Home / Aragti / Maxay tartaa sheeko faneeddu?

Maxay tartaa sheeko faneeddu?

In kasta oo dhaqammada adduunku ay wadaagaan curinta sheekada male-awaalka ah, haddana sheeko faneedda buugga buuxisa, ama noofalku, gadaal buu ka yimid, mana aha qayb ka mid ah suugaanteenna soojireenka. Noofalku waxa uu ku hanaqaaday Ingiriiska, halkaas oo uu bulshada ugu jiro halka gabaygu innoogu jiro, gaar ahaan nooca lagu tilmaamo “literary novel”.

Sida maansada Dhoodaan iyo Hadraawi innoogu leeyihiin maqaam sare iyo saamayn badan, ayaa noofalka Jaarlas Dikinis (Charles Dickens) iyo Jayn Ostin (Jane Austin) maqaam sare iyo saamayn badan ugu leeyihiin qofka Ingiriiska ah ama suugaantaa daneeya (Anglophone).

Halabuurka Soomaaliyeed iskama gabyo ee waxbaa ku kallifa, maansadiisuna farriin ayay xambaarsan tahay ee wax la iska yidhi ma aha. Sida ay u kala farriin culus yihiin ayayna u kala qaayo badan yihiin. Sidaa si la mid ah, noofalka Ingiriisiga ah ee aan tilmaamay waa mid farriin xambaarsan ee aan loo qorin madadaalo iyo waqti in la isku dhaafiyo. Noofalka madadaalada ahi waa midka la akhriyee la iska illaawo amaba la tuuro marka la dhammeeyo akhrintiisa—haddiiba la dhammeeyo. Laakiin midka farriinta xambaarsan guryahaa la dhigtaa oo sida aynu gabayga ugu celceshanno ayaa markii loo baahdaba la akhristaa, ilmaha la baraa, dugsiyada lagu dhigaa, bulshada dhexdeedana uu magac iyo maamuus ku yeeshaa.

Suugaantii tixda ahayd fahankeedii iyo dhuuxiddeediiba inay innaga sii dhammaanayaan ayaad mooddaa. “Maasha Allaah, Abwaan heer sare ah…” ayuu ku faalloonayaa mid aan dulucdaba gaadhine garashadiisu ay dhaafi weyday habdhaca ereyada, amaba maqlay dad sidaa leh oo isna ku darsaday! Tixda furfuriddeedu ma sahlana, gaar ahaan xilligan aynu joogno, taas oo dheefteedii yaraynaysa kuna koobaysa koox yar oo fahankeeda leh. Nasiibdarro sheekooyinkii tiraabta ahaa ee booska tixda buuxin lahaa badanaaba way maqan yihiin. Halabuurka Soomaaliyeed sheekooyinka ay immika curiyaan waa ay ku yar yihiin wax la dhihi karo farriin macno leh ayay xambaarsan yihiin.

Sheekadu waa lamahuraan, aadanuhuna kama maarmo, oo Qur’aanka qayb weyn oo ka mid ahi waa sheekooyin la rabo in aynu ku cibro qaadanno. Sida ilmaha dawada qadhaadh wax macaaneeya loogu daro, ayay sheekadu wacdiga iyo waanada u macaanaysaa si ay naftu u qaadato. Halkii amar qayaxan la gudbin lahaa, sheekadu waxay bixisaa tusaale lagu dayan karo oo uu qofku iska dhex arki karo.

In kasta oo aan arkay dad dood ka qaba, waxaa la sheegaa in noofalkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey uu ahaa Aqoondarro waa u nacab jacayl, ee uu qoray Faarax Maxamed Jaamac Cawl—Alle ha u naxariisto e. Faarax waxa uu ararta buuggiisa Aqoondarro ku daray:

“Haddaba, in kastoo sheekadani salkeedu yahay jacaylkaas dhex maray Cawrala iyo Calimaax, ula jeedooyinka ku jiraa loogana dan leeyahay, oo ay wax ka tusaalaynaysaa  waa waxyaalaha hoos ku qoran.

  • b) Tan u horraysa, waxay wax ka tusaalaynaysaa dhibaatooyinka, danqaaraha iyo waxyeellada ay dadka u leeyihiin wax akhris la’aanta iyo wax qoris la’aantu.
  • t) Tan labaad sheekadanu, waxay tusaalaynaysaa heerkay haweenka Soomaaliyeed kaga jireen dhaqanka iyo murtida Soomaaliyeed, isla markaasna waxay muujinaysaa qaybtey jacaylka ka qaateen beryihii hore.
  • j) Tan saddexaad oo ah tan ugu qaaya weyn, waxay daaha ka qaadaysaa ruuxa waddaniga ah oo dalkiisa kalgacal u qabaa inaanu ahayn kan dib uga laabma ama ka cataaba hadduu dhibaatooyin iyo silic kala kulmo daryeelidda, ilaalinta xornimada, iyo gobannimada dalkiisa.
  • x) Tan afraad waxay wax ka tusaalaynaysaa samaha sinnaantu leedahay, iyo saymihii sinnaan la’aantii ka dhexaysey raggiyo haweenkii hore. Waxay kaloo isla mar ahaantii wax ka tusaalaynaysaa taariikhda, dhaqanka qotada dheer iyo caadooyinkii ummadda Soomaaliyeed.
  • Kh) Tan shanaad waxay wax ka muujinaysaa joqoraafiga iyo taariikhda gobolkaas Sanaag oo ah gobolkay ku dhasheen Cawrala iyo Calimaax, isla markaasna waxay tusaalaynaysaa faa’iidooyinka kalluunka cuniddiisu u leedahay dadka.
  • d) Tan lixaad waxay tusaalaynaysaa in haasaawaha iyo muranka lagu murmo af Soomaaliga ay lagama maarmaan tahay in murti, gabay, saar, geeraar, hees, guurow, jiifto, shirib iyo maahmaaho ay saldhig u ahaadaan, haddiise aanay murtidaasi ku jirin taageeraynna, wax kastoo lagu hadlo, fara kastana hadalku ha lahaadee, inuu qiimihiisu yar yahay. Sidaas darteed, waxay ka fursanwaa noqon weydey, inay sheekadanu gabay, maahmaaho iyo heeso ku dhisnaato, oo ay meelo badan ka soo galaan.”

Inta sheekooyinka curiya waxaan kula talin lahaa: sheekadaadu ha noqoto mid farriin xambaarsan oo loo aayo. Ha la tartanto maansadii hormuudka suugaanta Soomaaliyeed, ee yeysan labo maalmood ka dib noqon wax laga baxo oo waqtigiisi dhammaaday iyo saambuuse laga addimay. “Kac kac jacayl u kac” iyo “…barbar ii tuuray” maalmo hawada ha qabsadaan laakiin immikaba la illow.

FG: ereyga noofal (novel) asalkiisu waa Laatiin Ingiriisoobay. Carabtu waxay adeegsadaan “Riwaayad”, laakiin innagu adeegsi kale ayeynu u samaynay ereygaas riwaayaddii, “sheeko faneed, sheeko male-awaal ah… iwm, waa tilmaan ee magac ma aha. Markaa miyey jiraan wax innoo diidaya in aynu ereygan “noofal” uu adeegsanno buug sheekho faneed la male-awaalay ah?

Xigasho
Aqoondarro waa u nacab jacayl

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 1

Check Also

Qalloocii bilaa qirashada ahaa

Laga soo bilaabo tan iyo maalintii dawladnimada Soomaalida ugu horraysay waxaa lagu jiraa jaah-wareer iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *