Home / Cabdulqaadir Diiriye

Cabdulqaadir Diiriye

Abla-ablaynta Heerarka Aqoonta

Waxbarashadu ma aha oo keliya tan rasmiga ah ee ardayda la geeyo xarun ay aqoonta ka bartaan. Waxaa in badan dadku wax ka bartaan inay dareenkooda ku gartaan waxyaabaha ka dhacaya degaanka ku hareeraysan ama dadka la nool kaga daydaan dhaqanka iyo dhawaaqa afka. Ummadaha maanta nool waxay u bateen …

Sii akhri

Haysasho iyo Hayn

Faysal oo magaalo ku weynaadey ayaa markuu 17 sano jirey u caano doontay miyiga oo uu degenaa adeerkii Jaamac. Wuxuu galay nolol ku cusub oo xitaa saacadihii iyo magacyadii maalmaha ayaa ka lumay ilaa uu garan waayey inta maalmood ee uga dhiman fasaxii iskuulka. Maalmo badan oo adag ayaa soo …

Sii akhri

Abuuridda iyo Gudbinta Aqoonta

Ilmuhu waxay jecel yihiin in ay guriga wax walba oo yaal taabtaan, dhadhamiyaan oo dhulka la dhacaan si ay u ogaadaan inuu jabayo iyo siduu u jabayo. Taasi waa habka ay wax ku bartaan. Qofka weyni wixii ku cusub wuxuu ku qiyaasaa wax uu hore u yaqaannay, laakiin ilmuhu wax …

Sii akhri

Diintu horumar miyey innaga hortaagan tahay?

Waxaa jira dad ku dooda in diinta Islaamku u baahan tahay isbeddel la mid ah kii reer Yurub kula kaceen diintoodii qarniyo hore si ay horumar u gaaraan. Qoraalkani wuxuu dulmarayaa xiriirkii ka dhexeeyey diinta Kirishtaanka iyo nolosha qofka caadiga ah qarniyadii dhexe iyo in la barbar dhigi karo xaaladda …

Sii akhri

Xoogga Debecsan

Waa xujada cilmiyaysan iyo akhlaaqda wanaagsan. Waa dhaqan aad u heer sarreeya oo ka muuqanaya taariikhdii Nebigeenna Muxammed (CSWS) iyo sidii uu dadka diinta ugu sheegayey. Wuxuu Nebigeenu u muuqanayay qof dad waalan oo dab isku tuuraya hor taagan oo haddii ay dadkaasu caayaan, ama u gacan qaadaan ama candhuuf …

Sii akhri

Dawladnimadu Waa Dogob la Wada Sido

“Haddaan weynay waaligu inuu ina walaaleeyo, Oo waa ku leenee sidii weled inoo dhawro, Miyaan weyney weeyada cid kale ula wareegeeda?” Yuusuf Sharmaarke (Shan-ku-Kibir)   Qarni ka hor intii aan gumeystuhu maamullada ka samaysan dhulka Soomaalida, dadku waxa uu ahaa qabaa’il xeer ku wada nool. Labo qabiil oo walba waxaa …

Sii akhri