Bishii siddeedaad ee sannadkan waxa ay Madasha Haldoor qabatay kulan ujeeddadiisu ahayd hagidda tacliinta sare ee Soomaaliya, kaas oo cinwaan looga dhigay ‘Tacliinta Sare ee Soomaaliya: Caqabadaha iyo Xalka’. Waxaa lafaguray aqoonyahanno ku xeeldheer dhanka waxbarashada iyo cilmibaarista bulshada: Dr Maxamed Cali Afrax, Sahro Axmed Kooshin, iyo Saalim Siciid Saalim. Saddex mawduuc baa gundhig looga dhigay doodda aynu cinwaankeeda xagga sare ku soo sheegnay. Saddexdaas mowduuc oo kala ahaa:
- Heerarka Tacliinta Sare ee Dalka – Sahro Axmed Kooshin:
Heerarka tacliinta sare ee dalka waxa ay Sahra u kala qaadday saddex qaybood, kuwaas oo ay soo martay tacliinta sare ee dalku:
- Gumaystihii ka hor;
- Marxaladdii u dhexaysay 1961kii ilaa 1991kii.
- Marlaxaddii burburka dalka.
Sahro waxa ay hadalkeedi ama dooddeedi gebogebo uga dhigtay in aan weli la gaarin heerkii laga rabay tacliinta sare ee dalka.
- Aqoonyahan noocee ah baynu u baahan nahay – Dr Maxamed Cali Afrax.
Dr Maxamed waa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ahna bare ka mid ahaa asaasayaashii jaamacadaha Boosaaso iyo Bariga Afrika. Waxa uu wax badan ka og yahay siyaasadda lagu maamulo tacliinta sare ee dalka.
Dr Maxamed Cali Afrax waxa uu sawiray humaagga qofka aqoonyahanka ah ee dalkeennu u baahan yahay, amase loo baahan karo. Siddeed astaamood oo lagu garan karo aqoonyahankaa aynu u baan nahay ayaa uu tilmaamay. Waxaa siddeeddaas tilmaamood ka mid ahaa: in la helo aqoonyahan Muslin ah; aqoonyahan la jaanqaadaya isbeddelka adduunka iyo tignoolajiyadda cusub; aqoonyahan ku tilmaaman qiyam (values) wanaagsan; aqoonyahan ilaalinaya dhismaha bulshadiisa; aqoonyahan ku leh aamminaad.
Ugu danbayntii waxa uu soo jeediyay talooyin la xiriira tacliinta sare ee dalka, iyo sidii looga gudbi lahaa horumar la’aanta haysata waxbarashada dalkeenna laga soo bilaabo xilligii gumaystaha ilaa maanta oo dadkeenni kalayaac ku sugan yihiin.
- Fursadaha, Caqabadaha iyo Xalalka Tacliinta sare – Saalim Siciid Saalim.
Saalim Siciid Saalim waa aqoonyahan ku xeeldheer dhanka sharciyada, ahna bare jaamacadeed. Doodda aqoonyahanku waxa ay salka ku haysay sidii loo darsi lahaa caqabadaha haysta tacliinta sare ee dalka, isla markaana loo heli lahaa xalka dhabta ah ee caqabadahaas. Waxa uu sheegay caqabadaha haysta tacliinta sare ee dalka, sida: in aan loo sinnayn helidda tacliinta sare; isdiiddanaan ka dhexaysa dhanka manhajka la bixiyo iyo baahida rasmiga ah ee suuqa dalka taalla; hooseyn ku timid tayada jaamacadaha; jiritaan la’aanta dallad midaysan oo ay jaamacadaha dalku leeyihiin; jiritaan la’aanta siyaasaddii lagu maarayn lahaa tirada ardayda galaysa tacliinta sare…
Intaas ka dib waxa uu mudane Saalim u galay xalka rasmiga ah ee dhibaatada haysata jaamacadaha dalka, kuwaas oo uu ku tibaaxay sidan soo socota:
- In la sameeyo dallad midaysa tacliinta sare ee dalka;
- In la helo shuruuc lagu hago tacliinta sare ee dalka;
- In Dawladda Dhexe u qoondayso miisaaniyad gaar ah tacliinta sare ee dalka;
- In kor loo qaado, tababbarna loo helo, maamulka iyo macallimiinta ka hawlgala xarumaha tacliinta sare ee dalka;
- In la iswaafajiyo manhajka tacliinta sare iyo baahida degaanka.
Ugu danbayntii, waxaa fikirro dhawr ah soo jeediyay ka soo qaybgelayaashii, iyaga oo si niyadsami leh u soo dhoweeyay qabashada kulankan oo ay baahi weyn u qabtay bulshadu. Waxa ay ku bogaadiyeen kuna dhiirrigaliyeen Madasha Haldoor in aysan ka baaqsan qabashada kulannada noocan oo kale ah.
Madaxda Madasha Haldoor waxa ay ballanqaadeen in ay sii wadi doonaan barnaamijyada noocan ah, iyaga oo hore magaalada Boosaaso ugu soo qabtay barnaamij fagaare cilmiyeed ahaa oo lagaga hadlayay ‘Koboca Bulshada iyo Kaalinta Dhallinyarada’. Madasha oo jirta wax ka yar sannad, waxa ay qabatay labo barnaamij oo bulshadu aad u mahadiyeen.