Sannadkii 2012 ayaan xajiyey. Waxaan mar la joogay xujaajta Kiiniya oo degganaa meel aad u wanaagsan oo nadiif ah, saddexda waqti cunto fiican loo karinayey, basaskoodu mar kasta diyaar ahaayeen, diyaaradda ay sii noqodka raacayaanna ay maalin la og yahay baxaysay. Dhanka kale, xujaajta Soomaaliya meeshoodu waxay ahayd sidii waabab aad …
Sii akhriMu’min god labo jeer lagama wada qaniino
Meelaha ay Xabashidu dullaysatay waxaa ka mid ah gobolka Gedo, oo ilaa 1996’dii ay waxay rabto ka samaynaysay. Waxaa ku cibro-qaadasho mudan qaabka ay markii hore ku timid gobolka oo u eg midda maanta socota. Dhammaadkii 1992’dii waxaa Gedo qaybo ka mid ah qabsaday ururkii al-Itixaad. Wuxuu xarun ka dhigtay …
Sii akhriMaanta Maya!
Doodda ummadeed ee ka aloosantay wadaxaajoodka “degdegga” heshiiska loogu rogi doono ee dhex maray Md. Farmaajo iyo Rw. Abii Axmed labo kooxood ayaa loogu qaybsamay, sida loo badan yahay. Koox qabta in Soomaaliya iyo Itoobbiya uu iskaashi dhex mari karo, laakiin ku kala taggan in iskaashigaasi maanta munaasab yahay iyo …
Sii akhriTixraaca Qormadii Muxammad Yuusuf
Waxaan akhriyay qormo cinwaankeedu yahay “Ma dad dhoohan baan nahay?” oo uu inala wadaagay Muxammad Yuusuf. Waa qormo qurux badan oo qiimigeedu waarayo qarniyo badan . Aan uga mahadceliyo dadaalka badan ee aniga iyo in badan oo bulshada ka mid ah uu ugu yahay macallin joogto ah Muxammad shakhsi ahaantiisa. …
Sii akhriMa dad dhoohan baa nahay?
In arrinta taagan ee buuqa badan dhalisay uu Madaxweynuhu waraysi dheer dhexda u galiyo oo dhawr daqiiqadood la siiyo waxay muujinaysaa sida uusan Madaxweynuhu waxba isaga tirinayn dareenka shacabka ee uu isu arko Mahdi loo soo diray oo barwaaqo u jiidaya iyaguna ay ku khaldan yihiin in aysan “waayahay”-da iyo …
Sii akhriTusaalayaasha Qur’aanka
حتى يتبين لكم الخيط الأبيض من الخيط الأسود من الفجر Intuu ka muuqdo liilanka cadi (waagu) ka madow (Aroortii) Eebbe —sareeyoo hufnaaye— waxa uu kitaabkiisa inoogu tilmaamay waxyaalo badan. Adduun iyo aakhiro wax badan ayaa la inoo iftiimiyey. Siyaabo kala duwan ayaa wax la inoogu sheegay si fahamku u soo …
Sii akhriSaldhig Berbera ah iyo Weydiimo La xidhiidha
Waxa la yidhi Soomaaliland iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku heshiiyey saldhig ay dawladda gadaal ka magacdhabani ka dhisato Berbera. Adduunka maanta way ku badan tahay dawlad saldhig millatari ku leh dal shisheeye oo la yaab ma laha; ma se aha, run ahaan, wax la isku majeerto, faan na hadalkii …
Sii akhriMaxay tartaa sheeko faneeddu?
In kasta oo dhaqammada adduunku ay wadaagaan curinta sheekada male-awaalka ah, haddana sheeko faneedda buugga buuxisa, ama noofalku, gadaal buu ka yimid, mana aha qayb ka mid ah suugaanteenna soojireenka. Noofalku waxa uu ku hanaqaaday Ingiriiska, halkaas oo uu bulshada ugu jiro halka gabaygu innoogu jiro, gaar ahaan nooca lagu …
Sii akhriWadaad waa Nin!
Adeegsiga ereyga “wadaad” dhibaatooyin baa ku hoos jira. Waxa uu noqday dallad la hoos hadhsado, dadka lagu hodo, eeddana lagaga gabbado. Dadku waa wada Muslin mana aha in magac gaar ah aynu siinno ku dhaqankii diinta ee qof walba looga baahnaa. In ninku gadhka la baxaa waa wax diinteenna ka …
Sii akhri20 Feb 1982: Maalin Dhiidhi Dhallinyaro iyo Kacdoon Dadweyne!
Feberwari 20’keedii, 1982, waxa Hargeysa oo ahayd magaala madaxdii labaad ee Jamhuuriyaddii Dimoqraaddiga ahayd ee Soomaaliya ka dhacay kacdoon weyn oo ay bilaabeen ardaydii dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa, taas oo dhaqaajisay dadweynihii magaalada oo gadood kala hor yimi xukuumaddii kelitaliska ahayd ee xoogga badnayd ee Maxamed Siyaad Barre . …
Sii akhri