Home / Sheeko Gaaban / Fiyoorihii Taleex

Fiyoorihii Taleex

Iyadoo lala hadlin bay dadka ka hadlisaa, qosol aanad u jeedin bay kaa keenaysaa. Siddeed sano ayaa u dheer tobanka. Wejiga sida dhuuban u samaysan iyo sanqaroorka dhex qotama bay muraayadda hor haysaa. Waa muraayad dhererkeeda ka hoosaysa. Indho kuul bay si jiifa u marinaysaa indho leh uma baahnin. Gacanteeda midig bay dib ugu celinaysaa timaha dhinaceeda bidix ku soo hurda. Magaceedu waa Nimco. Marada ay ku dhex jirtaa waa Saako cagaaran oo dhexda xadhig lagaga dhuujiyey. Afar jijimo iyo laba faraanti bay gacanta midig ku xidhay. Katiinad fas cagaaran leh baa qoorta ku soo hurudda. Guriga saaxiibaddeed Fahiimo weeye. Fahiimo iyana waxay hor taagan tahay muraayadda armaajada ku dhegsan. Hal saac iyo badh fiidnimo waxaa bilaamaysa xafladda qalinjabintooda Dugsiga Sare.

Nimcaa intay dib u soo jeesatay tiri, “abbaayo waa daahnay ee qofkaagii wac.” Fahiimo oo goonada ku mashquulsan baa tidhi, “abbaayo jiinyeerka iga go’ay ee fiiri?” Nimco oo horreba u jeclayd in labbiskoodu isku qaab noqdo baa tiri, “aniga waa kuu sheegay in goonadan ku anfacayn Saako iska xidho.” Intay saako guduudan soo qabatay oo u dhiibtay. “Abay abay, Nimco abbaayo maanta sidee laguu kasi? Wallaahay igaarka waxa ku dhacday gabar.”

“Igaarka waa kee?” Nimco baa tiri. Fahiimo oo hadalku afkeeda ka soo baxsaday baa intay muraayaddii ku jeesatay katiinad qoorteeda sudhan eegtay oo tiri, “fiiri tan maa iska beddelaa?” Nimco oo jawaabtaas baaqatay aan isku hawlin baa tiri, “beele waaye.”

Baabuur baa hoonka garaacay. Irridda ayaa si kalsooni leh loo garaacay. Nimcaa intay dariishada qolka furtay tiri, “abbaayo baabuur aa taagan meesha” intii aanay jawaabbin baa qof yiri, “hoodi hoodi”. Nimco ayaa maro khafiifa oo sariirta guudkeeda ugu diyaarsanayd madaxa saartay oo tiri, “ina bixi waa ciddiiye.”

Fahiimo baa intay albaabkii dhinac furtay tiri, “yaa waaye? Soo dhaaf.”

Waa Cabdikariin oo ay isku dheeryihiin Fahiimo. Waa kaas albaabka isa soo taagay ee yidhi, “weli diyaar ma tihidoo?” isagoo Nimco indha u jeeddinaya. Fahiimaa intay fahantay tiri, “gabartan iska baro waa saaxiibtay—Nimco baa la dhahaa.”

“Maasha allaah, waxan qurux miyaa?” buu Cabdikariin yiri.

Fahiimaa intay boorso la soo baxday tiri, “ina bixiya.”

Waa lays daba galay. Si kibir iyo iska dhaadhicin ku jirto buu daaqadda uga furay Nimco.

“Soo gal baayo, wiilkan saaxiibkay Ilyaas waaye”. Intaas buu israaciyey. Intay naxday oo dib u hakatay bay si dhuuban u fadhiisatay iyadoo madaxa gundhinaysa. Fahiimana waxay agfadhiisatay amooraheedii.

Laba daqiiqo oo aamusnaana baa la galay. Qof walba niyadda buu ka leeyahay hadalka inoo fura. Nimco ragga ma jecla inay dhex gasho, balse saaxiibteed maanta ku qasabtay in guriga ka wada labbistaan oo hadhowna uu Cabidkariin qaado. Hore iyo danbaysaba waa markii koowaad. Mid kale Nimco hooyadeed waa islaan kulul oo sinaba raalli ugama aha in gabarteedu sidaa u labbisato. Inay sidaa u labbisato daaye inay shukadda bixiso ma oggola, laakiin Fahiimo Aweys xorriyad bay iska haysataa. Qol gaara bay gurigooda ka deggantahay, oo saaxiibbadeed ugu yimaaddaan.

Ilyaas dhawr jeer buu saaxiibkii ka codsaday in Nimco la baro, laakiin Cabdikariin laftiisuba aqoon badan uma laha Nimco. Marka laga reebo hal maalin oo uu dugsiga ku soo booqday Fahiimo, waana maalintii Ilyaas qudhiisu arkay Nimco. Cabdikariin iyo Fahiimo way isla ogaayeen in Ilyaas soo raaco si Nimco loo baro. Dhawr jeer oo hore bay Fahiimo ku canaanatay saaxiibaddeed in sidan aanay anfacayn, iyadoo ka dhigaysa gabar weyn oo aan haasawe waxba ka aqoon.

Jidka Kaasabalballaare markay gaadheen bay midig u leexdeen, oo ku libdheen waddada Taleex. Nimco oo jidku ku dheeraaday baa intay kursiga afka u dhawaysay tiri, “Fahiimo weli lama gaarin huteelkii?” Intii aanay jawaabin buu Ilyaas yidhi, “xaafad, xaafad kale waxay ugu wareegtaa waa xasarad, abbaayo Nimco aniga dhagax miyaa ahay maxaa ii warsan weyday? Cabdikariin baa isagoo saaxiibkii u jawaabaya yiri, “adigaa hagraday gabarta.” Intuu qoslay buu ku yiri, “ma hagran ee qurux soconaysa qof ay ag joogto daawasho mooye hadal kale miyaa laga sugi? Sow sidaas maaha Fahiimaay?”

Waxaas oo duur xul ah waxaa la rabaa in qariibnimmada lagaga kaxeeyo Nimco. Fahiimo oo hees ay jeceshay oo Axmed Mooge qaado gaabisay markii kaftanku socday, ayaa haddana kor u dallacday. Waxay istiri malaha Ilyaas gaar hadalka ha uga dhigo Nimco.

Aan damaq jacayl

Dad israba warkood

Kaa daadajee.

Waxay ugu darnayd

Markii aan dul imid

Taan dunnida rabay

Ayadoo doog dhex jiiftoo

Daawanaysa ubaxoo

Sow raax….

Cabdkariin baa intuu heestii hoos u dhigay ku yiri, “saaxiibta u sheekee oo waxan naga dhaaf”. Markuu sidaa lahaa wax buu fahansiinayey. Ilyaasna intuu sheekadii soo curiyey buu yiri, “Nimco halkan ma kasaysaa”. Intay labada dhinac ee daaqadaha eegtay bay tiri, “waa huteel Naaso Hablood—maya maya waa Nambar Afar, waa kaas huteel Saxafi.”

Xafladda qalinjebintu waxay ka socotaa isla huteel Saxafi. Afaafka hore baa si isku dhinac ah looga soo galay. Nimco tallaabada ayey hoosta ka xadaysaa si aan loo odhan nin bay la socotay, laakiin kabaha cidhibta leh baa ciilay. Dhinaca bidix baa loo dhaqaaqay. Waa afar kursi oo miis sharraxani u dhexeeyo. Waa la iska soo hor jeestay. Fahiimo waxay ka soo hor jeesatay Cabdikariin, Nimcana si aan qummanayn bay uga hor jeesatay Ilyaas. Mikrifoonkaa laga yidhi xafladdu way bilaabantay. Waa xaflad ardayda oo qudha u gaar ah. Waa in la ciyaaro oo sharaab la wada cabbo.

Cabdkariin baa gacalisadiisii gacanta u fidiyey. Wuxuu rabaa sidaas si la mida in Ilyaas sameeyo. Laakiin yaa kula dhaca Nimco. Ilyaasna si uu qalbigeeda wax u gashado buu tixgeliyaa, oo uu isaga dhigo nin akhyaar ah oo deggan oo masuuliyadi ka muuqato. Iyada wuu fahmay inay tahay gabar aan fudayd lagu hanan karin. Dhaqammadii uu gabdhaha kale kula soo dhaqmi jiray buu beddelay oo hadalkiisii miisaamay. Haddii uu gacanta kula degdegi jiray dumarkii hore Nimco maya.

Ilyaas waa nin edab badan marka runta la sheego, hal sano ka hor buu dhammeeyey Jaamacadda Simad. Aabbihii Abuukar baa u furay meherad dhar. Abuukar waa gacansade weyn oo laga dhex yaqaan waddanka Koonfur Afrika. Muqdisho waxa uu uga tagay Ilyaas iyo gabar hoos uga yar. Nimco Daahir aabbaheed alle haw naxariistee wuxuu dhintay markii ay dhalatay Nimco. Daahir isagoo subax dubbihiisa iyo miishaar sita oo shaqo u sii kallahaya baa dabley hubaysan oo nin kale dilaysaa si kama’ ah qori dhafoorka kaga dhufteen. Dunnida waxa uu kaga tagay Nimco iyo hooyadeed Maryama. Waxaa lagu soo koriyey saanbuus ay Maryama iibiso iyo abtigeed Jilicow oo si weyn uga war haya. Dhawr jeer bay Fahiimo isha kala hadashay saaxiibaddeed, iyada oo ujeedda badawnimada iska daa oo la ciyaar wiilka, laakiin ha sheegin.

Cabdikariin baa isna saaxiibkii eegmada ku canaanaya oo leh shabaqa ku soo tuur gabarta. Si deggan bay u fadhidaa Nimco, Ilyaasna si wacan buu isha ula xadayaa. Ciyaarta iyo waxa laga sheekaynayo sidan baa kala qumman. Meel dhawr tallaabo jirta waxaa soo fadhiya Sacad oo caashaq uu dhawr sano Nimco u qabay ku gadhoodhsanyahay. Afar quraaradood oo faanto ah iyo afar koob oo dhalo ah baa nin soo dhigay. Cabdikariin iyo Fahiimo ayaa kuraastoodii ku soo noqday. Ilyaas baa intuu koobkii Nimco tiigsaday ku shubay faanto cas oo hor dhigay. Iyadoon afka saarin buu Sacad meeshiisii ka soo leeyahay “Bismillaah”.

Dhowr daqiiqo baa si kalgacal leh laysu eegay. Dareen ay Nimco jeclaysanayso baa ku leh habeenka yaa dib u celiya oo sidan u wada fadhiya, mid baqdin lehna wuu ku jiraa oo leh waad daahday. Saacadda ayey eegtay, misay aragtay inay sagaalkii tahay. Iyadoo hadlin bay Fahiimo tiri, “Nimco abbaayo miyaa daahnay?” “Haa ina bixiya waata tiri.” Ilyaas baa yiri “caawa amarka Nimco baa jira ee ina bixiya”. Iyadoo lays galbinayo baa la baxay. Waxa kor loo soo raacay waddada Taleex ilaa lagu soo libdhay Sooba. Sidan Nimco uguma tagi karto hooyadeed, waa inay maryaha sii beddesho oo shuko sii xidhato. Waa habeenkii koowaad ee ay xilligaas socoto weliba sidaa u labbisato. Hooyadeed Maryama waxay kaga soo baxday gabadh saaxiib nahay ban buug la soo akhrisanayaa.

Allaa xaal og.

Dharkii ayey intay beddeshay oo ibriiq halkan yaalla wejiga ku dhaqday baxday. May rabin in baabuurka lagu horgeeyo gurigooda, laakiin waa laga diiday. Fahiimo baa tiri meel guriga ka durugsan baanu kugu dejinaynaa. Ujeeddo kale baa iyaduna ahayd in Ilyaas soo arko guriga gabadhan uu caashaqay. Dhinacii Wadajir baa loo dhaqaaqay huteel Shaamow baa dhinaca danbe lagaga laabtay, halkaas lagu dejiyey. Iyadoo cabsi baaladaymoonaysa bay jaf tidhi. Maryama guriga walaalkeed Jilicow bay ku maqnayd. Dhawr daqiiqo bay farxad qolkii isdhex taagtay. Shukadii bay meel saartay, oo buug ay gurigii Fahiimo ka soo qaadatay iska dhigtay mid akhriyeysa. Xusuustii ku naso. Wadnaheedii baa wax dareemay, wax aanu hore u dareemi jirin. Ilyaas iyo cawskii qurxoonaa buu tebayaa. Miyuu yaqaannay muxuu u tebayaa? Mayee daqiiqado ayuu wadnuhu wax ku yeeshaa. Quruxdeedii bay dib ugu qushuucday, misay shukadii xumayd indhaha ku gubtay, oo tiri taas baa facay iga reebtay. Haddii sida Fahiimo aan xorriyad haysan lahaa maxaa dhici lahaa? Muxuu uga jeeday markuu lahaa Ilyaas, “qurux baa na agdhigteen”. Intay kacday bay muraayad dhinac ka jaban oo kooma-diinka ku dhegsan isku fiirisay. Luqunteedii bay u bogtay iyo labada naas ee soo kobcaya. Indhaha iyo suuniyaha isku qotoma bay eegtay misay hoos u tiri “gabar kaa qurxoon ma jirto”.

Markii ay Ilyaas bar bar socotay bay ka fekertay. Inuu ku soo baxayo oo ku qurux badanyahay bay dareentay. Kaftankiisii iyo markii uu ku lahaa halkan ma kasaysaa bay ku soo ceshatay. Qalbigeedii buugga uun ka fekeri jiray baa immika Ilyaas uun ka shawraya. Habeen ka wacan oo ka farxad badan inaanu jirin bay dareentay. Gurigan baas ee xabsiga ku noqday bay nacday. Waa taas hurdadii kala fogaadeen. Nimco waxay rabtaa meel ay ku nafisto. Meeshaasna waxay u aragtaa guriga Fahiimo. Qorshe ay saaxiibaddeed ugu tagto bay aad uga fekeraysaa.

Subixii bay Maryam u sheegtay in xaaskii abtigeed ummushay, oo ay qabato si ay u soo caawiso. Maryami walaalkeed Jilicow aad bay u jeceshahay, waa ninka halkaas soo gaadhsiiyey. Nimco way ogtahay in aysan odhan karin qaban maayo guriga abtiyo. Shukadii ayey hore ka sii qaadatay. Maalintii oo dhan xusuustii habeen hore iyo Ilyaas bay ku noolayd. Ayagoo labadooda oo qudha ah bay ka fekertaa. Sidii uu faantada koobka ugu shubayey ee u hor dhigay bay jeclaysatay. Duqdan baas ee Iyadoo lix cunug iyo labo gabdhood haysata ummulaysa bay hoosta ka inkaartaa. Waa taas naga xumaysay jawigii aan samaysan lahaa. Bal marka wax wacan aan suubbin rabo maxay wax kale iigu dirtaa? Labo habeen bay gurigii abtigeed sii joogtay. Nimco waxaa lala rabaa in loo guuriyo Xasan oo uu dhalay abtigeed Jilicow. Arintaas abtigeed baa la soo hadal qaaday walaashii Maryama ayana way ku aqbashay. Nimco waa loo sheegay laakiin wax aan suuroobayn bay ka dhigtay. Inay iyadu xor u tahay ninka aroosiya bay ku afgobaadsatay, laakiin way ogayd inay tahay wax dhici kara. Guriga abtigeed sidii hore uma tagto, oo ma jecla inay aragto Xasan. Haddii lagu odhan lahaa labada wiil ee waaweyn kee dooran lahayd waxay odhan lahayd Xareed oo Xasan hoos uga yar, laakiin immika midna may doorateen ee Ilyaas buu wadnaheedu rabaa.

Xasan waa iska shabeelnaagood oo hablaha deriska oo dhan baa xantaas ku sheega. Mid kale waa bahal wagdo leh oo labbiskana ka dhintay. Marmar bay tiraahdaa, “ma kaasay hooyaday ii quuraysaa, wallaahay waa isxabaalli”. Fahiimo baa markii calaacalkii Ilyaas ka joogi weyday istiri saaxiibbada raadi si iyada iyo Cabdikariinna aanu culays u saarin.

Gurigii Nimco bay timi oo ku soo hungowday loona sheegay in ay jirto guriga abtigeed. Ilyaas habeenkii baa la saaqay, oo uu noqday nin Cabdikariin ka dul cataabaya. Quruxdeedii markuu xusuustaba waxa la hor keenaa xishoodkeedii, xubnaha kala shuban, dhexda ay xadhiga ku dhuujisay ee aad moodo inay jabayso, socodkii. Waa markii koowaad ee uu is yiraahdo qof kugu wacan baa jira. Ayana waatan cid walba labadii cisho nacday, ee shaatigii meel saaranba Ilyaas xusuusanaysa. Waa qalbiyo isu oomman oo aan is-ogayn. Fiidkii markay timi baa loo sheegay in gabar doonaysay.

Gabarta sidaa iyo sidaa u eg ma tahay? Ciddii bay weyddiisay. Markay xaqiiqsatay inay Fahiimo tahay bay marna faraxday marna xanaaqday. Mar way faraxday oo in Ilyaas uga warramayso amase wax ku saabsan u sheegaysay ka fekertay. Marna way xanaaqdoo in jaaniskaas wacani dhaafay bay ka ciishootay. Qolkeedii bay gashay. Shukadii bay intay si qaab daran meel u saartay guntiimo xidhatay. Ilaa habeenkii ay canbuurka xidhatay shukada way nacday. Dhowr buug bay midba meel ka soo saartay oo boorka iyo habaaska ka masaxday. Waxa ay u hagaajinaysaa jacayl iyo naxariis ay u qabto ma aha , ee waa inay aroorta ku marmarsooto saaxiibtay baa leh oo u geynayaa.

Nimco haddii hore ay uga fekeri jirtay saanbuuska iyo burka la dub hooyadaa, immika waxay ka fekertaa siday u xiri lahayd xarko ay guriga uga baxdo, oo guriga saaxiibaddeed ku aaddo. Maryama Xaaji Raafow oo barxadda hore gabar marti ah ku wada laydhsanayeen baa soo gashay “buugta oo wakhtigan aad wad wadaa maxaa tahay, iska jiifso gabartaydiiyey daal waad qabtaaye”. Intay darmuus ay rabtay qaadatay, “gabartan buug baa lagu falay, dugsigii haddii oo dhammaysayna ma dhaafi karto”.

Allaa xaal og.

Yaa u sheega in gabarteedu tii ay taqaanay aanay ahayn oo la helay. Nimco oo rabtay inay hooyadeed u sheegto in aroorta saaxiibaddeed u baxayso waxay ka shiixday martida joogta. Markii barqo dheer noqotay bay intay Nimco baati iyo shuko isu eg xiratay qaadday waddada hor marta huteel Shaamow. Yaa ku duuliya bay hoosta iska tiraahdaa. Farxad baa foolkeeda ka muuqata. Guriga rinjiga buluugga weeye. Markay jaranjartii koowaad cagta saartay ee labo u harsanyiin bay ogaatay inay buugtii ka timi, misay hoosta ka tiri “qushi” oo albaabkii GAW GAW ka siisay. Adeegto daaradda joogtay baa furtay, “abbaayo fahiimo may joogtaa?” “Haa, Fahiimeey? Hore u soco abbaayo.” Intay yeedhmo iyo soodhowayn ku qaabishay bay farta ugu fiiqday qol albaabku soo ceshanyahay. Iyadoo hubinaysa in cid la joogta iyo in kale bay faraha hore si yar ugu garaacday.

“Yaa waaye? Soo dhaaf.” Fahiimo oo kursi armaajada bidix ka xiga ku daawanaysa alban uu Cabdikariin u keenay baa sidaa tiri. Markay aragtay inay Nimco tahay bay intay fadhigii ka kacday oo isdhunkadeen tiri, “weey Nimco, seetay abbaayo?”

Sariirta jirjirkeeda bay ku fariisatay intay kursigii uga kacday Nimco. Haye warka i sii Nimco. Markay sidaa Fahiimo leedahay waxay ku faraxsantahay sida hawshii loogu diray ugu soo fududaatay ee Nimco ugu timi. Mid kale way ka fekertay oo ah in ay Cabdikariin wacdo si uu ugu yimaaddo oo ay u wada baxaan. Adeegtadii baa labo koob oo sharaab ah soo hor dhigtay. Fahiimo intay kacday bay albankii loo keenay ku soo dhawaysay saaxiibaddeed. Si ay u maaweeliso bay rabtaa, oo marba albanka halka la marayo iyo dadka ku jira bay u kala tilmaamaysaa. Lix jeer markay rogtay bay tiri, “qofkan ma kasaysaa, waa wiilkii habeenkii dhowayd. Waa wiil fiican”. Nimco ayaa si ay sawirka u sii fiirsato tiri, “kan muu ahaa? Fahiimo waxaa u furmay meel ay hadalkeeda ka bilowdo, si ay Nimco u fahansiiso Ilyaas wanaaggiisa iyo in uu yahay mid anfacaya.

Dib bay ka xusuusatay in Nimco ku fekerayso inay bilowdo dugsiga sare oo shuruudaas ku xirto, laakiin waxay isku qancisay in shuruud lagu xiri karin xiriir. Fahiimo aabbaheed waa qurbojoog, hooyadeedna gabarteeda uma diiddo ciddii guriga ugu imanaysa , sidaas awgeed waxay ku tashatay in Ilyaas iyo Cabdikariin guriga ugu yimaaddaan. Intay kacday oo armaajadii furtay bay ka soo saartay alban kale oo ilaa arooskii aabbaheed ku jiro. Markii ay dhawr sawir u kala tilmaantay bay aayar ka hoos baxday, oo qolkii talefoonku yaallay gashay oo wacday Cabdkariin xafiiskiisii. Warkii bay ku taabatay. Ilaahayow qof aan waxba ogayn ha cadaabin.

Nimco si ballaaran u fadhiisatay oo shukadii iska dhigtay. Marba sheeko, marba wax qosol leh, marba xusuusihii dugsiga iyo ardayda. Aayar baa albaabka la soo garaacay. Fahiimaa intay boodday tiri, “yaa waaye?”. Cod rag baa jawaab soo celiyey. Nimco intay naxday oo fadhigeedii beddeshay bay shukadii xidhatay. Fahiimana iska dhigtay mid kedis loogu yimid oo soo dhowaysay wiilashii. Kursi ku xigga ka Nimco fadhido bay tiri, “Ilyaas boowe halkan ku soo dhac,” Iyadoo sii raacinaysa “adiga kursi laguu dhigi maayee halkan soo fariiso.” intay garabka ka taabatay Cabdikariin.

Taabashada iyo hadalka ayaa laysku fahmayaa. Waa firaaqo sii oo ka soo fogoow isna wuu ku fahmoo sariirta girgirkeedii buu ku fariistay. Nimco oo sida kubbada iskuustay buu Cabdikariin yiri, “Nimco nimankan waa wiilashiina oo kale ee ha ka cabsoon, waar dee gabarta u sheeg Ilyaasow”. Ilyaas baa si cabsidu dariishada uga baxdo oo uu gabartu caashaqayna lib u siiyo yiri, “waxaas way ogtahay gabarteennu”.

Intay dhoolla caddaysay bay tiri, “boowe waa ogahay.” Fahiimo baa hoosta ka tiri “allele baga sidaas waa la rabay.” Xaggii albaabka intay Fahiimo u dhaqaaqday bay tii adeegtada ahayd u yeertay, “Feyleey maxee suubinaysaa”. Adeegtadiina intay ku fahantay in la leeyey cabbitaan keen bay tiri, “haye Fahiimo”.

Kaftankii baa sii ballaartay. Nimcana baqdintii iyo qaladii baa daqiiqad daqiiqad uga siibtay. Ilyaas baa marka Nimco kaftanka iyo ilaaqda lagu badiyo la saf noqnaya oo difaacaya. Dabcan difaaciisu waa qalbi xadasho iyo in uu shabaqa ku soo rido. Nimco aayar aayar buu qalbigeedii u sii janjeedhsanayaa, ilaa marmar ay iska dareentaba in Ilyaas dadkan oo dhan ka xigo. Saacadda sariirta dusheeda suran bay marba fiirinaysaa, bilaa hooya gurigii kaaga soo hor martaa? Maya maya wakhtigan sidee u timaaddaa. Ma dhici karto. Baqdinta haysa bay xal u raadinaysaa. Cabdikariin baa marba dhegta wax ugu sheegaya Fahiimo, dabadeedna Ilyaas baa odhanaya, “wax la qarqariyo qurun aan ku jiree maa naga dhaaftaan”.

Mar kale intuu sidii qof xantooda ka qallaynaya iska dhigo buu Nimco wax weyddiinayaa oo leeyahay anna adiga baan kula faqayaa. Adeegtadii baa keentay afar koob oo sharaab ah. Waa labo canbo laf laga sameeyey iyo laba muus iyo qare ka samaysan. Markii la cabbay buu Cabdikariin intuu jeebkiisa gacanta geliyey yiri, “oh furihii gurigayga baan xafiiskii kaga soo tagay, mise waa iga dhumay”. Intuu kor u istaagay, “ii sii fadhiya inta aan la xirin xafiiskii aan ka soo fiiriyee.” Markuu sidaa leeyahay fure dhumay ma jiro ee waa inuu ka yar baxo si Ilyaas iyo Nimco isugu keliyeysaataan, oo Fahiimana marba iska dhigto mid adeegtada wax u soo tilmaamaysa. Ilyaas wuxuu ka daba yiri, “ha daahin waa bixi rabnaaye.” Fahiimo baa yana tiri, “weligaa baad dadka cidlayn jirtay.” Iyadoo uga dhigaysa inay tagistiisa ka xuntahay. Intuu si miskiinnimo leh ugu soo foorarsaday buu yiri, “gacalo waa ku tuugayaa maanta qudha bes.” Waxaas oo dhan waa dhoollatus jacayl oo la tusayo Nimco.

Aayar aayar baa jacayl loo unkayaa. Waa Nimco oo Ilyaas la dhinac ah oo ka barmoostay gurigii Fahiimo. Jacaylka waa lays waraabiyaa. Ilyaas meheraddiisa dusha ayuu ka ilaaliyaa oo shaqaale kale baa uga shaqeeya. Gacalladiisa buu cidlada ka ilaaliyaa oo uu intaas leeyahay “daaddah kaalay dibadda baro.” Intaas waxa u soo raacda aabbihii oo uu arrimo gacansi marba u soo dhammeeyo. Waa dad isyeeshay. Waa taas mar kasta tebaysa ee garabkeeda ka eegaysa Ilyaas. Waa hore baa ugu danbaysay buug la akhriyo, saanbuus la dubo, iyo suuqa oo hooyadeed laga nasiyo.

Allow alle.

Jacaylku ma sidan baa?

Ahey ah!

Illeen nolol qaraar baan ku jiray.

Alloow adigaa iga saaray.

Waxaas iyo wax kale bay hoos isugu leedahay. Xeebta Liido bay ugu jeceshahay meel lagula caweeyo. Haddii markii ay Ilyaas isbarteen ay ka soo horjeesan jirtay, imika garabkiisa bay marba luqunteeda ku soo seexisaa sidii qof yar oo aan fadhiga xamilayn. Wax u kala baydhsani ma jiraan, oo waxay ku noqotay hal maqaar loo dhigay. Jidhkayga iyo naftaydu adigay ku oggolyihiin bay qaadaysaa. Haddii markuu gacanteeda qabto ay kala carari jirtay immika sida magnadka bay tiisa ku soo cararaysaa. Dhoosha ayuu Ilyaas ka qoslaa isagoo isu bogaya. Guriga saaxiibaddeed waxay u timaaddaa markay “shukada xun” ku tuurayso ee canbuur ama goonno ka xiranayso. Maryama Xaaji Raafow waa taas yaabban waxa gabarteedii ku dhacay, laakiin marmar waxay isku qancisaa in gabarteedu hadda weynaatay—haddana cabsi kale baa gasha.

Labadan cisho Ilyaas mashquul baa galay, laakiin gacalisadiisa wuu u sheegay in aabbihii yimid oo hawsha ganacsi cusub ay wadaan, balse Allaa wax og. Marba booqasho yar oo uu laabta ugu qaboojinayo buu ku soo maraa. Qudheedu si weyn bay ugu kalsoontahay Ilyaas. Dad kala shaki qabi kara ma aha, waayo iyadu way isdhiibtay isaguna wuu og yahay inuu yarta xawishay. Abuukar dhawr iyo toban sano kuma soo noqon Xamar. Intii islaantiisa Muumino—Alle ha u naxariistee—noolayd waxay isku seegeen waxa uu hal mar u soo laaban waayey, waxayba uga shakiday inuu gabar kale meeshaas ku aroosay. Dad kale baa ka sheegi jiray warar ah in Abuukar aanu waddanka soo geli karin oo loo haysto qalalaasaha Xamar ka taagan inuu ku lug leeyey. Iyagoo aan is-arag bay marxuumaddu geeriyootay, welina sidii baanu u soo laaban. Ilyaas caashaqiisu hammuuntii hore buu ahaa, wixiisuna waxay jabeen habeenkii intay magaalada koonaheed qabteen ee intay dabka shiteen dhabtiisa uu ku seexiyey sidii ilmo yar, ee uu gacantiisa dhabankeeda ku salaaxayey. Iyaduna marba ay lahayd naga daa, Iyadoo sii jeclaysanaysa. Horaa loo yidhi dumar ‘diiday’ loogama tago.

Ilyaas meheraddii iibi. Waa arrin ka timi aabbihii Abuukar. Qudhiisu kumuu qanacsanayn meheraddan yar, wuxuuna u arkayey wax aan u qalmin. Abuukar mar haddii gabartiisi la aroosay oo aan maanta loo baqayn, waa in wiilkiisa Ilyaas kala shaqeeyo Koonfur Afrika (South Africa). Hawshaasi waa hawl dhammaatay. Nimcana marba wejigay dhaashi ku masaxaysaa, oo leedahay arooskaagu waa bil ka dib. Allaa xaal og. Waxaa la odhan jiray, “Quud aan jirin qorya u guro”. Intii uu anbabaxa ku jiray dhawr habeen la baashaal oo marba Liido u dabaal gee. Subax Khamiisa oo ay sugayso kalgacalkii Jimcaha la dhansiin jiray kaga nixi. Waa kaas shaatigii ay jeclayd ee guduudnaa iyo surwaal jeega ah xidhan ee sidii ay jeclayd baabuur ku qaaday. Wejigiisa ka dhig mid wax ka khaldan yihiin, iyaduna intii jidka la sii socday marba tiri, “Ilyaasow maanta maxee khaldan? Maa ii carooneysaa? Waa ku tuugaa ii sheeg boowe.” Isna ugu laab qabooji, “Ha ii cabsoon ani lee ku warramiye”.

Marka ay magaalada ka yar baxayaan waxay Nimco ka heshaa inay baabuurka dhexdiisa iska joogaan oo ku sheekaystaan. Sidii ay jeclayd buu sameeyey oo intuu kuraastii dib u fidiyey ay ku dhacdiidsadeen.

“Nimco i maqal, gacalo. Aabbo ayaa i soo wacay waxa ii sheegay in uu buko, anna waxa go’aan ku gaaray in soo eego oo soo noqdo, taas aa rabay inaan kuu sheego. Bes fiiri aniga ma kaa maarmo oo waa kuu soo dhakhsanayaa.” Ilyaas baa sidaa yiri, isagoo gacanteeda ku haya labadiisa gacmood indhihiisana kuweeda ku beegaya. “Ax!” intay tiri bay wejigiisa hoos uga jeesatay. Intuu gacantiisa ku qabtay gadhkeeda oo wejigeeda kor u soo qaaday oo  illin shax ka soo tiri ka masaxay ayuu yiri, “Macaanto aamus yuu madaxu iga kaa xanuunine.”

Waa laysku calaacalay oo laabta lays gashaday, oo laysla sii ballamay. Ballani waa innoo halkii iyo bisha danbe baa laysugu dareen dejiyey. Laakiin xaalka Ilyaas waa “waxna Allaa og warna anaa og.” Arooska loo ballansan yahay wax uu la maqan yahay ma jirto, oo wax Ilyaas ku dedejinayaa ma jiraan. Wax ku dedejinaya ma ahee wax uu soo kordhinayo in aanu jirin buu isku qancinayaa, waayo wuu haystaa oo weliba si fudud loo helayaa cunto afka laysugu guro, shumis laysku miyir beelo, taabasho xaadda kicinaysa, laab laysku qabto, ciyaar iyo maaweelo, iyo hadal macaanba. Laakiin Nimco waa taas har iyo habeen qorshaynaysa aqalkeedu qaabka uu noqonayo, habeen arooskeeda, asxaabteeda oo ka makhruuqsan, Ilyaas oo markasta xaajadeeda u gudaya, iyo wiilkeeda curad waxay u bixin doonto.

***

Maalmo soconaya, xiiso iyo kalgacal aan mar nasanayn. Maalintu waxay ku noqotaa labo, saacadduna kala badan saacaddo. Kii i dhayi jiroow ii kaalay bay qaadaysaa. Guriga Fahiimo bay dhex fadhidaa oo telefoonka dhowraysaa, labaatanka cisho maalin baa dheer welina hadal lagama hayo Ilyaas. Sheekooyinka waxay ugu jeceshahay kuwa Ilyaas ku saabsan ama labo sidooda oo kale kala maqan oo is-helay. Hurdo sidii uu safarka u galay bay iyadana uga gashay. Marka ay baabacadeeda ku qabato baabacada kale ee gacanteeda, bay gashaa xusuus fog. Waxay ka dhigtaa Ilyaas oo sidii uu samayn jiray gacanteeda intuu dulsaaray tiisa marna xoog ugu qabanaya marna aayar isku ku dul salaaxaya labada gacmood. Haddii malabku macaan yahay xusuustayada ayaa ka macaan bay ku heesaysaa. Wataas saaxiibaddeed ka dul cataabaysa ee leh boog-dhayahaygii meeyey, laakiin Fahiimo waxay leedahay markii aan sheeko baradka ahaa baan sidaa ahaaye hays hawline xabbad kale Xamar ka dulqaado. Marar bay tustaa sida loo daba yaacayo iyo baabuurta guriga hortiisa isku cidhiidhiyey, illeen waa gabadh og in aan saaxiibaddeed loo soo socone. Marna intay ilgo’eeda ka naxdo bay u maaweelinaysaa sida carruurta. Markay dibadda u yar bixiso baa Nimco wax u dhawaaqayaan oo odhanaysaa intii aad baxday buu Ilyaas ku soo wacay. Sheekooyinka iyo qosolka dadku meel kale ayuu ka dhaafayaa. Waxay qaadaysaa: “Waxan ahay joogahaas maqanee, waxan ahay maqanahaas joogee”.

Daawe finiinay oo ur qarmuun bixinaya baa sanka loo saaray. Saanbuuskii bay waxa cuna iyo waxa iibsanaya habaar u raacisay. Qolka baas bay sidii doolli ku bakhtiyey madaxa kala soo cararaysaa. Markay afar jeer matagtay bay xusuusatay wax baas. Qaadqaadistii iyo sacabbo isku salaaxii ay xusuustooda ku raaxaysan jirtay bay ka naxday. “Alla dhumayeey”. Maya maya malaa dacar baa igu kacsan. Mar ay isqaboojiso iyo mar ay xusuuso baasaysato bay maalmo badani ku socdeen. Waa taas sidii ri’ dhicisay oo abaari heshay noqotay, ee quruxdii ka nabaadguurtay. Siday waddada Taleex u sii haysay marna u soo haysay bay lugo birqaaba yeelatay. Deriskii yaab oo qofkii arkaba dib uu uga istaag. Maryami dhabanka iyo gacanta bay isku haysaa oo leedahay: “Tana ma u danbaysay gabartaydii”.

Gabarteedii guriga u fadhiday ma saalloona oo sidii jin dardaray waa taas kalxamaha dhaadheer yeelatay, ee wejiga barkinta ku qarinaysa. Wadaaddadii toddobada cisho fadhiyey ee Qur’aanka saarayey waxooda waxba ka socon waaye, oo candhuuftan ay dusheeda iyo baaquliga ku tuftufayo bay cudur kale ka qaaday. Marka dhakhtar la soo hadal qaado bay sasaysaa oo leedahay, “Ma rabo, ma rabo ee i dhaafa”. Markii danbe baa abtigeed Jilicow loo wacay si dhakhtar loo geeyo oo dhiiggeeda loo eego. Dhakhtarow lagu waa bay hoosta ka leedahay Nimco. Inta la sii wado in wadkii soo booqdo bay ka jeceshahay. Hoostay mar kale ka leedahay, “Xabbad la soo riday may caloosha juq kaa tiraahdo”. Waataas sidii dhiidhiiyo iyadoo uur kuusan dhakhtarka hor fadhida ee Maryan Xaaji Raafoowna kursi ka soo horjeeda fadhido.

“Hay baarin dhakhtarow! Hay baarin waa ku tuugayaaye. Hay baarin ma rabee”. Sidaas bay ku celcelisaa iyadoo indho godkoodii ku fogaaday illin ka soo dareerinaysa. Qolkii yaraa ee aamusnaanta lagu soo galay baa baroori ka bilaabantay. Maryami waa taas waqooyi qumman u sii rooraysa iyadoo shalmad guduudani madaxeeda saaran tahay, Nimcana waa taas koonfur u sii luudaysa iyadoo dacas dhaadheer xidhan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *