Home / Faallo / Abaaraha.org

Abaaraha.org

Markii ay meel daran gaadhay abaartii sannadkan bilowgiisa ka dillaacday qeybo badan oo ka mid ah waddankeenna, ayaa annaga oo asxaab lix ah, waxa aan go’aansannay in aan wax uun ku caawinno dadkayaga. Annaga oo ka fekeraynna habkii aan wax uga qaban lahayn dhibta taagan, ayaa waxa aan aragnay in dad badani ay ku mashquulsan yihiin sidii lacago loo aruurin lahaa ka dibna loogu diri lahaa Soomaaliya.

Halkaas ayaa waxaa nooga muuqatay fursad bannaan, taas oo ah in la hago lana maareeyo lacagaha faraha badan ee qof walbaa ama urur walbaa ururinayo. Markaas ayaan ka fikirnay sida ugu fiican ee dhibaatadaas loo xalin karo. Ka dibna waxaan la imaannay fikradda ah in la sameeyo madal online ah oo laga hagi karo gargaarka aadaya dadka baahan, iyada oo laga duulayo in qofka baahan codkiisa kor loo qaado lana gaarsiiyo caalamka. Madashaas oo lagu ururinayo warbixinnada ku saabsan dadka caawimaadda u baahan iyo halkan ay kaga nool yihiin Soomaaliya,  taas oo sahleysa in si dhaqso ah loo gaaro dadka dhibaataysan.

Waxa aan fikradda la imaannay 10’kii Maarso 2017. Hal toddobaad ka dib, 17’kii Maarso, waxa aan haysannay madasha Abaaraha.org oo dhisan oo diyaar ah. Waxa aan u doorannay magaca Abaaraha in uu yahay mid fudud oo dhaqso loo fahmi karo kaas oo xidhiidh la leh waxa aan ka shaqeynayno.

Madasha ujeeddadeeda ugu weyn waa in la isku xiro dadka caawimaadda u baahan iyo kuwa doonaya in ay caawiyaan, iyo in dadka caawimaadda loogu geeyo halka ay deggen yihiin iyada oo laga hortagayo in ay barakacaan, si aysan uga mid noqon barakacayaasha ku dhibaataysan xeryaha kala duwan ee ku yaalla waddanka gudihiisa.

Maalmo yar ka dib waxa aan wada shaqeyn la bilownay ururro iyo hay’ado kala duwan oo Soomaali ah kuwaas oo ay ugu horrayso Fursad Fund.

Fursad Fund waxa ay naga caawiyeen in aan helno xarun dhexe oo laga maamulo taleefannada si loo xaqiijiyo dadka baahiyaha soo galinaya madasha.

Siyaabo kala duwan ayaa ay dadku baahiyahooda u soo galin karaan madasha, kuwaas oo ay ka mid tahay in ay bogga toos u soo galiyaan, ama in ay soo wacaan taleefanka, in ay farriin qoraaleed ama email noo soo diraan, ama in ay nagala soo xidhiidhaan baraha bulshada iyaga oo isticmaalaya #Abaaraha.

Marka ay na soo gaarto warbixin ah meel ay baahi ka jirto isla markiiba kama soo muuqanayso madasha si online ah, maxaa yeelay warbixintu waxa ay maraysaa marxalado kala duwan si loo hubiyo in ay sax tahay iyo in kale, ka hor inta aan la daabicin. Sidaas daraaddeed, waxa aan la xidhiidhaynaa maamulka ka jira meesha warbixinta laga soo galiyey, qof wariye ah ee jooga meesha warbixinta laga soo galiyey, iyo hay’ad joogta meesha warbixinta laga soo galiyey, kuwaas oo aan weydiinayno xaqiiqda warbixinta. Hadii labo ka mid ah saddexdaas ay noo xaqiijiyaan warbixinta waa aan daabacaynaa isla markiiba taas oo noqonaysa mid online ah oo uu arki karo qof walba internet haystaa meesha uu rabo dunida ha ka joogee.

Waxa aan nahay 6 dhallinyaro ah. Dhamaanteenna waxa aan ka soo jeednaa Soomaaliya, taas oo nagu dhiirrigalinaysa ama khasab ka dhigaysa hawsha aan u istaagnay. Waxa aan u samaynaynaa hawshan si mutadawacnimo ah, taas oo weliba ay noo dheer tahay farxada aan ka helayno marka aan aragno dadka badan ee Soomaalida ah ee isticmaalaya madasha.

Madasha Abaaraha.org waxa ay hadda si toos ah ula shaqaysaa dawladda Federaalka ee Soomaaliya wasaaraddeeda Maareynta Musiibooyinka, hay’ado, iyo ururro badan oo Soomaali ah sida Caawi Walaal, Somali Faces, iyo Famine Rasisters. Waxa aan sidoo kale la shaqaynaa hay’ado badan oo caalami ah sida: Qaramada Midoobay qeybteeda musiibooyinka Soomaaliya, Love Army For Somalia iyo Hay’adda Qaxootiga Denmark, taas oo loo yaqaanno Danish Refugee council. Waxa aan ka wada shaqaynaynaa sidii loo maareyn lahaa loona hagi lahaa Soomaalida qurbajoogta ah ee lacagaha u ururiya gargaarka bani aadannimo.

Waxa aan aragnay in dadku ka duulayaan fikrad fiican taas oo ah in ay caawiyaan walaalahood dhibaataysan, se marka ay lacagta ururiyaan ma hayaan meel ay u diraan ama qof aamin ah oo ay ku hagaajiyaan. Sidaas daraadeed ayaa aan ururrada qurbojoogta ah u samaynaynaa dood ku saabsan sidii lacagaha la soo ururiyo loogu shubi hal meel oo si wacan looga hagi karo.

Jaamacada YALE oo ka mid ah jaamacadaha dunida ugu fiican ayaa xiisaynaysa in ay la shaqayso Madasha nagana caawiso sidii loo sii hormarin lahaa. Waa aan ka aqbalnay codsigooda oo aan runtii ku faraxnay. Si aan wada shaqaynta u bilowno ayaa ay nagu casuumeen magaalada New York bisha Nofembar ee soo socota.

Mid ka mid ah aasaasayaasha Madasha ayaa isaguna ku guuleystay abaal marin ah in uu si lacag la’aan ah uga qeyb galo shirka sannadlaha ah ee dhallinyarada hoggaamiyayaasha mustaqbalka (One Young World), kaa soo sannadkan lagu qabanayo magaalada Bogota, Kolombiya. Waxa uu halkaas ka jeedin doonaa khudbad ku saabsan sidii loo cirib tiri lahaa saboolnimada loona xoojin lahaa kobaca dhaqaalaha iyada oo la isticmaalayo aaladaha casriga ah.

Waqtiga yar ee ay jirtay madasha Abaaraha.org waxaa wax ka qortay warbaahinta adduunka kuwaas oo ay ka mid yihiin The New York Times, QZ Magazine, AlJazeera English, iyo jaraa’idka ugu weyn Sweden ee ka faallooda arrimaha horumarka dunida ee loo yaqaanno Omvärlden.

Waxaa na loo sharaxay in aan u tartanno abaalmarinta ay bixiso Qaramada Midoobay qeybta isbeddelka cimilada, taas oo la siiyo ciddii la timaadda tallaabo wax looga qabanayo cimilada ama dadka ay saamaysay.

Aad ayaa ay u fiicnaan lahayd in aan ku guulaysanno waxa ayna noo noqon lahayd dhiirrigelin muujinaysa in aan samaynay wax aad u weyn. Sidaas oo kale waxa ay naga caawin lahayd in aan horumar weyn ku samaynno Madasha, annaga oo isticmaalaynna guusha abaalmarinta.

Waxa aan higsanaynaa in aan noqonno xarun dhexe oo qaabilsan iskudubbaridka gargaarka marka ay  dhacaan musiibooyin (Ilaahay naguma keenee), waxa aanna rejanaynaa in aan dhiirrigalin u noqonno dhallinyarada kale ee raba in ay dadkooda caawiyaan, si aan u gaarno isku fillaansho dhab ah.

      

Facebook : Facebook.com/abaaraha.org

Instagram: @Abaaraha

Twitter: @Abaaraha

Website: http://abaaraha.org/

E-mail: info@abaaraha.org

#Abaaraha

Check Also

Xajkii Soomaaliya oo ku dhow inuu baaqdo sannadkan

Xajka yaan la siyaasadayne Dawladdu ha fasaxdo xajka ayaa siyaasiyiin iyo ganacsato kala duwani maalmahan …

One comment

  1. c/fitax Osman Dahir

    waxan jecahay inaan u adeego bulshadena somaliyed
    Waxadna qaaden tallabao horumar le
    Hambalyo
    Waxan diyar u ahay wax waliba oo logu adegayo bulshada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *