Home / Suugaan / Gabowga iyo halabuurka Soomaalida
©Khaalid Foodhaadhi

Gabowga iyo halabuurka Soomaalida

Waxyaalaha Soomaalidu ay ka gabaydo waxa ka mid ah da’da iyo gabowga. Gabyaa dhawr ah ayaa si togan gabow iyo da’ ay gongaha dhigeen gabayo ku faalleeyey qarniyadii hore, iyaga oo is barbardhigaya dhallinyarannimada aadmigu soo maro iyo heerarka nolosha ilaa laga gaadhayo heerka hawlqabnimada iyo mararka qaarkood asaasagnimada.

Waxa ka mid ah suugaanyahanka sida weyn uga hadlay arrintaas Aadan Maxamed Cabdulle (Aadan Gurey) oo Caabud Waaq ku noolaa sida la weriyey qarnigii 19’aad, waxanu yidhi:

Toddobaatan iyo toban miyaan tiriyey waagayga
Sida wiil tarada ceel marshey oo timaha deebeeyey
Tin madow miyaan laga dayeyn aniga tuurkayga
Ma tallaabadaan la qadhqadhoo tiigsin luga mooday
Ma tukubay sidii habar tu kale tuugmo ugu jeedda
Bowdada miyaan tuujiyey iyo adhaxda tiirkeeda

Taf-madow haddaan qaadan jiray maro tilmaan dheer leh
Tartarrada miyaan qayd ku xidhay taako labadeed ah
Barkin luqunta kuma tiirsho iyo tolone baarkiise
Ma dhegtaan tagoogada gashaday sidii aniga oo tuug ah

Wax martidu tamadisaa ninkay toos u hoyataaye
Tulugiis miyaan la igu arag tuludi waa geele
Naaguhu ninkaan tuujinayn waa timlahayaane
Taf miyaanan rogihayn sidii cudurku ii taabay

Torog maalintaan fuuli jiray tahartu weynaatay
Col tirtirihii anigaa lahaa tabayo duullaane
Guuraha anays taagi jiray idil tilmaanteede
Haddaan weerarkeedii tognay oon toon ka soo didinay
Iba-toosan leeyeey hadday na hor tislaynaysay
Tog biyo leh haddaan keenayoon koron ku taysaynay
Sidaan wax u tabayn jiray miyaan taabi kari waayey
Allahayoow tahliishii Jannaan adiga kaa tuugay!

Gabaygan kale na waxa uu ka hadlayaa isla ujeeddada gabayga Aadan Gurey. Gabaygan soo socda waxa markii ugu horraysay aan ka qoray Cabdikariim yuusuf Aadan oo hadda reer London ah. Waxa uu ii sheegay in gabaygan Raage Ugaas lahaa, hase yeeshee nin kale oo aannu saaxiib nahay oo Cabdi Aadan (Ceelow) ku magac dheer oo gabaygan Aadan Gurey ii mariyey markii ugu horraysay, ayaa igu boorriyey in aanu Raage Ugaas gabaygaas lahayn ee nin kale oo ay Raage isku reer ahaayeen lahaa. Raadin ka dib, waxa aan helay in gabaygan uu lahaa Muxumed Xaashi, sida ku xaerdhan mareegta Doollo ee suugaanta ururisa.

Baydka u horreeya ayaa laba siyood loo kala weriyey. Qolo waxa ay ladhkiisa ku sheegeen: “Intaan Khayli dhuugyaha cas iyo dheeg wiyil ah qaatay”. Khayli dhuugyo cas waa maro xilliyadaas hore la xidhan jiray, Dheeg wiyil ah waa gaashaan ka samaysan saanta wiyisha oo qaro xooggan leh. Qolada kale na waxa ay meeriskaa ku sheegeen “laba laysku dhaadiyo waxaan dheeg wiyil ah qaatay”. Labada la isku dhaaday waa “laba waran”. Warmo iyo gaashaan ma kala hadhaan oo waa laba qalab oo is raaca, weerar iyo difaac ayayna kala astaystaan, sidaas awgeed waxa aan qaatay kan dambe. Waxa uu yidhi:

Laba laysku dhaadiyo waxaan dheeg wiyil ah qaatay
Ee dhalanka aadmigu u baxo sidatan lay dhawray
Kolkii horeba dhererkii miyaa dhabarkii soo gaabtay
Ma ka dhaxay dhawaaq uubatiyo dheelmitaan gibin ah
Dhabbe reero qaadeen miyaa laygu wada dhaafay
Ushaan dhaabin mooyee hubkii mayska wada dhiibay
Raggaan dhalay ragguu dhalay miyaa dharabo ii diiday
Kuwii aniga ii dhaxay miyaa dhimashaday dooni
Dhuuniga i siiyaay miyaan sida dhallaan ooyey
Waxaan dhawran jirey ceeb miyaa igu dharaarowbay.

Salaan Maxamed Xisri (Salaan Carrabey) ayaa isna gabowga iyo da’da ku soo qaaday gabay uu ujeeddo kale u tiriyey, kagana hadlayey nin seeddigii ah oo u soo adduun doontay. Gabaygii Salaan Carrabey ee Lukaansi ayay dheegag ka mid ahi ka hadlayaan gabowga iyo astaamihiisa, waxanan ka soo garoocay tusaalahan:

Nin labaatan jirey iyo adduun way legdamayaane
Nin cirradu laamaha dhigtoo laylyamaan ahaye
Lixdan labiyo toban baan kor maray waana la hubaaye

Lafta dhabarka laxaadkay debciyo laafyahaa gacanta
Waa taa lalleemada indhaha araggu liitaaye
Liiqliiqad baan ahay sidii lule dabayleede
Waxaan luqunta kor u taagi jirey liicday adhaxdii

Hadday luguhu ciidamin jireen waa la’ orodkiiye
Ma laxiibto geeluba hashii lahantay jiilaale
Ku laabudan shisheeye ninkii laxawsi moodaaye
Hadba waxan lacaab riday rag baa laastay yaradkii.

 

Check Also

Baaq

Nageeyoow abwaan buuxa oo loo bogaad tahaye Barakaale boqoliyo haldoor beel hagaa tahaye Isir bile …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *