Home / Warbixinno / Xajkii Soomaaliya oo ku dhow inuu baaqdo sannadkan

Xajkii Soomaaliya oo ku dhow inuu baaqdo sannadkan

Xajka yaan la siyaasadayne Dawladdu ha fasaxdo xajka ayaa siyaasiyiin iyo ganacsato kala duwani maalmahan ku soo celcelinayeen. Maadaama aysan jirin xayiraad ay Dawladda Soomaaliya saartay xajka ama shirkadaha xajka, dacwadda socotaa waa mid u muuqata in loola jeedo kootadii Jubba iyo Daallo xajku ugu xidhnaa halkeedii ha laga sii wado.

Ilo-wareed xogogaal ah ayaa xaqiijiyey in ka dib dedaal badan oo ay Daallo iyo Jubba bixiyeen, masuuliyiinta xajka ee Sucuudigu ay shirkadihii kale ku wargaliyeen in aysan xajka sannadka ka qaybqaadan doonin, cidda keli ah ee loo oggol yahayna ay tahay labadii shirkadood ee hore uga shaqayn jirey.

Mudane Caadil Cali al-Jubaalii oo ah masuulka u xilsaaran xujaajta Soomaalida iyo dawladaha Carabta, ayaa shir uu la galay wafdigii xajka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Mudane Cumar Faaruuq, ku sheegay in arrimaha xajka loo fasixi doono sida ugu dhakhsaha badan haddii Jubba iyo Daallo oo keli ah lagu koobo sannadkan oo uu Wasiiru-dawluhu qoro warqad intaasi ku caddahay, haddii kalena xajkii ay sidaa Soomaalidu kaga baaqanayaan sannadkan.

Midig dhexda ku jira: Caadil Cali al-Jubaalii. Bidix: Abuukar Jubba.

Masuuliyiintii Soomaalidu arrintaa waa ay diideen waxayna ku adkaysteen in oggolaanshaha shanta shirkadood uu yahay go’aan Dawladda Soomaaliya ka soo fulay ayna tahay in sidaa lagu ixtiraamo, haddii kale aan cidna imanayn sannadkan. Masuuliyiin Soomaaliyeed oo marka loo cagajugleeyo dida ayaa loo bartay, laakiin markan way diideen. Dood dheer ka dib waxaa wasuuru-dawle Ashkir loo qabtay ballan uu berri tobanka subaxnimo kula kulmi doono ninka ka sarreeya Caadil Cali al-Jubaalii, kulankaas oo arrinta laga wada hadli doono. Waxaa jirta in dhawr jeer oo hore sidan ballan loogu qaaday in arrinta la xallin doono, aanse waxba laga qaban, sida ilow-wareed xaqiijiyeen.

Arrintani waxay imanaysaa iyada oo shirkadihii kale ay diyaarsadeen adeegyadii xujaajta, loona ballan qaaday in aysan wax dhib ah la kulmayn. Shirkadahan wixii ugu weynaa ee lagu eedeeyey wuxuu ahaa in aysan diyaaradahoodu haysan oggolaansho ay Sucuudiga ku tagaan. Sida dad xogogaal ahi ay xaqiijiyeen, shirkadahani waxay taa kaga jawaabeen in ay xujaajtooda tigidho uga gooyeen shirkadaha duullimaadka ee as-Sucuudiyah oo Sucuudigu leeyahay,  taas oo xujaajta Nayroobi ka qaadi doonta, iyo al-Carabiyah oo Imaaraadka laga leeyahay xujaajtana Hargeysa ka qaadi doonta. Tani waxa ay muujinaysaa in dhibtu aysan ahayn in shirkadahani aysan hawsha ka soo bixi karin e, waxyaalo kale meesha ku jiraan.

Dad kale waxa ay arrintan ku eedaynayaan in iskudhacii Khaliijku uu meesha soo galay. Maadaama ay Dawladda Soomaaliya diidday inay Sucuudiga iyo Imaaraadka la safato, markii la arkay inay arrintan xajka shacbiyad ku heshay, ayaa la damcay in halkan lagaga aargoosto, oo qorshihii xajka laga kala daadiyo.

Isla ilo-wareedyadaas ayaa sheegaya in arrintani uu dabada ka riixayo Abuukar Jubba, oo ah masuulka shirkadda Jubba u qaabbilsan dhanka xajka. Haddii ay taasi jirto, waxaa wax lala yaabo ah in labo shirkadood oo Soomaali ahi ay dedaal intaa le’eg ku bixinayaan inay suuqa ka xidhaan shirkado kale oo Soomaaliyeed oo ay tartan xor ah la gali karaan, ayna adeegsanayaan masuuliyiinta dawlado shisheeye si ay u wiiqaan Dawladda Soomaaliya.

Haddii ay caddaato in shirkadahani ay arrintaa ka dambeeyaan, suuragal ma tahay in Dawladda Soomaaliya ay tallaabo ka qaaddo labadan shirkadood ee Daallo iyo Jubba oo ay duullimaadyada ka xayirto maadaama hawada Soomaaliyada hadda laga maamulo Muqdisho?

Sixitaan

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Mudane Ashkir, kama qaybgalin shirka sidii hore qoraalka ugu xusnayd.

Check Also

Isqabqabsiga Xajka Sannadkan

Maalintii Isniinta, 9’kii Julaay 2018, ayaa wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Khayrre …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *