Home / Faallo / Qorshayn

Qorshayn

Inta badan, marka wax la qorshaynayo waxaa caado laga dhigtaa in ‘bar-bilaw’ ilaa ‘bar-idlaad’ loo kala goosho. Tani waxa ay ka dhigan tahay in loo ruqaansado dhanka uu kaa xigo yoolka aad higsanaysaa. Sidani ma qaabka keli ah, uguna habboon, ee wax loo qorsheeyaa? Daraasad cusub ayaa ku andacoonaysa lidka.

Cilmibaadhayaal ka socda Jaamacadda Peking dugsigeeda ganacsiga, Jaamacadda Korea University Business School, iyo Jaamacadda Iowa, ayaa ka wada shaqeeyay daraasaddan. Waxa ay shirrabeen arday kala geddisan, oo isu diyaarinaya imtixaanno. Qaar ka mid ah ardaydu waxa ay wax u qorsheeyeen bilaw ilaa dhammaad. Waxa ay ku horreeyeen tallaabooyinka ay iminka tahay la qaado, ilaa laga gaadhayo tallaabada u danbaysa ee yoolka kugu ridaysa. Kuwa kale waxa ay u qorsheeyeen rogaal, gadaal baanay kaga yimaaddeen qorshihii. Waxa ay ku horreeyeen tallaabooyinka yoolka ugu dhow, jeer oo ay ku soo dhawaadeen tallaabooyinka iminka ay tahay in la qaado.

Waxaa daraasaddan lagu ogaaday in qorshaynta rogaalka ahi ay ka waxtarsan tahay qorshaynta tooska ah, siiba marka la qorshaynayo hawlo kakan. Tusaale ahaan, marka la qorshaynayo laylis culus oo dugsiyeed. Waayo, ayaa ay ku doodeen aqoonyahanku, marka qofku uu qorshihiisa ka soo bilaabo tallaabada u danbaysa ee uu qaadayo iyo sida lagu gaadhayo; dabadeedna uu ku danbeeyo tallaabada iminka ay tahay in uu qaado si uu jidkaa u maro, waxa uu qorshaynayaa guul. Taa beddelkeeda, haddii qofku tallaabada iminka uu ka bilaabo qorshaynta, waxa uu ku dhammaysanayaa werwer iyo sidii uu uga fakan lahaa khasaare; balse ka hore waxa uu ka fekerayaa sidii uu guul u haleeli lahaa. Farqigu halkaas ayaa uu ku jiraa. Midkood werwer baa hagaya, midna yididdiilo.

Hawlaha kakan, sida tijaabada daraasaddu adeegsatay, ardayga rogaalka qorsheeyaa waxa uu fursad u helayaa in uu si cad u kala garto tallaabooyinku sida ay u kala mudan yihiin; dabadeedna waxa uu si dhib yar uga kala gudbayaa tallaabooyinka, isaga oo ka saxar la’aanaya in uu ku lug go’o tallaabooyin laga door roon yahay. halka ardayga sida caadada ah wax u qorsheeya, ee u qaata in tallaabooyin tiraysani gaynayaan yoolkiisa uu xoogga saarayo ilaalinta sida ay isugu xigaan tallaabooyinku halkii uu ka eegi lahaa sida ay u kala muhiimsan yihiin tallaabooyinku. Sidaa oo kale, ardayga qorshayntiisa rogaal ku galaa, waxa uu jaanis u helaa in aanu diiqad ku dareemin waqtiga; waayo meesha u cad ayaa ka xooggan meesha ka madaw. Kan kalese, culays iyo cadaadis keeni kara walaac ayaa uu la noolaanayaa, waayo meesha ka madaw ayaa ka badan meesha u cad!

Tixraac:

Jooyoung, P., Lu, F., Hedgcock, W. (2017). Forward and Backward Planning and Goal Pursuit. Psychological Science. DOI:10.1177/0956797617715510

Check Also

Haysasho iyo Hayn

Faysal oo magaalo ku weynaadey ayaa markuu 17 sano jirey u caano doontay miyiga oo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *