan tahay in aad maarayn kartid dareennada taban ee kula soo dersi doona. Sidaas awgeed, “ama buur ahow ama buur ku tiirsanow.” Waxaa lagamamaarmaan ah in aad heshid cid ku garab istaagta oo kugu taageerta jihada cusub ee aad u socotid. Nebiga scw oo waxyi Alle ku soo dagey ayaa aan xasilin ilaa uu helay taageeradii iyo dhiirrigalintii Khadiijah rc. Cid kalena iskaba daa.
Buuggan akhrintiisu waa lamahuraan. Ku darso maktabaddaada. Buuggani waxa uu innoo ifinayaa jidkaa cidlada ah ee inta qaaddaa ay yar yihiin. Jidkaa ciddii marta marka hore la canaanto, marka dambena la cidaysto.
إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ
“Alle ma dooriyo xaaladda (barwaaqo iyo beloba) dad ku sugan yahay ilaa ay iyagu dooriyaan xaaladda nafahoodu ku sugan yihiin (dhaqankooda)”
Ar-Racad 11
***
Heedhee Sahraay heedhe
Saranseerka jiilaalka
Surbacaadka jaahweynta
Sumal-haadka roobwaaga
Iyo solanka daaduunka
Cirka oo sabaad guurey
Dhulka oo huwadey siigo
Iyo dogobbo soogsoogan
Marka beladu soo yaanto
Saadaashu beenowdo
Saca nuguli kaa leexdo
Adna sebenka raac maaha
Inaan sabadu duugoobin
Sayax iyo ugbaad waayin
Sudda iyo degaankaagu
Surmi iyo harraad yeelan
Ama saacu guur-guurin
Sohda ceelku dheeraannin
Adaa yeeli kara saasba
∼
Hadraawi: Sirta Nolosha.