Home / Afkeenna / Afkeenna: wadaraynta
©Warsame Yassin Osman

Afkeenna: wadaraynta

Iyada oo ay jiraan gefaf badan oo laga galo dhismaha ereyada, haddana waxa aan isku deyayaa in aan gef gaar ah halkaan kaga hadlo oo weliba xeer lagaga gudbo aan ku soo bandhigo.

Marka tiro laga hormariyo erey, waxa aan arkay iyada oo in badan la khaldayo oo aan la garaneyn sida ereygu isu beddelayo. Khaladaadkaas waxa aan ku arkay xataa dad af Soomaaliga iyo suugaanta jecel waxna uga bilaaban yihiin.

Gefafka aan arkay waxaa ka mid ah dad qoraya: afar maalin, saddex bil, labo beel, iyo kuwo kale. Dabcan waxa ay ahaan lahaayeen: afar maalmood, saddex bilood, iyo laba beelood. Eegeey ereyadaa kuwo la xiriira ayaan sidaas noqonayn marka tiro ka hormarto ama ay wadar yihiin. Matalan: habeen, usbuuc, iyo reer ma ay noqonayaan; afar habeenood, saddex usbuucood iyo laba reerood, ee waxay ahaanayaan afar habeen, saddex usbuuc, iyo labo reer.

Haddaba, muxuu yahay xeerka hagaya ereyada ay raacayso ‘-ood’ sida maalin, bil iyo beel, iyo kuwa sidoodii ahaanaya oo aysan ‘-ood’ raaceyn sida habeen, usbuuc, iyo reer? Bal ila dhugo:

1) Ereyadu haddii ay DHEDDIG yihiin, marka tiro ka hormarto waxa raaca ‘-ood’ marar dhif ahna ‘-aad’.

Tusaale: bisad, garannuug, sariir, bil, beel, maalin, dayuurad, dhib, daar, iyo dariishad waxa ay noqonayaan sida tan:

5 bisadood, ma aha 5 bisad .
2 garannuugood, ma aha 2 garannuug.
4 sariirood, ma aha 4 sariir.
5 bilood, ma aha 5 bil.
2 beelood, ma aha 2 beel.
4 maalmood, ma aha 4 maalin.
3 dayuuradood, ma aha 3 dayuurad.
2 dhibood, ma aha 2 dhib.
6 daarood, ma aha 6 daar.
9 dariishadood, ma aha 9 dariishad.

2) Ereyadu haddii ay LAB yihiin, marka tiro ka hormarto sidoodii ayey ahaadaan oo ‘-ood’ ma raacdo:
Tusaale: shabeel, goodir, kursi, usbuuc, reer, habeen, dayaxgacmeed, xanuun, guri, iyo albaab, waxa ay noqonayaan sida tan:

5 shabeel, ma aha 5 shabeelood.
2 goodir, ma aha 2 goodirood.
4 kursi,ma aha 4 kursiyood.
5 usbuuc, ma aha 5 usbuucood.
2 reer, ma aha 2 reerood.
4 habeen, ma aha 4 habeenood.
3 dayaxgacmed, ma aha 3 dayaxgacmeedood.
2 xanuun, ma aha 2 xanuunood.
6 guri, ma aha 6 guriyood.
9 albaab, ma aha 9 albaabood.

3) Waxaa jira ereyo dheddig oo sida labka u wadarooba oo aan qaadanayn ‘ood’, waxaana lagu garan karaa in ay ku dhammaadaan shaqalka ‘o’.

Tusaale: gorayo, sagaaro, barkimo, godimo, xeero, deero, iyo kuwo kale. Waxa ay noqonayaan sida tan:

2 gorayo, ma aha 2 gorayood.
10 sagaaro, ma aha 10 sagaarood.
2 barkimo, ma aha 2 barkimood.
4 godimo, ma aha 4 godimood.
5 xeero, ma aha 5 xeerood.
3 deero, ma aha 3 deerood.

Ila fiiri sida ay xeerka u ka la raacayaan ereyada isku dhigmo kala dhihid amaba isku dhihidda ah oo lab iyo dheddig ka la ahi:

War(ka): 2 war oo ka la duwan baan maqlay.
War(ta): 2 warood buu roobkii xalay buuxiyey.

Dameer(ka): 3 dameer bey soo dhaansadeen.
Dameer(ta): 3 dameerood baa isku mar dhalay.

Beer(ta): 2 beerood oo isu dhow baan leeyahay.
Beer(ka): 2 beer martida u samee!

Qaalin(ka): 3 qaalin buu soo iibsadey.
Qaalin(ta): 3 qaalmood baa u dhalay.

Hal(ka): 5 hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi.
Hal(sha): 5 halaad baa geelayaga ka dhalay.

Kolkaa, waxa aynnu ku soo gabagbayneynnaa in xeerarku ay yihiin saddex:

1) Magaca lab marka tiro ka horrayso is ma beddelo.

2) Magaca dheddig marka tiro ka horrayso waxa uu qaataa ‘ood’. Mararna ‘aad’ sida: 4 halaad, 2 laxaad, iqk.

3) Marka magaca dheddig uu shaqalka ‘o’ ku dhammaado, waxa uu la xeer yahay magacyada lab oo ma qaadanayo ‘ood’.

FG:
Marka aynnu ka hadlaynno tiro ka horraysa erey ama magac, ku ma jirto tirada ‘1’ ee waa wixii ka badan. Matalan: 1 sariirood waa gef, laakiin, 2/3/4/5… sariirood ayaa xeerku daboolayaa.

Xeerarkaani waa ufiirsi xaddidan oo ciddii wax jebinaya keeneysa waa la soo dhoweynayaa, in kasta oo uu sidiisa ku noqon karo hage guud oo dadkii gefafka gelayey uu wax weyn ka beddeli karo sida ay u dhisayeen ereyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *