Home / Aragti / Dalku deyn hor leh uma baahna

Dalku deyn hor leh uma baahna

Bartamihii 1980’kii, Dawladdii Dhexe ee Soomaaliya lacago deyn ah ayay ka soo amaahatay dalal shisheeye iyo hay’ado kala duwan, sida Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka (World Bank).  Inta badan lacagtaas waxay dawladdii kacaanku ku bixisay qalab ciidan (military hardware) iyo mashariic kale.

Qadarka lacagta deynta ah ma badnayn laakiin afartankii sano ee tegay waxaa ku kordhaayey ribadii saarnayd (interest). Lacagta hadda Soomaaliya lagu leeyahay waxaa lagu qiyaasa $5.1 bilyan (5.1 bilyan oo doolar) (xigasho: Global Observatory, July 2017).

Lacagtani ma badna marka si loo fiirsho oo dalalka dunida horumartay waxaa lagu leeyahay deyn oo shaqada dawladahooda lacago ay soo amaahdeen ayay ku kala socodsiiyaan. Tusaale ahaam, dalka Ingiriiska waxaa lagu leeyahay deyn dhan £1.76 trillion ($2.28 tirilyan; ama 2.28 kun oo bilyan)  (xigasho: ONS, March 2018). Halka dalalka kale kaba sii deyn badan yihiin. Maraykan $21.48 tirilyan ayaa lagu leeyahay. Faransiiskana waxaa lagu leeyahay $2.51 tirilyan. Dad Muslim ah ayaan nahay mana aha inaan deyn ribo ah qaadanno, taas oo ay diinteennu reebtay (xaraam ah).

Tusaaleyashaan waxaan u soo qaatay inaan cabbiro lacagta la innagu leeyahay in aysan badnayn ee tahay haddii xeelad la isticmaalo inaan iska bixin karno. Midda xigta oo mudan in qof kasta ku baraarugo, lacagta deynta ugu badan waxaa innagu leh dalal kale oo ay adag tahay in ay cafiyaan. Innaguba dal kale aan lacag ku leenahay uma cafineen waayo lacagta muwaadinka ayaa leh dawladduna uga wakiil tahay. Dalalka ugu badan ee lacagta innagu leh waa Maraykanka, Faransiiska, Talyaaniga,  Kuwayt, iyo Sucuudiga. Marka laga soo tago $800 milyan ay leeyihiin IMF iyo Bangiga Adduunku (xigasho: The Guardian, April 2017).

Madaxda dawladda ayaa marar badan shirarka calaamka ka dhaha deynta ha nala ka dhaafo oo deyntaan waxay naga horjoogta deymo cusub oo aan dalka ku dhisno inaan helo, laakin deyn hor leh uma aynu baahnin. Jiilkii tegay deyntay na geliyeen ee talo xumada ahayd ayaa waqti nagu qaadanaysaa inaan bixinno, deyn hor lehna wax faa’iido ah ma soo kordhinayso. Carruurteenna iyo kuwa dhalan doona ma istaahilaan inaan deyn hor leh uga tagno. Deynta reer galbeedku baxsho ribo (interests) ayaa la socota, Diinta ayaana reebtay inaan deyn nocaas oo kale ah qaadanno.

Mar haddii aysan suuragal ahayn dalalka lacagta innagu leh in ay si fudud ku cafiyaan, jawaabtu waa inaan xal la nimaadno. Dhawr siyaabood ayaan ku waajihi karnaa inaan deyn baxno.

1) Dawladdu in ay dejiso qorshe dhaqaale abuur iyo maarayn. Isha ugu muhiimsan ee dawladda lacagi ka soo geli karto waa ururinta cashuurta. Marka waxaa muhiim ah in la suuliyo musuqmaasuqa iyo in lacagta soo xeroota si masuuliyad leh loo maareeyo. Isha xigta ee dawladda dakhli kasoo geli karo waa dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha sida dekedaha, garoomada diyaarahada, goobaha waxbarashada iyo cafimaadka, iyo macdanta dhulka hoostiisa ku jirta oo lala soo baxo. Lacagaha cashuurta ah marka qaar lagu maalgeliyo hawlahaan kor ku xusnay ayaa dakhli abuurmi karaa.

Isha kale ee keeni karta dakhliga waa in dadka la maalgeliyo oo waxbarasho tayo leh iyo adeeg cafimaad loo fidiyo si ay u noqdaan kuwo halabuur ganacsi iyo waxsoosaar yeesha.

2) Dawladdu waa in ay ka weecataa siyaasadaha dhaqaale ee reer galbeedka (IMF iyo Bangiga Adduunka), kuna dayataa dalalka Malayshiya oo kale, khubaro dhaqaaleyahanno ahna ka soo wadataa oo kala taliya tabta la mari karo. 1980’kii Ra’iisal Wasaaraha Malayshiya wuxuu diiday inuu fuliyo shuruudihii ay kusoo rogeen, dalkiisana waxa uu u horseeday horumar dhaqaale. Ka weecadka IMF-ta iyo Bangiga Adduunka faa’iidooyin badan ayay leeyahay. Hadii kale shuruudo adag ayay ku xirayaan in aad buuxiso si aad deyntooda ugu celiso. Tusaale ahaan, dalka Giriigga (Greece) 2010’kii markii burbur dhaqaale ku dhacay, waxay amaahiyeen lacago faro badan, laakiin shuruudo faro badan ayay ku soo rogeen, kuwaas oo ay ka mid tahay in ay cashuurta kordhiyaan, mushaharka shaqaalaha dawladdana dhimaan. Welina wayku socotaa dhibta dhaqaale xumo.

3) Dawladdu waa in ay dejisaa qorshe, dalalka lacagta innagu lehna heshiisyo ganacsi iyo is-afgarad la gashaa si lacagta kordhaysaa u istaagto. Tusaale ahaan, dalka Kuwayt ee saliidda hodonka ku ah waxay dawladdu la geli kartaa heshiis aan shiidaal kooda ka soo iibsanno in muddo ah (ilaa aan ka gaarayno waqti aan keenna la soo baxno) inanguna u dhoofinno dalagga dalkeena ka soo go’a iyo xoolaha. Dunida maanta la joogo waxaa wax lagu yahay danaysi. Furaha ugu muhiimsanna waa kan ganacsiga.

Waxaan filayaa $5.1 bilyan lacag aad u badan ma aha waana wax la maarayn karo haddaan maskaxdeenna tuujino, lana nimaadno qorshe iyo geesinnimo go’aan qaadasho.

Dhaqaalaha dalku inuu soo kabto waxaa fure u ah amniga oo la sugo iyo in qorshe mustaqbalka fog ah loo dejiyo.

Check Also

Qalloocii bilaa qirashada ahaa

Laga soo bilaabo tan iyo maalintii dawladnimada Soomaalida ugu horraysay waxaa lagu jiraa jaah-wareer iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *