Home / Warbixinno / Isqabqabsiga Xajka Sannadkan

Isqabqabsiga Xajka Sannadkan

Maalintii Isniinta, 9’kii Julaay 2018, ayaa wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Khayrre waxaa xilka lagaga qaaday Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Xildhibaan Xasan Macallin Xuseen. Jagadaas ayaa waxaa si ku-meel-gaadh ah waxaa loogu wareejiyey Wasiiru Dawlahii wasaaradda, Mudane Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir.

Xildhibaan Xasan Macallin Xuseen waxaa wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta loo magacaabay 23’kii May 2018.

Image may contain: 1 person

Maxaa ka dambeeyey in Wasiirkan xilka laga qaado?

In muddo ah waxaa xujaajta Soomaalida qaabbilsanaa labada shirkadood ee Daallo iyo Jubba Airways oo booskii dawladda galay, maadaama aysan jirin dawlad arrintaa maamuli kartay. Iyaga ayaa la xidhiidhi jirey Wasaaradda Xajka ee Sucuudiga, xisaabaha bangiyada ee xujaajta Soomaalida lacagtooda lagu shubo ee Sucuudigana iyaga ayaa gacanta ku hayey. Wixii wadahadal iyo heshiis lala galayo dawladda Sucuudigana iyaga ayaa saxiixi jirey.

Arrintaas waxaa soo afjartay xukuumaddan cusub ee Xasan Kheyrre. Wasiirkii hore, Iimaan Cabdullaahi Cali, ayaa arrimaha xajka hoos keenay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, taas oo arrimaha xujaajtu hoos yimaaddaan maamushana, halkii markii hore ay labadan shirkadood iska maamulanayeen. Waxaa xusid mudan in Wasiir Iimaan isna xilka laga qaaday 26’kii Nofembar 2017, intii wasiir cusub laga magacaabayeyna waxaa sii hayey Mudane Ashkir. Wasiir Iimaan waxa uu booskiisii waayey markii nin ay isku reer yihiin loo magacaabay Wasaaradda Gaashaandhigga. Miisaankii 4.5 ayaa la saaray.

Bishii labaad ayaa uu Mudane Ashkir tagay Makah isaga oo uu weheliyo Agaasimaha Wasaaradda, Mudane Cumar Faaruuq Sheekh Cabdicasiis.

Image may contain: 2 people, skyscraper and closeup
Mudane Askhir (bidix), Mudane Cumar Faaruuq (midig).

Mudane Ashkir waxa uu 4’tii Maaj kulan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Xajka ee Sucuudiga, sida agaasimaha xafiiska xujaajta waddammada Badda Cas oo ay Soomaalidu ku jiraan, waxaana laga wada hadlay xajkii hore ee 1438H (2017) iyo midka sannadkan 1439H (2018).

Mar uu xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta 27’kii Maaj 2018, Mudane Ashkir waxa uu faahfaahin ka bixiyey waxyaalihii ay kala hadleen Wasaaradda Xajka ee Sucuudiga. Waxa uu sheegay in ay kala hadleen sidii sare loogu qaadi lahaa adeegga xujayda iyo kordhinta tirada xujaajta Soomaalida u qoondaysan. Waxa uu sheegay in ay Wasaaraddu la soo wareegtay maamulka arrimaha xujaajta oo ay shirkadihii hore u maamuli jirey hadda ka dib wasaaradda la tacaamuli doonaan. “Wasaaraddu waxa ay soo saxeexday maxdarkii, oo ay ku soo saxeexday magaca wasaaradda,” ayuu yidhi Mudane Ashkir. Waxa uu raaciyey in qaybinta xujaajta laga samayn doono wasaaradda oo ay shirkaduhu halkaa ka hawlgali doonaan. Waxa uu ka hadlay in wasaaradda iyo shirkaduhu ay ka wada shaqayn doonaan sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha oo uu sheegay in calaacal iyo tabasho badani ka jiraan.

“Wasaaraddu waxay xoogga saaraysaa ama lagama-maarmaan ah inay maamusho … xafiiska xajka oo ahaa… xafiis aad iyo aad muhim u ah, shirkadaha adeegga bixiyana [waxaa] dan u ah inay dawladdu halkaa ku xoogaysato.” Ayuu raaciyey. Intaa waxa uu ku daray in qiimaha xajka la dhimi doono.

Muuqaalka uu Mudane Ashkir arrimahan kaga hadlay waxaa lagu faafiyey bogga Wasaaraddu ku leedahay Facebook.

Warqad uu Mudane Ashkir u diray Wasiirka Xajka ee Sucuudiga, oo taariikhdeedu ay ahayd 20’kii Abriil 2018, waxaa ku xusnayd in wasaaradda oo dawladda metelaysaa ay go’aamisay in ay shan shirkadood fulin doonaan hawsha xajka. Xujaajta Soomaaliyeed oo tiradoodu dhan tahay 9300 oo xaaji, Daallo Airlines waxaa la siiyey 3200 oo xaaji, Jubba Airways waxaa la siiyey 3500 oo xaaji, African Express waxaa la siiyey 600 oo xaaji, Ocean Airlines waxaa la siiyey 1000 oo xaaji, Freedom Airlines-na waxaa la siiyey 1000 oo xaaji. Warqaddan waxaa ku saxeexan Wasiiru Dawle Cabdixakiin Xasan Ibraahin Ashkir oo ahaa ku-simihii maadaama uusan wasiir joogin.

Sida uu noo sheegay qof arrimahan xogogaal u ahi, Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa go’aamiyey in sannadkii hore loo daayo Daallo iyo Jubba, sannadkanna loo sedburiyo maadaama ay in badan ka soo shaqaynayeen, laakiin ay shirkadaha kale la qaybsadaan hawsha.

Hadda waxaa la sheegayaa in Daallo iyo Jubba ay xajka ka midoobeen, sidaas awgeedna ay iskudarkooda 6700 (72%) oo xaaji ka qaateen 9300’kii dalka dhan loo qoondeeyey.

Cusmaan Aadan Dhuuboow, Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda oo jir jaraa’id qabtay 16’kii May 2018, waxa uu akhriyey go’aammo xajka ku saabsan oo ay wasaaraddu soo saartay. Qodobka koowaad waxa uu yidhi waa qiimaha ugu badan ee sannadkan lagu soo xajin doonaa waxa uu noqonayaa $3300 oo ay ku jiraan dhammaan adeegyada xaajigu u baahan yahay: fiisaha, degaanka, gaadiidka, iyo kharashaadka kale ee adeegyada xujayda loo qabanayaba. Mudane Dhuuboow waxa uu si cad u sheegay inaan laga badin karin $3300 qiimaha xaajiga keli ah.

Qodobka labaad waxa uu ku sheegay shirkadaha sannadka wasaaradda kala shaqaynaya xajka oo kala ah:

  1. Daallo Airline
  2. Jubba Airways
  3. Ocean Airlines
  4. African Express
  5. Freedom Airline

Qodobka saddexaad waxa uu ku sheegay ay wasaaraddu masuul ka noqon doonto soosaaridda fiisaha xajka, halka dadku ay baasaboorradooda u geysan doonaan shantaa shirkadood middii ay doortaan. Shirkaduhu waxa ay baasaboorka geyn doonaan wasaaradda si fiisaha loogu dalbo xaajiga.

Qodobka afraad: waxaa jiraya heshiis ay wasaaraddu ka saxeexi doonto shirkadaha, kaas oo aan la’aantii loo oggolaanayn in ay ka qabyqaataan arrimaha xajka.

Qodobka shanaad waxa uu ku tilmaamay in ay shirkaduhu wasaaradda la soo xidhiidhaan sida ugu dhakhsaha badan, laga bilaabo maalintan (16/5/2018) ilaa 21’ka isla bisha shanaad. Shirkaddii muddadaa ka dib dhacda “waxaa laga qaadi doonaa go’aanka ku habboon.” Ayuu ku daray.

In arrimaha xajka la ballaadhiyo oo shirkado kale lagu daro waxaa loo galay dedaal dheer oo ay shirkadahan cusubi ku qancinayeen madaxda dawladda. Intii aan arrintan dabogalka ku wadnay ma aannan arkin wax muujinaya in saddex shirkadood ay laaluush bixiyeen, laakiin waxaa jirta in ay adeegsadeen xildhibaannada metela dadka shirkadaha iska leh, si ay ugu doodaan in laga qayb galiyo hawlaha xajka.

Xildhibaan Xasan Macallin waxa uu xilka wasaradda la wareegay 29’kii May 2018. Xafladda xil wareejintana waxaa joogay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Guuleed (Khadar). Hadalkii Wasiir Xasan uu jeediyey waxaa ku jirtay:

“Aqoonyari waxay noo gayso waa gooni e, inaan ugu adeegno ummadda Soomaaliyeed, wasaaradda dawrkeedii, diinta sharafteedii, dalka karaamadiisii, inaan meesha ay joogto ka sii wadno iyo meel fiican sii gaarsiinno ayaan ballanqaadaynaa Ilaahay hortiisi. Caddaalad inaan ku shaqaynno ayaan ballanqaadaynaa Ilaahay hortiisi.”

Wasiirka cusub iyo wafdi uu hoggaaminayo, oo ay ka mid ahaayeen wasiiru dawle Askhir iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Cumar Faaruuq Sh. Cabdicasiis, ayaa Sucuudiga ku tagay “booqasho cumro iyo mid [s]haqo.” 12’kii Juun 2016, sida ku xusan bogga wasaaradda ee Facebook. Isla qoraalkaas waxaa lagu sheegay in wasiirka iyo wafdigiisu ay soo kormeeri doonaan “adeegyada xujeyda soomaalida sanadkan sida guryaha xujeyda, Basasaska iyo adeegyada kale.”

Maalintii xigtay waxay la kulmeen masuuliyiintii Sucuudiga ee qaabbilsanaa xujaajta Soomaalida — isla kuwii Mudane Ashkir la kulmay 4’tii Maaj 2018.

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing

Sida lagu faafiyey bogga wasaaraddu Facebook ku leedahay 4’tii Julaay 2018, Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Cusmaan Aadan Dhuuboow ayaa goobjoog ka ahaa heshiis ay kala saxeexdeen shirkadda diyaaradaha ee African Express iyo shirkadda Rawdaha ee guryeynta xujeyda. Guddoomiyaha African Express, Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan “Ibbi” ayaa sheegay in shirkaddoodu ay xujaajta dejin doonto meel Xaramka u jirta siddeed daqiiqo. Xildhibaan Cabdiraxmaan waxa uu aad ugu mahadnaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyrre.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi waxa uu ahaa ra’iisul wasaare ku-xigeen xilligii ku-meel-gaadhka ee Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid. Waxaa kale oo uu soo noqday wasiirka warfaafinta. Haddana waa xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka.

Waxaa yaab ah in xildhibaannadii xukuumadda la xisaabtami lahaa ay maamulayaan ganacsiyo ku xidhan dawladda, oo aan oggolaanshaha dawladda la’aantii shaqayn karin.

Casilaad

Goobjoogeyaal aan waraysannay waxay noo xaqiijiyeen in labada shirkadood ee Daallo iyo Jubba ay ka dambeeyeen socdaalkii wasiirka, ayna bixiyeen kharashkii ku baxay — iyagaa ka soo qaaday garoonka diyaaradaha dejiyeyna huteel ku yaalla dhismaha saacadda ee Xaramka ku hor yaallaa. Ramadaantii ka dibna waxay u wareejiyeen huteelka Mövenpick oo Jidda ku yaalla; isaga, xaaskiisa, iyo wiil uu soddog u yahay. Abuukar Jubba oo ah wakiilka shirkadda Jubba ee Sucuudiga iyo kooxdiisa ayaa gacanta ku hayey.

Waxa uu wasiirku 23’kii Juun u yeedhay oo si gooni ah ula kulmay saddexdii shirkadood ee cusbaa: Ocean, Freedom, iyo African Express. Daallo iyo Jubba kama qayb galin kulankan. Waxa uu u sheegay in wasaarad ahaan ay shaki ka qabaan in shirkadahani ay hawsha xajka ka soo bixi karaan. “Ma u malaynayo in aad qaban kartaan,” ayaa uu ku yidhi, sida qof kulankan xogogaal u ahi uu nooga warramay.

Waxaa muuqatay, ayuu yidhi, in Daallo iyo Jubba ay ka dhaadhiciyeen in saddexdan shirkadood aysan khibrad u lahayn arrinta xajka.

Masuuliyiintii shirkaduhu waxa ay wasiirka u faahfaahiyeen khibradda ay xajka u leeyihiin, iyo weliba sida ay sannado badan uga soo shaqaynayeen xajka iyo xujaajta Kenya iyo meelo kaleba, ayna kireeyeen guryihii ay dejin lahaayeen xujaajta loo qoondeeyey. Markaas ayaa uu wasiirku yidhi bal wasaarad ahaan baanu dib isugu noqonaynaa oo waanu idin ku soo war celinaynaa.

Markan ayaa uu wasiirku bilaabay in uu faraha la galo shaqadii Agaasimaha wasaaradda. Waxa uu tagay Wasaaraddii Xajka ee Sucuudiga, halkaas oo uu kula kulmay masuuliyiin hoose, laakiin lama aysan fadhiisan karin maadaama uu wasiir yahay. Isaguna wasiirka lama kulmi karin maadaama safarkiisu uusan ahayn safar rasmi ah ee uu ahaa cumro.

Waxa uu warqad u qoray Hay’adda Duullimaadka Rayidka (هيئة الطيران المدني) ee Sucuudiga isaga oo kala hadlay saddexda shirkadood ee cusub.

Arrintani waxa ay keentay iskudhac u dhexeeya Wasiir Xasan iyo Agaasimaha Wasaaradda. Xisaabtii bangiga ee ay Soomaalidu lahayd oo Daallo iyo Jubba ay maamuli jireey ayaa Agaasimuhu soo wareejiyey oo hoos keenay wasaaradda.

93 qof istikarradoodiina waxa uu ka soo qaatay Wasaaradda Wajka. Waagii hore waxaa maamulan jirey Daallo iyo Jubba oo cidda ay rabaan siin jirey. Khamiis bay ahayd. Sabtidiina Nayroobi ayuu u duulay.

Axaddii ayuu Wasiir Xasan aaday Wasaaradda Xajka ee Sucuudiga isaga oo raadinaya istikarradii. Waxaa loo sheegay in Agaasimihii Wasaaraddu uu qaatay. Bangigii ayuu aaday, halkaasna waxaa la yidhi Agaasimaha iyo nin kale ayaa ku qoran oo waa la wareejiyey. Arrimahaas ayaa uu wasiirku aad uga xumaaday.

Habeenkii Isniinta ayuu u yeedhay shantii shirkadood wuxuuna u sheegay Agaasimihii oo Madaxa Xujaajta Soomaalida ahaa in uu xilkaa ka wareejiyey, booskiisina u magacaabay Maxamed Xaaji Ibraahim Cali. Warqadda magacaabista ee uu Wasiirka Xajka Sucuudiga u diray taariikhdeedu waa 17’kii Juun 2018 oo Axad ahayd. Qaybta elektorooniggana waxa uu u magacaabay Xamdi Cabdiraxmaan Ismaaciil. Warqaddanna taariikhdeedu waa 13’kii Juun 2018. Xamdi ilaa afar sano ayuu ka shaqaynayey arrintan waxaana ay ahayd in uu hoos yimaaddo Agaasimaha wasaaradda, Cumar Faaruuq. Waxaase lagu tuhmayaa in uu la shaqeeyo shirkadda Daallo, halka Maxamed Xaaji lagu tuhmayo in uu la socdo shirkadda Jubba.

Wasiirku waxa uu shirkadaha u sheegay in ay labadaa nin la shaqeeyaan. Wax yar ka dibna wuu noqday, toddobaad ka dibna xilkii ayaa laga qaaday.

Saddexda shirkadood ee la cadaadinayaa ilaa saddex jeer bay kulan la yeesheen wasiirka waxayna ku eedeeyeen in uu marin habaabin ku sameeyey. Masuuliyiintii cusbaa ee uu magacaabay xitaa way la kulmeen. Waxaa kale oo ay la kulmeen ku-xigeenka wasiirka iyo Agaasimaha wasaaradda. Laakiin waxaas wasiirku waxba kama soo qaadin, sida muuqata. Wasiirka waxaa lagu eedaynayaa in ay Daallo iyo Jubba ku laaluusheen lacag gaadhaysa $300 000 (saddex boqol oo kun).

Waxyaalaha ay Daallo iyo Jubba ka boodeen waxaa ka mid ah in qiimaha lagu koobay $3300, halka ay rabeen in intaa laga badiyo oo ilaa $3800 laga dhigo, sida ilo-wareed noo sheegeen. Saddexda shirkadood ee cusub waa ay aqbaleen go’aanka ay Dawladda Federaalku ka qaadatay qiimaha iyo qaabka ay tahay in adeegyada kale loo soo gudbiyo, sida in dadka meel wanaagsan oo Xaramka u dhow la dejiyo.

Talaadadii (10’kii Julaay 2018) waxaa Sucuudiga tagay wasiiru dawle Ashkir oo mar labaad laga dhigay ku-simaha wasaaradda sii haya. Jago qaybsiga ku salaysan 4.5 ayaan oggolaanayn in uu jagada wasiirnimada qabto. Wararku waxa ay sheegayaan in arrintii la soo afjaray oo shirkadihii ay oggolaadeen saami qaybsiga, Wasaaradda Xajka ee Sucuudiguna ay muddo kordhin u samaysay Soomaalida.

Waxaa kale oo ilo-wareedyadu sheegeen in Daallo iyo Jubba ay maamulan jireen 90 qof oo uu Boqorka Sucuudigu martiqaado sannad kasta, bixiyana kharashaadkooda. Ilo xogogaal ahi waxay noo sheegeen in sagaashankan qof fiisahooda lagu iibin jirey ilaa $4000 midkiiba, kharashkooda oo ilaa hal milyan oo Riyaal ahna ($370 000) ay labadan shirkadood qaadan jireen, iyaga oo siyaasiyiintii hore qaarkood qayb ka siin jirey.

Casiliddii Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada

Casilidda Maareeye Yuusuf Cabdi Cabdulle, waxa ay ku lug lahayd arrintan shirkadaha diyaaradaha oo uu la saftay Daallo iyo Jubba, sida ilo xogogaal ahi ay noo sheegeen.

Maareeye Yuusuf Cabdi Cabdulle

Maadaama shirkadaha cusub aysan lahayn diyaarado ku filan oo ay xujaajta ku daabbulaan, waxa ay heshiis la leeyihiin shirkado kale. Ocean Airlines waxa ay xidhiidh la leedahay Air Arabia (al-Carabiyah) oo iyadu Jiddah ka soo qaadi lahayd xujaajta. African Express iyaduna waxa ay xidhiidh la samaysay shirkadda Air Djibouti.

Daallo iyo Jubba ayaa laaluushay Maareeyaha si uu diyaaradda Jabbuuti ugu diido in ay Muqdisho ka soo degto. Mulkiilaha African Express, Xildhibaan Ibbi ayaa Jabbuuti ka dacweeyey halkaas oo Abuukar Jubba (Agaasimaha Jubba ee Xajka) uu ka haysto baasaboorka Jabbuuti! Sidaa oo kale, waa tii maalintii dhowayd Madaxweyne Farmaajo tagay Jabbuuti halkaas oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle la soo hadal qaaday arrinta diyaaradda oo aan Farmaajo iyo Wasiirka duulista midna waxba ka ogayn. Markaas ayaa lala hadlay maareeyaha oo Yugandha ku maqnaa. Sidaa ayaana lagu casilay oo ku-xigeenkiisii loogu beddelay.

Waxaa hore suuqa looga saaray shirkad la odhan jirey Cosob Airlines oo uu lahaa Cabdiqaadir Cosoble Cali. Mudane Cosoble waxa uu ka mid ahaa dadkii u tartamayey xilkii madaxweyne ee Dawladda Federaalka sannadkii 2017, haddana waa xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya. Sannadkii 2009 ayaa masuuliyiinta Cosob Airline ay wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta waxay ku eedeeyeen in uu ka hor istaagay in ay ka qayb qaataan hawlaha xajka. Waxaa la sheegay in dacaayad badan suuqa loo galiyey shirkadda Cosob Airline, lagana dacweeyey hay’ado iyo dawlado kale si shaqada looga joojiyo, taas oo lagu eedaynno shirkadihii kale ee tartanku ka dhexeeyey.

Check Also

Sidii uu Shiinuhu Siri Laanka dekad uga dishay!

How China Got Sri Lanka to Cough Up a Port Sidii uu Shiinuhu Siri Laanka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *