Home / Mux39-Okt17 / Faan Rag iyo Fiiro Dumar
©Maxamed Cartan

Faan Rag iyo Fiiro Dumar

Waa saddex wiil. Waa guur-doon. Waa loollan. Gabadhu waa Shukri. Garasho leh iyo garsoor. Waa bilic muuqato iyo billad loo tartamo.

Shukri waxa ay maalmo badan soo dhegaysatay oo ay mid mid ula fadhiisatay wiilashaan. Maalinkii danbe ayay go’aansatay inay saddexda wiilba hal meel isugu keento—oo ay tijaabiso.

Waa galabnimo iyo barxaddii Taallada Daljirka Daahsoon. Saddexdii wiilba hal hal ayay u yimaaddeen. Shukri wiilashii ayay isbartay.

“Ragow i maqla,” ayay tiri. “Noloshu way qallafsan tahay. Nin isdabbari karo ayayna ku habboon tahay in lala qeybsado.”

Nuur kulleetiga ayuu kor u jiiday sidii qof muujinaya kalsooni iyo karti dheeraad ah.

“Galabta waxaan xulanayaa lammaanahayga nolosha,” ayay tiri Shukri. “Waxaanse rabaa in aan ogaado qof walba dhibtii ugu darneyd ee uu nolosha soo maray—iyo siduu uga baxsaday. Horaa loo yiri raggu jabkiisuu ka sheekeeyaa. Haye, yaa wax isku hayo?”

Isla markiiba waxaa isa soo maqiiqay Nuur.

“Aniga i dhegayso,” ayuu yiri Nuur. “Ifka kama helaysid cid iga karti badan. Noloshaan aqaan—iyo sida la isu dabbaro.”

“Bal haddaba soo daa,” ayay tiri Shukri. “Markii aan mid mid idiin dhegaysto ayaan ugu dambeyntii jawaab idin siin doonaa.”

“Gabbal-dhac iyadoo la joogo,” ayuu hadal ku billaabay Nuur, “ayaan adeerkay oo bakhaarle ah ka soo qalqaalsaday inuu ii dhammeystiro lacagtii tahriibta ee la ii soo qaaraamay intii ka dhinneyd. Wuxuu i yiri waan ka soo fekeraa. Lacag gaari-raac ahuu i soo siiyay, laakiin waxaan is dhahay dhaqaaleyso si aad ugu daawatid filin cusub oo soo baxay habeenkaas. Waan iska soo lugeeyay. Mise cabbaar ka dib waxaa luuq iiga hor yimid raxan eeyo dad cun ah. Way isoo bursadeen. Eydii oo sidii ii soo bursanayo ayaan laamiga weyn ku soo dhacay.

Waxaan arkay gaari waddada socday. Gacantana u taagtay. Inkaarqabe dhallinyaro ah ayaa waday. Wuu ii istaagay. Wuxuu igu yiri gaarigaan hal mar ayaan joojiyay, mar labaadse ma joojinayo. Waxaan iri waayahay oo mar uun eydaan iga fogee walaalow. Ilbaabka markii aan lugta labaad sii geli damcayba kabtii waxaa igala baxay ey dhareeraayay oo indho guduudnaa. Horaan ka xirtay ilbaabkii gaariga. Markii aan eydii ka soo fogaannay ayaan u duceeyay inkaarqabihii, oo iri walaalow gaariga ii jooji aan degtee.

‘Saaxiib gaarigan lama joojinayo,’ ayuu igu yiri. Horaan kuugu digay.’

‘Waayahaye goormaad joojin doontaa?’ ayaan iri.

Suuye, ‘Markii aan fuliyo camalka barakeysan—oo aan madaxtooyada gaaro.’

Camalkee barakeysan? ayaan iri anigoo indhaha galka ka bixinaya—tuhunna i galay.

Iima uusan jawaabine wuxuu kor u feeday funaanaddiisa sidii qof ku faanayo six pack. Mise waaba bambooyin ku xirnaa calooshiisa. Wadnahaa afka i yimid.

‘Walaalow i deji,’ ayaan iri anigoo naxdin la dubaaxaynaya. ‘Waan ku tuugaa.’

‘Ashahaado saaxiib,’ ayuu igu yiri. ‘Madaxtooyadii way soo dhow dahay.’”

‘Ashahaado aah?! Anigaa?!!’ ayaan la soo booday.

Ima uusan fiirinayn, wuxuu indhaha ku hayay laamigii dheeraa.

‘Walaalow xitaa igu celi eydii iyaga aanba orod uga baxsadee,’ ayaan ka baryay. ‘Intaas lee asxaan iigu samee.’

Inkaarqabihii iima jawaabin.

Waxaa iga soo daatay duuf iyo illin. Saa waxaa ii soo muuqatay sartii madaxtooyadii. Ciidan amisom iyo kuwo Soomaaliyeed ayaa hor tubnaa. Wiilkii inta sheellaraha ku sii istaagay ayuu bilaabay inuu dhaho Allaahu Akbar. Allaahu Akbar. Anna intaan indhaha isku qabsaday ayaan Ilaah ka baryay in hadduu iga badbaadiyo mixnaddaan aan joojin doono gabdhaha badan ee aan u sheekeeyo.

Isla markiiba wuxuu Ilaah igu toosiyay inaan ilbaabkii iska furo oo aan bannaanka isku tuuro. Inkaarqabihii ima arkin, wuxuuna weli ku qeylinayay takbiirta isagoo burursan. Baas iyo baasuuke ayaa lagu furay. Isagii oo aan gaarin madaxtooyada ayay dileen.

Jabkaas ayaan ka soo dabaashayee nimaan nolosha jab ka soo marin yuusan Shukriyeey kuu sheekayn.”

“Sheeko iga dheh,” ayay tiri Shukri. “Haye, yaa ku xigo?”

Macow dib-dib ayuu isu reebay—oo isqaafiyay. Cali-Xariif ayaa soo baxsaday.

“Wuxuu sheegaayo taano ma joogto,” ayuu yiri Cali-Xariif. “Aniga iga dhegayso dhibta aan nolosha ka soo maray iyo sida aan isku dabbaray.”

“Bal haddaba soo daa,” ayay tiri Shukri.

Cali-Xariif wuxuu hadalkiisa ku bilaabay, “Shaqo-doon anigoo ah ayaan tahriib ku galay Sacuudiga. Waan iska lugeeyay. Habeennimo ayaa la galay. Harraad iyo tabar-darro ayaan la socon waayay. Waxaan ka soo dul dhacay tuulo yar.

Gurigii iigu horreeyay ayaan ilbaabkiisa garaacay oo aan biyo weyddiistay. Waxaa iga furay nin maseyrlow ahaa. Markii uu arkay ninkeygaan madow ayuu la soo booday seef u surneyd derbiga. Oo i ceyrsaday isagoo leh xaaskayga dartaada ayaan magaaladii uga soo rarayee tuuladana ma iiga daba timid?

Intaan sasay, oo tabar aanan laheyn iska raadshay, ayaan labo luuq ka dhex dusay. Markii aan ogaaday inuu iga haray ayaan laamigii dheeraa cagta soo saaray anigoo hinraagayo. Waan cabsanayay. Saa waxaa gadaasheyda ka soo ifay nal gaari.

Anigoo naf ah ayaan gaarigii u istaagay bartankii waddada. Gaarigii wuu ii istaagay. Intaan sidii qof sarqaansan u soo dhaqaaqay ayaan darawalkii weyddiistay biyo aan cabo. Mise waa askar Sacuudiyaan ah oo uu hor kacayo ninkii maseyrlowga ahaa. Anna sidii inuu dhulku igu dhegay ayaan tallaabo rogi waayay. Askartii ayaa sidii haaddii iigu soo degatay. Waxaana ilbiriqsi gudihiis arkay anigoo dhex jiifo sagxaddii gaarigii ciidanka. Dharbaaxo iyo qanjaruufo ayay igu billaabeen. Kii maseyrlowga ahaa ayaa ii soo baxsaday oo hal feer ahna sanbuuqada igala helay. Miyir markaas ayaa iigu danbeysay.

Waxaan soo kacay anigoo dhex jiifo sagxaddii gaariga, oo ay ciidankiina salaaddii cisho ku jiraan meel waddada geeskeeda ah. Qalbadda waxaa iga taabtay cod macaan oo uu maserylowgii ku akhrinayay Faatixada; wejiguna wuxuu la kaarayay feerkiisa. Intaan si tartiib ah uga degtay gaarigii, oo buraashad biyo ah horey u sii laacay, ayaan waxaan gaarigii kala baxay furihii. Meel mugdi ah ayaana ku tuuray. Markaasaan soo baxsaday oo waxaan Ilaah ka baryay haddii aan guuleysto inaan gudi doono xaqa gabdhihii aan soo furay. Wuxuuna Ilaah ila kulansiiyay darawal Soomaali ah oo ku tukanaayay masjid aan isku qarinaayay.

Nuurna kulahaa eeyo ayaa i soo bursaday. Wadaayow nin waddankiisa uu libaax ku ceyrsaday wuxuu dhaammaa nin ay bisad ku ceyrsatay waddan dadow. Libaax dalkaaga joogo wuxuuba yaqaanaa haddii aad yur iska dhahdid, laakiin bisad joogto dal shisheeye yaa og inay yur u taqaanno kaalay i ceyrso oo i cun?”

Shukri qosol ayaa ka soo fakaday. Nuur iyo Cali-Xariif waxa ay wada eegeen Macow.

“Wadaayga tookadaada waaye,” ayuu yiri Nuur. “Wax ma isku heysaa?”

Macow ma uusan jawaabin. Calyaduu liqi la’yahay. Waxaa ku dhagey hadalkii.

“Macow waa markaaga,” ayay tiri Shukri. “Bal jabkaaga nooga sheekee iyo sidaad isku dabbartay.”

 

“Shukri ani adi lee ku jeclahay,” ayuu Macow cod qafiif leh ku yiri. “Ani belaayo aan sheego ma haayi.”

Waxaa qoslay Nuur iyo Cali-Xariif.

“Duqa meesha isaga dareer,” ayuu yiri Cali-Xariif. “ha nagu noqon il-fuur.”

“Orod hooyadaa gabar ii doon dheh,” ayuu daba dhigay Nuur oo qoslayaa.

“War wiilka daaya,” ayay tiri Shukri. “Ma idinkaa u yeertay? Macow, noo sheeg mar uun aad dhibtootay iyo sidaad uga baxsatay.”

“Ani horta subaxdii harqaanle aan ahay,” ayuu yiri Macow. “Galabtiina ummaayadeey aan suuqa bajiye u geeyaa.”

Markuu intaa yiri ayay Nuur iyo Cali-Xariif is eegeen, misana qosol isu cammireen.

“Macow wiilashaan ha u bixin,” ayay tiri Shukri. “Sheekada ii wad.”

Macow wuxuu haruufay Nuur iyo Cali.

“Anina waxay ummaayadeey igu deysay,” ayuu yiri Macow, “inaan sameeyo bisbaaskii lagu cuni lahaa bajiyaha. Alxaasil anoo galabkoo riiqaayo bisbaaskii aas isha iiga faniinay.”

“Markaasna?” ayay tiri Shukri. “Markii uu bisbaaskii indhaha kaa galay maxaa ku xigay?”

“Hee maxaa ku xigi lahaa?” ayuu yiri Macow oo yaxyax la carooday. “Ashuunkaan ku cararay, biyo qabow aan shabkax ku siiyay indhaheeyga, ummaayadeeyna way iga afuuftay.”

“Ha kaa saarto,” ayuu yiri Nuur oo jeesjeesaya.

“Macow ha u bixin,” ayay tiri Shukri. “Noo dhammeystir sheekada.”

“Markaaseetina bajiyihii aan suuqa u qaaday,” ayuu yiri Macow, “laakiin hee galabkaasoo dhan ishaa i balbaleesay. Bisbaas il ku qubtay mashaqo lee waaye. Markaan bajiyihii soo gadaa soo noqday. Kuwoo banooni ku baashaalaayo aan la cammirtay. Cabbaar ka bacdina mininka aan soo aaday. Gudihii markaan dalaq dhahaa damcay inaan beesadii siiyo ummaayadeey. Laakiin maxaa ii dhiibataa ka dhacday, jeeb-siibaa laygu sameeyay. Kud aan isku dhahay. Dhididkii ummaayadeey beerdaraas noqday. Waa i murjiyeen kuwii i jeeb-siibay. Bes waaye ani.”

Macow wuu aamusay. Wuxuu eegayay Shukri.

Baravo!!” ayuu yiri Nuur oo sacbo-tumaya. “Baravo, Macow! Kafantaada ayaad gacanta ku tolatay.”

“Ar idinkana waad i murjiseen,” ayuu yiri Macow oo ku xanaaqay Nuur iyo Cali-Xariif. “Shukri calaf anaa u lahaanaayo. Booto booto jaceyl laguma helo.”

Waxaa hadalkii daftay Shukri, oo go’aankii ugu danbeeyay dhiibtay.

“Dhallinyaro i maqla,” ayay tiri Shukri. “Waxa aan kulankaan isugu kiin yeeray si aan u xusho lammaanahayga nolosha. Nuur, aad baan uga helay sheekadaada iyo sida aad uga soo baxsatay qaraxii shabaabka. Cali adigana salaan ayaanba kuu taagay, oo dalmar ayaad tahay. Macow, meesha waxba kuma heysid, oo jabka aad sheegtay waa mid raqiis ah.”

Macow loox soo taagan ayuu noqday. Waxaa ka tagay tabartii iyo nashaadkii ruuxda. Quusna ku sigtay. Nuur wuxuu mar kale kor u jiiday kulleetigii shaatigiisii isagoo isqaadqaadayo. Cali-Xariifna wuxuu il-biriqsiyo ku dhuftay jaas iyo qoob-ka-cayaar.

“Nuur,” ayay tiri Shukri, “jabkaaga ka sheekaysaye hayeeshee waxaad jabisay hankii aan kuu qabay. Markii aad Ilaah barisay waxaad ku duceysatay inaad joojin doontid gabdhaha badan ee aad u sheekaysid. Haddaba aniga Shukri ahaan xiise iyo maaro uma hayo sheekeeye gabdho-shiriye ah. Iga raalli noqo wiilyahow.”

Nuur afkaa kala tagey. Sas iyo filanwaa. Juuqna ma oran.

“Cali,” ayay tiri Shukri, “markii aad Ilaah gacmaha u taagatay waxaad ku duceysatay inaad xaqooda siin doontid gabdhihii aad soo furtay. Nin xaasas hore dhaqan waayay uma maleynayo inay nafteyda ku xasileyso. Iga raalli noqo wiilyahow.”

Cali-Xariif ma nixine madaxa ayuu iska xoqxoqday. Nuurna wuxuu ku farxay wixii lagu dhigay Cali-Xariif.

“Macow, markii aan sheekadaada dhegaystay,” ayay tiri Shukri, “waxaa ii soo baxday inaad tahay wiil jecel inuu shaqeysto oo iimaan ku qabo inuu dalkiisa ku qado ama ku dhergo. Xirfadna waad leedahay. Waxaad kaloo tahay xalaal miirad aan ku nooleyn shaxaad iyo booto.”

Waxaa is-eegay Nuur iyo Cali-Xariif.

“Macow,” ayay tiri Shukri, “adigaa ah halyeeyga aan raadinaayay.”

Macow neecow qabow ayaa laabtiisa dhex mushaaxday. Oo farxad la boodbooday. Intuu hoosta ka galay Nuur iyo Cali-Xariif ayuu shafka ku riixay, oo misana riixay. Iyaguna dib-dib ayay tallaabada u rogeen. Saa wuxuu u soo jeestay Shukri.

“Shukri sharaf badaneey,” ayuu yiri Macow, “soo baxba ummaayadeey aan ka soo farxiyee galabtaan.”

Macow oo hor kacaya Shukri ayaa hoos uga daadegay jaranjaradii Taalada Daljirka Daahsoon. Waxaa isku soo haray Nuur iyo Cali-Xariif.

“Waryaahee Cali,” ayuu yiri Nuur, “waan jabnayee maxaa talo ah?!”

“Horta adiga gabar ma kula dhalatay?” ayuu yiri Cali-Xariif.

Check Also

Ma Ogtahay in Darajada ugu Sarayso ee la gaaro ay tahay in Bulshada loo adeego?

Dhammaan aadanuhu waxa uu ka siman yahay jacaylka darajo sare iyo sumcad. Qof walba waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *