Home / Qubane / Haysasho iyo Hayn
©Freepik

Haysasho iyo Hayn

Faysal oo magaalo ku weynaadey ayaa markuu 17 sano jirey u caano doontay miyiga oo uu degenaa adeerkii Jaamac. Wuxuu galay nolol ku cusub oo xitaa saacadihii iyo magacyadii maalmaha ayaa ka lumay ilaa uu garan waayey inta maalmood ee uga dhiman fasaxii iskuulka. Maalmo badan oo adag ayaa soo maray Faysal, maalintii ugu darnayd waxay ahayd markii maqrib xoolihii la tiriyey oo laga waayey orgi yaraa oo Faysal si gaar ah xoolaha uga jeclaa. Faysal ayaa dhankii xooluhu galabta ka soo carraabeen u yara dhaqaaqay si uu u eego bal orgigii inuu meel dhaw ku haray. Xoogaa hadduu maqnaa wuxuu arkay orgigii oo dawaco cunaha ku dheggan tahay laakiin weli nool oo lugaha hadba tuurtuuraya.

Faysal intii uu miyiga joogay waxyaabaha uu kororsaday waxaa ka mid ahaa magacyada xoogaa geedo ah iyo dhawr bahal oo ay dawacadu ka mid tahay. Ha yeeshee xaaladda adag ee ku soo baxday si loo furdaamiyo waa garan waayey oo wuxuu is yiri bal dadkii u war gee. Si deg deg ah ayuu isu rogay oo aqalkii abbaaray markuu soo dhawaaday ayuu isagoo socodkii gaabiyey xerada ka soo laabtay. Adeerkii Jaamac oo Ardaaga fadhiya ayaa yiri “Faysal, orgigii ma soo aragtay?” “Haa!” ayuu ku jawaabay Faysal isagoo neef tuuraya. “Xaggee ku aragtay?” ayuu weydiiyey Jaamac “Dawacaa haysa” ayuu yiri Faysal. Jaamac oo mooday inuu wiilku iska kaftamayo ayaa yiri “oo yay u haysaa?” “Iyadaa haysa…, geedahaas dhexdooda ayey la jiiftaa laakiin weli wuu noolaa” ayaa faysal yiri.

Jaamac oo fahmay ujeedada wiilka ayaa degdeg ugu dhaqaaqay meeshii wiilku tilmaamay, nasiib wanaag orgigii nolol ayaa lagu gaaray oo habeenkii ayaa reerka loo qalay.

Intii la cashaynayey ayuu Jaamac dib u xasuustay hadaladii Faysal markaasuu yiri “Faysaloow, adeer maxaa u dhexeeya ‘way haysaa’ iyo ‘way haysataa’?” Faysal wuxuu ku jawaabay “Adeer waa isku mid”. Odaygii wuxuu bilaabay inuu u micneeyo wiilka kala duwanaanshaha labadaas weerood waxaana ka mid ahaa hadalkiisii “Orgiga adeer haddii reero deris ah xoolahooda uu naga raaci lahaa waxaan oran lahayn ‘iyagaa haya’ oo mar dambaa laga dooni lahaa, laakiin dawacadu waxay qabsato ‘way haysataa’ oo hadhow lagama dooni karo. Bahaluhu wixii ay qabsadaan waxaa la yiraahdaa ‘way haystaan’.”

Wixii la hayo too wixii la haysto saddex ayey ku kala duwan yihiin:

Waa tan koowaade dadku wixii ay hayaan waa ilaaliyaan oo dhaqaaleeyaan laakiin bahaluhu wixii ay haystaan siday doonaan a ayey u camcamiyaan.

Tan labaad dadku wixii ay hayaan si tartiib ah ayaa loo weydiiyaa markii loo baahdo in laga soo qaado. Laakiin bahaluhu wixii ay haystaan waa laga ridaa, waa lagu qayliyaa, waa la cayriyaa si looga soo dhigo.

Tan saddexaadna dadku markay waxay ‘hayaan’ soo celiyaan way iska tagaan, oo culayska ammaanada ay dadkii lahaa ku simeen waa ku farxaan, laakiin bahalaha markii wax laga dhigo habeenkii oo dhan meel reerka u dhaw ayey ku meeraystaan oo ka ciyaan, iyagoo isku deyaya inay mar cadkii macaanaa dib u qaniinaan.

Faysal hilibkii orgiga waxaa uga macaanaa ereyada ku duxay maskaxdiisa ee adeerkii sida xilkasnimada ah ugu bayaamiyey.

Toddoobaad ka dib ayuu ku noqday magaaladii isagoo wax badan ka korosaday maalmihii uu joogay miyiga.

Galab uu Faysal u shaah doontay makhaayad ku taalley xaafaddiisa ayuu sheeko la wadaagay dhawr dhallinyaro ah oo ‘ciyaal xaafadda’ ah oo ka sheekaysanaya xaaladda waddanka. Waxaa la soo qaadqaaday jagooyin dhawaan la magacaabay oo maalmahaas idaacadaha laga sheegayey. Keyse ayaa hadalka qabsaday oo yiri “aniga adeerkay wuxuu haystaa wasaaradda caafimaadka, waa nin wax yaqaan oo karti badan, isagoo yar ayuu bilaabay shaqada dawladda markaasuu markiiba qabsaday qaybta caafimaadka ee ciidamada booliska ilaa laba sano markuu haystay ayaa laga eexday oo laga qaaday. Laakiin hadda waa laga maarmi waayey oo waa kaas…”

Axmed ayaa hadalkii ka soo dhex galay oo yiri “Wallaahi anigu maalmahaan lama socon siyaasadaha ee horta yaa haysta wasaaradda waxbarashada? Muuse ayaa ku jawaabay in wasiir cusub hadda la magacaabay oo kii haysan jirey laga qaaday. Wuxuu Muuse raaciyey “annagu haddaan nahay reer Tidcane markii hore waxaan haysan jirney arrimaha gudaha laakiin hadda waxba ma haysano, wallee dawladdaani mid sii socon doonta iilama muuqato”.

Faysal oo siduu miyaga uga soo noqdayba bilaabay inuu hadalkiisa ka fiirsado ayaa ku fekerayey “wasaaraduhu sow maaha wax la wada leeyahay? Dadkani ma bahalaa, … ma qorya-ismariskii reer baadiyuhu ka sheekeyn jireen baa? Sidee u qabsadeen wax loo dhan yahay? Miyaaney habboonayn in layiraahdo wuu hayaa, wuu hayey, wuu qabtay si loo muujiyo in jagooyinku yihiin adeeg la wadaago oo aan qof gaar ah iyo beel gaar ahi qabsan karin?

Haddana wuxu soo xasuustay saddexdii sifo ee adeerkii Jaamac uga sheegay bahalaha in ay ku dhan yihiin; Waa mare qofkii jago loo dhiibaaba siduu doonuu u camcamiyaa sidii bahal orgi yar qabsaday. Waa tan labaade qofkii jago laga qaadayo iska keen si fudud looma yiraahdo, ee waa in qaylo ka yeertaa. Waa inuu muddo xafiiskii isku dhejiyaa ama ciidamo beeleed isugu gedaamaa isagoo leh “Anigu ilaa hadda warqad xilka la iiga qaaday ma arag…, Sidaydii ayaan hawshii aan ummadda u hayey u sii wadayaa”. Waa tan saddexaade markii jagada laga qaado iskama tago e waa inuu idaacadaha ka hadlaa oo wanaagii uu ummadda u qaban lahaa iyo sida looga hor joogsadey iyo dhibaatada ummadda ku soo socota ka sheekeeyaa. Waa inu sheegaa inuu waraaqo caddayn ah iyo sir badan meel ku og yahay.

Faysal wuxuu habeenkii ku seexday su’aalo maduxu la daalo iyo welwel uu ka qabo siyaasadda bahaluhu hor kacayaan.

Check Also

Qorshayn

Inta badan, marka wax la qorshaynayo waxaa caado laga dhigtaa in ‘bar-bilaw’ ilaa ‘bar-idlaad’ loo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *