Home / Warbixinno / Ganacsiga Isxanbaarka ah iyo Soomaalida

Ganacsiga Isxanbaarka ah iyo Soomaalida

Muddooyinkii ugu danbeeyey waxaa bulshada Soomaalida ku soo badanayey ganacsiga internetka, gaar ahaan qaabka loo yaqaanno Network Marketing oo ah qaabka silsiladda laysugu xidhan yahay ama Isxanbaarka Ganacsi (pyramid scheme/ ponzi scheme). Waa qaab dunida kale aad looga yaqaanno, hase yeeshee, Soomaalidu aanay aqoon badan u lahayn. Waxase ganacsigani aad u soo shaac baxay muddooyinkii ugu danbeeyey oo uu Soomaalida gudaha iyo dibadda ugu fiday.

Ganacsiyadan isxanbaarku waa ay noocyo badan yihiin, laakiin ugu badan oo aad loogu kadsoomaa noocan hoos ku tilmaaman. Taasina waa in alaab ay shirkaddu magaceeda iyo astaanteeda ku qorto. Alaabtaas oo noqon karta nooc kasta oo badeecad ah, manfacna yeelan karta, oo ama la cuno ama la xidho, sida dharka, kabaha iyo saacadaha. Shirkaddu alaabtan suuqa toos u keeni mayso oo qofku dukaamada ka heli maayo, waxayna shirkaduhu alaabtaas ku haystaan bakhaarradooda.

Hase yeeshee, dad ayay hunguri galinaysaa waxa ayna qofka u soo bandhigayaan in uu isdiiwaangaliyo alaabtana iibsado, si uu faa’iido u helo, isla markaana in uu qof kale oo alaabtii iibsada keeno, si isaga iyo shirkadduba faa’iido uga helaan, qofkaasina qof kale u keeno. Qof kastana waxaa lagu soo xero galinayaa haddii uu doonayo in uu taajiro waa in uu qof keenaa. Shirkaduhu, si ay alaabadoodan bakhaarrada ugu xidhan faa’iido badan uga helaan, si ay dadka ugu soo dabaan silsiladdan isxanbaarka ah, waxa ay u qabtaan siminaarro, waxa ayna ku casuumaan hadba qof ay dareensan yihiin in uu soo jiidan karo dadkana hunguri galin karo. Waxa aanu qofkaasi ka sheekaynayaa sidii uu markii hore ahaa iyo qaabka noloshiisii isu baddeshay. Tusaale ahaan, wuxuu odhanayaa, waxa aan ahaa qof dukaan dharka iibiya/gada ka shaqeeya. Maalintii saaxiibkay ii sheegay ganacsigan in uu jiro, ee aan galay, noloshaydii way isbaddeshay. Maalintaa 500 oo doollar ayuu mushaharkaygu ahaa, maantana waa 10 kun oo doollar.

Qofkaa siminaarka bixinayaa wuxuu tusayaa ardayda cusub gurigiisa iyo gaadhiga uu wato oo ashqaraar iyo amakaag ku ridaya qofka cusub ee goobta fadhiya, sawirradana waa la tusayaa.

Qofkii goobta ku cusbaa maskaxdiisii iyo maankiisuba waa ay isbaddelayaan, waxaana loo sharraxayaa qaabka uu dadka u raadinayo iyada oo looga bilaabayo ha gabban hana khajilin. Waxaa la tusayaa bulshada ugu dhow in uu ka bilaabo, saaxiibka dhow iyo kan fog, kan shaqada iyo kan waddada midna in aanu dhaafin ayaa lagu dhiirrigalinayaa. Waxaa lagu dhiirrigalinayaa in uu ka faa’iideysto baraha bulshada. Kulankaas qofku wuxuu ka soo baxayaa isaga oo aan dheg la qabto lahayn, kuna barnaamijaysan bulshada dhow ee ku hareeraysan iyo bulshada fog ee ku gedaaman.

Waa asluub shirkaduhu uga kaaftoomeen xayeysiiskii ay samayn lahaayeen, waxaana isugu darsamay shirkadihii labo faa’iido: xayeysiis bilaash ah iyo badeecaddoodii qiimaha hoose ku joogtay oo dhaqaale badan lagu iibsanayo. Qofka cusub si loogu shaqaysto muddo inta uu samaysanayo shabakad isxanbaar ah waxaa la odhanayaa waa in aad dhibco soo gaadhaa. Qiimaha dhaqaale ee uu dhibcahaa ku soo gadhayo ama isaga ayaa iibsanaya ama dad ayuu soo jiidayaa. Qof kasta oo la soo jiidana waxaa lagu boorrinayaa in uu qof kale soo jiido, siminaarkiina waa la geynayaa. Qof kastaa isaga oo sida leebka ganan oo taajirnimo u rooraya ayuu qof raadinayaa. Inta aanay lacagtu u bilaabman waa in aanu fadhiisan, marka ay lacagtu u bilaabmatana sidii uu ku sii badsan lahaa ayuu ku hawlan yahay.

Dadkii uu soo duway ayuu dabo soconayaa si ay badeecad kale u iibsadaan, ama ay dad kale u soo jiidaan, kuwii ay soo jiideenna u sii dabo geli lahaayeen, sababta oo ah, faa’iido ayaa ugu jirta isaga iyo kan ka sii sarreeyaba. Silsiladdan isxanbaarsan qofba qofka ka hooseeya ayuu xooggiisa iyo dedaalkiisa cunayaa, waana halka khatarta ugu weyni ku jirto oo ay culimadu ku sheegeen in ay ribo tahay oo qof waliba waxaanu shaqaysan ayaa ku soo dhacaysa koontadiisa waana halka ay ku kadsoomaan in badan oo looga dhigay in ay isu haystaan in ay shaqaysanayaan oo xaaladdan orodka ah ee ay qof ku diiwaangalinayaan isla markaana ay uga faa’iideyaan ay xalaal tahay, waxayse illaaween in qofba qofka kale lahayste u yahay.

Qodobada arrintan kuu sii qeexaya.

  1. Alaabta had iyo jeer la iibinayo/la gadayo suuqa si toos ah loogama soo heli karo. Tusaale ahaan, tukaanka ama suuqa intaan tago kabahaa, lacagta Cryptocurrency ama cuntada ka soo heli maayo. Shirkadda magaca iyo summadda leh ayuun baa haysa alaabta.
    2. Qofku ilaa uu lacag bixiyo oo uu alaab iibsado ama uu bixiyo lacag uu isku diiwaangaliyo alaabta toos uma iibsan karo.
    3. Wuxuu u shaqaynayaa oo muruqiisii si joogto ah u cunaya qofkii diiwaangaliyey.

Check Also

Isqabqabsiga Xajka Sannadkan

Maalintii Isniinta, 9’kii Julaay 2018, ayaa wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Khayrre …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *