Home / Aragti / Wadaad waa Nin!

Wadaad waa Nin!

Adeegsiga ereyga “wadaad” dhibaatooyin baa ku hoos jira.

Waxa uu noqday dallad la hoos hadhsado, dadka lagu hodo, eeddana lagaga gabbado.

Dadku waa wada Muslin mana aha in magac gaar ah aynu siinno ku dhaqankii diinta ee qof walba looga baahnaa. In ninku gadhka la baxaa waa wax diinteenna ka mid ah, kii ku dhaqmaa wanaag buu sameeyey, kii aan fulinna waa gaabin dhankiisa ah.

Gabadha jidhkeeda asturtaa waxay fulinaysaa amarkii Alle ee gabadh kasta oo Muslimad ah laga rabay ee wax kale ma aha.

Halkii qofku isu arki lahaa in wax ka maqan yihiin ama uu wixii laga rabay ka gaabiyay, wixiiba waxaa laga dhigay habdhaqan gaar ah oo ku kooban dabaqad “wadaaddo” ah, sidii in diinta loo soo dejiyay dabaqaddan oo keli ah inta kalena ay daawadayaal ka yihiin.

Wadaadnimadu xushmadda iyo qaddarinta ay bulshada ku dhex leedahay markii la arkay, dad badan baa shaadh wadaadnimo toshay. Kii damca in ay bulshadu aaminto, dantii uu doono ha ka lahaadee, waxa uu isu ekaysiiyay “wadaad”. Waxyaalo aan wadaadnimada lagu aqoon baa yimid. Dhiigmiirato hantida dadka dhacaya ayaa wadaadnimo sheegtay. Horor dhiiggii dadka ku maydhanaya ayaa wadaadnimo sheegtay. Haddii wadaadnimadu ay ahayd ku dhaqanka diinta, miyaan dilka, khiyaanada, iyo xatooyadu qofka ka saarteen wadaadnimada—illeen diintu dhaqankaas ma oggola e? Wadaad waa nin baa ka dhacday.

Halkii qofkii sharciga diintu dejisay jabiya laga xayuubin lahaa “wadaadnimadii” diin ku dhaqan dartii loo huwiyay, intii dalladda wadaadnimada hadhsanaysay baa farta lagu wada fiiqay. Dadka qaar ayaaba u arkay fursad ay wax-ka-sheegga diinta ugu soo gabbadaan.

Dhibtu waxay sii ballaadhanaysaa marka dambiilihii loo xilqariyo ama laga aamuso gaboodfalkiisa, iyada oo dacwad laga dhiganayo in uu yahay wadaad! Wadaad waa nin. Wadaad waa qof.

Qofkii wax xadaa waa tuug, kii akhlaaqda wanaagsan ka boodaa waa anshaxlaawe, kii wax isdabamariyaa waa khaa’in…—khamiis iyo cimaamad ha xidhnaado, jilbaab iyo niqaab ha xidhnaato, ama jiinis iyo garan, ama macawis iyo shaadh, ama dirac iyo garbasaar, ama sidii hooyadood ku dhashay ha ahaadeene!

Wadaadnimadu yeysan noqon xasaano iyo gabbaad sharciga lagaga dhuunto.

Wadaad waa nin. Diintuna waa diintii Alle. Wadaadka iyo wabiinkaba Alle ayaa midba gaarkiisa u xisaabinaya. Xisaabtaa sidii aynu xil la’aan uga soo bixi lahayn, ee aynu u badbaadi lahayn, in aynu ku dedaalno weeyaan ee ma aha in aynu ku mashquulno wax kale.

Haddii aynu maamuusaynno qofkii diinta si fiican ugu dhaqma, oo aynu “wadaadnimo” ku astaynaynno, yeysan noqon abid ee haddii qofkaasi jabiyo xeerkii diinta, waa in aan ka xayuubinnaa derejadaas.  

Check Also

Qalloocii bilaa qirashada ahaa

Laga soo bilaabo tan iyo maalintii dawladnimada Soomaalida ugu horraysay waxaa lagu jiraa jaah-wareer iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *